Wafdigii dowlada oo ka dagay garoonka
diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe.Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Feb 25, 05
canabmumtaz@yahoo.com
Garoonka Magaaladda garoowe oo lagu
magacaabo canoco(Kanooko)oo 40km u jira magaalada garoowe ayay ka dageen
wafdigii dowladda maanta, waxaana garoonkaas buuxiyay dad
weyne,isimo,Madaxda maamulka puntland iyo ururada bulshada rayidka ah iyagoo
soo dhaweeynayay wafdiga madaxweynaha iyo wasiirka koowaad cali maxamad
geddi oo maanta ku nastay magaaladda baladweyne kadib markii ay ka soo
duuleen isla maanta garoonka magaaladda Jowhar ee gobolka shabeelada
dhexe.
Wafdigan oo daqiiqado ka hor ka dagay garoonka
Garoowe waxaa salaan ku siiyay cutubyo ka mid ah ciidamada maamulka
puntland waxa ayna tumayeen muusika astaanta u ah calanka jamhuuriyadda
Soomaaliya ee Somaliyey Toos,toossa oo isku tiirasada hadba kiina taagta
daran taageera waligeen.
Dadka soo dhaweeyay waxa ka mid ahaa
Madaxweynaha Maamulka puntlanad Cadde Muuse, Wasiiradda, isimo iyo
wafdigii dowladda ee ka tagay magaalada Nairobi.
Dadweynihii halkaas ku dhaweeyay oo aad u
badnaa Wafdiga dowlada ayaa watay boorar kala duwan oo ay ku muujinayaan
sida ay u jecel yihiin Dowladda ay hogaaminayaan C/llaahi yuusuf Axmad
Iyo Cali Maxmad Geddi oo labadoodu safar hal meel ah ku wada qaadanaya
soomaaliya gudaheeda markii ugu horeysay.
Wafdiga waxa ay booqan doonaan gobolo
ay ka mid yihiin Magaalada Gaalkacyo,Boosaaso iyo meelo kale oo ka
mid ah maamulka puntland,Wafdigan waxay tagayaan baydhaba ka dib
marka ay halkaas ka soo laabtaan iyagoo ka dibna ugu soo duuli doona
magaaladda xarunta u ah ee Naiorbi,
Dad badan ayaa Aaminsan in wafdigani
booqanayo meelaha laga ogol yahay in la keeno ciidamao ka socda Wadamada
IGAD gaar ahaan kuwa safka hore oo aan u arkin in ay dhib keeni karaan.
Balse madaxweynaha iyo wasiirku waxay
labaduba sheegayaan in wafdigoodu uu booqanayo Caasimadda soomaaliya
xamar,balse waxay is weydiintu tahay maxaa iska badalaya
qabanqaabiyaashi isku diyaarinayay in ay wafidiga dowladda soo
dhaweeyaan kadibna ka dgaya jowhar lugtoodi ugu horeysayna ka bilaabay.
canabmumtaz@yahoo.com
WARARKII HORE EE SAFARKA WAFTIGA
»Wafdigii
dowladda oo ku sugan maanta baladwayne.
»Dr.C/qaasim:Keenis
Ciidamo Safka hore waa abuurid dagaal sokeeye.
»Aqoonyahano
shir ugu dhamaaday Nairobi.
»Safiirka
mareykanka oo aqoonayahaniinta u sheegay in ciidamo safka hore aysan xal
keeni doonin.
Wafdigii madaxweynaha iyo wasiirka
koowaad.
Wafdigii balaarnaa oo ay hogaaminayeen
Madaxweynaha dowlada FKMG ah iyo Wasiirka Koowaad ayaa maanta ka dagay
magaalada Balad weyne ee gobolka hiiraan ka dib markii ay saakay ka
ambabaxeen magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe oo ay ku soo
dageeen maalintii shalay ahayd.
Geedi markii uu ka duulayey
garoonka Wilson ee Naiorbi Feb 24. Sawirka: AFP |
Wafdigan ayaa waxaa halkaasi ku soo
dhaweeyay dadweynaha gobolka oo wata boorar muujinaya hadalo soo dhawayn
ah iyo rabitaankooda dowladeed waxayna ku dhawaaqayeen in dowladu tahay
tii ay sugayeen diyaarna u yihiin in ay la shaqeeyaan.
Magaaladda baladweyne waxaa horay ugu
sugnaa wafdi ka socday gollaha wasiiradda oo ay hogaaminayeen wasiirka
waxbarashada iyo ku xigeenka wasiirka gaashaan dhiga Cumar Dheere
labadan wasiir ayaa wafdiga madaxweynaha ku qaabilay halkaasi iyagoo uga
waramay wixii ay qabteen maalmihii ay ka soo maqnaayeen iyo wadahadalada
ay la sameeyeen qaybaha bulshada ku nool magaaladaas iyo meelaha ku
dhawdhaw ee gobolka hiiraan.
Wadiga ay hogaaminayaan madaxweynaha
iyo Wasiirka kowaad ayaa lagu wadaa in caawa halkaasi loogu sameeyo
xaflado soo dhawan ah oo ay u samaynayaan dadka deegaanka iyagoo u
muujinaya taageerada ay u hayaan dowladda kana filaya in ay ka heli
doonaan balanqaayada amaan ee ay dowlada cusubi balan qaaday.
Magaaladda garoowe ee xarunta u ah
ismaamul goboleedka puntland ayaa lagu wadaa in waffdiga ay bari uga sii
ambabaxan magaalada baladweyne,waxaana ka socotaa halkaasi qabanqaabo
xoogan oo maamulka puntland uu u samaynayo wafdiga dowlada soomaaliyeed
ee ay hogaaminayaan C/llaahi yuusuf iyo Cali Maxmad Geddi.
Magaalada Garoowe waxaa wafdiga uga
horeeya Wafdiga ka socday Gollaha wasiiradda oo uu hogaaminayay Wasiirka
Badda iyo Kaluumaysiga Xasan Abshir Faarax,waxaana ay halkaasi intii ay
ku sugnaayeen la kulmay qaybaha shacabka reer puntland iyo maamulka
labadaba.
Magaaladda Garoowe waa halkii uu hadda
ka hor ka talin jiray Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee soomaaliya C/llaahi
Yuusuf Axmad,Balse markii loo doortay xilkan ayaa doorasho la qabtay
dabadiis lagu doortay Gen Cadde Muuse oo hadda gacanta ku haya
maamulkaas.
Wafdigan ay hogaaminayaan labadii
mas'uul ee dowladda ugu sareeyay waa kii ugu horeeyay ee ay somaliya
dhexdeeda safar lug ugu maraan,tan iyo markii la dhisay dowladda.
Ra'iisul wasaaraha Dowlada FKMG ah ee
soomaliya waxa uu saxaafadda u sheegay horaantii bishan in wafdi uu
hogaaminayo ay ka dagayaan magaalo madaxda soomaaliye ee mogadisho
bishan 21 deeda kulamona la soo qaadan doono reer mogadisho.laakiin
waxaaa muuqata in uusan cag dhigi doonin.
Shirkii Jar’aad ee Dr.C/qaasim.
Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG
ahayd ee jabuuti lagu dhisay DrC/qaasim Salaad Xasan ayaa shir jar’aad
ku qabtay magaalada mogadisho xili ay wafdigii dowladda FKMG ahi ku
sugnaayeen Jowhar.
C/qaasim waxa uu shirkiisa jar’aad uga
hadlay Ciidamada la damacsan yahay in la geeyo Soomaaliya ee ka socda
wadamada IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore iyo Caasimadda Soomaaliya
ee Mogadisho.
“Ciidamo ka socda Wadamada Safka hore
oo soomaaliya la soo galiyo waxay keenaysaa cadaawad hor leh oo laga
dhex abuuro dadka soomaaliyeed” ayaa ka mid ahaa hadaladii C/qaasim ee
ku jiray shirkii jaraa’id ee uu Saxaafadda kala hadlayay shacabka
soomaaliyeed.
Caasimadda Soomaaliya soomaaliya in ay
tahay Muqdisho ayuu carabka ku dhuftay isagoo intaasi ku daray in la
jabinayo Qodobka 5aad ee Dastuurka FKMG ah ee soomaaliya oo sheegaya in
caasimadu tahay Xamar aana laga badali Karin waxa uuna ugu baaqay
dowlada federalka ah in ay dhowrto nidaamka ku xusan dastuurka kana howl
gasho casimada dadka soomaaliyeedna wanaag ka kasbato.
Dib u heshiisiinta mar uu ka hadlayay
waxa uu sheegay in dowladani ay mas’uuliyad ka saran tahay in ay bilowdo
dib u heshiisiin dhex marta dadka soomaaliyeed,iyadoo laga soo bilaabayo
gobolada laguna keenayo magaalooyinka.
“Dowladani waxay ka nasiib badan tahay
dowaldaydii waayo waxaa ku wada jira hogaamiyayaashi siyaasada oo
dhan,dowaldaydii waxaa dib u dhigay dagaalo kaga yimid hogaamiyaasha
siyaasadad ee hadda ku jira labada golle”Hadalkan waxaa yiri
Madaxweynihii hore ee Dowladda KMG ahayd ee Lagu soo dhisay Dalka
Jabuuti Dr.C/qaasim Salaad Xasan.
Ugu dambayntii waxa uu xusay in aysan u
dulqaadan doonin dibindaabyo lala damacsan yahay shacabka soomaaliyeed
oo ka dhex abuurta jahawareer iyo dagaalo sokeeye iyadoo ay maskaxdooda
ka sii guuxayso waxii ay ka soo gaaray kuwii hore.
C/qaasim iyo siyaasiyiin kale oo uu ka
mid yahay Cali Mahdi Maxmad oo mar soomaaliya ka noqday Madaxweye dowlad
isla jabuuti lagu dhisay horaantii sagaashameyadii ayaa baryahaan la
hadalhayay in ay abuurayaan xisbi siyaasadeed oo aan hubasnayn kaas oo
sida wararku ay sheegayaan ka shaqayn doona dib u heshiisiinta dadka
soomaaliyeed.
Shirka Aqoonyahanada ee Nairobi.
Kooxda aqoonyahada ah oo uu shir
albaabada loo laabay uga socday Magaalada Nairobi mudo shan maalmood ah
ayaa shalay la soo gabagabeeyay.
Aqoonayahanadan oo kala yimid Dalka Somalia
Gudahiisa,yurub iyo Amerika ayaa markii labaad shirkan kaga hadlaya
xaaladda dalka marayo ee kaalintooda kaga aadan,Hubka ka dhigis sida loo
hirgalin karo,in ay talo ama fikir ku biiriyaan dowladda FKMG ah ee
soomaaliya iyo ugu dambayn sidii ay beesha caalamka uga dalban lahaayeen
in soomaaliya loo fidiyo gargaar dhinac walba ah sida uu iigu waramay
aqoonyahan ka mid ah kooxdan oo ah Prof.Gandi.
Aqoonayahanadan oo aan wali soo saarin
wax go’aano ah oo ka soo baxay shirkaas ayaa kulankoodu ugu horeeyay la
yeeshay Safiirka maraykan u xilsaran la socoshada arrimaha soomaaliya.
Safiirka waxa uu kooxdan aqoonayanada
ah usheegay in dalkooda ay ka abuuraan hab ku dhisan nolol wadaag iyo
amaan buuxa oo soomaaliya lagu soo dabaalo iyagoo dowladana ka siinaya
talooyin ku aadan wadadii ay u mari lahayd nabada si cilmiyaysan oo aan
dagaal ka imaan Karin.
Waxa uu safiirkani intaas ku daray in
ay xal ula muuqanin dowlad ahaan in Somaliya la geeyo ciidamo ka socda
Wadamada Safka hore,iyadoo ay soo muuqanayaan calaamado muujinaya sida
looga xun yahay in ciidamada safka hore ay abuuri karaan jawi aan
daganayn,dad badan oo soomaali ahna ay rumaysan yihiin in wadamada safka
hore ay dano ka leeyihiin soomaaliya waxyaabo badana ay iskaga xiran
yihiin marka laga hadlayo xuduudaha iyo siyaasada gudaha waxa uuna
intaas ku daray in wadamadan ay ay yihiin kuwo la kala safan
siyaasiyiinta ka jirta dalka soomaaliya.
Ugu dambayn waxa uu safiirkani sheegay
in caalamku taageerayo dowlad ka shaqaynaysa danaha umadd ayna isku
kalsoon yihiin madaxda ku jira labada Golle,hadii taas la helana
dhaqaale diyaar ayaa loola yahay Somaliya.
Beesha caalamku waxa ay horay u
sheegeen in Ciidamo aan loo dhamayn aan loo dirin,waxayna ku baaqeen in
baarlamaanka FKMG ahi u arrintan go’aankeeda leeyahay kadib hadii loo
arko xal la keeno,balse inta la isku khilaafsan yahay laga
fiirsado,waxayna ku tilmaameen in ciidamadas ay sii xumayn karaan
xaaladda ka jirta hadda soomaaliya iyagoo abuuraya khilaaf ka dhex
dhasha soomalida.
SomaliTalk | Feb 25, 05
WARARKII Feb 24
Madaxweynaha
iyo Ra'iisul Wasaaraha DFKG oo Booqday Jawhar
Cabdullahi Yuusuf oo cagaha dhigay
dhulkii hooyo markii ugu horeysey isagoo ah madaxweynaha DFKMG,
Sawirka AFP (feb 24, 05) |
Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, iyo Ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geedii ayaa maanta oo Khamiis ah
(Feb 24) booqashadoodii ugu horeysey intii la doortay kaddib ku tegey dalka
Soomaaliya.
Wararka Jawhar ka imanaya ayaa tibaaxay in
maadxweynaha iyo ra'iisul waasaaruhu ay halkaas ku tageen laba diyaaradood
oo midba uu la socdey diyaarad.
Waxaa wararku sheegeen in si weyn waftiga
madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha loogu soo dhoweeyey magaalada Jawhar,
ayadoo amaanka magaaladaas aad loo sugay.
Hay'adda AFP waxay soo werisey in waftiga
lagu soo dhoweeyey boorar, kuwaas oo ay ka xustay in mid kamid ah uu ku
qornaa "Kusoo dhowaada dalkiina", mid kalena waxaa ku qornaa "Dadka
reer jawhar waaxay soo dhoweynayaan Dawlaadad Federaalka Kumeel Gaarka ah",
boor kalena waxaa ku qornaa "Cimrigoodu ha raago madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaraha".
Cabdullaahi Yuusuf markii uu ka degey
Jawhar waxaa laga soo xigtey in uu yiri "Aad ayaan ugu faraxsanahay in
Jawhar ay tahay magaalo aad u nabdoon oo dadkeeduna yihiin dad nabadda jecel
oo raba in ay arkaan dawladda Soomaaliyeed oo timaada dhulkeeda hooyo".
Caawa waxay waftigaasi ku negaan doonaan
Jawhar, sida ay shegeen warar ku dhowdhow madaxtooyada Soomaaliya ee geediga
u ah Soomaaliya. Waxaana la filayaa in Cabdullaahi Yuusuf uu Jimcada u
ambabaxo gobolada Puntland ee woqooyi bari ee Soomaaliya, halka ra'iisul
wasaare Geedi uu u safri doono ugu yaraan saddex magaalo oo kala ah
Beledweyne, Baydhabo iyo Gaalkacyo (ama labaduba ay halkaas u wada safri
doonaan).
Lama filayo in midkoodna, madaxweynaha iyo
ra'iisul wasaaruaha, uu safarkan ku tegi doono Muqdisho. Wararka aadka ugu
dhowdhow madaxweynaha waxa ay sheegayaan in la qorsheynayo in DFKMG in inta
aysan deggin Muqdisho ay ku meel gaar haan sii degi doonto magaalo ka baxsan
Muqdisho, oo loo malaynayo Baydhabo ama Beledweyne.
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 24, 2005
Warar Googoos
ah::: Feb 24
»Xildhibaano
ka biya diidsan in Geddi u safaro jowhar
»Golaha
Wakiilada DGPL oo Magacaabay Guddi Joogta ah
»Muxiyadiin
Darbo Weyne oo siro Isboorti daaha ka rogay!
»Cabdi
Xoosh oo sheegay in loo doortay kursigii Gaani
»Nin
dablay ah oo oo rasaas la beegsaday dayaarada qaadka
Wararka oo dhan
ka akhri halkan... Guji... Feb 24
Waraysi: Maxamed Cabdi Xaashi
SomaliTalk oo Madaxweynihii hore ee Puntland ka waraysatay waxa uu kala socdo sheegashada shirkadda Hafza ee ah in ay ijaaratey Xaafuun muddo dhan hal Qarni.. ka Dhegeyso halkan...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|