SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka oo ka biya diidsan in Ra'iisul wasaare Geddi u safro jowhar
  • Golaha Wakiilada DG PL oo Magacaabay Guddi Joogta ah
  • Muxiyadiin Darbo Weyne oo siro Isboorti oo fara badan daaha ka rogay!
  • Cabdi Xoosh oo sheegay in loo doortay kursigii uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Xaashi gaani.
  • nin dablay ah oo oo rasaas la beegsaday dayaarada qaadka keenta magaalada kismaayo

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka oo ka biya diidsan in Ra'iisul wasaare Geddi u safro jowhar

Xubnaha Baarlamanka FKMG ah ee Somaliya ayaa Ra'iisul wasaaraha dowlada ku eedaynaya i uu ka leexday nidaamkii u dagsanaa dowladda ee ahaa in caasimadu tahay magaalada Mogadisho oo aan laga leexan karin.
 
Ra'isul wasaare cali maxamad geedi waxa uu horay u sheegay in uu tagayo caasimada soomaaliya ee Mogadisho,halkaas oo si wayn loogu samaynayay  diyaar garow xoogan oo la xiriira safarkiisaas uu ku tagayo caasimada,waxayna inta badan dadka halkaas ku nool rumaysanaayeen dowladda ay taageero xoogan heli doonto marka ay tagto halkaas.
 
Safarkan cusub ee Ra'iisul wasaaruhu uu iskugu diyaarinayo magaalada Jowhar ayaa xildhibaanada baarlamaanka qaarkood waxa ay u arkaan mid qaldan oo aan haboonayn in xiligan uu wasiirku tago gobol isagoo garab maraya caasimada soomaaliya ee ahayd in uu tago ka hor inta uusan booqanin gobolada kale ee dalka waxa ayna tala ahaan ku siiyeen in caasimada ka bilaabo safarkiisa isagoo fulinaya balan qaadkii hore ee ahaa in uu booqanayo xamar.
 
Dhinaca kale waxaa isagana safar ka baaqday Madaxweynaha DFKMG ah ee soomaaliya C/laahi yuusuf Axmad oo lagu waday in uu safar ku aado magaalada garoowe oo xarun u ah ismaamul goboleedka puntland.
 
Baaqashada safarka madaxweynaha ayaan la shaacinin balse waxaa lagu wadaa in uu baxo maalinta jimcaha ah,isagoo halkaasi kula soo kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool gobolada uu ka koobmo maamulkaas.


Golaha Wakiilada DG PL oo Magacaabay Guddi Joogta ah.
Wednesday, February 23, 2005.

Garowe (Somalitalk) | sahrosiglan@hotmail.com

Golaha Baarlamaanka ayaa maantaba u doortay magacaabayna inay noqdaan Guddiga Joogtada ah ee Mudanayaasha GDPL. 10, xubnood oo magacyadoodu kalayihii sidatan:-

1. Xuseen Yaasiin
2. Max’ed Max’ud Faarax Dhancad
3. Jookho Geelle
4. Saynab Ugaas Yaasiin
5. Mahdi Max’ed Caraale
6. C/rashiid Max’ed Xirsi
7. Axmed Xirsi Carab
8. Siciid Cali Axmed
9. Max’ed Cali Gurey
10. Warsame Seeraar Xuseen.

waxaa in muda ahba laga sugayay golaha wakiilada magacaabista gudigan sidoo kale waxa ayana lafilayaa maalmaha soo socda in loo kala magacaabo howlaha ay kala qabandoonaan iyo jagooyinka lagu magacaabayo mid walba masuuliyadiisa iyo sida ay ula shaqayn doonaan hay,adaha dowlada.

waxaa kaloo la dhowrayaa maalmaha nagu soo foolleh in la dooro ku xigeenada Gudiga Joogtada ah ee Golaha Baarlamaanka, guud ahaan Xubnaha kale ee Mudanayaasha Goluhana lagu saleyo inay la shaqeeyaan Xubnaha Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Md. Xuseen Max’ed Ceegaag oo uu Goddoomiyuhu u doortay inuu la hadlo saxaafadda ayaa mar ay wax ka waydiisay saxaafddu sida ay u dhacday dooradhada ayuu ku war bixiyay-in ay maanta u dhacday si dimoqraadi ku salaysan oo aan cidla lagu dhaliilayn arinkan madaama uu yahay una egyahay mid habaysan oo la isleeyahay waa mid isku aragti ka soo jeeday maadaama uusan ahayn mid khilaaf ama muran dhaliyay aad ayaanna ugu mahad celinayaa dhaman golaha wakiilada howsha ay maanta qabten.waxaa kaloo uu ku warbixiyay qaybaha harsan in la dhamaynayo goordhow.


Mudane Ceegaag ayaa waxaa kale oo uu Guul ku tilmaamay in Guddiga Joogtada ah ee Golaha ay ka mid noqdeen laba xubnood oo gabdho ah, taasoo uu sheegay inay ka mid tahay Dimoqraadiyadda ay Puntland gaartay iyo sida weyn ee ay u qiimaynayso dumarka inay ka mid noqdaan Haykalka sare ee Dawladda iyodoo buu yiri ay horayna GolahaXukuumadda uga tirsanayd Gabar Wasiir ah.

Golaha wakiilada ayaa fadhigan 13-aad waxaa uu ahaa midkii ugu waxqabadka badnaa ayna hawlaha uu qabtay ay ugu badnaayeen Doorashooyinka kala duwanaa sida Doorashada Hoggaanka Golaha, Doorashada Hogaanka sare ee Puntland iyo doorashada Guddigiisa Joogtada ah.

waxaa ka wehliyay wax qabadka Kalfadhigaan maanta oo uu qabtay ilaa iyo Ansixinta Xeer hoosaadka Golaha, Miisaaniyadda Sanadka 2005-ta iyo weliba barnaamijka Dawladda 2005-2008.

Waxaa iyana ka maqnayn Wadashaqaynta iyo wada tashiga Dawladda iyadoo ilaa 2-jeer uu soo hor fariistay Madaxweynaha DGSPL Md. Cadde Muuse Xirsi, oo mar ka mid ah ay xasaanadda ku siyeen Golaha Wasiirada DGSPL inay Xilka hayaan muddo lix bilood oo ku meel gaar ah kadibna lasamayn doono kala shaandhyn lagu samaynayo guud ahaanba golayaasha dowlada madaama ay u badanyihiin kuwii hore ee la soo shaqeeyay dowladii hore waxaan arintaa kamid ahaa soo bandhigideeda Madaxwaynaha DGPL, Gen,Cadde Muuse oo sheegay xitaa isagu in uu kamid noqon karo xubnaha labadalayo waa hadii uu sitoosa u qabanwaayo howlaha laga rabay wax ka badalidooda.

sahrosiglan@hotmail.com


Muxiyadiin Darbo Weyne oo siro Isboorti oo fara badan daaha ka rogay!

Muxiyadiin Xasan Cali (Darbo Weyne) oo dhowaan sheegay in Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ay u doorteen 19-Naadi, isla markaana heysta qoraalka saxiixa naadiyadaas ayaa maalintii shalay ahayd waxa uu shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa magaallada Muqdisho, wuxuuna shirkaasi jaraa’id uga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen: ganaaxii Faarax Weheliye Caddow Sendiko uu kala kulmay Xiriirka FIFA, Xayiraaddii FIFA ay xayirtay dhaqaalihii Soomaaliya iyo ganaaxii Faarax Sendiko uu saaray Muxiyadiin Darbo Weyne.

Muxiyadiin Darbo Weyne oo hadalkiisa ku bilaabaya sidii ay dhacdooyinku u kala horreeyeen ayaa waxa uu sheegay in laba sano ka hor uu Faarax Weheliye Caddow Sendiko u geystay aflagaaddo Guddoomiyaha XIriirka FIFA Sepp Blatter, hase yeeshee Aflagaaddadaasi uu Darbo Weyne sheegay isagoo ka duulaya Blatter ayuu sheegay in uu la soo xiriiray isaga qudhiisa, kana codsaday in uu dhex-dhexaadiyo labadooda, hase yeeshee dhex-dhexaadintaasi uu ku gacan seyray Faarax Sendiko kaddib markii Darbo Weyne uu tegay xarunta FIFA ee magaallada Zurich ee dalka Switzerland. Darbo Weyne waxa uu xusay in dhowr jeer oo kale uu isku dayay in uu xalliyo khilaafkaasi, balse waxa uu sheegay in uu ka madax adeygay Faarax Sendiko.

Mar uu ka hadlayay dhinicii xayiraadda lacagta Darbo Weyne waxa uu sheegay in FIFA ay saddex jeer ka dalbatay Xubnaha xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed account ama Sanduuq ay ugu soo shubaan kharashkii xiriirka, hase yeeshee saddexdaasi mar uu sheegay Darbo Weyne in Marxuum Maxamed Yuusuf Kobey oo ahaa Xoghayihii hore uu gaarsiiyey Faarax Sendiko gaarsiiyay farriintaasi, waxaana Faarax uu ku yiri ALLAHA u naxariistee Kobey "Lacagtaasi haddii la fasaxayo waa in lagu shubaa Sanduuq ku yaalla magaallada Qaahira", hase yeeshee FIFA arrintaasi way diidday, iyadoo xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagtana u soo jeedisay in la helo Account Local ah ee gudaha dalka Soomaaliya, isla markaana FIFA ay si toos ah u soo gaarsiin doonto kharashkii, waxaase arrintaasi ku dhici waayey Marxuum Maxamed Yuusuf Kobey.

"Blatter wax lug ah kuma laha xayiraaddii lacagihii xiriirka Soomaaliyeed, laakiin waxa ay xayiraaddaasi salka ku heysaa markii la waayay Sanduuq ama Account lacagta loogu soo shubo xiriirka Soomaaliyeed" ayuu yiri Darbo Weyne oo sidoo kale sheegay in 20-kii Bishii January 2003 FIFA ay Faarax Sendiko dul dhigtay ganaax laba sanadood ah, waxayna FIFA dalbatay in la magacaabo Guddoomiye cusub, hase yeeshee warqaddaasi ganaaxa oo ku soo dhacday Xoghayihii hore ee geeriyooday waxa uu u gudbiyey Faarax, waxaana Faarax uu ugu baaqay Mudane Kobey in uusan cidna la socodsiinin warqaddaasi ganaaxa ah.

Muxiyadiin Darbo Weyne waxa uu caddeeyey in Faarax Sendiko qudhiisu uu u diray Xarunta FIFA si uu ugala soo xaajoodo arrinta xayiraadda dhaqaalaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in nasiib darro la ogeysiiyey in ninakaasi uu ganaaxan yahay, lagana codsaday in uu keeno warqad casilaad ah iyo Guddoomiye cusub.

Muxiyadiin waxa uu ku nuux-nuuxsaday in isaga iyo C/qani Siciid Carab magaallada Nairobi kula kulmeen Faarax Sendiko oo ay la socdsiiyeen in isagoo ganaaxay uu iska dhiibo xilka Guddoomiyenimada xiriirka K/Cagta, balse Faarax ku diiday arrintaasi, waxaana uu Darbo Weyne sheegay in markii dambe Guddiga Fulinta xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay magacawdaan Guddoomiye cusub, waxayna u magacaabeen Darbo Weyne, hase yeeshee Faarax Sendiko oo arrintaa ka duulaya, kuna tilmaamay Inqilaab ayaa wuxuu xilka Guddoomiyihii xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed u magacaabay Salaad Gaab, iyadoo FIFA-na ay Salaad Gaab u aqoonsatay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta.

Faarax ayaa dib ugu soo laabtay magaallada Muqdisho, isagoo ka yimid waddanka Tunisia, wuxuuna isla markiiba ganaaxay xubno ka mid ah xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta oo uu ku jirey Muxiyadiin Darbo Weyne, isku soo wada duuboo Muxiyadiin waxa uu sheegay in 20/02/2005 loo magacaabay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta, isla markaana heysto codadka 19-Kooxood. Ugu dambeyntii waxa uu Darbo Weyne dhaliilay qaar ka mid ah warbaahinta dalka oo ay ka mid yihiin BBC-da iyo Horn Afrik oo uu sheegay in ay u kala eexdeen labadii doorasho ee ka dhacday Magaallada Muqdisho, isagoo dhinaca kalena sheegay in isaga iyo rag kale ay la tartami kareen Bashiir Goobbe, hase yeeshee Darbo Weyne waxa uu sheegay in Faaax uu u soo bandhigay jagada Guddoomiyenimada, laakiin Darbo Weyne sheegay in uu Xilkaasi uga khibrad badan yahay Guddoomiyaha haatan la magacaabay ee Bashiir Goobbe.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Cabdi Xoosh oo sheegay in loo doortay kursigii uu ka geeriyooday Gen. Maxamed Xaashi gaani.

23.2.2005
Ridwaan xaaji Cabdiwali- London.
 
Shir jaraa'id oo xalay uu ku qabtay London Cabdi Xoosh Ashkir oo ahaa Ganacsade laga yaqaano meelo badan oo dalka Soomaaliya ah ayaa waxaa uu sheegay in uu uga mahadcelinayo dhamaan Odayaasha iyo waxgaradka Cabuud waaq Doorashada ay u doorteen in uu buuxiyo Xildhibaanimadii uu Baneeyay Gen: Maxamed Xaashi Gaani oo Nairobi ku geeriyooday.
 
Cabdi Xoosh waxaa uu intaasi ku daray in uu buuxin doono Kursigan loo magacaabay isagoo ka tarjumaya rabitaanka Odayaashii soo doortay dhowaan markii doorashadu ay ka dhacaday Cabduu waaq Gudaha Dalka Soomaaliya waxaana uu intaasi ku daray in mudo dhawr bilood ah la isku haystay oo lagu hardamayey Nairobi wax xal ahna waa laga gaari waayey taasina waxaa ay qasabtay in dadkii deegaanka loo gudbiyo inay go`aan ka soo gaaraan qofkii buuxin lahaa kurigaaas sidaas ayeyna anniga doorashadydu ku timid markii odayaashii iyo wax garadkii arrintaan lahaa ay go`aanka ka gaareena waa soo wargaliyeen Ugaas Ciise iyo madaxda kaleba sifiican ayeyna ula socdaan meeshii ay arrintaasi ku dambeysay.
 
Waxaana uu sheegay in Ugaas Ciise uu kala hadlay Gudoomiyaha Baarlamanka qaabkii doorashadu u dhacday isagoo haatan u diyaar garoobaya sidii socdaal uu ku tago Magaaladda Nairobi si loogu dhaariyo Xilkan,sidoo kale waxaa uu ka codsaday dhamaan xubnihii aan loo dooran xilkan in ay garab istaagaan.
 
Ugu danbeyntii Waxaa uu ka hadlay Cabdi Xoosh in fikirkiisa ku aadan Ciidamda la gaynayo dalka Soomaaliya ay Go'aankeeda leeyihiin Xubnaha Baarlamanka, mar hadii Soomaaliya ay leedahay Baarlaman ay u dhanyihiin beelaha Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in xiligan shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen dhibaato oo ay tahay in loo gurmado.

ridwanhaji@yahoo.com


Saakay ayaa nin dablay ah oo hubaysani waxa uu rasaas la beegsaday dayaarada qaadka keenta magaalada kismaayo xili ay ka soo caga dhiganaysay garoonka caalamiga ah ee magaalada kismaayo

Feb 23, 2004 

Ninka dablayda ah ee maanta  rasaasta ku furay diyaarada ayaa sida la ii xaqiijiyay waxa uu ahaa mid kamid ah ilaalada Airport  magaalada Kismaayo ayadoo marka uu rasaasta ku furayo dayuurada uu ka carooday  mushaar la aan uu ka tabanayo maamulka isbahasiga dooxada juba , 

Diyaaradan manta xabada lagu furay ayaa waxa ay ahayed nooca Tasna loo yaqaano oo laga leeyahay shirkad ka howol gasha dalkaasi Kenya oo lagu magacaabo Blue band isla markaana ah kuwa qaadka keena magaalada kismaayo, 

Hadaba sida uu u xaqiijiyay somalitalk mid kamid ah goobjoogayaashii halkaa ku sugnaa marka uu falkaasi gaysanayay ninkaasi dablayda ah ayaa waxa uu sheegay in xabadahii lagu furay diyaarada ay afar kamid ah haleeleen dayaaradaas isla markaana uu dhaawac weyni soo gaaray, 

Xiliga uu falka dhacay ayaa waxaa Airaport ka ku sugnaa gudoomiyaha isbahasiga dooxada jubba xildhibaan Barre aadan shire wallow la sheegayo in uusan markaasi gudaha ugu jirin Airport ka hadana wax yar kadib ayuu xildhibaan Barre la kulmay bayloodkii ama wadahii dayaaradaasi oo lagu magacaabo Maxamed axmed jaamac (maxamed dheere) oo uu oga tacsiyadeeyay sida lama filaanka ah oo uu shilka u dhacay isaga oo balan qaaday waa xildhibaan Barre in aysan dhici doonin amuurtan xili danbe islamarkaana uu balan qaaday in la adkayn doono amaanka Airport ka xili kasta lagana qaadi doono danbiilahaasi falkan gayestay  talaabo ku haboon. 

Wax yar kadib ayaa xildhibaan Barre waxa uu la xariray shirkadii laga lahaa diyaaradan ee Blue band mas uulkeeda u sareeya oo lagu magaaabo riched  berry ayagoo ka wada hadlay sida uu shilka u dhacay. 

Riched berry ayaa sheegay in uusan waxba u dhimi doonin shilkan manta dhacay xariirka ganacsi oo u dhaxeeya ayaga iyo dadka gobolka jubbada hoose inkastoo dhaawac weyn uu soo gaaray dayaaradii manta qaadka kentay magaalada kismaayo oo dib ugu laabatay dalka Kenya lana bilaabi doono howlaha lagu habaynayo dayaaradaasi. 

Cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)

Kismaayo soomaaliya 

Cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin SomaliTalk.com | Feb 23, 2005

Adduunka oo Hadda Kusoo Baraarugey Halista Sunta Lagu Duugey Soomaaliya
Warbixin ay soo saartay Hay'adda Qaramaad Midoobey u Qaabilsan degaanka ayaa shaaca ka qaaday in..
Guji...

»Jawaab qoraalkii Ururada Islaamiga ah ee uu Fahad qoray | Ciise
»
MAXAY SOOMAALIDU UGA SOO HAAJIRTEY HOLLAND??  | istiilla
»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad
»Goorma ayeey free-zoneku noqday dhul iibin? |
B. S. Khalaf
»
Yaa Yiri Xafuun waa la boobey? | A.M.Abdulla
»"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun  99 sanadood "
»Taageeraha boobka Xaafuun Kayse iyo difaace C/waaxid  Mukhtaar
»
Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid
»JAWAAB KU SOCOTA CABDIWAAXID | Kayse

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD