SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print



Free Awdal Forum
Booramae 11 january 2005
Ref : wars01/2005

WARSAXAAFADEED::::
Fashilaada Hargaysa

Ummada somaaliyeed waxay u dhuun dalooshaa isbadalada siyaasadeed ee ka dhacaya dalka Soomalia gobaladiisa kala duwan gaar ahaan kan Waqooyiga ee ay af duubeen goonigoosadadu. Cidna kama qarsoona xaalada ka taagan Waqooyiga iyo dhibta haysata wiilka reer Awdal ah ee Hargaysa looga saaray magaca cusub ee " Raaci " oo si rasmi ah uuga soo baxay afka ninka la yidhaa Jirde ee gudoomiye ku xigeenka ka ah golaha ayu ugu yeedhaan Baarlamanka.

Waxay baryahan dambe ku guda jireen saamiga qabiilooyinu u qaybsanayaan kuraasta baarlamaan-ku-sheega. Waxay ku tirtirfoon jireen inta maleeshiyada Hargaysa aamintay in ay ka gudnbeen hab qabiileedka oo ay u dalaceen hab dimuqaradiya! Waxay ku gorgortami jireen Ingiriiskii aan ku xoqonay iyaan taa ka dhaxalnay oon Koonfur kaga horaynaa! Waxy ku andacoon jireen way soo gudhay waxayna noqotay in asal ahaan wixii Hargaysa ay aaminsaneyd ee lagu dhisay qorshaha xaaraanta ah ee " Soomaaliland " inay hirgaliyaan iyagoo u daacad ah mabda qabiileedka Hargaysa iyo Burco sida culus looga aaminsan yahay.

Balaayo afka lagama dhowree wiilkii Rayaale anfariir iyaa ku dhacay markuu is yidhi bal wax ka sheeg sida sami qaybsiga reer Awdal u arki doonaan. Odayaashii u qaabilay ee Isaaqa ahaa ee u beerlaxawsanaayay waxay ku yidhaahdeen sidan : "Daahirow markii Nabigu( SCWS) Makka qabsaday jagooyinkii siyaasadeed ee dawlada wuxuu u dhiibay reer Marka markaasay ka cadoodeen reer Madina oo tirsanaayay in iyagu ay u sahleen guusha Rasuulku gaadhay. Markaas ayuu Rasuulkii (SCWS) ku yidhii reer Madiinow idinku faa’idaad joogtiin waayo anigaa idinka mida oo Madiina iyaan inila dagayaa ee sidaa ku raali noqda. Daahirow maanta Gadabuursi inay cawdaan maaha waayo saldanadii u saraysayba iyagaa haya "( What a hypocrisy!)

Sheekadii waxy ku soo gaba-gabowday in wax dhow iyo toban kursi la siiyo Gadabuursi oo u dhiganta boqolkiiba 17% kuraasta meesha taal. Isaaqna qaato boqolkiiba lixdan wax ku dhow 60%! Kuma daalayno dadka kale saamigooga waayo cadaalad darada u weyni waxay ka muuqataa faraqa u dhexeeya saamiga Gadabuursiga iyo saamiga Isaaqa. Rayaale iyo inta yar ee ku daba nooli markay cad-xaraan ah sii sumeeyaan soo sheekadu maaha islaantii tidhi marna waa quustay marna waan qar goostay. Balse arintanu halkay ku arooroayso amba salka ku hayso aan eegno ka dib waraysigii dhawaan Jaamac Yare bixiyay.

Waad ogsoontihii in dhawaan Jeneraal Jamac axamad Qaalib waraysi balaadhan ku sheegay xaqiiqada ay aaminsanyihiin qabiilka Isaaq oo ah in Soomaaliland inay tahay Isaaq. Jaamac Yare oon wadaagno fikirka midnimada soomalia wuxuu kor u yidhi wuxuu guud ahaan Isaaq hoos u yidhaa, taas oo ah : " Soomaliland waa Isaaq , haddii la qanciyona way imanayaan… " waa siduu Jaamac Yare hadalka u dhigee.

Jeneraal Jaamca Yare wuxuu inta yar ee reer Awdal ah ee isku ilowday Hargaysa xasuusiyay inay wadaan amba ku daalayaan waxaan waxba uga shaniyo toban ahayn. Wuxuu xasuusiyay in shaygan la yidhaa Soomaliland ay tahay qorshe siyaasadeed oo Isaaq u isticmaalo amba u samaystay inuu kula gorgortamo Muqdisho. Kalmada Raaci ee odayga Jirde, ina Rayaale ku sheegay iyo tan Jaamac Yare way istagayaan oo waa isku macne. Jaamac yare wuxuu sheekada ku darin oo meesha taalaa oo si weyn uu u halmaamay waxa weeyi xaqiiqadan : Haa Soomaliland waa Isaaq laakiin Isaaq soomaalilaand nimadiisa waa inay ku eekaato oo qudha saddex geeska Berbera-Hargaysa-Burco. Wixii saddexgeeskaa ka baxsan in qorshe –isaaqeedka la gaadhsiiyaa waa xaraan amba waa gardaro geedna loogu soo gaban oo micnaheegu yahay dhulbalaadhsi.

Su’aashu waxay tahay muxuu Rayaale qabanayaa?

Rayaale waxaa cad inuuna wax badan ka dhagaysan odaygii Cigaal ahaa oo laftiisu qabay tan Jaamac yare ka dhawaajiyay oo ahayd haddii Isaaq la qanciyo Isaaq wuu soo noqon. Rayaale isagaa ku sugay in maanta reer Hargaysa uugu yeedhaan Raaci. Rayaale wuu moogyahay inay dabayshu is badishay reer Awdalna way la socdaan xaalku halkuu maraayo. Reer Awdal marnaba uuma dul qaadan karaan awaaqib xumada ay wadaan Rayaale, Buuni iyo qaar la mid ah awaaqib xumadaa oo la rabo in Gadabuursi loo galiyo kabo horeba loogu kari waayay.

Rayaale wuxuu sugaayaa markay Muqdisho u kicitimaan siyaasiinta “Somaliland” isagoo ku jira laftiisu . Laakiin marka madaarka Hargaysa lagu reebo muxuu ku hadli doonaa, ileen waagiibaa dabadiisa ka baryee? Maantuu haystaa fursado badan oo mustaqbalkiisa siyaasadeed wax wayn u tari lahayd dadkiisuna ku cafin lahaayeen. Maanta haduu lumiyana Ilaahay ha u naxariisto. Kama hadlayno kuraas Hargaysa lagu qaybsamo oo qudha ee waxaan ka hadlaynaa waa mustaqbalka siyaasaded ee Awdal oo fursada ay haysato gobol haystaa jirin.

Waxaan ugu baaqanay shicib weynaha rer Awdal inay ka foojignaadaan talaabooyinka foosha xun ee qaybiyoo xuqunka ah ee maamul-ku-sheega Hargaysa ka wado gobolka iyo degmada Gabilay ee baryahan dambe lagu hayo gardarooyin badan oo sal u ah dhulbalaadhsiga Hargaysa.

Ururka Free Awdal Forum wuxuu ummada reer Awdal iyo kan soomaliyeedba u rajaynayaa sanad wanaagsan oo Ilaahay inoogu deeqo nabadgelyo, midnimo iyo cadaalad.

Guul iyo midnimo.

Afhayenka Free Awdal Forum
Dr Idriss H. Nuur
Fradal1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD