Bom lagu
Qarxiyey Muqdisho:: Ugu Yaraan labo Qof ayaa
kudhintay lix kalena waa ku dhaawacmeen...
Feb 17,
2005
Wararka
ugu dambeeyey ee ka soo baxaya caasimada
dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa tibaaxay
in bob lagu qarxiyey meel u dhow gurigii
ahaan jirey wasaarada arimaha dibadda ee
Soomaliya.
Bomka waxaa
lagu soo qariyey mooto la dhigay wadada
xaafadda loo yaqaan K5. Halkaas oo u dhow
saxafi hotel oo ay degaan dadka martida ah.
Sarkaal
Soomaaliyeed oo ay soo xiganeysey hay'adda
Reuters ayaa sheegay in bomkan loola dan
lahaa waftiga xaqiiqo raadinta ee AU ee ku
sugan Soomaaliya.
Cabdullahi
Ganey oo ah guddoomiyaha magaalada Muqdisho
waxa uu u sheegay AFP in bomka loo wadey
kooxda AU ee magaalada Muqdisho u timid
xaqiiqo raadinta. "Waxaan filayaa in bomka
loola jeedey AU, laakiin weli waan baaraynaa
cidda ka dambaysay weerarkan" ayuu yiri
Ganey. Wargeyska "TurkishPress" oo
hadalkiisii sii wata ayaa yiri qaraxa kaddib
ayaa wafti ka socda AU waxay u baxeen
magaalada jawhar oo ka mid ah meelaha u sii
qorshaysanaa in ay tagaan.
Warar kale
ayaa sheegaya in dhimashadu ay tahay saddex
qof iyo toddoba qof oo dhaawacmay.
Hay'adaha
wararka ee caalamka ayaa xusay in xamar aan
lagu aqoon jirin bombaano la qarxiyo balse
lagu aqooon jirey iska xor imaadka
maliishiyooyinka.
Muqdisho
waxa asbuucii hore lagu diley gabar weriye ah
oo u shaqayneysay British Broadcasting
Corp.
Tarjumadii
SomaliTalk.com | Feb 17, 2005
ISHA: AP,
AFP, TurkishPress, Reuters.
Hal qof
ayaa dhintay mid kalana waa uu dhaawacmay
habeenimadii xalay kadib markii niman dablay
ah ay tacshiirad huwiyeen gaari uu leeyahay
mid ka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga
dooxada jubba
Falkan
dhibaatada lagu gaysanyo labadan nin ayaa
waxa uu dhacay xalay abaarahii afartii
habeenimo ayadoo marka gaarigan tacshiirada
lagu furayay uu marayay halka loo yaqaano
bisha cas oo ku taala duleedka magaalada
kismaayo.
Labada qof
ee xalay tacshiirada la huwiyay ayagoo
gaarigooda wata waxay ahaayen niman
dhalinyaro ah oo markaasi ku sii socday
guryahooda islamarkaana uu midka dhintay
ahaa qaad wale ama uu ka ganacsanjiray
qaadka.
Hadaba
dhaawaca soo gaaray labadaasi nine ee xabada
lagu furay midkood ayaa waxa uu yahay
dhaawac sahlan ayadoo isla markiiba loola
cararay isbitaalka guud ee magaalada
kismaayo ayadoo hada lasoo sheegayo in
xaaladiisa caafimaad ay wanaagsantahay.
Lama
garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysay
in tacshiirad lagu furo gaari uu leeyahay
masuul ka tirsan isbahasiga dooxada jubba,
mas'uulka gaarigan leh ayaa lagu magacaabaa
maxamuud cali shire ayadoo maleeshiyada
gaarigan rasaasta ku furtayna ay ku
hubayesnayeen qoryaha fudud oo uu ka
midyahay akee 47.

sawirkan waa baaburkii xabada lagu furay oo
uu ninka ku dhintay midka kalena ku
dhawcamay
Waxaa sidoo
kale warar soo baxaya ay sheegayaan in
falkan xalay lagu wax yeeleyay raga uu ahaa
fal aar gudasho.
si
kastooy ahaataba waxaa haatan soconaya
dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka oo lagu
xalinayo arintan murugsan ee xalay dhacday
ayadoo sidoo kalena ay isbahaysiga dooxada
jubba ay wadaan sidii ayana loo hakin lahaa
falalkan had iyo goor soo noqnoqda ee aar
gudashada ah ee lagula kaco dadka shacabka
ah ee aan waxba galabsan
cabdi qadar
nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com