-
DFKMG oo 21ka Febraayo
Geeddi' u ah Xamar, Sida uu
Sheegay Geeddi
-
"Kenya Ciidamo nabad Ilaalin
ah uma diri Doonto
Soomaaliya" W/A/Dibadda
-
Golaha Amniga Ururka
midnimada Afrika oo
Ansaxiyay in IGAD ciidamo
gayso Soomaaliya.
DFKMG oo 21ka Febraayo Geeddi' u
ah Xamar, Sida uu Sheegay Geeddi
Feb 9, 2005
Wararka ugu dambeeyey ee kasoo
baxaya Nairobi oo ah xarunta
kumeel gaarka u ah DFKMG ayaa
tibaaxay in bishan Febraayo
21keeda ay DFKMG qorshayneyso in
ay bilowdo geediga ay ku
aadayaan Soomaaliya caasimadeeda
oo ah Muqdisho. Arintaas oo laga
soo xigtey Ra'iisul wasaaraha
DFKMG Prof. Geeddi.
Prof. Geedi waxa uu hadalkaas
yiri maanta oo Arbaca ah, waxana
uu intaas raaciyey in DFKMG ay
geeddiga ay u guurayaan
"Muqdisho" bilaabayaan
maalintaas (Feb 21), deedqa ay
helaan ayeyna ku xiran tahay in
taasi fusho sida uu cadeeyey
Geeddi.
Toddobaadkii hore ayey ahayd
marki ay soo bexeen waraka
qeexayey in dowlada FKMG loogu
deeqay lacag dhan 6 malyan oo
dolar ($6 million) lacagtaas oo
ay bixiyeen ururka midowga Yurub,
Swedhan iyo UNDP, qarashkan ayaa
loogu tala galay in ay dowlada
ku maamusho howlaha guuritaanka
iyo dirista wafdiyada soo
qiimaynaya xaalada soomaaliya.
Ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu
caddeeyey in Muqdisho ay ahaan
doonto caasimadda Soomaaliya
sidii ay hore ugu ahaan jirtey (Beri
samaadkii).
Maalmahan waxaa caasimaad
Soomaaliya booqanayey waftiyo
kala duwan oo uu kamid yahay
guddoomiyaha baarlamaanka FKMG,
kuwaas oo soo indha-indhaynaya
in dawladu u guuri karto Xamar.
"Kenya Ciidamo Nabad Ilaalin ah
uma diri Doonto Soomaaliya" W/A/Dibadda
Tarjumaadii SomaliTalk.com | Feb
8, 2005
Wasiirka Arimaha Dibada kenya,
Chirau Ali Mwakwere, ayaa maanta
oo talaado ah shaaca ka qaaday
in aan dawladda Kenya ciidamo
nabad ilaalin ah u diri doonin
Soomaaliya, waxana uu intaas ku
daray in ka qayb qaadashada
ciidamadooda (Kenya) ee iska
horimaad maleesiyada
Soomaaliyeed ay wiiqi karto
booska kenya ee
dhexdhexaadnimada ah ee gobolka.
Mwakwere waxa uu shir jaraa'id
ka sheegay asagoo jooga Nairobi
in ay damacsan yihiin inay
Soomaaliya u diraan qaybo korka
kala socda nabada iyo in ay
ciidamada nabad ilaalinta
siiyaan aalad, taas oo ay
ansixiyeen IGAD shirkii Abuja.
'Waxaan
go'aansanay in aanaan ciidamo
nabad ilaalineed u dirin
Soomaaliya, balse aan u direyno
kuwo nabada kor kala socda iyo
cunto iyo aalad kale oo la
siinayo nabad ilaaliyayasha"
ayuu yir wasiirka Arimaha dinada
Kenya oo kasoo laabtay magaalada
Jeddah, Saudi Arabia oo uu kaga
soo qayb galay shir looga wada
hadlayey "argagixisada".
"Meesha
ay dhacdo iyo doorka ay Kenya ka
qaadaatay awgeed waxaan sii wadi
doonaa in aan ahaano ubucda
dhaqdhaqaada horumarinta nabadda
Soomaaliya" ayuu yiri wasiirku.
Waxan uu intaas ku daray in
wadamada Jabuuti, Suudaan,
Uganda iyo Etoobiya ay muujiyeen
ballan qaadkooda ah in ay
taageeri doonaan sugidda
ammaanka Soomaaliya ayagoo
bixinaya ciidamo caawiya
dawladda dibad jooga hadda ku ah
wadanka deriska ah ee Kenya si
ay ugu guurto wadanka qasan, waa
sida hadalka loo dhigaye.
Waxa uu wasiirku yiri Itoobiya
ayaa ballan qaaday ciidamada
qalabka sida iyo aallada ugu
badan, waxaana ku xiga Uganda,
Sudan iyo Djibouti, kuwaas oo
Soomaaliya u diri doona ciidamo
militari ah.
"Waxaan
ka hadleynaa waa dad iyo hub la
dirayo, oo ay dhici karto in
kooxo ay dhinac raacaan. Waxaa
muhiim ah in anagu aanaan
dhinacna raacin," ayu yiri
Mwakwere.
Dawlaadda dhowaan loo dhisay
Soomaaliya waxa ay ku sugan
tahay Nairobi oo ah halkii lagu
dhisay, sababtoo ah xaaladda
ammaan ee Soomaaliya iyo ayadoo
aan haysan imkaaniyaad ay
xubnaha maamulka ku aadaan
Muqdisho, caasimaad Soomaaliya
ayaa warku ku daray.
Bishii October ee 2004 ayey
ahayd markii Madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf, uu Ururka
Midowga Afrika weydiistey
ciidamo gaaraya 20,000 oo nabad
ilaalin ah oo qabta hawsha nabad
kusoo celinta dalka iyo hub ka
dhigista, si ay dawlada si nabad
ah ugu laabato dalka.
Waxaana la sheegay in Jimcada ay
Soomaaliya aadi doonaan koox
odoroseysa xaalada inta aysan
halkaas ciidamada u dirin.
Hoos ka akhri AU oo cidiamada
ansixisay:::
Tarjumaadii SomaliTalk.com | Feb
8, 2005 | ISHA:
GUJI HALKAN...
Golaha Amniga Ururka midnimada
Afrika oo Ansaxiyay in IGAD
ciidamo gayso Soomaaliya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk |
Nairobi
Email:
canabmumtaz@hotmail.com |
Feb 8, 2005
Golaha Amniga iyo Nabad Galyada
Ururka midnimada afrika (AU)ayaa
kulankiisi ka dhacay magaalada
addis ababa ee 24-aad, uga
hadlay howlaha ciidamada ka
socda wadamada IGAD ay ka
qabanayaan somaliya.