SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORRIYO
Daabaco Boggan | Print



Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.
  • Dagaallo ciidamada gumaysiga itoobiya lagu jabiyay.
  • Ciidamada Itoobiya ee Ogaadeenya oo awood loo siiyay inay musharaxiinta soo xulaan.
  • Maxaabiista  magaalada Jigjiga oo cuntadii diiday.
  • Basaas itoobiyaan ah oo lagu qabtay degmada Guri-ceel ee gobolka Galguduud ee dalka soomaaliya.
  • Barnaamuj gaar ah oo aan ku soo qaadanayno maqaal uu mudane C/laahi mukhtaar ugu magac daray cid aan gumaysi ogoleen lama gumaysan karo, iyo suugaan halgameed.

 

Dagaallo ciidamada gumaysiga itoobiya lagu jabiyay. 

Dagaallada ay ciidamada xoreynta Ogadenya kula jiraan kuwa caga-jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa si aan kala go’ lahayn uga socda gobollada Ogadenya oo dhan, iyadoo iska hor-imaad kasta lagu jabiyo ciidamada gumaysiga. 

Dhacdooyinkii dagaal ee ugu denbeeyay ayaa waxaa ka mid ah dagaal  ka dhacay

27/12/04 Barraajisale oo ka tirsan Gabalka Qorraxay dagaalkaas ayay sooma-jeedsadayaasha Ciidanka Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku laayeen 10 askari oo Booliska gumaysiga Itoobiya ka mid ah, waxay sidoo kale nolol ku qabteen 4 ka mid ahaa Booliska. 

01/01/05 Gurdumi oo ka tirsan Gabalka Jarareed wuxuu Ciidanka Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadenya ku dilay 15 askari oo Itoobiyaan ah, 13 kalana wuu ku dhaawacay.

02/01/05 Galadiid oo ka tirsan gobolka Qorraxay waxaa iyagoo hubkoodii wata isu soo dhiibay ciidanka xoreynta Ogadenya 11 ka mid ah ciidamada maleeshiyada ee loo yaqaan dabaqoodhiga gumaysiga Itoobiya la shaqeeya. 

02/01/05 Higlaley oo gobolka Jarareed ka tirsan ayaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 6 askari oo uu ku jiray nin Sargaal ah oo  madkiisii la keeneen magaalada Dhagaxbuur, 5 askari oo kalana waa laga dhaawacay.

Fayaan Jabso oo Gobolka Nogob ka tirsan ayaa 05/01/05  lagu gubay 2 baabuur oo ay saaraayeen 23 askari oo 3 sargaal oo madax ka ahaa ciidamada Itoobiya ee gobolka Nogbeed ay ku jiraan. Labadaas gaadhi iyo wixii saaraa ayaa isla basbeelay oo aan waxba fiigin. 

06.01.05 Wijiwaaji oo ka tirsan Gobolka  Qorraxay waxay falaadh ka tirsan Ciidanka Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya jidka u galeen ciidan dabaqoodhi ah oo kuwii dadka aad u dhibi jiray ah, kuwaasoo u socday magaalada Qabridaharre. Goobtaas waxaa lagaga dilay 14 calooshood u shaqaystayaal ah, waxaana nolol lagu qabtay 4 kale.  

Ciidamada Itoobiya ee Ogaadeenya oo awood loo siiyay inay musharaxiinta soo xulaan 

Masuuliyiinta ismaamulka daba dhilifka ah ee Soomaalida Ogaadeenya ayaa lagu amray inay macagyada masharaxiinta baarlamaanka gobolka u soo gudbiyaan masuuliyiinta ciidamada Qaybta Harar, si ay u ansixiyaan inay is sharrixi karaan iyo in kale.  

Amarkan waxaa masuuliyiinta is-maamulka Soomaalida soo gaadhsiiyay laba sargaal oo lagu kala magacaabo Maloke iyo Maraje oo ah hoggaamiyaha gacanta loo galiyay ismaamulka Soomaalida Ogaadeenya. 

Amarkan oo ka soo baxay wasiirka Fadaraalka kililada ayaa lagu sheegay in aysan isa sharrixi karin cid ayna saraakiisha ciidamada ee qaybta Harar oggolaan. Xubnaha raba inay isu sharraxaan doorashada ay xukuumada Itoobiyo sheegayso inay dhici doonto Badhtamaha Sanadkan ayaa la sheegayaa inay u tartamayaan sidii ay ugu dhawaan lahaayeen Saraakiisha ciidamada ee qaybta Hararge.  

Waxyaabaha ay saraakiishu dadkan ku xulanayaan ayaa ah u adeegista danaha ciidamada Itoobiya sida Jaajuusnimada iyo dhibaataynta shacbka, halka ay qaar kalana sii wadaan lacago farabadan oo ay ku laaluushayaan saraakiisha loo xilsaaray ansixintooda. 

Amarkan ka soo baxay xukuumada dhexe ee Itoobiya ayaa Albaabka u laabay maaweeladii shacabka Ogaadeenya loo hayay ee lagu sheegay inay masuuliyiintooda si xor ah u soo dooran karaan isla markaasna ay Ismaamul madax banaan leeyihiin. 

Maxaabiista  magaalada Jigjiga oo cuntadii diiday 

Maxaabiista xabsiga ciidamada ee magaalada Jigjiga ayaa cunto ka soomid sameeyay, ka dib markii loo diiday inay la kulmaan hay`ada laanqayta cas ee caalamiga ah ICRC amaba la soo saaro wax maxakamad ah oo danbiyada ay galeen lagu qaadayo. 

Maxaabiista cuntada ka soontay oo ay tiradoodu dhan tahay 58 Maxbuus ayaa waxay ka cabanyaan Jidhdil loo gaysto, Raashin la’aan, daawo la’aan iyo iyagoo xabsi dheer la iskaga hayo, iyagoon wax danbi ah gelin.

Jeelasha ay ciidamada Itoobiya ka samaysteen gobollada Ogaadeenya ayaa waxaa ka buuxa boqolaal kun oo ruux oo ay askartu sabab la’aan isaga xidheen, waxaana laga ilaaliyaa inay la xidhiidhaan ururrada xuquuqda bani’aadamka daneeya. Waxaa sidoo kale ururrada noocan ah loo diidaa inay booqdaan xabsiyada, si ay wax uga ogaadaan xaaladda maxaabiista. 

Dhinaca kale war degdeg ah oo dhawaan  soo gaadhay Ogaden Online ayaa sheegaya in 5 ka mid ah dadkii u dhashay Ogadeenya ee ku xidhnaa xabsiyada Maamulka Hargeysa ay aad u il-daran yihiin si wayn u xanuunsanayaan, isla markaana ayna haysanin daryeel caafimaad.

Maamulka Hargaysa ayaa xabsiyada ka buuxiyay dad badan oo u dhashay dalka Ogadenya, kuwaasoo xabsiyada la dhigay iyagoon loo haynin denbiyo ay galeen. Dadkaas xabsiyada ku jira lama siiyo cunto iyo daryeel kale midna, waxaana ehaladooda lagu qasbaa inay maalin walba cunto u keenaan. 

Basaas Itoobiyaan ah oo lagu qabtay degmada Guri-ceel 

Nin la sheegay inuu u dhashay Itoobiya, isla markaana ka tirsan yahay ciidamada Itoobiya oo  darajadiisu tahay seddex xiddigle ayaa dhawaan lagu qabtay degaanka Guri-ceel ee gobolka Galguduud. 

Ninkaas waxaa soo qabtay ciidamada degaanka ee Guri-ceel, waxaana lagu tuhmay inuu yahay basaas ay xukuumadda Itoobiya u soo dirsatay gobollada dhexe ee Soomaaliya. Waxaa rumaysan yahay in ninkani uu muddo dheer shaqada basaasnimada ka waday gobollada dhexe ee Soomaaliya. 

Basaaskaas ayaa markii jeebabkiisa la baadhay waxaa laga soo saaray magacya dad soomaali ah oo qaarkood joogaan gudaha Soomaaliya, qaar kalana dalka dibadiisa ku maqan yihiin. Waxaa sidoo kale laga helay lacag Itoobiyaan ah. Dadka magacyadooda laga helay ayaa diiday inay ninkaas aqoon u leeyihiin, waxayna sheegeen inuu u socday qaabkii loo afduubi lahaa ee xukuumadda Itoobiya loogu gacan gelin lahaa. 

Ninkan ayaa sheegtay inuu soomaali yahay, hase yeeshee waxaa la qiray inuusan soomaali ahayn, balse uu yahay sargaal basaas ah oo Itoobiya u soo dirsatay inuu dalka Soomaaliya uga soo basaaso.

11.01.2005

C/Nuur Sh.Mohamed

 radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD