SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wafdi ka socda dowladda FKMG ah oo booqanaya Jowhar iyo Baladwayne.
  • Xaflad ay ardeyda Soomaaliyeed ku qabteen magaalada Karachi ee waddanka Pakistan
 
Wafdi ka socda dowladda FKMG ah oo booqanaya Jowhar iyo Baladwayne.
 Wafdigii xaqiiqo raadinta: 

Wafdigan oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Maamulka Jowhar Maxamad Dheere iyo Wasiirka Waxbarashada Dowladda FKMG ah ee Somaliya Cali C/llaahi Osoble ayaa saakay ka duulay Nairobi iyagoo ku sii jeeda Magaalooyinka Jowhar iyo balad wayne ee Dalka Soomaaliya.

 
Wafdigan ayaa qayb ka ah wafdiyo ay dowladdu ugu tala gashay in ay u kala dirto gobolada dalka soomaaliya si ay ugu baahiyaan awoodooda iyo ka kasbasho taageero shacabka goobaha ay tagayaan.
 
Wafdi kan la mid ah oo uu hogaamin doono Wasiirka Cadaaladda DFKMG ah Aadan Madoobe ayaa iyagana safar ku kala bixin doona Magaaladda Bay iyo bakool,iyagoo bari Nairobi ka Ambaxaya,si ay barnaamijka dowlada uga soo dhaadhiciyaan dadka ku Nool deegaanadaas.
 
Wafdigan ayaa inta ay joogaan goobahaas u kuurgalaya xaaladda siyaasadeed iyo nabad galyo iyadoo aysan meesha ka marnayn in ay soo sahmiyaan halkii ay dowladdu u caga dhigan lahayd si Ku meel gaar ahaan ah.
 
Wafdigan Maanta u ambaxay Magalada Jowhar ayaa dib ugu soo laaban doona Naiorobi ka dib mudo todobaad ah waxayna warbixin u gudbin doonaan Gollaha wasiiradda.
 
Ra'iisul wasaaraha ayaa horay u sheegay in uu gollahiisa wasiiradda u kala dirayo golada dalka si ay halkaas dadka jooga uga soo dhaadhicaan qorshaha dowlada soona qiimeeyaan aragtooda ku aadan nabad ku soo dabaalida dalka iyo sida ay dowldda ula shaqaynayaanba.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Feb 16, 2005


Xaflad ay ardeyda Soomaaliyeed ku qabteen magaalada Karachi ee waddanka Pakistan

Xaflad si heer saraa loo soo agaasimay, oo ay soo qaban qaabiyeen ardeyda Soomaaliyeed ee ku dhaqan  magaalada Karachi ee waddanka Pakistaan, ayaa waxaa xalay abbaariihii 6:30 fiidnimo lagu qabtay hoolka  xafladaha  ee University Lawn ka soo horjeedka albaabka weyn ee jaamacadda Karachi oo ku taalla magaalada Karachi ee waddanka Pakistan. Xafladdaan oo ahayd tii ugu horeeysay, oo nooceedoo kalaa, oo ay qabtaan ardeyda Soomaaliyeed ee wax kabarata magaalada Karachi, ayaa  waxay isugu jirtay sagoontiga ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisey sannadkaan  jaaamacadaha magaalda Karachi iyo soo dhaweynta ardeyda Soomaaliyeed ee sannadkaan laga aqbalay isla jaamacaddaha magaalda Karachi ee waddanka Pakistaan.

Xafladdaan waxaa  kasoo qayb galay culuma-u-diin, waariddiin, dhalinyaro, aqoon yahanno iyo ardey kale oo ajaanib ah, oo isugu jirtay Jabuutiyaan, kenyaati, sinigaal Suudaan iyo falastiiniyiin, waxaa kaloo isna xafladdaas kasoo qaybgalay qunsulka kenya u fadhiya magaalada Karachi Maxammed Axmed Dhuungooye, iyo qunsul sharafeedka safaaradda Soomaaliya Mr. Arshad. 

     Waxaa ugu horayntii furitaankii xafladda kaddib muxaarado diini ah ka soo jeediyey Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ka hadlay  ahmiyadda wax barashadu ay leedahay. Wuxuu kaloo sheekhu uu u hambalyeeyey ardeyda qalin jabisay iyo kuwa bilaabaya waxbarashada, isagoo ka codsaday ardeyda qalin jabiyey in ay dalkooda iyo dadkoodaba si daacad ah ugu shaqeeyaan, wuxuu kaloo sheekhu xusay in dadka aqoonta leh ay shacabku ka kacabanayaan haddii ay ahaan lahaayee dhaqaatiir, siyaasiyiin iyo kuwa kalaba. Wuxuu kaloo sheekhu ku waaniyey ardeyda in ay dalkii geeyaan cilmiga maaddigaa iyo diintoo isku xiran ee aysan geen oo kaliya cilmiga maaddiga ah oo kaliya, Wuxuu kaloo sheekhu u sheegay ardaydii qalin jabisay in ay daaweeyaan cudurka manta Soomaaliya la il darantahay oo layiraahdo cudurka qabiilka. 

     Waxaa xafladda laga aqriyey qoraal uu soo diray siihayaha safaaradda Soomaaliya Axmed C/rixmaan  Sheikh Nuur oo isgu kasoo qayb gali waayey xafladdaas xanuun qabtay owgiis. Siihaya safaaradda wuxuu u mahad celiyey dhalinyaradii soo qababan qaabisay xafladda, wuxuu kaloo siihaya safaaradda uu qoraalkiisa kaga codsaday dhalinyarada, in xafladda noocaan oo kalaa  ay qaban qaabiyaan sannad walba isagoo u hambalyeeyey ardeyda  qalin jabisey iyo ardeyda cusubba. 

     Waxaa kaloo halkaas kahadlay Axmed Sheelare oo kamid ah waariddiintii xafladda kasoo qayb galay, Axmed sheelare oo kayimim waddanka Ingiriiska ayaa wuxuu  ugu horaytii u mahad celiyey waddanka Pakistan, wuxuuna yiri “Waxaan u mahad celinayaa waddanka Pakistan oo ah waddanka kaliya ee iminka soomaalida gacan qabta, siiyana fiisooyinka wax barasho”. Sheelare wuxuu sheegay Soomaalida ku nool Pakistaan in ay ka faa’iidaysteen fursaddoodii iyo waqtigooda dahabiga ah, halka Soomaalida Yurub  iyo Mareykan joogta ay aad u dayaceen fursadahoodii. Sheelare waxaa kaloo uu ku waaniyey aqoonyahannada ka qalin jabiyey jaamacadaha markii ay ku laabtaan waddanka in ay u shaqeeyaan dadkooda iyo dalkoodaba iskana fogeeyaan land land-ka ummada Soomaaliyeed kala qo-qobay.

Xassan hilowle oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ku nagi waddanka Pakistan ayaa hadal dadku ay madaxa u luleen halkaas ka soo jeediyey. Xassan hilowle oo khibrad dheer u leh waddanka Pakistan, ayaa talooyin siisay ardeyda cusub, isagoo kuwa qalin jabiyeyna ugu duceyey mustaqbal wanaagan  in eebbe siiyo.

C/rixmaan Faarax Cali oo kamid ah guddiga qabanqaabada xafladda, ayaa isna ka war bixiyey heerarkii ay soo martay qabashada xafladda, wuxuu kaloo meesha kasaaray in ay san xafladdu wax xariira lala hayn ururo beeleed iyo kuwa siyaasadeedba ee ay tahay oo kaliya mid lagu maamuusayo sagoontiga ardeyda qalin jabisay iyo soo dhaweynta ardeyda cusub, taasoo kasaartay shaki iyo mugdi dadka qaarkiis uga jiray xafladda. Wuxuuu kaloo tilmaamay in aysan xafladda noocaanoo kalaa ay qabanqaabin doonaan sannad walba.

Waxaa isna meeshaas qudbad kooban ka jeediyey c/qaadir  Maxammed Sabriye oo ku hadlayey  magaca Ardeyda qalin jabisay,  wuxuuna ka sheekeeyey C/qaadir halgankii iyo dhibaatadii ay u soo mareen wax barashada. Wuxuu  C/qaadir yiri  kula dardaarmay ardeyda cusub in ay waqtigooda ka faa’iidaystaan, oo aysan fursadooda ku dhumin meelo is-istaag, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday C/qaadir sida ay uga go’an tahay isaga iyo ardeyda kaloo qalin jabisayba in ay dalkooda, dadkooda iyo diintayadaba wax u qabanayaan markay ku laabtaan waddankooda hooyo”.

 Waxaa isna khudbad heer saraa kasoo jeediyey halkaas Axmed C/qaadir Cusmaan, oo ku hadlayey magaca ardeyda cusub. Axmed wuxuu kula dardaarmay ardeydii qalin habisey in aysan wax barashada hal kaas ku joojin, ee ay kasii ambaqaadaan meeshay hadda marayaan, isagoo soo qaatay oraahda dhahaysa “Wax barasho ma dhammaatee ninkeedaa dhammaada”. Dhanka kale wuxuu Axmed kula dardaarmay ardeyda cusub in ay tiigsadaan meesha ay iminka walaalahood gaareen. 

     Riwaayad  far shaxan heer saraa loo sameeyey, laguna soo fara yareystay ayaa ardeydu ku soo bandhigeen  xafladda. Riwaayddaas oo ay ugu magic dareen “Ma anaagaa qaldan mise waa nala qalday”, ayaa runtii ahayd mid aad u xiiso badnayd soona jiidatay dadkii kasoo qayb galay xafladdaas. Waxaa kaloo caruurta Soomaaliyeed  oo jeeni qaarsan calanka cirka u eg, dhexdana ku leh xiddigta shanta gees leh ay ka qaadeen halkaas heeso waddani ah, oo ay kamid ahayd heesta calanka Soomaaliya. Caruurtaasoo si hallaasi ah isgu jiibinayey heesaha, si wacanna iskula jaangooynayey, ayaa gilgiley dhammaan dareenka dadkii xafladdaan isgu yimid, halkaasoo dadka qaar la arkayey iyagoo ilmaynaya. 

     Ugu danbeyntii  Waxaa halkaas ka hadlay Maxamed Axmed Dhuungooye qunsulka safaaradda Kenya ee Karachi, wuxuuna kahadlay qunsulku ahmidda wax barashadu ay leedahay  iyo jahliga dhibaatadiisa, qunsulku wuxuuu kaloo ku waaniyey ardeyda qalin jabisey  markii ay dalkooda ku laabtaan in ay wax u qabtaan dadkooda tabaalaysan, ee uu jahligu leefay. Waxaa isna qunsul sharafeedka Soomaaliyeed  Mr. Arshad guddoonsiiyey jaa’isooyin ardeydii qalin jabisay.  

      Sannadkaan oo ay ardeyda Soomaaliyeed ee qalin jabinsay madaxa kala baxeen 20, kuwa la aqbalayna ay foodda galinayeen 30, ayaa waxaa lagu tilamaamay in uu yahay sannadkii ay ugu badnaayeen ardeyda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisey iyo kuwa ku soo biirey jaamacada magaalada Karachi ee waddanka Pakistan. 

   W/D Suldaan Nayruus Xaaji Aadan
            Karachi-Pakistaan.
            Suldan25@yahoo.com

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 16, 2005


Wafti Xaqiiqo Raadin ah oo ka Degey Muqdisho
»Wafti ka socda AU  iyo Jaamaca Carabta oo gaarey Xamar
»Shariif Xasanoo Baarlamaanka Hor dhigay Warbixin...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Cabdullaahi Yuusuf oo Xamar ka Degi Doona Siddeed Maalmood Guduhood...
Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in uu ka degi doono muqdisho asagoo aan... Guji....

Wafti Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin Ururka Ardayda Puntland ee India 
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD