MAXAY SOOMAALIDU UGA SOO HAAJIRTEY
HOLLAND??
Dalka Holland ayaa waxa uu ka mid ahaa waddamada
ay ku noolaayeen Soomaali aad u badan tan iyo markii ay dagaallada
sokeeye ka qarxeen dalka Soomaaliya. Waxaana jirtey xilli uu dalkaasi
Holland ahaa bartilmaameedka ay hiigsadaan Soomaalida tahriibka ahi.
Illaa iyo in ka badan soddon kun(30.000) oo Soomaali ah ayaa la sheegay
in ay degganaayeen dalkaasi dhowr sano ka hor, waxaase la yaab noqotay in
waqti kooban ay kumannaan Soomaali ahi ka haajireen dalka Holland, kuwaas
oo dhammaantood soo beegsaday dalka Ingiriiska.
Baaritaanno cilmiyeed oo kala duwan oo
la soo saaray iyo warbixinadda hay’adaha tirakoobka ayey ka soo ban
baxday in afartii sano ee la soo dhaafay oo kaliya ay dalka
Ingiriiska u guureen Soomaali gaareysa 15.000 (shan iyo toban kun) oo
ruux , kuwaas oo dhammaantood haysta dhalashada dalka Holland.
Arrintaasina waxay noqotay mid lama filaan ah. Waxa kale oo fajac
galisay dowladda Netherland (Holland), iyadoo ay Soomaalidu noqotay
qowmiyadda keli ah ee uu ka guuritaankooda dalku ka batay marka loo
fiiriyo soo galitaankooda dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
Xog-baaris lagu sameeyey geeddiga
Soomaalida ee carigga Ingiriiska ayaa laysku dayey in lagu ogaado
xaqiiqada ka dambaysa Soomaalida guuraysa . Waraysi arrintaa darteed
loola yeeshay dad badan oo ka tirsan Soomaalida soo guurtey ayey
badankoodu waxa ay sheegeen in ay dalkaasi Holland uga soo guureen
sababo ay kamid yihiin: iyaga oo ka waayey dalka Holland fursado badan
oo ay ka heleen dalka ingiriiska furasadahaas oo ay ku hirgeliyeen
meheradaha kala duwan ee ganacsiga sida maqaayadaha, dukaanno iwm. Qaar
kale ayaa iyaguna tibaaxay in ay dalka Ingiriiska ka heleen fursado
waxbarasho xagga caruurtooda ah oo aysan ku haysan dalka Holland. Kuwo
kale ayaa iyaguna sheegay in ay rabaan in ay diintooda si wanaagsan ugu
dhaqmaan, taasna ay ku fududahay dalka Ingiriiska.
Tusaale ahaan, drs.
Maryan Qaasim oo macallimad ka aheyd kuliyaddii caafimaadka ee ee
jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed, kana mid ah Soomaalida ka soo guurtey
Holland oo iminkana deggen magaalada Birmingham ee dalka ingiriiska
ayaa telefishinka Nederland 2 oo waraysatay u sheegtay in ay markii ugu
horeysey fursad u heshay in ay taraawiix ku tukato masjid markii ay soo
degtey Ingiriiska, iyadoo ayna taasi u suurto galin dhowr iyo tobankii
sano ee ay daganeyd Holland.
Nin isaguna dhawaan ka
soo guurey dalkaaasi Holland ayaa sheegay in uu aad ula yaabay kadib
markii uu telefishinada Ingiriiska ku arki waayey cambaareyntii badnayd
ee diinta Islaamka oo uu sida is daba joogga ah ugu arki jiray
televisionadda Netherland. Isagoo intaa ku daray in ay ma dhacdo tahay
haddii aad daawato telefishinada Holland oo aan afka ku hayn
dhaleecayn liddi ku ah diinta Islaamka.
Dhibaatada lagu hayo
muslimiinta waddanka Holland iyo diinta islaamka waxaa si weyn uga
qayb qaata oo loo adeegsadaa haweeneey dadkii Somaaliyeed ee qaxootiga
ku yimid waddanka Holland oo lagu magacaabo Ayaan Hirsi Ali.
Haweenaydan oo magac iyo mansab raadis ahayd ayaa iyadu fursad u
aragtay in aflagaaddooyinka ay u gaysanayso dadka Islaamka ah iyo
diintoodu ay at tahay arrin taageero fara badan looga kasban karo
shacabka Netherland. - maqaal aan dhowaan soo saari doono, hadduu Rabbi
idmo, ayaan si faahfaahsan ugu soo bandhigi doonaa tacaddiyada ay
Islaamka u gaysato haweeneydaasi iyo beenta ay faafiso intaba).
Mar aan dhawaan
booqasho ku tagey dalka Holland, gaar ahaan magaalada Rotterdam oo ah
magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi, oo ka mid ahayd meelaha ay
soomaalidu si aad ah u dageen bartamihii Sagaashanaadkii, ayaa waxa
kaliya oo aan halkaasi ku arkay labo internet-café oo ay Soomaalidu
leeyihiin iyo dad aad u tiro yar marka la barbardhigo tiradii dadka
Soomaalida ah ee halkaa ku noolaa shan sano ka hor.
Magaaladaasi kuma
yaallaan wax maqaayado ama tukaammo kale ah oo ay Soomaalidu leedahay,
Soomaali badan oo magaaladaas deggan ayaana ii sheegay in ayna sida
ingiriiska u fududeyn in aad sahal uga furato maqaayad ama dukaan
meeshii aad doonto. Waxaan kale oo aan la kulmay intii aan joogay
Rotterdam dood ay dhaliyeen ( abaabuleen) maamulka qayb ka mid ah
magaaladda oo ku saabsanayd in gabar muslimad ah kana mid ah shaqaalaha
dowladda hoose ee magaalada ay soo xiratay xijaab. Maamulka qaybtaas ee
magaalada ayaa waxa ay dowladda ka codsanayeen in xijaabka laga mamnuuco
shaqooyinka guud oo dadweynaha loogu adeego. Waxaa la ii sheegay in
madaxda dooddaas dhalisay ay ka soo jeedaan xisbiga shaqaalaha oo ayna
xitaa ahayn kuwa xagga midigta ah. Dooddaasi weli si aad ah ayey uga
socotaa magaalada Rotterdam. Dhacdooyinka noocaan ah waxa ay wal-wal ku
abuureen dad badan oo muslimiin ah, iyaga oo ka cabsi qaba sida xaalku
noqon doono mustaqbalka dhow.
Waxaa iyana jirta in
dad Soomali iyo ajnabi kaleba iskugu jiraa ay qabaan in sababta ay
Soomaalidu u guurto ay tahay mid la xiriirta dhaqankooda reer guuraaga
ah. Waxa ay kuwaasi ku doodayaan in ay u sahlan tahay Soomaalida in ay
iska guuraan. Dhab ahaantii waxaa la dhihi karaa in hadal kaasi yahay
‘iska dheh’ sabaha soo socda darteed. Haddii ay sababta keli ah oo
soomaalidu u guureen ahaan lahayd geeddi jacayl, maxay dhammaantood
iskugu raaceen Ingiriiska? Waxaa dhici lahayd in qaarba ay meel u
guuraan iyaga oo kala aadaya wadamada dariska ah . Tan labaad, wadamada
Yurub waxaa mid walba sanadkii ka guura tobonaan kun oo ah dadkii u
dhashay iyaga oo u hayaama wadamo kale. Dadkaasi uma guuraan jacayl
safar ee waxa ay raadsadaan fursado ay ka waayeen dalalkooda. Mar walba
wey dhici kartaa in ay jiraan dad Soomaali ah oo iska guuray ama ku
dayday Soomaali kale, laakiin inta badan Soomaalida waxaa la dhihi karaa
in ay wax la wadaagaan ummadaha kale eek u nool Yurub, oo in badani
hadba u guurto meeshii ay ka heli karaan furdad ka wanaagsan tan ay ku
jiraan.
Sababta kale oo
la dhihi karo waxa ay keentay in somaalida u guuraan carigga Ingiriiska
waxa ay tahay in waddanka Ingiriiska uu ka mid ahaa waddamadii gumaysan
jiray dalka Soomaaliya. Halka ayna jirin wax xiriir taariikhi ah oo
Soomaalidu la leedahay dalka Netherland. Waxaa jira Somaali ku nooleed
Ingiriiska in ka badan hal qarni, halka ay soomaalidii ugu soo horaysay
soo galeen dalka Nederlaan siddeetameeyadii.
Xiriirkaas dheer ayaa laga yaabaa in uu u fududeeyey dad
badan in ay dalka Ingiriiska u haajiraan.
Gabagabadii, sida ay saadaashu u socoto
sanadyada soo socda waxa ay u muuqataa in ay ku hari doonaan Soomaali
aad u yar dalka Holland. Waxaa xaqiiqo ah oo aan muran ka taagnayn in
dalka Ingiriiska uu uga horeeyo wadanka Holland qaabka la macaamilka
dadka kala diinta iyo dhaqanka ah. Soomaalida ayaa laga rabaa in ay
fursadaha ay sheegeen in ay ugu soo guureen dalka Ingiriiska isku dayaan
in ay garaan. Waana lama huraan in uu qof waliba gaaro waxa uu
hiigsanayo isaga oo ku bixinaya wax walba oo karaan kiisa ah, ha ahaato:
si wanaagsan ugu dhaqanka diinta islaamka; waxbarasha caruurta iyo
tarbiyadooda; fursadaha ganacsiga iyo wax barashada dadka waaweyn.
Waqtiga ayaana sheegi doona sida ay arintaasi u hirgasho.
W/Q: Shariif Cali Maxamed (istiilla),
London, UK
Istiilla@yahoo.com