Warsaxaafadeed uu soo saaray Xisbiga SSUP, Mowqifka
siyaasadeed ee ku wajahan Siyaasadda Guud ee Soomaaliya.
Scandanevian, Katrineholm Sweden
www.ssup.org
info@ssup.org
10/01/2005

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Yaasiin Maaxi Macalin
|
Waxaa sharaf ii ah
Anigoo ku hadlaaya magaca Guddiga Fulinta, Golaha dhexe,
iyo Dhamman Xubnaha Xisbiga SSUP, in aan halkaan
idiinkugu soo gudbiyo marka hore salaan diiran,marka
xigtana anigoo ka faa`idaysanaaya fursadaan, aan halkaan
ugu tabiyo dhamman Shacabka Somaaliyeed ee waddaniga ah
meel kastoo ay jogaanba, saqiir iyo kabiirba, Hambalyada
Sannadka Cusub ee 2005.
Waxaa Xisbiga SSUP
sharaf u ah in uu halkan marka hore u mahad
celiyo,kadibna u tabiyo Hambalyada Sannadka Cusub
dhamman Ururrada Caalamiga ah, iyo kuwa heer goboleed
iyo Dowladaha daneeya arrimaha Somaaliya iyo Soomaalida,
kaalinka wax ku oolka ah ay ka ciyaareen welina mashquul
ku yihiin sare u hinjinta iyo dib u soo celinta
Karaamada Shacabka Somaaliyeed.
Waxaa kaloo lama illaban ah, kaalinka ay ka ciyareen,
welina mashquul ku yihiin, Hay’adaha Samafalka iyo
gargaarka Caalamiga iyo howl wadeenadooda, sida binu
aadminimada ku dheehan ay ula soo taagan yihiin had iyo
jeer badbaadinta, nafaqeynta, daryeelka iyo daaweynta
Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marar badan ku muteysta:
afduub, dil ,dhac iyo arrimo kaloo aan ku fiicnayn
damiirka aadanaha.
Xisbiga SSUP, wuxuu u
rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed, Sannad nabadeed,
Sannad cadaaladeed, Sannadka ay ku rumowdo, isla
markaana dhaqangasho himilada la so noqoshada
Qarannimada Somaaliyeed, taasi uu Xisbigu mab’daiiyan
aaminsanyahay in ayan ku imaan karin midnimada shacabka
Soomaaliyeed la’aantiisa.
Midnimadaasi, marka ay xaqiiqowdo, ayaa hubaal ah in
Shacabka Somaaliyeed uu awoodo in uu iska qaado heeryada
dul saran, una la soo noqdo karaamadiisa, isla markaana
uu jiiro caqabadaha, iyo qodxaha ku hor daadsan waddada
horusocdkiisa, isagoo isku kalsoon, kuna kalsoon
dalkiisa, Ummadiisa maskax iyo maalba, meel kastoo ay ka
jogaan dunida.
DHACDOOYINKA 2004
Haddii aan dib u eegno
dhinaca dhacdooyinka sannadka 2004, waxaan dhammanteen
goob jog u ahayn gunaanadka shirka labada sannadood ka
socday dalka Keenya, shirkaasi oo marka hore lagu
heshiiyay laguna saxiixay Oktoobar 2003 sannadka markuu
ahaa xabbad joojin, tasoo anay jirin cid iska xilsaartay
dhaqangelinteeda iyo ilaalinteeda oo illa dhowaan ay si
isdba jog ah dagaaladu ugu socdeen gobollo badan oo
ayaan daran Somaali badanna ay ku nafwaysay. Waxaana
goob joog la iskuna afgartay dadaal fara badan ka dib,
Xeer Federaali ah oo ku meel gaar ah, laguna xulay
Barlamaan KMG oo ka kooban 275 Xubnood, kaasi oo isaguna
doortay, Guddomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenaddiisa,
waxaan kaloo goob joog u ahayn sida uu Baarlamaanka u
doortay Madaxweynaha KMG.
Waxaan kaloo aragnay sida Dowladda an dhismaheedu
dhammeystirnayn ay qaaylo dhaan Caalamka ula tagtay
ayadoo weydiisanaysa Ciidammo ka dhiga Hubka Shacabkeeda
iyo natiijooyinka wajiyada badan oo ay kala kulantay.
Waxaa xusid mudan, sida
uu Madaxweynaha DF KMG ah uu u soo xulay, kuna
magacaabay Raisal Wasaaraha DF KMG, kasoo isaguna,
kaddib dhafar badan, wadahal dheer, iyo gor gortan aan
sal la gaaro lahayn, uu ku soo doortay, kuna magacaabay
xubnaha Dowladiisa.
Waxaaynu marag ka ahayn
sida uu Barlamaanka ugala noqday kalsoonida Dowladdi la
dhisay, isagoo ku eedeyay Dowladda in ay ku xadgudubtay
dhowr qodobbo oo ka mid ah Axdiga Federaalka ah ku meel
gaarka ah.
Kama aynaan daalin
daawashada dhacdooyinkaasi, meel waliba aanu ka joognay
dinida dusheeda, ee waxaan kaloo aragnay sida qaar ka
mid ah Dowladaha Deriska iyo kuwa Deeqda bixiya ay isku
xilqaameen kuna mashquul noqdeen u caqli celinta, kala
maslaxidda, iyo isu soo dhoweynta labo ka mid ah
garabyada awooda Dowliga ee Somaaliya kuwasoo kala ah :
(1) Garabka
Sharci dejinta iyo Ansixinta (Barlamaanka), iyo
(2) Garabka Fulinta oo ah Dowladda oo ka kooban
(Madaxweynaha, Golaha Wasiiradda iyo Ku Wasiir ku
Xigeennada)
Waxaan kaloo aragnay,
maragana ka nahay, iyadoo taasi nasiib darro weyn inoo
tahay dhammanba in aan qofna ku mashquulsanayn, ayan
dareensanayn amaba garan in weli halkaasi ka maqan yahay
garab kale oo muhiim ah oo ka mid ah dhismaha Dowladeed
, kasoo ah:
(3) Garabka
Sharciga.
(Guuddi Sare ee heer Qarameed oo ka kooban
Sharciyaqaano, oo xilkoodu noqonaayo tafsiir ka bixinta
qodobbada sharciga ee la isku qabsado)
Waxaanu marag ka ahayn
ficilkii foolxumada lahaa ee ka dhacay Barlamaanka KMG
gudihiisa, iyo natiijada xubnaha qaarkood ee
baarlamaanka ka dhaxlayn, kaddib marka koox waliba oo
iyaga ka mid ah sharciga u fasiratay sida danteedu ku
jirto.
Haddaba aan dib u
jaleecno oo aan daraasad ku sameyno dhacdooyinkaasi,
innagoo isla mar ahaantaasina halkan ku caddeynayna
mowqifka siyaasadeed ee Xisbiga SSUP ee ku wajahan,
Siyaasadda Guud ee Soomaaliya,waqtiga xaadirka ah
Dowladda KMG Federaaliga ah ee Somaaliya, iyo BAAQ uu
Xisbiga SSUP u gudbinaayo Hayadaha Caalamiga,Ururrada
heer Goboleed, kuna wajahan arrimaha Soomaaliya.
Marka hore waxaan rabaa
in aan halkan ku caddeyo qoddobo muhiim ah oo hordhac ah
Kasoo ah:
Xisbiga SSUP in uu
yahay Xisbi Somaaliyeed oo isu sara is taagay difaaca,
daryeelka iyo sare u qaadida Sharafka iyo karaamada
Shacabka Somaaliyeed.
Soo celinta amniga iyo kala danbaynta Kana qayb
qaadanaayo dib u dhiska hay’adaha u adeega danaha
shacbka, soo noolaynta ilaha dhaqaalaha iyo ururinta
hubka ku jira gacanta dadwaynaha .
Marka aan sidaasi
leeyahay waxaan ula jeeda in Xisbigu ahmiyadiisu kowaad
tahay qadiiyadda Qaranka iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Arrinkaasi oo ina
siinaya geesinimo in aan u qeexno xaaladda Waddankeena
sida ay tahay.
Taarikhdii sharafka
lahayd ee Waddankeenu iyo Shacabkeenu ku dhisnayd :Midnimo,
wadajir iyo isu hiilin tasoo u suurta gelisay shacabka
Soomaaliyeed in ay ku hantaan : Xornimadooda,iyo
wadajirkoodu manta Shacabkeena waa ka qaawanyahay .
Haddii aan dib ugu
noqonno tariikhda kaddib marka dalka nidaamka Dowliga
burburay, waxaynu ognahay in Waddankeenu yahay waddanka
qura ee dunida Taarikhda casriga ah kaga xusan : Waddan
aan Dowlad, sharci iyo nidaam midna lahayn illa maalinka
manta ah.
Sababaha dhaliyay
Burburka wadajirki qarameed, iyo kala furfurka bulshada
Somaaliyeed waxay leeyihiin asbaabo tariikhi ah oo
Dowladihii hore, Xukuumadda Kacaankuba iyo Dowlado
ajnabi ah qarkood dowr weyn oo aan la inkiri karin ka
ciyareen, iyagoo adeegsanaaya hubka qura ee awood u leh
in uu kala dilo, kal firdhiyo, kala geeyo Shacabka
Somaaliyeed , kasoo ah :QABIILKA
Hubkaasi dilaaga ah oo
loo adeegsaday siyaabo fara badan oo kala geddisan,
marxaladaha kala duwan ee Taariikhda Soomaaliyeed,
haddii aanu dhowr ka magacaabno ay kala yihiin: Awood
bursi,Caburin, ku dagaal gelin,isku xureyn,aargoosi,
xalalaysi qadiiyad,eedeyn, la noqosho midnimmada, iwm.
Taasi oo iyana
markeeda ina dhaxalsiisay, in tiro aan xisaab lahayn ee
dadkeenu ku dhinto sabab la’aan, marxallado kala duwan,
qaar badan oo Ummadeenu ka mid ah kaga haajireen
dalkooda hooyo, maantana magan ku yihiin dacallada
dunida, inta qaar kale oo aan xisaab lahayn ku dhinteen
badaha iyo lama degaanada qaarkood, qaarna xabsi ku
muteystay inta ay hijrada ku jireen.
Muqaalka dunida laga haysto dalkeena ay tahay:
“Halaag iyo baa’ba, oo Ummadiisu
ugu sabab tahay”.
madaama ayan Caalamku
uusan ka dhex arkin Soomaaliya dano Siyaasadeed iyo
Dhaqaale, wuxuu door biday in uu wejigu ka dadbado, oo
uu ku ekaado in Hay’adaha ka howlgala Gargaarka ay gacan
siyaan si ay nafta ku celiyaan oo boogahana ka dhayaan
inta aan weli xabbada, gaajada iyo cudurka dilin .
Labada sannadood ee ugu
dambeeyay ayaa Caalamka oo ay hor kacayso Itixaadka
Yurub (European Community) gacan ka geysatay nabadda iyo
heshisiinta Ummada Soomaaliyeed.
Waxaa arrinkaasi ka horreyay isku day wadahallo nabadeed
oo sare u dhaafay dersin oo dhowr sifood ku fashilmay in
xal lagu gaaro arrinka Waddankeena.
Urur Gobleedka IGAD ee Bariga Afrika ayaa gogosha u
fidiyay shirkaasi waddanka Keenya.
Nasiib darro qilafaadyo
daneed ee Strateji ah, oo kala geddisan iskana
horimaanayay oo ay wateen waddama deriska la ah
Dalkeena,iyo arrimo kale oo dhowr ah oo anan halkan ku
soo koobi karin, ayaa saameyn weyn ku yeeshay natiijada
wadahalka nabadeed iyo ayatiinka Dalkeena Hooyo.
Waxaynu aragnay in
dadka sida joogtada ah dembiga uga galay Dalkeena in loo
xaqiijiyo, loo hiiliyo, loo xalaaleeyo in ay wax ka
qadiriyaan aayaha Ummadeena, laguna abaalmariyo Xilka
Dowladdnimada.
Waxaa si aan xishood
lahayn albaabaka looga saaray,mutacalliminta ,
Aqoonyahannada iyo farsamoyaqaanada kala duwanaa, ee
wadaniga ah oo aan dembi ka galin dalka,iyo dadka, had
iyo jeerna heegan u ahaa difaaca iyo dhaqangelinta
nabadda, waxaa kaloo iyadana wehliyay Ururrada Madaniga
ah ee Soomaaliyeed.
Intaasi kuma koobna,
arrinku waxaa la xalalayay oo sharci laga digay “Sunti
Qabiilka” oo la yiri wax ku qeeybsada. Si loo helo “Xal
Siyaasadeed” oo waanu aragnay iyadana wixii ka dhacay,
iyo natiijada aay dhashay.
Sidaa aawadeed wuxuu mab`da ahaan Xisbiga SSUP ka soo
horjedaa Qabiilka, iyo wax kasta oo kala dilaaya, kalana
qeybinaaya Shacabka Soomaaliyeed.
Xisbiga SSUP maaha “Xal
diid macangag ah”, oo “Seef la bood ah” marka aan
sidaasi leenahayna maaha in aanu saamexeyno waxa haddeer
ina hor yaal una sacaba tumayno dhismaha Dowladda iyo
Barlamaanka Federaaliga ee KMG ah.
Xisbiga SSUP wuxuu soo
dhoweynaayaa strateeji ahaan xal kasta ee u suurta
gelineeysa waqtiga xaadirka soo celinta nidaamka iyo
kala dambeynta, kuwasoo iyaguna markooda suurta gelinaya
goor dambe, Himilada rajo soo celinta Shacabka
Somaaliyeed.
Xisbigu SSUP wuxuu ogyahay, in dhamman xubnaha
Baarlamaanka ayan ahayn dambilayaal, oo ay ku jiraan
xubno waddani ah oo nasiib darro waqtiga xaadirka ah
caatifadda Qabiilku ka xoog badisay.
Marka aan intaasi
cayimnay waxaa iyada muhiim ah in aan halkan ka caddeyno
doorka Strateejiga ah ee Xisbiga SSUP kaga aadan
marxalladan kal guurka ah:
1- Xisbiga SSUP in uu
si toos ah talo u gudbiyo, Baarlamaanka iyo Dowladda
Federaaliga ee KMG ee ku wajahan maslaxadda Guud ee
Soomaaliyeed, kuwasoo waafaqsan Xeerka iyo Barnaamijka
Xisbiga.
2- Xisbiga SSUP wuxuu
qaadanayaa dowrka ilaalinta danaha Soomaaliyeed
sida waafaqsan Xeerkiisa iyo Barnaamijka,tasoo aan ku
qotomin u xaglin Qabiil diyaarna u yahay in uu ka hor
yimaado kuwa ku gabbada magaca Qabiilka si ay u fuliyaan
danahooda gaar ah, kana weecda danaha Guud ee
Soomaaliyeed.
3- Xisbiga SSUP in uu abaabulo,
farsamayaqaanadda,waxgaradka iyo muwaadinka Somaaliyeed,
iyo Ururadda Madaniga ah (Civil Society) oo la wadaago
aragtida Siyaasadeed ee Xisbiga, tasoo ah dhismaha
Bulsho Dimoqaraadi ah, ee ku qotonta :Sinnan Cadaalad
iyo Midnimo.
4-Xisbiga SSUP wuxuu
kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonaa, maslaxad ka
dhalinta iyo heshisiinta Ummada walaalaha ah ee
Soomaaliyeed oo la kala dilay lana kala qeeybiyay.
5- Xisbiga SSUP wuxuu
kaalin wax ku ool ah ka qaadan doona tallabo kasta ee
suurta gelinaysa dib u soo celinta kalsoonida Shacabka
Somaaliyeed.
6- Xisbigu SSUP wuxuu
kaalin wax ku ool ka qaadanayaa u iftiiminta
dhallinyarada iyo jiilka soo koraaya, kaalinta laga rabo
in ay ka qataan dib u dhiska iyo ilaalinta danaha
waddankooda, ha noqdeen kuwa jooga Dalka gudihiisa iyo
kuwa ku nool caalamka intiisa kale.
7 – Xisbiga SSUP wuxuu
u baaqayaa Dowladaha daneeya Soomaliya, Ururrada
Caalamiga ah, Ururrada Heer Goboleedka ah in ay gacan ka
geystan dib u dhiska Soomaaliya.
8- Xisbiga SSUP isagoo
ogsoon baahida dib u dhiska Dalka, isagoo ka warqaba
dabeecadda gaarka ah ee Dowladda Federalka Soomaaliya,
wuxuu u baaqayaa Dowladaha Deeqda Bixiya, Ururrada
Caalamiga ah in, marka hore shuruud adag ay ku xiraan
qaabka maamulka deeqaha ay ku bixinayaan dib u dhiska
dalka, lana xisaabtamaan Dowladda Fedeeralka ee
Soomaaliya.

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xurinta xisbiga
Midnimada Bulshada Soomaaliyeed.
www.ssup.org
info@ssup.org