SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KISMAAYO

"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo u waramayey SomaliTalk

Kismaayo | Feb 26, 2005

Waxaa maanta inoo suura gashay in aan waraysi la yeelano afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba ahna gudmiye ku xigeenka labaad ee golaha hogaaminta isbahaysiga dooxada jubba mudane Bille Cabdule Cabdi anagoo wax ka waydiinay siyaasdooda ku aadan imaatinka dowlada FDKG ah ee Soomaaliyeed iyo keenitaanka ciidamada shisheeye oo ay ku jiraan kuwa safka hore ee la keenayo dalka Soomaaliya. 

Somalitalk:marka hore mudane afhayeen ku soo dhawoow Somalitalk. 

Bille:waad mahadsantahiin bahda websedka somalitalk waana dhawahay  

Somalitalk: ugu horyen mudane waxaad nooga warantaa siyaasadiina ku aadan hadaad tahiin isbahaysiga dooxada jubba imaatinka dowlada FDKMG ah ay timid dalka 24 kii bishan gaar ahaan magaalada jowhar oo 90 km u jirta magaalada muqdisho islamarkaana halkaa ka laabatay oo u sii socdaashay puntland. 

Bille :bismilaahi raxmaani raxiim  anaga waxaan jeclayen xukuumada KMG ah in ay ka dagto magaalada muqdisho madax waynha iyo raysulwasaaraha mar haday dalka dibada oga maqnaayeen tan  iyo xiligii la magacaabay waxaan jeclayen in ay ka dagaan magaalada muqdisho oo ah magaalo madaxdii dalka ama hooyadii dalka. Dhinaca hubka dhigista la sheegayo in lagu samaynayo dalka waxaan ayada ka oran lahayn in marka hore ay galaan hogaamiye kooxeeedyadii iyo asxaabtii kale ee ku hubayesnayed dalka sida ganacsatada iyo maxakamadaha in la tijaabiyo mashruucna loo sameeyo waxna la isagu duwo isla markaana gudi dhexdhexaad ah oo la aaminay oo laga soo shaqeeyay oo beelaha Soomaaliyeedna ka kooban oo uu noqdo midka hubka la wareegaya goob kasta ama gobol kasta ama meel kasta oo hub laga xaraynayo kuwaas ay ka shaqeeyeen howsha hub aruurinta saas ayaan jeclayn anagu lakiin saan filaayo siyaabo kale oo ay bulshada soomaaliyeed kasoo horjeedo ayay wax u wadaan dowlada. 

Somalitalk: mudane sida aad la socoto waxaynu ognahay in meelo badan oo dalka ka mid ah gobolada soomaaliya ay tageen xukeemada KMG ah golaheeda fulinta ama golaheeda wasiirada dad ka socda isla markaana ay dadka wacyi galiyaan oo ay u sheegaan dowlada iyo wax la qabadkeeda sida aan ognahayna magaalada kismaayo waxaa ku sugan wasiirkii dib u dhiska iyo dib u dajinta ee xukuumada KMG  ah xildhibaan Barre aadan shire islamarkaana ah gudoomiyaha isbahaysiga dooxada jubba mana jirto ilaa iyo hada goob fagaaro ah oo ilaa iyo intii xilkaa loo magacaabay intuu dadka isugu yeeray  aad kala hadasheen taa ayada ah maxay ku dhacday. 

Bille: horta adeer dadka in badan waan la hadalnay goobo badan baana  kala hadalnay  mar haduu warbaahinta uu kala hadlay xildhibaan barre  uuna ka sheegay in magaalada kismaayo ay ku suganyahiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KMG ah isla markaana howl walba oo la  qabanayana ay tahay mid ay qabanayso dowlada FKMG ah ee soomaaliyeed sidaa daraadeed kama ay maqna xukuumada KMG ah magaalada kismaayo lakiin rabitaanka aan sheegnay  waxaa weeye sidii ay ku qurux badnayed kuna asluubaysnayd oo aan burbur iyo kala jajab lahayn  in magaalada muqdisho uu ka dago madaxwaynaha. 

Somalitalk: mudane hadaan su'aal kale ku  waydiiyo waxaad la socotaa in madaxwaynaha dowlada KMG uu dalbaday in dalka lakeeno ciidamo ajanabi ah oo gaaraya ilaa 75000 oo askari  oo ka socda dalalka midowga afrika gaar ahaan safka hore in dalka la keeno si ay oga qayb qaataan hub ka dhigista lagu samaynayo maleeshiyada arintaas oo buuq badan dhalisay markii lagu soo daray ciidamada safka hore oo ay ku jirto dowlada dariska nala ah ee Itoobiya marka guud ahaan idinka isbahaysi ahaan maxay tahay siyaasadiina ku aadan in ciidamo shisheeye la keeno dalka. 

Bille: horta anagu ma qabno in dalka ciidamo shisheeye la keeno labo sababood owgeeed: Waa mida kowaade ayadoon la tijaabin hogaamiye kooxeedyadii dalka joogay ee hubaysnaa ee ku dirirayay ee hada intii dib u heshiisiin loo samyeeyay xukuumada wada galay ayaga aan loo dirin oo aan inta dhaqaale loogu daro lagu qasbo in hubka dhigista ayaga ay bilaabaan maqabno in la keeno ciidamada shisheeye. Qodobka labaad waxa uu yahay xukuumada lafteeda ayaa ku kala qaybsan tusaale ahaan gudoomiyaha baarlamaanka markii uu muqdisho yimid waxa uu sheegay in hub ka dhigista ay soomaalida iska samaynayso dhexdeeda ee aan hada ciidamo shisheeye aan loo baahnayn muqdishona uu ka dagay asaga, madaxwaynaha iyo raysul wasaarahana waxa ay ka dageen jowhar marka halkaa waxaa kaaga muuqanaya in uu qilaaf ka jiro sidaa darteed ayaana u ogalayn in dalka la keeno ciidamo ajanabi ah waxaana fiican hadii ay noqoto in ciidamo shisheeye dalka la keenayo in soomaalidu ay si isugu luga duwan tahay oo ay isku raacsantahay si aan ciidamada shisheeye dhib u gaarin. 

Somalitalk: mudane waxaanu ognahay in ay keenida ciidamo shisheeye ay ansixiyeen golaha wasiirada iyo madaxwaynaha ayna harsantanyahiin golaha baarlamaanka oo ayagana la filayo in ay u fariistaan dhowaan marka adinka diidmadiina ma waxaa loo fasiran karaa in uu xariir idin ka dhaxeeyo ama  ku xirantahiin hogaamiye kooxeedyada reer muqdisho ee ayagu ka haray safarkii uu madaxwaynaha iyo raysuwasaraha ay dalka ku yimaadeen ayagoo kasoo horjeestay keenida  cidamada shisheeye gaar ahaan safka hore. 

Bille: adeer diidmadeena aan ciidamada shisheeye diidanahay waa mid anaga noo qaas ah anagana iskuma aan xirin siyaasiyiinta reer xamar marka dhaliilaha aan ku diidayno ciidamada shisheeye waanu sheegnay xaqna waxaan u leenahay in aan afkaarteena dhibano. 

Somalitalk: aad iyo aad ayaad u mahyadsantahay mudane afhayeen  

Bille: adinka ayaa mudan  . 

cabdi qadar nuur maxamed  (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2005


Wafdigii DFKMG oo Booqday Garoowe
Watigtiga DFKMG oo Jawhar uga sii safray Baladweyne, Kadibna garoowe iyo Dr.C/qaasim oo sheegay in Keenis Ciidamo Safka hore waa ay abuutreyso dagaal sokeeye
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Feb 25

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD