SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wafdi uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee BFKMG ah oo la kulmaya Baarlamaanka Talyaaniga.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Prof.Maxamad Cumar Dhalxa ayaa xalay ka ambabaxay garoonka Magaalada Naiorobi iyagoo ku sii jeeda magaaladda Roma ee xarunta u ah dalka talyaaniga, kadib markii ay ka helaan casuumaad baarlamaanka talyaaniga sida uu iigu waramay Gudoomiye ku xigeenka koowaad.
 
Wafdigan waxaa laga soo kala saaray shanta qaybood ee uu ka kooban yahay baarlamaanka Somaaliya iyagoo gaaraya 22 xubnood oo xidhibaanada kaliya ah.Wafdi kan la mid ah uuna hogaamin doona Afhayeenka baarlamaanka ayaa iyagana ka ambaxi doona Nairobi habeen dambe iyagoo ka qayb gali doona isla kulanka.
 
Ujeedada casuumadan ayaa la xiriirta is barasho iyo iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed oo dhex mara labadan dal, waxa ayna ka wada hadli doonaan oo kale sidii loo xoojin lahaa xirirka ka dhexeeya labadooda dal iyagoo is dhaafsan doona afkaaro la xirira sidii soomaaliya looga caawin lahaa dhinacyada dhaqaale iyo tababarka baarlamaanka waxa ayna ka qayb gali doonaan kulamada baarlamankaas.
 
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay soo booqdeen baarlamaanka soomaaliya xubno matalayay baarlamaanka talyaniga iyagoo u gudbiyay salaan iyo taageero ka timid kan talyaaniga,waxa ayna sheegeen in baarlamaanka talyaaniga iyo dowladisaba ay diyaar u yihiin in ka caawiyaan baarlamaanka soomaaliyeed waxii taageero iyo dhaqaale ah ee ay uga baahdaan.
 
Waa markii ugu horeysay oo xubanah baarlamanka FKMG ahi ay ka qayb galaan kulan noocan ah oo lagu qabto wadan ka mid ah Qaaradda yurub tan iyo markii la dhisay baarlamaanka Somaaliya.
 
Dowladda talyaaniga waxa ay ka mid ahayd dowladihii soomaaliya gumaysan jiray,waxii ka dambeeyay markii ay soomaaliya ka xorowday ilaa hadda waxa ay dowladdaasi soomaaliya usoo diraysay wakiilo si gaar ah ula socda xaalada soomaaliya,intii ay socdeen shirarka soomaalidana xiliyadan dambe waxa ay si dadban ugu jireen siyaasada soomaaliya.
 
Horaantii bishan  ayay ahayd markii la soo saaray lafihii mayadad talyaani ah oo lagu xabaalnaa magaalada Mogadisho,arrintan ayaa cara galisay talyaaniga waxa ayna dalbadeen in la baaro dadkii ka dambeeyay iyo sababtaba,balse waxaa cudurdaar ka bixiyay qaar ka mid ah dowlada FKMG ah, culumada,siyaasiyiin iyo dad kale.

Canab Mumtaz | SomaliTalk, nairobi
canabmumtaz@yahoo.com | Feb 13, 2005

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005


Dubai: Kooxda Somalia vs Jordan

Ciyaaryahan Jamayka midig iyo Maktuum Shiikh Maktuum bin Maxamed oo ah ninka koobka Festival ka Dubai soo qaban qaabiye iyo Goolhaye Sacad

Gudoomiye Nuune iyo Xulka Jaaliyadda Somalia ee Dubai

Qunsulka Dubai Maxamed Barrow iyo Ciyaartoyda Jaaliyadda Somalia

Habeenimadii 9 February 2005 Mar ay caawa saacadu isku shareertay 10:50pm ee magaalada Dubai ee dalka United Arab Emirates, koobka Festival ka ee ka socday wadankaan UAE ee magaalada Dubai waxaa ciyaar aad iyo aad u xiisa badan isaga hor yimid laba jaaliyadood oo kala matalaye laba wadan Jordan iyo Somalia, Jaaliyada Jordan oo ka dhisan magaalada Al Ain iyo Jaaliyadda Somalia ee ka dhisan magaalada Dubai, ciyaartani oo caawa Final ahayd waxaa lagu ciyaaraye magaalada Dubai garoon yar oo salax ah, ciyaartooyada Jaaliyada Somalia iyo Maamulayaasha iyo Xog Hayeenadooda:- 

  1. Tababre Othman Maye Abubakar (Iskood)
  2. Tabare ku xiigeenka Abdulle Ibrahim Ahmed (Catabeey)
  3. Maamulaha Jaaliyada Abdi Rachid (Nuune)
  4. Maamul ku xigeenka Hussein Ahmed (Laabane)
  5. Xoghaye Saeed Jama (Qooreey)
  6. Xoghaye ku xigeen Omar Suldan (Cumar Dayax)
  7. Ciyaartoyda oo iyagana kala ahaa:-
  • Abdulkadir Moallim Mohammed (Jamayka)
  • Ahmed Noor Warsame (Biibaaye)
  • Hassan Ahmed Omar (Xasan Carab)
  • Hashim Omar Sabir
  • Abdow Ali Sufi
  • Saeed Mohammed Ayoub (Goolhaye iyo Kabtanka kooxda)
  • Liban Iman Mohamed (Islaawga)
  • Amir Omar Amir
  • Ahmed Noor (Malaay)

Sidoo kale ciyaartooyada u ciyaaraysay Jaaliyada Jordan waxay magacyadooda kala ahaayeen:- 

  • Tababare Adil Sitabuha (kabtanka kooxda)
  • Mundir Elyas (Goolhaye)
  • Mohammed Hussein
  • Zaid Abdalla
  • Mohammed Jamal
  • Ihab Mohammed
  • Mahmoud Sowma
  • Awadallah Abdalla

koobkani oo ka koobnaa 8 jaaliyadood ayaa waxaa isugu soo haray Final ka Jaaliyada Jordan iyo Jaaliyada Somalia, waxaa garoonka isugu yimid dadwayne aad iyo aad u fara badan oo kala taageeraye labada Jaaliyadood, inkastoo oo ay aad u badeen taageerayaasha Jaaliyada Somalia ee ka dhisan wadankaan UAE, waxaa ka mid ahaa dadka kasoo qeybgalay:- 

Qunsulka Somalia ee Wadanka UAE, Mudane Mohamed Barrow Ghedi iyo Secretary giisa Osman Ali Qasim (Cabdullow), Ahmed Noor Hashi (Sayga Ruushka) oo inaga soo siyaartay London (UK), Ali Hassan Garabow (Raamaale) oo inaga soo siyaartay London (UK), Ahmed Issa Galladi oo inaga soo siyaartay Toronto (Canada) iyo kabtankii hore ee Somalia ee Kubada Kolleyga Omar Abdulkadir (Baarajab) oo isagana ku nool wadankaan UAE, wuxuuna tababare u yahay Naadiga AL AHLI ee kubada Koleyga kana dhisan Wadankaan UAE, waxay ciyaartu ku bilaabatay si xamaasadaysan, waxaa ciyaarta la ciyaaraye waqti aad iyo aad u cariiri ah 15 daqiiqo qaybta hore iyo 15 qaybta dambe, balse nasiib darro waxaa ay ciyaartii ku dhamaatay 5 - 2 oo ay guushu ku raadday Jaaliyada Jordan, 5 gool oo ay ku badisay Jaaliyada Jordan waxaa u kala dhaliye Mohammed Hussein (3), Mohammed Jamal (1), Awadallah Abdalla (1), (2) gool kaliya  ee Jaaliyada Somalia keensadeen waxaa u dhaliyay Mohammed Abdullah (Oday), waxaa halkaasi ay Jaaliyada Somalia ay kala soo hoyatay caawa oo ay soo galayso maalin Khamiis ah billadooyin lagudoonsiiyay iyo koob iyo Goolhayaha ugu wanaagsanaa oo ay ku guulaysatay Jaaliyadda Somalia, kabtanka Jaaliyada Somalia goolhaye Saeed Mohammed Ayoub, taageerayaal aad u fara badanaa oo rag iyo dumar isug jiray waxaa ka mid ahaa dadka ugu ololo badnaa oo wajigiisa xamaasadda ka muuqatay Mohammed Noor oo ku magac dheer (Xirsi) oo runtii ciyaarta inta aysan bilaaban isbiirtid iyo wadan jaceylnimo ay ka muuqatay, balse ciyaarti markii ay dhamaatay hadal uu ku kaftamaye ayaa waxaa ka mid ahaa Somalia oo dowlad la’aan hadii ayba Final timid dowlado badanna ay inaga hareen, maxaad u malayn lahaydeen hadii aan dowlad leenahay, sidoo kale waxaa ka muuqday garoonka taageerayaal aad u fara badan oo runtii aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi Karin sida:- Ahmed Noor Yahie (Shilal), Ali Ahmed  (Bariise), Mohammed Yousuf iyo gabdho farabadan oo soomaaliyeed oo runtii iyagana aad u faraxsanaa. 

Isku soo duba ride
Ismail Mahmoud
Dubai – UAE

Email:
ismoma114@yahoo.com


   Ururka Ardayda Puntland ee India 

Ururka Ardayda Puntland(Puntland Students Association,India) waa is-bahaysi ardayeed oo ka jira wadanka India, kaasoo la aasaasey   June-22-2001, waxaana ujeedooyinka loo aasaasey ka mid ah :

  • -         In ardayda kasoo jeeda degaanadaasi aay iskaga kaashadaan waxii danohooda aduun iyo aakhiro ah.

  • -          In la isku-baraarujiyo ujeedada weyn ee waxbarashada ee wadankaan loo joogo.

  •  

  • -         In la dhiirigaliyo islamarkaana loo raadiyo ardayda xogo-buuxo oo ku saabsan waxbarashada wadanka India, iyo in la gaarsiiyo xogohaas ardayda u baahan ee ku sugan dibada iyo gudaha dalka labadaba.

  • -         In laga caawiyo ardayda cusub waxyaalaha la xiriira admissionka, degaanka. Iyo sharciga.

  • -         In loo kaalmeeyo wax allaale iyo waxii suuragal ah xubnaha ka tirsan ardayda ee aay lasoo gudboonaato duruufo dhaqaale.

  • -         In is-kaashi walaalnimo lala yeesho dhamaan ardayda soomaaliyeed ee ku dhaqan India iyo meel kasta

Mudadii uu jirey golahaani waxuu si joogto ah u gudanayay xaqiijinta ujeedooyinka kor ku xusan, iyadoo mudadii uu jirey aay soo mareen maamulo dhowrah,iskugu wareejiyay si habsami leh, waxaana uu shirku ku guuleystay guulo la taaban karo. 

Qaab dhismeedka maamul ee  ururku waa sidaan:

  • Gudoomiye

  • Gudoomiye ku xigeen

  • Khasnaji

  • Gudiga dhaqaalaha oo ka kooban 3 xubnood.

  • Gudiga xalinta khilaafaadka iyo ilaalinta dastuurka oo ka kooban 2 xubnood.

Ururkaani waxuu kulmiyaa ardayda ka soo jeeda degaanada puntland ee ku sugan gobolada kala duwan ee India, waxaana xaruntiisa aay tahay magaalada Hyderabad oo ah halka aay joogaan tirade ugu badan ee xubnaha ururkaani.

Waxaa dhawaan dhici doonta doorashadii guud ee ururkaani uu ku dooran lahaa gudoomiye cusub, kadib markii aay dhamaatey waqtigii (6-bilood) maamulka hada jira ee kala ah:

  • Abdirisaaq Nuur Daahir- Gudoomiye (ahna sii hayeha Khasnajiga)

  • Bashiir Ciise Bare – Gudoomiye ku xigeen

  •  Gudiga dhaqaalaha

  • Daahir Maxamuud Yuusuf

  • Yuusuf Muxyadiin C/salaam

  • Yaasiin Ismaaciil Xaaji

Doorashada guud ee gudoomiyaha ayaa lagu wadaa iney dhacdo 13-ka bishaan febraayo taasoo lagu wado in gudoomiyuhu uu kusoo dhiso gudiga la wadi doonta howsha marka la doorto. 

Waxii kasoo baxa doorashadaas dib ayaan usoo gudbin doonaa hadii ilaah idmo. 

Abdirisaaq Nur Daahir
Gudoomiyaha Ururka Ardayda Puntland ee India

Leyste15@hotmail.com
00919885250688


Ciidamo diiday inay Ogadenya ka dagaallamaan oo xidhxidhan
Ka akhri wararkii radio xorriyo ee maanta... 
Guji...

Wafdigii baarlamaanka ee Muqdisho tagay oo Qaarkood oo kusoo laabtay Nairobi
Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in ay shir iskugu yimaadaan iyagoo ka wada hadli doona arrinta ciidamo keenista Guji...

Meydkii Gabar Soomaaliyeed oo Laga helay London, Ontario, Canada
Faisa Cabdulqadir waxaa meydkeedii laga helay.. Guji.. Feb 10

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD