Barnaamijkii Radio Xoriyo Feb. 04,
2005
-
Dagaallo ciidamada cadowga Itoobiya lagu
jabiyay.
-
Maraykanka oo Itoobiya ku qasbaya inay
tallaabo ka qaado xasuuqii Gambella.
- Shir
gudniinka gabdhaha ku saabsan oo Jabuuti
lagu qabtay
-
Xukuumadda Itoobiya oo qas ka abuurtay
gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya
- Iyo
barnaamijkii Aragtida Halgamaaga
===================================
Dagaallo
ciidamada cadowga Itoobiya lagu jabiyay.
Dagaalka
gobonimo doonka ah ee u dhaxeeya ciidamada
xoryenta Ogadenya iyo kuwa cadowga Itoobiya
ayaa si joogto ah uga socda gobollada
Ogadenya oo dhan, waxaana goobaha dagaalka
mar kasta lagaga awood roonaadaa ciidamada
kar-karka ah ee nidaamka Addis Ababa xasuuqa
ku keenaya dhulka Ogadenya. Dagaalladii ugu
denbeeyay ee ka dhexdhaca cwxo iyo ciidamada
gumaysiga itoobiya waxay u dheceen sidatan:
- 21/01/05
Hodan-weyn oo Gobalka Nogbeed ka tirsan
dagaal ka dhacay ayaa ciidamada cadowga
itoobiya lagaga dilay 5 askari, 4 kalana
laga dhaawacay.
- 21/01/05
baadiyaha Sagag iska hor imaad dhex maray
haftood-hurayaasha jwxo iyo naftood-halaaga
yaasha cadowga itoobiya ayaa
naftood-halaagayaasha nacabka gumaysiga
itoobiya lagaga dilay 3 askarihalka
dhaawucuna gaadhay 4 kale.
Meesha
layidhaahdo Barqo-maal oo Sagag u dhow wuxuu
CWXO 26/01/05 gacanta ku dhigay koox
dabaqoodhi ah oo cadowgu soo dirsaday.
Kooxdaas dabaqoodhiga ahayd ayaa guryohoodii
loo kala diray, ka dib markii laga qaaday
hubkii ay wateen.
- 27/01/05
Gacandhiile oo Sagag duleedkeeda ah ayaa
ciidamada cadowga itoobiya dherbaaxo xoog
lehloogu gaystay waxaa cadowga halkaas
lagaga dilay 20 askari, waxaana laga
dhaawacay inta la hubo 13 askari.
-Kuus-cawl
oo u dhow magaalada Fiiq ayaa iyana 28/01/05
ciidamada cadowga itoobiya lagaga dilay 5
askari, iyadoo dhaawucuna gaadhay 7 askari.
- 28/01/05
Meel u dhaxaysa Iimey iyo Gudhis ayey CWXO
isku heleen Dabaqoodhi uu soo dirsaday
Cadowgu. Waxaa dabaqoodhiga halkaas lagaga
dhaawacay 4, kuwaasoo gacanta lagu dhigay,
hase yeeshee la iska sii daayay, ka dib
markii laga qaaday hubkii ay wateen.
Maraykanka
oo Itoobiya ku qasbaya inay tallaabo ka
qaado xasuuqii Gambella
Dawlada
Maraykanka ayaa xukuumadda Addis Ababa ku
cadaadinaysa inay maxkamad soo saarto ciddii
ka denbaysay xasuuqii Gambella oo dad
boqollaal gaadhay lagu dilay, qaar kale oo
badana guryohoodii laga gubay.
Waxaa
muhiim ah in la ciqaabo dadkii masuulka ka
ahaa xasuuqii dadka rayadka ah ee Gambella
ku dhaqan loo gaystay bishii Disember ee
sannadkii 2003 iyo horraantii 2004, kuwaasoo
ay ku jiraan masuuliyiinta xukuumadda,
booliska iyo millaatriga xasuuqaas lagu
eedeeyay inay ka qayb qaateen, sidaas waxaa
lagu sheegay bayaan uu soo saaray safiirka
Maraykanka u fadhiya dalka itoobiya.
Safiirku
wuxuu bayaankan soo saaray, ka dib markii
dhammaadkii toddobaadkii hore booqasho ku
tegay gobolka Gambella, isla markaana uu
wada-hadallo la yeeshay madax dhaqameedyada
qabaa’ilka ku dhaqan gobolka Gambella.
Xasuuqaas
loo gaystay dadka Gambelaha ah ayaa lagu
dilay in ka badan 1000 qof oo u dhashay
qabiilka ugu wayn qabiillada ku nool gobolka
gambella, waxaana la xaqiijiyay in ciidamada
millatariga ee Wayaanuhu ay si toos ah
xasuuqan u fuliyeen.
Hay’adda
qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga
UNHCR oo shaqaaleheedii gobolka kala baxday
markii ay shaqaaqooyinku dheceen, ayaa hada
sheegtay inay dib ugu soo noqotay meelihii
ay ka hawl-geli jirtay.
Shir
gudniinka gabdhaha ku saabsan oo Jabuuti
lagu qabtay
Magaalada
Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti ayaa
badhtamihii toddobaadkan lagu qabtay shir
heer gobol ah oo lagaga hadlayay
cidhib-tirka gudniinka fircooniga ah,
waxaana shirkaas ka soo qayb galay afar
waddan oo Qaaradda Afrika ku yaalla iyo
dalka Yeman.
Shirkan, oo
socday arbacadii iyo khamiistii, waxaa ka
soo qayb galay wakiillo 300 oo qof gaadhaya,
kuwaasoo kala ka yimid wadamada Eritereya,
Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya iyo waliba
aqoonyahano ka socda Jaamacadda Al-Azhar ee
dalka Masar, sidaas waxaa sheegay Ururka
UNICEF ee Qaramada Midoobey.
Shirkan
waxaa soo qabnaqaabiyay wasiirrada
caafimaadka ee dalalka Geeska Afrika. Dalka
Jabuuti, oo shirkan martigeliyay, ayaa
qalinka ku duugay heshiiskii xuquuqda
dumarka afrikaanka ah ee sannadkii 2003 lagu
gaadhay magaalada Maputo. Heshiiskani wuxuu
wadamada saxiixay ku waajibinayaa inay la
dagaallamaan gudniinka fircooniga ah.
Xukuumadda
Itoobiya oo qas ka abuurtay gobolka Gedo ee
dalka Soomaaliya.
Xukuumadda
Itoobiya ayaa la sheegay inay ka denbaysay
muran ka abuurmay guddoomiyihii degmada
Dolow oo xilkiisii laga qaaday, arrintaasoo
keentay in buuq wayni uu ka dhasho
deegaannadaas.
Dadka ka
soo horjeeda in guddoomiyaha xilkiisa laga
qaado ayaa sheegaya inay xukuumadda Addis
Ababa si cad faraha ugula jirto maamulka
gobolka Gedo, iyadoo xilka ka qaadaysa
qofkay u malayso inaanuu siyaasadeeda
fulinaynin.
Ciidamada
gumaysiga Itoobiya waxay dalka Soomaaliya,
gaar ahaan gobolka Gedo, soo galaan mar
kastoo ay doonaan, iyagoo xadgudubyo badan u
gaysta dadka soomaaliyeed ee deegaankaas ku
dhaqan.
Feb. 04, 2005
C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820
KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM
waqtiga Afrikada Bari.
Afeef: Warkaas
waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 4, 2005
Warmurtiyeed kusaabsan Soomaaliya oo laga
soo saaray shirkii abuja
»
Lix Qof oo kudhintay Dagaal ka dhacay
Kismaayo
»
Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG oo warqad ka
helay UK
»
Xuseen Caydiid oo la kulmay Safiirka
Jarmalka ee Kenya
Warka
oo dhan ka akhri halkan... Guji..
Samsam oo Soo Gaartey Garoowe
»
Samsam oo soo gaartey Woqooyi Bari...
»
Samsam oo shuruud la'aan lagu siidaayey...
...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji...
Feb 3