Yuusuf Baribari: Anigu ma oran
Caasimadu waa Baydhabo
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
- Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya
Yuusuf Ismaaciil Yuusuf Bari Bari: "Anigu ma oran Caasimadu waa Baydhabo
Cidii aan ku iri ama u sheegay Bulshada iyadoo Cod ah ha maqashiiso"

Yuusuf Ismaaciil Yuusuf Barubari |
Sawirka: Idaawaqca | SomaliTalk.com |
Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya Yuusuf
Ismaaciil Yuusuf Barubari ayaa Galabta shir Jaraa'id ku qabtay Hotelka
Jasterhouse ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya. Waxana uu ugu horayntii
mahad balaaran u soo jeediyay Saxaafada Soomaalida isagoo xusay in Saxaafada
Soomaalidu Tahay Mida qura ee bulshada Soomaaliyeed qayb lixaad leh ku
lahayd wacyi galinta bulshada Soomaaliyeed.
Waxa uu xusay in ay Saxaafadu tahay
Toobiyaha Horumarka bulsho walba loona baahanyahay in saxaafadu noqoto mid
ummadda u horseeda guusha iyo toosinta bulshada.
Afhayeenka Madaxwaynaha Soomaaliya Yuusuf
Ismaaciil Yuusuf Baribari waxa uu sheegay in ay jirto Hay'ad warbaahineed ay
qortay war uusan oran isaga oo saxaafada u diiday in uu sheego hay'adaa
balse kaliya waxa uu ku gaabsaday in uusan isagu dhihin.
Yuusuf Ismaaciil 'Yuusuf Bari Bari' waxa uu
sheegay in uusan isagu dhihin caasimada Soomaaliya waa Baydhaba, isagoo
intaa raaciyay hadii uu jiro waraysiga la sheegayo in aan anigu bixiyay waa
in la keenaa isaga oo cod ah.
Yuusuf Ismaaciil waxa uu xusay in ummadda
Soomaalidu ubaahantahay Nabad kuwada noolaansho isagoo intaa raaciyay in
saxaafada looga baahanyahay in ay bulshada ku wacyi galiso sidii loo heli
lahaa is aaminid wada noolaansho iyo midnimo.
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
Faafin SomaliTalk.com | Feb 20, 2005
Hay'adda 'HAPA' oo Kadigtey Ciidamo Lageeyo Soomaaliya
Hay'adda Nabad
Raadiyaasha Geeska Afrika ayaa sheegtay in ciidamo la geeyo
somaliya ay ....
Guji...
Feb 20
Waftiga Baarlamaanka FKMG oo Booqday Vatican-ka ee Rooma
oo ah xarunta looga taliyo
Masiixiyadda, waxaana waftiga halkaas booqday hogaaminayey...
Guji...
Feb 19
Islaan Maxamed Islaan Muuse oo ku geeriyooday Garoowe
Waxaana tacsi u diray
madaxweynaha DFKM iyo...
Guji
Feb 18
Waraysi: Cusmaan Caato
Waraysi dheer oo
Axmed Yaasiin Maxamed Sooyaan oo
ka tirsan IQRA uu la yeeshay Cusmaan Caato ayaa...
Guji..
Feb 18
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|