SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SHHRF
Daabaco Boggan | Print


Sultan Hurre Human Rights Focus

Puntland:
Waa in Wax Laga bartaa Khaladaadkii hore
(SHHRF 0026/2005, Wednesday, 05 January 2005)

Laga soo bilaabo xasaraddii bilaabatay bartamihii 2001, Puntland waxaa soo wajahay mustaqbal madoow. Nasiib darro dhibtii dhacday waxay keentay dhimasho badan iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh. Intaas oo dhan waa laga gudbi karay haddii maaxweynihii hore iyo maamulkiisu dhawri lahaayeen sharciga, iyagoo  ahaa kuwo ummadda kalsooni ka haystay saddexdii sano ee hore.  

Ku tumashiidii Axdiga Puntland, ma gelin dalka wakhti cakiran iyo walaac oo keliya, ee waxaa kale oo ay dib u sii dhigtay horumarkii la filayey in laga sameeyo u gudbid dastuur rasmi iyo ka guurid Axdi ku meel gaar ah, sida ku qeexan qodobbada 28 (4) iyo 13.5 (vi, vii) Axdiga ku meel gaarka ah, kuwaas oo adkeynaya in  dawladdu samayso tiro koob dadka, qoridda dastuur dadweynuhu ansaxiyo. Marka la eego Axdiga Puntland, soo jiray ilaa 2004 deegaankaas wuxuu ahaa mid xalaasha ka fog.

Maadaama ay sharciyadda ay tahay salka nabadgelyo waarta iyo horumar, Puntland waxay u baahan tahay geeddi looga guuro caadadii xukun boobka ee la soo maray. Marka darsi laga qaato taariikhda cusub ee Soomaaliya, Puntland waxaa la ogsoon yahay inay leedahay rajo inay si miyir qabta isu maamusho. Nasiib darro waxay ahayd inay ka fiicnaato wixii dhacay sanooyinkii la soo dhaafay.

Ballan qaadka ah in wixii dhacay dib loo saxo Puntland dib loogu cesho fikirkii dastuur ilaalinta, waa waddada saxda ah ee lagu xalaalyn karo maamulka ka dhisan gayigaas. Taasi waxaa muhiim ah inay ka timaaddo deegaan ay taallo kallsooni taasoo dib u soo noolayn karta maamul hagaagsan oo taabbogal ah. Taasi waxay dhidibadda u sii aasin nabadda guud ee gobolka iyo deriskaba. Haddii maamulku si hagaagsan u shaqeeyo, lana ilaalsho haykalka dawladda, lana helo kalsoonida dadweynaha, looma baahdeen in qori dad lagu cabburiyo ama ciidammo xad dhaaf ah la qoro. .

Ciduna maanta ma sugayso maaamul aan qalad gelin marka la eego wixii ay soo martay Puntland, laakiin waa muuhim in la higsado xisaabtan (accountability) iyo shafaafiyad (transparency). Soo koob, ilaalinta sharciga waa inay heshaa mudnaanta koowaad.

Isimmada Puntland, oo ah wadnaha mujtamaca ku dhaqan deegaankaas, waa inay ciyaaraan doorkooda muhiimka ah si ay u xaddidaan danaha kooxa siyaasadda oo ay muuqato inay liishaanka ku haya danahooda wakhtiga dhow oo keliya.

Waa in wax laga bartaa wixii ina soo maray, ummadduna go'aamisaa masiirkeeda  ayadoo  ka mid ah Somaliweyn. 

Sultan Hurre Human Rights Focus
SHHRF
webmaster@suldanhure.org
www.sudlanhurre.org

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD