Cabdullaahi Yuusuf oo Xamar ka Degi Doona
Siddeed Maalmood Guduhood...
Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynaha Soomaaliya ee
dalka dibadda kaga maqan ayaa sheegay in uusan
wax baqdin ah ka qabin ammaankiisa marka uu isku
dayo in uu dawladiisa u hoggaamiyo magaala
madaxda aan qaanuunku ka jirin ee Muqdisho,
muddo siddeed maalmood gudohho ah, sidaas waxaa
warka ku bilaabay jariidada Telegraph ee ka soo
baxda dalka Ingiriiska cadadkeedii Feb 13, 2005.
"Waan
hubaa in aysan jirin wax igu dhacaya, waxaan
hadda ahay nin da'weyn, oo ah askari gaamurey. Weligay
dagaal ayaan kusoo jirey, naftayda waxaan u
hibeeyey dalkayga, mana cabsanayo" ayuu yiri
Cabdullaahi Yuusuf oo toos ugu waramayey
jariidada Telegraph asagoo jooga halka uu ka
deggan yahay Nairobi ilaa markii loo doortay
madaxweynaha DFKMG..
Jariidada oo hadalkeeda sii wadata waxa ay
sheegtay
in dad badan ay rumaysan yihiin in aragtida
Cabdullaahi Yuuusfu ee ku noqoshada Muqdisho
aysan caqli-gal ahayn, magaaladaas oo muddo ku dhow labaatan
sano ay
halakeeyeen carqaladuhu. Toddobaadkii hore ayey ahayd markii
halkaas lagu diley weriye ka socdey British
Broadcasting Corp.
Ilaa hadda madaxweynanimadiisu waxay hayd mid
aan la mid ahayn kuwa kale. Guriga uu deggan
yahay waa mid uu ka amaahday dawlad shisheeye,
waardiyayaashiisu waa kuwo uu kasoo deynsadey
hoggaamiye shisheeye, dadka gacan-yarayaasha u ahna
waa kuwo aan awoodi karin in ay iska bixiyaan
telefoonkooda. Taas oo jirta haddana waxaa loo
arkaa rajada keliya ee ay Soomaaliya leedahay,
ayey tiri jariidadu.
14 sano ka hor ayey ahayd markii maleeshiyo
xoogooda isu geeyey ay xukunak ka tuureen
madaxweynihii keligii taliyaha ahaa, Maxamed
Siyaad Barre. Ilaa waqtigaas waxaa dalku kusii
siqayey carqalad ay ku amar kutaagleeyaan
qabqablayaasha dagaalku.
Sida ay sheegtay Telegraph, Madaxweyne Yuusuf
waxa uu sheegay in uu dalka ku laabanayo muddo
laba toddobaad gudohood ah, inkasta oo aysan
muuqan ciidamo militari oo shisheeya ah oo gacan
siinaya iyo calaamado muujinaya in
qabqablayaasha dagaalku ay dagaal isu
diyaarinayaan. "ma haysano boolis, militari ama
ciidamo nabadda suga" ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf,
waxana uu intaas ku daray "Haddii aanaan helin
gacanta beesha caalamka shaqada aan qaban doonaa waa adkaan
doontaa, qofkasta taas waa ogyahay."
Shan wadan oo ka tirsan Afrikada Bari ayaa
aqbalay in taageerayaan dib u celinta dawlada
Soomaaliya, laakiin xaqiiqo ahaan dalka Uganda
oo qura ayaa ku yaboohay ciidamo. "Waxaan
diyaarineynaa ciidan anagu aan leenahay oo
nabada suga" ayuu yiri Yusuf, asagoo intaas
raaciyey ciidamaad shisheeye waxa keliya oo
looga baahnaa waa in ay tababaraan ciidamada
Soomaalida iyo in ay sugaan ammaanka meelaha
dalka laga soo galo (Dekedaha iyo garnamada
diyaaradaha).
"Ciidamada
aan uga baahanahay wadamada kale ee Afrikaanka ah
ma ahan kuwo loola jeedo in ay la dagaalamaan
maleeshiyada Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed"
ayuu yiri cabdullaahi Yuusuf.
Isku daygii ciidamada shisheeye ee ugu dambeeyey
waxaay ahayd markii xoogagii
Qaramaad Midoobey ay Soomaaliya si waji gabax ah
uga huleeleen sanadihii sagaashanaadkii ayey
tiri Jariidadu.
Telegraph oo warkeedii sii wadata waxa ay tiri
qayb ayaa ka cabsi qaba Mr. Yuusuf, oo qudhiisu
ahaan jirey qabqable dagaal, in uusan nabad
keenayn. Kaas oo xataa qaar lataliyayaashiisa
kamid ah ay u yaqaanaan "nin halis ah" ahna hoggaamiye
qallafsan. Waa sida jariidadu warka u dhigtaye.
Si kastaba ha ahaatee, ayey hadal keedii kusoo
koobtay Telegraph, Madaxweynuhu wuxuu ku
kalsoon yahay in uu heli doono taageero. Waxana
uu yiri "In ka badan 90 boqolkiiba shacabku waxa
ay rabaan nabad. Kuwa diidana waa dad xun, mana
dhegeysaneyno kuwaas (nabada diidan)".
ISHA:
http://www.telegraph.co.uk/
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005
Wafti
Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga
BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda
Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin
Ururka Ardayda Puntland ee India
Warka
oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13