Faarax Weheliye Caddow Sendiko "Haddii
Muqdisho laga weeciyo Caasimadda ha loo diyaar garoobo
20-sano oo bur-bur iyo dib u dhac ah"
Faarax Weheliye Caddow Sendiko oo ah
Siyaasi caan ah, isla markaana ah Guddoomiyaha
Olombikada Soomaaliyeed, Xalayna ka qayb galayay
barnaamijka Dood-wadaag ee habeen walba laga sii daayo
Raadiyaha iyo Telefishinka Horn Afrik ayaa waxa uu uga
hadlay arrimo dhowr ah oo isugu jira siyaasadda iyo
Isboortiga.
Haddii aan soo qaadanno waxyaabihii
ugu waaweynaa ee uu ka hadlay Faarax waxaa ka mid ahaa
keenista ciidammo shisheeye ee dalka, waxaana isagoo
arrintaasi saddex u kala qaadaya uu yiri "Laba arrimood
ee aan dhici karin waxa ay tahay in la keeno ciidammo
Amxaaro ah oo ka yimaada waddanka Itoobiya ee boqolaal
sano naga dhexeysay Cadaawaddu, Soomaaliduna ma aqbali
karto, waana mid aan suurtogal ahayn, qodobka labaad
ayaa isna ah in aan gebi ahaanba Ciidammo la keenin
gudaha dalka Soomaaliya, taasina aan rajeynayo in aysan
dhici doonin", Faarax waxa uu qodobka saddexaad ku
sheegay in koox ciidammop ah oo ka socota waddammo oo ka
socota waddan aysan ku jirin Itoobiya la keeno, si ay u
waardiyeyaan goobaha muhiimka ah, sida Dekedda,
Garoommada Diyaaradaha iyo Wasaaraddaha Dowladda.
Sendiko ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd "Ka
warran haddii Caasimadda si kumeel gaar ah meel kale loo
geeyo?", waxaana uu ku jawaabay "Waa arrin iyana aan
suurtogal ahayn, waayo taasi waxa ay xadgudub ku tahay
Dastuurka la dhigtay, kalsooni ayaana ku qabaa Golaha
Baarlamanka in uusan ansixin doonin labadaa arrimood ee
waaweyn ee ah Keenista ciidammo shisheeye iyo Caasimadda
oo Xamar laga beddelo, haddii ay taasi dhacdo oo loo
isticmaalo sidii ay u dhacday doorashadii Madaxtinimada
oo kale ha loo diyaar garoobo 20-sano oo kale oo
dhibaato hor leh iyo bur-bur ku yimaada laga billaabo
Madaxweyne illaa Baarlamaan". Faarax Sendiko oo ka
jawaabay su’aal kale oo la xiriirtay dhinaca Nabadda iyo
soo dhoweynta Dowladda waxa uu yiri "Waa la ogaa sidii
loo soo dhoweeyey Guddoomiyaha Baarlamanka, in xitaa
sidaa si ka daranna loo soo dhoweyn doono haddii
Madaxweynuhu Xamar yimaado, Balidoogle illaa Xamar-na
dadku waxay tubnaan doonaan hareeraha waddanooyinku,
Xamar Madaxweynuhu wuu ku soo noolaa ee yuusan ka cabsan,
Hawiye Hawiyihiisii hore wuu ka baxay, waxa uu soo
qaatay afar iyo toban sano oo khibrad iyo waayo aragnimo
ah, ma jirto cid laga cabsadaa oo Xamar joogta".
Mar sidoo kale Faarax wax laga
su’aalay wufuudda ka meer-meereysa Magaallada Muqdisho
ee ka kooban Wasiirrada iyo xildhibaannada waxa uu yiri
isagoo diiradda saaraya Ra’iisul Wasaare Prof. Geeddi "Nin
kastaa waxaa loo diray gobolkii uu ka dhashay,
Geeddiyoow miyaadan dad lahayn, miyaadanse gobol lahayn,
maxaad Xamar uga soo degi la’dahay, waan ku soo
dhoweyneynaa, waan ku soo dhoweyneynaa, dhib ma laha
haddii Ra’iisul Wasaaruhu uu safarkiisa inta Jowhar ka
billaabo, soona maro gobollada kaddibna dib ugu soo
laabto Muqdisho, balse haddii uu ka leex-leexdo
imaan-shaha Xamar waxaan u arkeynaa arrin kale".
Mudane Sendiko oo wax laga weydiiyey
su’aal ku saabsanayd mowqifka Golaha Samata-bixinta iyo
in uu shaqeynayo maadaama dowlad dhalatay iyo sida ay
isaga war qabaan oo ay u xiriiraan waqtigan, waxaana uu
yiri "Cismaan Caato waad maqashaan, Muuse sidoo kale,
Jeesna waadba og tihiin, dhammaan isku mowqif ayaan
nahay, Golaha Samata-bixintu wuu jirayaa, Xisbi ayaana
markii hore rabnay, laakiin mar kasta waan isla soconnaa
waana is ognahay halka ay howshu mareyso". Mar uu ka
haldyay Sendiko qaabka ilaha dhaqaalaha waxa uu yiri "Hawiyaha
haddii aan si gaar ah carrabka ugu adkeeyo waxaan kula
talinayaa in ay is taakuleeyaan, kulammo iyo fadhiyo
badan wada yeeshaan, Dekedda iyo Airport-kana ay furan,
waana arrin aad muhiim u ah, Dekadihii kale way
shaqeeyaan, taladayduna waxay ku aaddan tahay in
tallaabooyinka fiic-fiican la qaado", Faarax oo ka
hadlayay dhinaca Xiisyada dowladdana waxa uu intaa
raaciyey "Waa 90-Wasiir, mana garanayo meel 10-Xafiis ka
dhismeyso ee goobaha la carrabaabayo in dowladdu degto,
anigu ma garanayo haddii Sariirraha la is dulsaaranayo,
dowladdana waxaan u taagannahay in aan ku soo dhoweyno
Madaxtooyada, Madaxweynahana si diirran oo hufan
dhulkiisa hooyo ugu soo dhoweyno".
Mar uu ka haldlayay dhinaca
doorashadii Madaxtinimada xilka Madaxweynenimada
Soomaaliya ee lagu doortay C/llaahi Yuusuf Axmed ay
ahayd mid lagu shubtay, isla markaana Sendiko uu
carrabka ku dhuftay in shaqsi walba la siiyey
10,000-Dollar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay si aad ah
ula yaabeen xubnihii aan tiro lacag ah oo noocaasi ah
horey aysan u soo marin.
Faarax Sendiko oo haddana u jalleecay
dhinaca hub ka dhigista waxaa hadalladiisii ka mid ahaa
"Maalin cad ayay dhaarteen in ay dowladda hubka faraha
ka saarayaan, dhammaantoodna waa mas’uuliyiin ee waa in
aysan ka bixin ballantii ay Qur’aanka ku galeen, haddii
aysan is aaminaad jirin ciidammada kooxda yar ah ee
horey aan u soo carrabaabay ee waardiyeynaysa goobaha
muhiimka ah, sida Xafiisyada Dowladda, Dekedaha iyo
Airport-yada in hubka loo dhiibaa, haddii kale gebi
ahaantiisaba la gubaa". Sendiko mar arrinta Isboortiga
Gobollada wax laga weydiiyey waxa uu sheegay in
Somaliland Khamiistii ka been abuuratay Soomaaliya,
isagoo caddeeyey in laba ciyaaryahan iyo hal tababare oo
Soomaali ah loogu talo galay in ay ka qayb galaan
Tartanka Half Marathon-ka Jabuuti, balse waxa uu sheegay
in aan wax Tikidh ah loo soo dirin, hase yeeshee
Somaliland arrintaasi ku ceeboobeen, kaddib markii ay
ciyaaryahanno Jabuuti u dirsadeen, taasina ay ceeb xoog
leh kala soo kulmeen "Adduunyadu ma aqoonsanayso wax la
yiraahdo Somaliland, dhammaan ilihii ay la xiriireenna
waxa ay u sheegeen in Isboortiga Soomaaliyeed oo dhan uu
hoos tago G/Olombikada Soomaaliyeed.
W/Isku
duway:- Faarax Maxamed Cali (Blue)
Email:
farahblue_545@hotmail.com
WAFTIGII XAQIIQO
RAADINTA OO U AMBABAXAY MAGAALADA GAROOWE EE
CAASIMADA DGPL
Galkacy (somalitalk)
22/2/05 talaado
waftigii xaqiiqo
raadinta ahaa ee socday urur goboleedka Midowga
Afrika (AU) iyo Jaamacadda Carabta (AL) ee shalay
soo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa waxay
barqonimadii maanta koormeero kala duwan ku kala
bixiyeen xarumaha dawladda gaar ahaan xarumaha
ciidamada .
Meelaha ay booqashada ku tageen waxaa kamid ah
Taliska Qaybta booliska , Saldhigga booilska ,
Xasbiga dhexe iyo guriga xarunta maamulka gobolka
Mudug.
Guddigan waxay warbixinno kal duwan ka dhagaysteen
taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug G/dhexe Aadan
Nuur (Qaal) iyo taliyaha ciidanka daraawiishta
gobollada Cayn iyo Mudug Col: Maxamed Muuse (Ilkodheere)
, labadan masuula waxay guddiga u sheegay inay soo
dhawaynayaan ciidamada shisheeye ee qaabilsan
hubkadhigista isla markaana ay diyaar uyihiin inay
ayagu ka qaybqaataan hubka dhigista.
Taliyayaasha ciidamada daraawiishta iyo Boolisku
waxay ka sheekeeyeen hawlaha ay qabteen waxayna
sheegeenin ciidanka booliska iyo daraawiishta
gobolka mudug ay sameeyaan hawlo kala duwan oo looga
hortagayo Burcada iyo waxyeelada ka dhanka ah
dadweynaha, inkasta oo agabka ciidanka boolisku uu
yahay mid aad u dayacan isla markaasna ubaahan in la
dayactiro
Guddigan ayaa mar ay tageen xarunta maamulka gobolka
Mudug waxaa isugu soo baxay dad boqolaal gaaraya oo
doonayay inay ka bogtaan wafdiga , waxayna salaan ka
qaateen guddiga xaqiiqo raadintu cutubyo kamid ah
ciidankii xoogga dalka Soomaaliya ahaana kuwii ku
sugnaa gobolka mudug.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo Xuseen Jaamac (Yabaq)
ayaa guddiga uga waramay xaaladda hubka , wuxuu
sheegay in badi hubka yaalla Puntland uu ku jiro
gacanta dawladda inta dadwaynuhu hayaanna ay diyaar
u yihiin in laga aruuriyo
Dhanka
kale wafdigu waxay booqasho ku tageen xaafadda
wadajir ee magaalada Gaalkacyo halkaasi oo si diiran
kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta xaafadaasi oo ay
kamid yihiin:- Iimaan Xasan Jiiroow oo ah
gudoomiyaha maamulka koofurta, Cali Diiriye (Alloore),
Col: C/laahi Cambare, iyo Suldaan C/laahi Jaamac
(Seed).
Iimaan
Jiiroow oo ku hadlayay magaca masuuliyiinta xaafadda
wadajir ayaa ku nuux nuuxsaday inay gacmo furan
kusoo dhawaynayaan dawladda Fedderaalka ah balse
aysan haatan diyaar u ahayn keenista ciidamo
shisheeye oo la keeno gudaha dalka soomaaliya arinka
oo ay la qabeen dhamaan shacabka koofurta.
sahrosiglan@hotmail.com