SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WAFTI UU HOGAAMINAYO MADAXWAYNAHA DOWLADA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA IYO Pr, CALI MAXAMED GEEDI UUNA WEHLIYO MADAXWAYNAHA PUNTLAND OO SOO GAARAY MAGAALADA GALKCYO.

Galkacyo (Somalitalk)

Isniin 2/28/05

Waxaa maanta soo gaaray magaalada galkacyo wafti balaaran  oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa abaarihii saacaddu markay ahayd 2:20 daqiiqo oo ku beegnayd geeska afrika gaar ahaanna saacada Soomaaliya ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada galkacyo , waxaana ku soo dhoweeyay qaar kamida masuuliyiinta gobolka mudug oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha gobolka mudug Maxamed Warsame Cabdile Jabhad duqa dagmada galkacyo Xusen Jamac Yabaq, xubno loogu talagalay in ay soo dhoweeyaan madaxwaynaha iyo waftigiisa, qaar kamida ururada haweenka, dhalinyarada, ardayda iskuulada, qaar kamida masuuliyiinta koofurta galkacyo, iyo dadwayne aad u farabadan oo gaaraya illaa dhowr kun oo qof. 

Waxaa sirasmiya u soo dhoweeyay Waftiga Ciidamada Daraawiishta ciidamada booliska PL, kadib markii ay soo caga dhigteen diyaaradaha ayaa loo fidiyay roogag casaana oo loogu talo galay in ay ku soo socdaan madaxwaynaha iyo waftigiisa uuna ku wehliyay Gen, Cadde Muuse Xirsi Boqor oo ah madaxwaynaha DGPL iyo Xasan Abshir Faarax oo ah wasiirka dakadaha iyo kaluumaysiga badda ee dowladda federaalka Somaaliya.

Waxa ka muuqday garoonka maantay xamaasad aad u wayn oo lagu soo dhowaynayay dowladada federaalka Soomaaliyeed ayadoo ay qiiro ka muuqatay dhamaanba shacabka oo isu soo diyaariyay soo dhowaynta, haweenka ayaa ku labisnaa dharka alindiga lyo hidihii iyo dhaqankii Soomaaliyeed ee lagu yaqaanay hablaha waxayna wateen calanka buluuga ayadoo ay ku labisnaayeen calanka oo laga tolay canbuuro iyo jalaabiib dushana jalbaabkana uu si gaara uga muuqday calanka buluuga halka canbuurkuna uu ahaa cadaan oo kaliya sidoo kale waxaa la dhigay gudaha garoonka diyaaradaha ambalas oo ay saaraayeen shaqaalaha caafimaadka ee gargaarka dag daga ah gaarigan oo ay ka muuqatay calaamada bishacas waxaana la socday qaar kamida dhaqaatiirta gobolka mudug uuna ka mid ahaa Pr, Maxamed Jaamac, ku simaha  isku duwaha caafidaadka iyo dhaqaatiirkale.

Waxaa la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha oo ay sugayeen ciidamada gobolka mudug waxaa maanta gawaarida timid ay gaarayeen illaa boqol tiro kor u dhaafeysa ayna qaadi wayday dadwaynihii xiligii lagu noqonlahaa gudaha magaalada oo ahayd halka ay ka yimaadeen caruurta iyo shacbkuba waana looga soo tagay qaar kood airoport-ka magaalada halkaa oo ay dad badani ka soo lugeeyeen.

Waftiga uu hogaaminayay Madaxwaynaha ayaa horay loogu diyaarshay hotel Taar oo ku yaal koonaha magaalada gaar ahaanna dhinaca koontaroolka bari ee magaalada galkacyo.

inta uusan madaxwaynaha iyo waftigiisu aysan ka bixin garoonka diyaaradaha ayuu sitoosa u dhexqaaday afarta dhinac ee airoboorka magaalada, waxa uuna u gacanhaatinayay dhamaanba shacabka ayadoo ay ciidamaduna salaan u bixiyeen madaxwaynaha iyo waftigiisa.

Isla goorihiiba waxaa loo gudbiyay hotel Taar waxaana loogu diyaariyay qado isaga iyo wufuudiisaba waxaana sitoosa u sii raacay dhamaanba xubnihii wasiirada ee soo dhowaynayay waftiga, masuuliyiinta gobolka, masuuliyiinta koofurta galkacyo, ganacsatada, saxaafadda, iyo dadwayne kale intaba. waxaa lafilayaa in uu bari ka qudbayn doono garoonka kubada cagta ee gaalkacyo.

sahrosiglan@hotmail.com | SomaliTalk.com | Galkacyo


Mas'uuliyiin ka socday labada gole oo baaq dalbasho ah ka soo saaray xabsigii boosaaso loogu gaystay C/llaahi sh Xasan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi | Feb 28, 2005

 
C/llaahi sh Xasan oo ka mid ahaa wafdigii xaqiiqo raadinta ee ka socday AU iyo jaamacadda carabta ayaa lagu xiray magaaladda boosaaso ee ismaamul goboleedka puntland isagoo ku guda jira sida wararka halkaas ka imaanaya ay sheegayaan howshii loo xilsaaray ee xaqiiqa raadinta.
 
Siyaasiyiintan ayaa ka dalbaday maamulkaas in ay si dag dag ah u sii daayaan mas'uulkaas ku xiran puntland waxayna iyagoo intaas ku daray xubnahan in dhacdadani ay tahay mid laga xumaado oo dhibaato keeni karta hadii aan dag dag loo sii daynin.
 
Xildhibaanadan waxa ay arrintan dalbashada sii daynta u xilsaareen Cumar Xaashi Aadan oo wada dadaal uu ku samaynayo sidii uu ula xiriiri lahaa maamulka xiray C/llaahi Sh Xasan.
 
Siyaasi ka mid ah siyaasiyiintan soo saaray qoraalka ay ku dalbanayaan sii daynta C/llaahi Sh xasan ayaa ii xaqiijiyay in Mas'uulkan lagu xiray boosaaso uun aruurinayay figaradaha dadka qaba in aan la keenin wadanka ciidamo ka socda wadamada safka hore ee dalalka IGAD la isku yiraahdo, sababta xiritaankiisana ay ka dambayso arrintan.
 
Dhinaca kale wararka ka imaanaya ismaamulka puntland ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta ee puntland uu si cad u sheegay in ay maamulkiisa xireen mas'uulkan waxa uuna intaas ku daray in la baarayo haddana uu ku jiro xabsiga dhexe ee boosaaso isagoo aan sheegin sabab cad oo lagu xiray.
 
C/llaahi Sh Xasan waa xildhibaan ka mid ah baarlamaanka waxa uuna ka mid ahaa wafdiga xaqiiqo raadinta ah ee ka socday AU iyo Jaamacada Carabta loona xilsaaray in ay soo sahmiyaan xaaladda ammaan ee meelo ka mid ah soomaaliya ka hor inta aan halkaasi la gaynin ciidamo ka socda wadamada IGAD si ay usoo ogaadaan sida dadka u rabaan ciidamad la geeyo dalka.
 
waxaana xabsiga la dhigay daraad xili ay Puntland booqanayeen wafdi ka socda Dowladda FKMG ah oo ay hogaaminayaan madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha iyagoo shalayna ku sugnaa boosaaso walina lama soo sheegin wax hadal ah oo ay labadan mas'uul ka yiraahdeen xirida Mas'uulkan.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Feb 28

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 28, 2005


gawaaridii oo lagu xiray Calaamadaha soo dhaweynta  Photo By Cabdifataax Jaamac MireWaftigii DFKMG oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Boosaaso
Waxaa maanta Isku soo bax aad loo soo Abaabulay oo lagu soo Dhawaynaayo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha DFKG ay ka Dhacday Magaalada Boosaaso Guji... Feb 27

Beesha Hawiye oo Kulankoodii Maanta Ka Soo Saaray Go'aamo
Xubnaha Labada Gole ee DFKMG ee Beesha Hawiye ayaa shir Sedex cisho Socday ka dib waxay soo saareen shan qodob oo ay beesha wada saxiixday oo uu kamid yahay qodob ah "In caasimadda ay ka saaraan maliishiyaadka iyo hubkooda." Guji Feb 27

Maxkamada Somaliland oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwada Doorashada Golaha Wakiilada
Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa dacwad uu sooqoray madaxwayne rayaale oo ... Guji... Feb 27

"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo ay SomaliTalk maanta ku waraysatay Kismaayo.. Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD