SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL
Daabaco Boggan | Print


  • Hambalyo Iyo Bogaadin Hogaanka cusub Ee Puntland

HAMBALYO iyo TAAGEERO

Anigoo  ku hadlaya  magacayga   iyo  magaca beeshe talxe ee rer sade  ayaan halkaan waxaan hambalya   taageera  uga  diraynaa   madaxweynaha   cusub ee  dawlad gabaleedka  pl   mudane cade muuse iyo ku xigeenkiisa xasan daahir af qurac 

 
waxaan kaloon ku faraxsanahy  sida ay u dhacday doorashada  xaqa ah  ee xushmada  iyo  kala danbaynta  iyo geesinimadii uu  ay muujiyeen madaxweynihii hore maxed  c/ xaashi  iyo ku xigeenkiisa   maxed   cabdi  yuusuf gaa gaab  oo ay ku qanceen  doorashadii    una ilaliyeen sharcigii ay dhigteen kuna wareejiyeen xilkii  maamulka la doortay wana arin taariikhi ah  oo  ku dayasha mudan .

Hadaba anagoo ah beeshe talxe sade waxaan leenahay  cadoow ilah hakula  garab gala   xilka  laguu  dhiibay oo noqa kii  u horseeda  pl  nabad iyo horumar  iyo  wax barsha san  iyadoo  lagu ogaa pl   mudooyinkaan meel aad u wanaagsan marka   la eega  koonfurta soomaali. sidoo kale waxaan faraynaa madaxweynaha  talooyin: ilalinta midnimada iyo wad shaqaynta  dadka  ku dhaqan pl iyo ilaalinta xeebaha   pl iyo  wada shaqaynta  beelaha soomaaliyeed

wabilaahi tow fiiw
 
bye yuusuf maxed bayoow 
af hayeenka beesha  talxe  sade

yuusuf500@hotmail.com

Hambalyo Iyo Bogaadin Hogaanka cusub Ee Puntland

Kadib doorashadii dumuqradiga ahayd ee ka dhacday xarunta dawlad goboleedka Puntland ee garoowe ayaa waxaa shir balaaran oo loogaga hadlayo hogaanka cusub ee Puntland ku yeeshay magalada karachi ee dalka Pakistan hay'ada hurumarinta wax barashada Puntland ee PEDO... 

Shirkaan balaaran oo ka dhacay madaxa xafiiska hay'ada PEDO ee karaachi ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin sar sare  oo kamida hay'ada horumarinta wax barashada Puntland iyo wiliba marti sharaf kale oo badan..... 

Shirkaan ayaa ujeedadiisu ahayd sidii kalsooni buuxda loo siin lahaa hoganka cusub ee wadanka hada la waregay iyo wiliba sida mahad celin balaaran loogu  soo jeedin lahaa maamulkii hore ee uu madaxa ka ahaa madax wayne Mudan Maxamed Cabdu Xaashi. 

Kulan kaan balaaran ee ay isugu yimadeen Hay'ada hurumarinta wax barashada Puntland ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale Gudoomiyaha Hay'ada  PEDO Mudane C/raxman Farax Cali(Sudeysi)  oo hanbalyo iyo bogaadin u diray maamulka cusub, ugana mahad celiyey maamulkii hore sida wanaag san ee dumuq raadiyadu ku jirto isla markaasn tariikh galka ah ee loosoo abaabulay doorashada ka dhacday xarunta dawlad goboleedka Puntland ee garoowe. 

Isku soo wada duuboo waxaa dhamaan si wayn looga soo dhaweyey doorashada Puntland dhamaan gobolada ku yaal dalkaan Pakistan  iyada oo ardaydu usoo jeediyeen maamulka cusub in ay wadanka kusoo dabaalaan jawi hurumar iyo kala danbayn. 

Sidoo kale  waxaa uu mamulka hay'ada PEDO balan qaaday in uu si buuxda ula shaqayn doono maamulka Puntland kana qayb qaadan doono tilaabo kasta oo ka dhan ah hurumarinta iyo xasiloonida Dawlad goboleedka Puntland iyo shacab keeda. 

Hay'ada hurumarinta Puntland ah ayaa ah hay'ad iyadu kaligeed sitoosa ugu heelan hurumarinta shacabka Puntland, iyada oo sanadadii lasoo dhaafay sitoosa uga qayb qadan jirtay sidii xal loogu heli lahaa baahida wax barasho ee ka jirta wadanka gudihiisa. 

Ugu danbayntii duqaydii iyo wax garadki kasoo qayb galay kulan kaan ayaa duceeyey mamulka cusub, allahna uga beryey inuu noqdo mid xilkiisa sidoo loo bahna uguta, iyago ugu baaqay madax waynaha Puntland Gen. Cade Muse xirsi iyo madax wayne ku xigeenka Puntland xasan dahir afqurac kuwoo xilkooda u guta si alle ka baq iyo kujiro. 

Mohamed AbdiNur Ahmed 
Information Officer            
Puntland Education Development Organization
Karachi Pakistan     
Tel# +923003567173       
Web: http://www.pedonet.com  
Email: Mohamed_zeki@hotmail.com  


JAALIYADDA UK O HAMBALYO TAAGEERO IYO TALO UDIRAYSA MADAXWEYNAHA PUNTLAND 

Annagoo ku hadlayna magaca Jaaliyadda Sool Sanaag iyo Cayn ee dalka UK waxaannu Hambalyo iyo Taageero buuxda udiraynaa madaxweynaha cusub ee Puntland Gen. Cadde Muuse, Ku xigeenka madaxweynaha Eng. Xasan Daahir Afqudhac Guddoomiyahya baarlamaanka iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka. Waxaannu aad ugu faraxsannahay sidii wanaagsanayd ee xushmadda iyo isqaddarinta lahayd ee doorashadau ku dhammaatay iyo kalsoonidi iyo geesinnimadii ay muujiyeen madaxweynihii hore Mudane Xaashi iyo ku xigeenkiisi Dr. Gaagaab ee ay ugu qanceen doorasahda una ilaaliyeen sharcigii ay dhigteen, xilkkina ugu wareejiyeen Mas'uuliyiintii loo doortay maamulaka waana arrin taariikhi ah oo ku dayasho mudan.

Sidoo kale waxannu faraynaa madaxweynaha cusub talooyinkan:-

  • Ilaalinta Midnimada iyo wada shaqaynata dadka ku dhaqan Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo aannu ognahay Madaxweynaha cusubi inuu yahay nin hanankara kalsoonida dhamaan dadka ku dhaqan mandaqaddaasi.

  • Adkaynata nabadgelyada, Ilaalinta xeebaha iyo sugidda xuduudaha Puntlanad Bad iyo Berriba

  • Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo ku dhaqanka caddaaladda iyo sharciga.

  • Abuurista iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha.

  • Iyo dhisidda maamul tayo aqoneed leh si horumar waafiya loo gaadho.

Afhayeenka guddiga: - Maxamuud Ibraahim Jaamac (Xaaji)

Contact:- dalmarbilaal@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005


HAMBALYO

Anigoo ah Caaqil Cabdiraxman Sheekh Nuur ahna Caaqilka Beesha Sacad islamarkaana ku hadlayah magaca waxgaradka iyo aqoonyahanada beesha SacadWaxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin ugadirayaa Madax waynaha Cusub ee Butlaan

Jenaraal Cade Muuse xirsi oo ku guu laysatay jagada madax wayne nimada Butlaan waxaana u rajaynayaa in hawshiisa rabi lagarab galo waxaan kale oon ugu baaqayaa in uu dadka uu madaxda u noqday ay noqdaan kii ay ku diirsadaan kagana baxaan jahawareerka siyaasadeed waxaana filayaa in uu noqdo mid ku soo kordhiyah gobalada dhexe xasilooni iyo kala

dambayn dheeraad ah gaar ahaana gobalka Mudug,

Waxaana u rajaynayaa in uu noqdo kii hawshiisa gutah si cadaalad kujito,
AAMIIN. cshnur@hotmail.com ama 
cabdiraxmanshekhnur@yahoo.com


HAMBALYO madaxweynaha cusub

Hambalyo Hambalyo Hambalyo waxay dhaaman ardayda reer puntland ee wax ka barata dalka pakistan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaan madaxweynaha cusub ee loo doortay dawlad goboleedka puntland somalia waxayna leeyihiin madaxweyne waxaad hanatay xil aad u weyn run ahaantiina waxay dhamaan shacabka reer puntland ku hiimayeen inaa mar unoqoto madaxweyne waxaana halkaas ka muuqatay inay run ahaantii aad kuugu bisil yihiin oo ay rumaysan yihiin inaa usoo hoydo guulo badan oo aan hada gacanta ku jirin marka hadaanu nahay ardayda reer puntland ee wax ka barata dalka pakistan waxaan ku leenahay noqo midkii gaarsiin lahaa himilada reer puntland waxaana ilaah kaaga rajaynaynaa inuu kula garab galo waxaana shacabka mar kale ugu hambalyaynaynaa iyo dhamaan intii ka talisay habsamida iyo intii isu soo taagtay inay isu sharaxaam jagadaas sida habsimida ah ee ay ugu qanceen natiijadii ka soo baxday goobta doorashadu ka dhacaysay ee magaala madaxda DGPL somalia

HAMBALYO HAMBALYO HAMBALYO

Nasir Said Nasir  deebaanione@hotmail.com
January 8, 2005 4:42:30 PM


HAMBALYO IYO TAAGEERO MADAXWEYNAHA CUSUB EE PUNTLAND 

Annagoo ku hadlayna magaca Jaaliyadda Sool Sanaag iyo Cayn ee dalka UK waxaannu Hambalyo iyo Taageero buuxda udiraynaa madaxweynaha cusub ee Puntland Gen. Cadde Muuse, Ku xigeenka madaxweynaha Eng. Xasan Daahir Afqudhac Guddoomiyahya baarlamaanka iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka. Waxaannu aad ugu faraxsannahay sidii wanaagsanayd ee xushmadda iyo isqaddarinta lahayd ee doorashadau ku dhammaatay iyo kalsoonidi iyo geesinnimadii ay muujiyeen madaxweynihii hore Mudane Xaashi iyo ku xigeenkiisi Dr. Gaagaab ee ay ugu qanceen doorasahda una ilaaliyeen sharcigii ay dhigteen, xilkkina ugu wareejiyeen Mas'uuliyiintii loo doortay maamulaka waana arrin taariikhi ah oo ku dayasho mudan.
 
Sidoo kale waxannu faraynaa madaxweynaha cusub talooyinkan:-
 

   Ilaalinta Midnimada iyo wada shaqaynata dadka ku dhaqan Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo aannu ognahay Madaxweynaha cusubi inuu yahay nin hanankara kalsoonida dhamaan dadka ku dhaqan mandaqaddaasi.
   Adkaynata nabadgelyada, Ilaalinta xeebaha iyo sugidda xuduudaha Puntlanad Bad iyo Berriba
   Ladagaalanka musuqmaasuqa iyo ku dhaqanka caddaaladda iyo sharciga.
   Abuurista iyo kobcinta ilaha dhaqaalaha.
   Iyo dhisidda maamul tayo aqoneed leh si horumar waafiya loo gaadho.

Nuur Xassan Falalug (Guddomiye)

Cabdullaahi Daarood (Ku xigeen)

Axmed Saleebaan Sancad (Xoghaye)

Maxamuud Ibraahim (Xubin)

Cabdiraaxmaan Yusuf (Xubin)

Cabdi kariim

Xassan Ciise

Axmed Ducaale Darwish

Amina Cawil Cabdi-Dhiif

Khadiija Cabdiraxmaan

Fadumo Cismaan-Yare

Samsam Cali Caateeye

Amina Axmed Ismaaciil

dalmarbilaal@yahoo.com



 

Ciribtirka Cunitaanka iyo Ka Ganacsiga Qaadka
Soomaalida Minnesota oo isku ballansaday In ay Cunitaanka Qaadka ka Cirib Tiraan Gebi Ahaanba Meel ay Soomaali Kaga Nooshahay Dunida Guud Keeda... Guji...
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD