Gacmadheere"Ma ahan wax la dhegeysan karo
in la yiraahdo Ethiopia ma imaan karto Soomaaliy" WAREYSI
Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga, Dr.
Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) ayaa toddobaadkan
booqasho ku soo gaaray magaalada London. Gacmadheere, waxaa lagu
tiriyaa inuu ka mid yahay ragga xiriirka dhow la leh Madaxweynaha.
Wareysi ku saabsan dhaqdhaqaaqa dowladda iyo ciidammada ajnabiga
ayaan la yeeshay Wasiirka.
Su’aal. Mohamed,
Howlihii dowladda xaggee beey marayaan?
Jawaab. Meel fiican
bay howluhu marayaan. Laba sano wixii laga shaqeynayey waxay ahayd
in la helo dowlad hal ujeeddo leh, la iskuna raacsan yahay.
Dowladda waa loo dhan yahay, ma jiro warlord hadda ka maqan.
Dalalka IGAD iyo IPF (IGAD Partners Forum) waa isku aragti. That’s
why laba sano marba waqti loo iclaaminayey, si adduunka loo
fahamsiiyo howsha.
S. Hadday sidaa
tahay, maxay tahay sababta ay dowladdu dalkii dib ugu noqon kari la’
dahay?
J. Dowladdu waxay
sugeysaa dhaqaalihii adduunku ka ballan qaaday, si ay dalkii ugu
noqoto. Marka dhaqaaluhu yimaado dowladdu degdeg bay dalkii ugu
wada noqonaysaa. Waxaa toddobaadkan safar ku tagaya Muqdisho wafdi
uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi. Aniga
qudheyda inaan gaar u tago ayaan filayaa.
S. Saxaafadda reer
galbeedku waxa ay soo werinayaan Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf
inuusan rabin inuu tago caasimadda. Haddaba, maxaa hortaagan
Madaxweynaha?
J. Wax hortaagan ma
jirto. Madaxweynuhu wuxuu ka mid yahay institutions-ka la dhisay,
inuu meel kasta iska maro ma ahan. Ma gelin karo noloshiisa
biimaamoorto. Haddii la dilo waxaa burburaya wixii laba sano loo
fadhiyey. Marka, waa in la helaa askar ka horreysa oo
nabadgelyadiisa sugi karta.
S. Madaxweynuhu,
waxa uu u sheegay wargeyska London ka soo baxa ee Daily
Telegraph inuu siddeed cisho gudahood ku booqanayo
Muqdisho. Hadda shan cisho baa na gudubtay, ma laga yaabaa afarta
cisho ee nagu soo aaddan inuu caasimadda tago?
J. Madaxweynuhu
warkaa ma dhihin, waana laga abuuray. Madaxweynuhu ma tagayo
Muqdisho iyadoon hubka la uruurinin, lana geynin magaalada askar
dhex dhexaad ah. Waa in la abuuraa, lana saamaxaa jawi nabadgelyo
ah ka hor inta uusan Madaxweynuhu booqan caasimadda.
S. Dowladda Kenya
waxa ay marar badan weydiisatay dowladda Soomaaliya inay dalkeeda u
noqoto. Sababta aad Nairobi isugu dhejinaysaan waa maxay?
J. Waxaan
dareensannahay in guurista degdegga ah ay dhibaatadeeda leedahay,
iyadoo la kaashanayo waaya aragnimadii dowladdii lagu soo dhisay
Carta. Waa la guuri doonaa, dowladduna dhowaan waddankii way degi
doontaa, laakiin waxaa taa ka horreeya in qabanqaabo fiican iyo
gogol-xaar laga sameeyo gudaha. Madaxweynuhu waxaa laga yaabaa inuu
muddo sii joogo Kenya, mar walbana wuu ku nasan doonaa. Waxaa
Nairobi ka furanaynaa liaison office oo howlaha dowladda sii
socodsiiya.
S. Mohamed, waxaa
dad badan oo aqoonyahanno ah ay ku doodaan in Madaxweynuhu doonayo
inuu awood u adeegsado Muqdisho. Marka, fekradda noocaas ah sow
loo-qaateen ma noqon karto mar haddii uu leeyahay ciidan la’aan
dalkii ma tagayo?
J. Arrintaasu waa
propoganda la sameeyey, waana in fekerka qabiilku meesha ka baxaa oo
aan qabiil loo noqon. Qabiil waa ka gudubnay, dowlad baan u
gudubnay. Askar xoog wax ku isticmaasha ma hayno, ee waxaan haynaa
askar ajnabi ah oo nabadda sugaysa oo noo tababarta ciidammadeenna.
Waxaa loo baahan yahay in la helo askarta noocaas ah ee hubka lagu
wareejiyo, waayo ma jiro qabiil qabiil kale hubkiisa ku aaminaya.
Maadaama aan la is aaminayn, waa in goobaha muhiimka ah sida
dekedaha iyo garoomada ay gacanta ku hayaan ciidammada ajnabiga ah,
hubkana waa in iyaga lagu wareejiyaa.
S. Dadka aqoonta
leh waxaa kaloo ay ka welwelsan yihiin in haddii ciidammada ajnabigu
dalka soo galaan uu Madaxweynuhu la soo baxo nidaam keli-talis ah oo
sheekadu noqoto Afkaaga xiro ama Afgooye aad. Doodda noocaas ah
sidee kula tahay?
J. Waxaan u arkaa
fekrad raqiis ah oo aan waxba ka jirin. Madaxweynuhu meesha kuma
imaan dictatorship ee wuxuu ku yimid doorasho, waxaana cod ballaaran
ku doortay Baarlamaanka. Kuwa oranaya Cabdullaahi Yuusuf waa
dictator, markay annaga nala joogaan waxay nagu yiraahdaan aan
Cabdullaahi weligeen dooranno, markey Xamar tagaanna weji kale ayay
ummadda ula soo baxaan. Anigu ma ahi nin laba wejiile ah. Hal weji
baa laygu yaqaannaa, sida nimanka warlordska ah isuma bed-beddelo.
14-kii sano ee aan dhibaatada ku jirtay hal nin oo dictatorship nagu
qabsada haddaan heli lahayn dhibka aan soo marnay sooma marneen.
S. Waxaa mar kasta
lagu soo cel celiyaa in caasimadda laga wareejiyo Muqdisho oo la
geeyo Baydhabo. Fekradda noocaas ah waxaa lagu riixaa Madaxweynaha
iyo ragga u dhow dhow ee aad adigu ka mid tahay. Reer Muqdisho
hadday diyaar u yihiin inay idin soo dhoweeyaan, maxaa dowladda ula
doonaysaan Baydhabo?
J. Qorshuhu ma ahan
in Muqdisho laga rarayo caasimadda, laakiin waxa weeye inta laga
nabadeynayo caasimadda in dowladdu ku sii howlgasho meel nabadgelyo
ah. Baydhabo keligeed ma ahan ee waxaa tartan ku jira magaalooyin
badan, sida Kismaayo, Beledweyne iyo Jowhar oo soo codsaday oo yiri
annagaa dowladda marti gelinayna inta Xamar ka hagaagayso. Sidaa
darteed, waxaa dowladda la geynayaa meeshii loo arko inay nabad
tahay, International Community-guna ma diiddana arrintaa.
S. Maalmahaan waxaa
wadnaha farta lagu hayaa in Soomaaliya ay galaan ciidamada IGAD oo
ay hormuud u tahay Ethiopia. Waxaa hadda kubaddu taallaa
Baarlamaanka gudihiisa. Ma kula tahay Baarlamaanka Soomaaliya inuu
is hor taagi doono arrintaa?
J. Baarlamaanku
inuusan ansixin in ciidamo la keeno dalka macquul ma ahan, af
siyaasadeedna ma ahan, af Baarlamaan ku hadlana ma ahan, waayo
Baarlamaanku wuxuu ogyahay baahida loo qabo ciidammada ajnabiga ah,
waana ansixinayaa. Dowladda Ethiopia waa dowladdii dowladdaan noo
dhistay, ninka doonaya inuu ijaafeeyo siyaasi ma ahan. Niman raba
inay hubka sii haystaan oo dadku u sii xayirnaado weligood ayaa
dadka Xamar kicinaya oo propoganda ku qaldaya. Shacabku uma baahna
ragga noocaas ah, waana inay ka taxaddaraan. Waa inay gartaan
dantooda oo dowladdooda soo raacaan.
S. Kooxaha qaar baa
soo dhoweeyey ciidammada Itoobiya inay ka mid noqdaan ciidanka
nabad-ilaalinta, qaarna waa diideen. Kuwa soo dhoweeyey waxaa ka
mid ah Maxamed Dheere oo yiri, ‘Waa abaal darro in Itoobiya laga
reebo ciidammada imaanaya Soomaaliya.’ Ma la qabtaa arrintaas?
J. Haa, si buuxda
ayaan ula qabaa, waxaana ku raacsanahay Ethiopia wax bey noo qabatay.
Shirarkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ugu badnaa waxay ka
dheceen Addis Ababa, sidaa darteed sabab aan ku diidno ma hayno.
Ragga hadda diidaya kuligood saaxiibbo ayay la wada ahaan jireen.
Haddaba, wax la dhegeysan karo ma ahan in la yiraahdo Itoobiya ma
imaan karto Soomaaliya.
S. Mohamed, waxaa
jirta in qabqableyaal dagaal oo dowladda ka tirsanaa ay sii
deynayaan ereyo goodis ah (rhetoric words) oo aad mooddo inay
dowladda kaga sii baxayaan. Ma laga yaabaa in isla-xisaabtan uu
dhaco oo maxkamad la horgeeyo?
J. Runta markaan
kuu sheego, nimankaas warlord-ya ah badankood dowlad ma rabaan,
waayo dowladnimadu uguma muuqato maslaxad. Waxaa maslaxad iyaga u
ah fowdada, qaska, dowlad la’aanta iyo boobka. System-ka noocaas ah
ayay fahmayaan ee ma fahmi karaan system dowladeed, waxayna ku
dadaalayaan inay dowladdu socon weydo oo ay fashiliyaan. Waxaan
filayaa inaan adduunku sidaan ku dhaafi doonin oo dadka iyo dalkaga
laga qaban doono mar dhow. Soomaaliya kama fiicna Ciraaq, kamana
xoog badna. Warlord-yadu waxay saxiixeen dokumentiyo nin dood ka
keeni kara ama diidi kara uusan jirin oo ah inay dowladda u
hoggaansamayaan belaa shuruud. Intaas baa ku filan in adduunku kula
xisaabtamo, looguna aqoonsado dambiileyaal dagaal (War Criminals) oo
lagu horgeeyo maxkamadaha dambiyada dagaalka (War Crime Courts),
sida the Hague iyo Caruusha. Dhaqdhaqaaqoodu wuu xadidnaan doonaa
siduu hadda u xadidan yahay illaa maxkamad laga horgeeyo. Inay
faraha wax ka tilmaamaan mooyee, iska hor imaad weyn ma sameyn
karaan, waana is ogyihiin.
S. Dadka taageersan
Madaxweynaha waxa ay yiraahdaan reer Muqdisho ma doonayaan dowlad,
ma doonayaan nidaam iyo kala dambayn. Marka aad eegto hadallada
qabqableyaasha Xamar iyo mudaaharaadyada socda, ma la dhihi karaa
waa dhab?
J. Dadweynaha
Hawiye inaysan nabad rabin, dowlad in la helana ay diiddan yihiin
kuma raacsani cidna. Adduunku waa ogyahay, cid walbana waa ogtahay
in Hawiye nabadeynta dalka iyo dowladda hirgelisteeda uu hormuud u
yahay ee ay diiddan yihiin in yar oo danahooda gaarka ah
ceyrsanaya. Dadka dhigaya mudaaharaadka waa taageerayaashii
warlord-yada, waana tiro aad u yar. Ma metelaan Hawiye. Waa dad la
soo ijaartay oo metela Theory of Warlordism (caaqidada
qabqablenimada). Population-ka Xamar ku nool waa kuwii dowladda
sida la yaabka leh u soo dhoweeyey ee qorraxda u taagnaa, iyaga
la’aantoodna shirkii labada sano loo fadhiyey dowlad kama soo
baxdeen.
S. Mohamed,
xaaladda ammaanka ee magaalada Muqdisho waxaad mooddaa hadda inay
marayso meeshii ugu xumeyd. Saraakiil badan oo dalka wax tari
lahayd iyo dad ajnabi ah baa dhowaahaan lagu tooganayey magaalada,
waxaana la soo fagay maydad aasnaa. Dad baa yiraahda waxaa arrinta
ka dambeeya dad dowladda ku jira?
J. Hadalkaas waa
hadal daciifnimo, wuxuuna ka dhigan yahay wixii xunba Xaawaa leh.
Koox yar oo dowladda diiddan baa ka dambaysa arrimahaas oo
mowqifkoodu yahay yeysan dowladdu Xamar imaan. Diinta Muslimku ma
qabto in mayd la soo fago, mar haddeysan diintu oggoleynna dadka ka
dambeeya waan garan karnaa inay ka dambayso siyaasad raqiis ah.
S. Waxaa beri
dhoweyd laga soo tebiyey Kenya in xiriirka adiga iyo Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf uusan sidii hore u wanaagsanayn. Sidee isku
tihiin hadda?
J. Aaah. Aah (qosol).
Xiriirka aniga iyo Madaxweynaha hal maalin isma beddelin. Muddo
dheer ayaan aniga iyo Cabdullaahi Yuusuf isku aragti iyo isku
siyaasadba ahayn. Waa jirtaa in dadku filayey in aniga laygu
magacaabo Ra’iisal Wasaare, laakiin markii taas dhici weyday la is
yiri waa dirireen. Marka, aniga iyo Madaxweynaha xiriir joogto ah
ayaa naga dhexeeya. Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi isagana si
fiican baan saaxiib dhow u nahay.
S. Gunaanadkii,
maxaad jeclaan lahayd inaad ku tiraahdo Soomaalida wareysigaaga
akhrisan doonta?
J. Waxaan kula
talin lahaa Soomaalida, gaar ahaan kuwa dibadda jooga oo aan garan
karin xaaladda dalka inay ogaadaan xaaladda dalku maanta marayo in
xaalad ka xun aysan jirin. Ha joojiyeen hadallada ay darbiyada la
taagan yihiin ee ay leeyihiin Faarax iyo Jaamac midna nooma imaan
karo. Waa inay qabyaaladda iyo qurunka iska daayaan, kana qayb
galaan dib u dhiska dalkooda ee haddey wax barteen dalkooda kula soo
noqdaan wixii ay barteen, haddey shaqeysteenna lacagtooda dalka soo
geliyaan. Waxaan hadda u sii shaqeynayno waa iyaga iyo carruurtooda,
waxaana gacmaha kula jirnaa sidey jawi nabadeed ugu soo noqon
lahaayeen.
Waxaa
Wareystay. Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com

Kulan, Azhari, Gacmadheere, Madaxweynaha iyo Ingiriis