Barnaamijkii Radio Xoriyo
15 Feb. 2005
-
Ciidamada Wayaanaha oo dad badan
Xabsiyada u taxaabey
-
Dagaalladii ugu denbeeyay ee gumaysiga
lala galo
- Gudi
ka socda AU oo booqdey Magaalada
Muqdisho
- Yurub
oo walaac ka muujisay soodinta Eritrea
iyo Itoobiya
- Iyo
waraysi dheer oon la yeelanay
guddoomiyaha JWXO Admiral Maxamed Cumar
Cismaan
======================
Ciidamada
Wayaanaha oo dad badan Xabsiyada u taxaabey
Ciidamada
Doolka ee Gumeysiga Itoobiya ayaa sidii
caadada u ahayd halkoodii kasii wada
tacadiga iyo duliga ay ku hayaan shacabka
Ogadeeniya.
Bishan
Febraayo 10, 2005 ayaa CWXO ku laayeen
Ciidamo Wayaano ah meesha lagu magacaabo
Barmiilka, kadibna Ciidamada Gumeysgu sidii
caadada u ahayd waxay ku gadoodeen dadkii
shacabka ahaa ee agaas degenaa, iyago ku
dhaqaaqey hanti boob iyo in ay dadkka qaar
nolol ku kaxaysteen iyada oo aan ilaa hada
laga warhayn meel ay dadkaasi geeyeen.
Dadka ay
moora duuga u geysteen waxaa ka mid ah
haweeney lagu magacaabo XALIIMO SAAFI, halka
ay nolol ku kaxeysteen
1- Fatxi
Mohamed Khaliif.
2- Cumar Macallin Saxardiid.
Sidoo kale, Cidamada Wayaanuhu waxay
todobaadkii hore Tuulada
Labiga ku dileen nin aanaan weli magiciisii
oo buuxa haynin, hase yeshe dib aan idiinka
soo sheegi doono.
Dilka
ninkaasi shicibka ah ayaa waxaa aad uga
xanaaqey dadka degaankasi degen, iyagoo
muujiyey colaad dhab ah oo ay u qaateen
Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo
Dabaqoodhigooda.
Ciidamada
Wayaanuhu waxay boqolal ruux ku xireen
isbuucyadii la soo dhaafey deegaano badan oo
ka mid ah Ogadeeniya.
Degaanadaasna waxaa ka mid ah, Magaalada
Shilaabo oo lagu xirey dad kor u dhaafey 100
ruux oo lagu eedeyey in ay gacan saarla
leeyihiin JWXO, bishan Febraayo, 5, 2005,
dadkaasi oo ay magacyadooda naga soo gaareen
7 qof oo kala ah
1- Siyaad Ahmed Jiirow.
2- Xumbuli Nuuriyere.
3- Cabdi-yare
4- Jeel Qambi Shaaciye.
5- Ugaas Xassan Aw Cabdi
6- Nafyar Duulane Dahir
7- Xassan Ahmed Noox; iyo kuwo kale oo badan.
Sidoo kale Yucub ayaa Bishan Febraayo 5,
2005 lagu xidhay dadka kala ah:
1- Xassan Nuur Dhicis.
2- Seeraar Taxaliil Muuse.
Qoriile ayaa Bishii Janaayo 30, 2005 lagu
xir xiray dad tiro badan oo ay ka mid yihiin:
1- Sugulle Cali Abshir.
2- Bashiir Sugulle Cali.
3- Afyare Qarawo Cismaan
4- Yooye Yuusuf Aar.
5- Xassan gaaxnuug Yuusuf.
6- Carab Macallin Biixi.
7- Khadar xaji Taxliil.
8- Sayid Hudle khaliif. iyo kuwo kale.
Magaalada Caado iyo Danood ayaa ka midah
goobaha isbuucyadan dadka shacabka ah ee
tirada badan lagu xiray, waxaana ka mi dah
dadka lagu xiray Magaalada Caado ninka lagu
magacaaboTahar Macallin Yuusuf.
Dagaalladii
ugu denbeeyay ee gumaysiga lala galo
Dagaalka Gobonimo doonka ah ee u dhaxeeya
CXO iyo kuwa cadowga Itoobiya ayaa si joogto
ah uga socda Gobolada Ogadenya oo dhan.
Dagaaladii
ugu denbeeyay ee ka dhexdhaca CWXO iyo
Ciidamada Gumaysiga Itoobiya waxay u dheceen
sidatan:
5/2/05, Dagaal ka dhacay duleedka Wardeer,
waxaa ciidamada wayaanaha lagaga dilay 5/askari,
5/kalena waa laga dhaawacay.
6/2/05, Dagaal ka dhacay Garoonka waxaa
cidamada gumaysiga lagaga dilay 6 askari,
12-na waa laga dhaawacay.
9/2/05, Galaalsho agteeda waxaa lagu gubay
Baabuur ciidamada Wayaanuhu leeyihiin oo
nooca Uralka loo yaqaano ah, halkaasna ay ku
basbeeleen Baabuurkii iyo ciddi saarayd.
10/2/05, Meel Barmiilka iyo Gasangas u
dhexaysa dagaal ka dhacay waxaa cadowga
lagaga dilay 10 askari 12-na waa laga
dhaawacay.
11/2/05 Meel Qarsoodi & Shilaabo u dhexaysa
waxaa lagu gubay Baabuur Uraal ah, oon isaga
iyo wixii saaraa ay isla gubteen
Gudi
ka socda AU oo booqdey Magaalada Muqdisho
Wararka
nagasoo gaaraya Magaalada Muqdhisho ayaa
sheegaya in mas’uuliyiin sar sare oo ka kala
socota African Union, IGAD iyo Ururka
Carabta ay maalintii Isniinta booqdeen
magaalada Muqdisho. Waftigan oo qiimeyn ku
soo sameyn doona xaalada nabadgelyo ee
Magaalada muqidhso.
Socdaalka
waftigan oo qaadan doona qiyaastii 10-12
maamlmood ayaa wuxuu horudhac u yahay
Ciidamada nabadgalyada ee ay wadamada IGAD
ugu yabooheen Soomaaliya si ay sugaan
xaalada nabadgelyo ee Magaalada muqdisho iyo
magaalooyinka kale ee Soomaliya.
Balse
Itoobiya oo ka mid ah wadamada safka hore ee
IGAD ayaa si aad ah looga soo horjeeda,
waxaana Magaalada muqdisho ka dhacey
banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada
shisheeye ee la hindisayo in la keeno
Soomaliya iyo gaar ahaan in Itoobiya ka mid
noqoto.
Si kastaba
ha ahaatee,wararka naga soo gaadhaya
Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Itoobiya
wado dar-dar cusub oo ay ku kasbanaysao
xubnaha baarlamaanka ee Soomalida iyadoo
wada hanjabaado iyo laaluush is garab socda.
Warku wuxuu
intaas ku darayaa in sargaal sare oo
Itoobiya u qaabilsan xaga sir doonka uu ku
sugan yahay magalada Nairobi, kaas oo
fulinaya qorshaha dawladda Itoobiya ee ku
aadan sidii ay u ugaarsan lahayd Xubnaha
Siyaasadeeda ka dhanka ah.
Yurub oo
walaac ka muujisay soodinta Eritrea iyo
Itoobiya
Wadada
Yurub ayaa walaac ka muujiyey dhaq-dhaqaaqa
Ciidan ee ka socda soohdinta Itoobiya iyo
Eritrea, hakkaas oo dagaal boqolaalkun ku
naf waayeen ku ku dhexmaray labada dal
sanadihii 1998-2000.
Yuurub
waxay ugu baaqdey labada wadan inay u
hogaansamaaan go’aankii gudiga caalamaiga ee
Magaalada Hage, go’aankaas oo ay dawladda
Eritrea aqbashey,halka ay dawladda Itoobiya
diiday, inkasta oo bisii November ee kal
hore uu Meles sheegay in ay aqbaleen,
laakiin doonayo in marka hore wada hadala
gelo eritrea.
Arintaasna,
waxaa gaashaanka ku dhuftey Eritrea iyo
wadama awoodaweyn leh, kuwaas oo ku sheegay
in hadii wada hadal dib loo furo ay lid ku
tahay go’aankii labada wadan hore u
saxeexeen ee ahaa in ay u hogaansami doonaa
go’aan kasta oo uu soo saaro gudiga
caalamiga ah ee Hage,iyadoo bishii December,
2004 ay wadamada Yurub ku raaceen go’aanka
Eritrea ee ah in ay qaadacdo wax wada hadal
ah inta Itoobiya fulinayso go’aanka gudiga
hage.
Si kastaba
ha ahaatee, Itoobiya ayaa wada dhaq-dhaqaaq
ciidan oo badan iyo hub aruursi. Sida ay
qortey Jajiirada lagu magacaabo "Difaaca iyo
Nabadgelyada ee ka soo baxda wadanka Ruushka,
waxaa bishii January 12, 2005 tagey
magaalada Moscow Wasiirka Arimaha Dibada ee
Itoobiya, iyadoo ujeedada socdaalkiisu ahayd
sidii ay Itoobiyau iibsanlahayd hub nocyo
kala duwan isugu jira, waa sida ay wargeysy
hadalka u dhigaye.
Radio Xoriyo, 15 Feb. 2005
Ahmed Gal-eri
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa
Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820
KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM
waqtiga Afrikada Bari