SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Ururka midnimada Afrika iyo Jaamaca Carabta oo mogadisho gaaray Caawa.
  • Shariif Xasan Sh Aadan oo Baarlamaanka Hor dhigay maanta Warbixin la xiriirta safarkiisi Xamar. 

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Feb 14, 2005

Wafdi xaqiiqo raadin ah oo ka socda Ururka midnimada Afrika iyo Jaamaca Carabta oo mogadisho gaaray Caawa.

 
Wafdigan oo baryahanba la sugayay ayaa ka dagay garoonka dayniile maqribnimadii caawa,iyadoo ay halkasin ku soo dhaweeyaan qaar ka mid ah saraakiil loo xilsaaray soo dhawaynta wafdigaas.
 
wafdigan oo iskugu jira kuwo ka socday AU,Jaamacadda Carabta,IGAD iyo saraakiil soomaali ah waxa ay gaarayeen 13 xubnood,wafdigan kuma jirto xubin ka socota itoobiya sida ay ii xaqiijiyeen warar ku dhawdhaw wafdigaas,sababta ayaa lala xiriirinayaa diidmo ay muujiyeen wadamada safka hore ciidamada ay IGAD bixinayso taas oo hakad galin karta in itoobiya ay ciidamo gayso halkaas.
 
Wafdigan inta ay joogaan xamar waxa ay la kulmi doonaan qaybaha mogadisho sida culumada,ganacsatada,siyasiyiinta,bulshada rayidka ah iyo haweenka iyagoo aragti ahaan ka soo qaadan doona waxa ay ka qabaan ciidamada lagu wado in la geeyo caasimada soomaaliya ee Mogadisho.
 
Wafdigan waxaa ka mid ah Gen Qaasim Naaji oo la hadal hayo in loo magacaabo mar dhaw abaan duulaha ciidamada qalabka sida,GHen bad maceeye,Gen Maxamad Xaaji iyo ciid badal maxamad.
 
Wafdigan ayaa lagu wadaa in ay sidoo kale la kulmaan ciidamo gaaraya lix kun oo ah ciidamadii soomaaliya oo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dowladda ka caawiyaan dhinaca amaanka.
 
Wafdigan xaqiiqo raadinta ee soomaaliya loo diray waxa ay mogadisho kaga sii gudbi doonaan meelo kale oo dalka ah, dhamaan meelaha ay booqdaana waxa ay  kula soo kulmi doonaan waxgaradka iyo siyaasiyiinta goobahaas ka taliya.
 
Ka dib marka ay soo dhameeyaan safarkoodaas sahanka ah waxay hor dhigi doonaan gollaha amniga iyo nabad galyada ururka midnimad afrika iyo jaamacada kadibna waxaa lagu dhaqaaqi doonaan qiimayn iyo la tashi ka dib waxii ay keenaan.

Shariif Xasan Sh Aadan oo Baarlamaanka Hor dhigay maanta Warbixin la xiriirta safarkiisi Xamar. 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan oo maanta iskugu yeeray gollaha baarlamaanka ayaa uga waramayay safarkii uu dhawaan ku tagay magaalada Muqdisho,waxa uu baarlamaanka u sheegay sidii loo soo dhaweeyay,meelihii uu booqday iyo mas’uuliyiinti uu wada hadalka la yeeshay maalmihii uu ku sugnaa halkaas. 

Warbixintiisa waxa uu ku xusay Shariif xasan in dadka soo dhaweeyay ay kor u dhaafeen boqolaal kun,dhamaantoodna ay ku faraxsanaayeen in wafdigan uu soo booqdo dowladana ay sugayeen in ay timaado caasimada si nabada hal meel looga soo wada jeesto waxa ayna balan qaadeen ayuu yiri dadkaas na soo dhaweeyay in ay ka qayb qaadanayaan dhismaha dowladda ayna taageersan yihiin. 

Mar uu ka hadlayay Gudoomiyaha baarlamaanka kulankii uu la yeeshay maxaakimta islaamiga ah ee magaalada mogadisho waxa uu sheegay in ay taageersan yihiin dowladda,laakiin ay rabaan in lagu dhaqmo KITAABKA ALLE,dowladdana aysan cadaw ku ahayn ayna kala qayb qaadanayaan dhismaha dowladda iyo howlaha amaanka caasimada. 

Shariif  xasan waxa kale oo uu sheegay in uu soo arkay 600 kun oo ah ciidankii xooga dalka ah waxayna balan qaadeen ayuu yiri difaacida dalka iyo dalkaba,ciidamaas waxa ay ii muujiyeen dowlad jacayl iyo taageero xoogan oo ay u u hayaan dowlada iyo baarlamaanka ayuu intaas ku daray waxa uuna baarlamaanka usoo jeediyay in ay ku filan yiihiin intaas hadii la qalabeeyo lana tababaro. 

Dhinaca ganacsatadda iyo siyaasiyiinta markii uu mar uu baarlamaanka uga waramayay waxa uu sheegay in ay yihiin xoog aan la xaqiri karin waxayna iisoo dhaweeyeen si heer sare ah iyagoo noo sameeyay casumaad talooyina na siiyay,waxa ay sheegeen qaarkood siyasiyiintaas in loo baahan yahay ciidamo shiheeye laakiin aan lagu soo darin kuwa safka hore hadii lagu soo darana ay sii xumayn karto xaalada amaan ee ka jirta dalka guud ahaan. 

Ugu dambayntii waxa uu baaq nabadeed u diray beelaha isku haya meelo ka mid ah soomaaliya ee dirirtu ka dhexeeyso in ay joojiyaan,una soo jeestaan nabada iyo dib u heshiisiinta iyagoo ogaanayana in laga gudbay xiligii dadka walaalaha ah ay dhamayn lahaayeen ee loo gudbay tiigsiga horumarka iyo wadada Nabad Raadinta. 

Gollaha baarlamaankana waxa uu sheegay in ay Go'aanka iyaga leeyihiin,kana soo baaraan dagaan arrimahan uu ka hadlay kadibna ay waxii ay hayaan usoo gudbiyaan isaga,si uu ula laabto mas'uuliyiinti xamar ee uu la soo kulmay. 

Waxa uu baarlamaanka u sheegay in uu caawa u ambabaxay safar dalka talyaaniga ah,isagoo ka soo qayb galaya casuumaad ay baarlamaanka u fidisay dowladda talyaaniga ee ku aadan isbarasho tala siin iyo tababar oo dhex mari doona labada dal,isagoo sheegay in ay soo laaban doonaan bishan aaqirkeeda isla xiligaas oo ku beegan 23 bishan uu dhici doono kulanka baarlamaanka.

Warbixintii: Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com | Feb 14, 2005

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 14, 2005


Wafti Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin Ururka Ardayda Puntland ee India 
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD