SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO
Daabaco Boggan | Print


Wararkii Maanta 25/12/2004

  • DR. CARAAYE: “Ra’iisul wasaaraha waxaan u soo jeedinayaa inuu dhiso dowlad ka kooban 150….

  • Waxgaradka Beesha gaal jecel oo soo saaray Warqad

  • Maalinta Carruuta oo laga xusay Soomaaliya
     

  • Waxaa isku soo dubaridey:
    amiinkhasaaro yuusuf
    amiinkhasaaro@hotmail.com
    Muqdisho, Soomaaliya

DR. CARAAYE: “Ra’iisul wasaaraha waxaan u soo jeedinayaa inuu dhiso dowlad ka kooban 150….

(Dowladda Waxaa riday rag laf-gaab ah oo aan lahayn mustaqbal siyaasadeed)

Dr. C/raxmaan Yuusuf Caraaye (Joon) oo ka mid ah indheer-garadka Soomaaliyeed ayaa u soo jeediyay Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi inuu dhiso Dowlad ka kooban hal ra’iisul wasaare, saddex Ra’iisul wasaare ku xigeen, 36-wasiir, 36-wasiir u dowle, 74-wasiir ku xigeen (1+3+36+36+74 = 150) si loo helo aqlabiyadda Baarlamaanka, waxa kale oo uu soo jeediyay in la magcaabo toban kale oo ka mid ah xildhibaanada si looga dhigo si ku meel gaar ah guddoomiyeyaal gobol inta laga gaarayo doorashooyinka dowladaha hoose.

Dr. Caraaye ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uusan qaadi karin wax ka badan dhowr iyo toban wasiir, hase ahaatee dhaqanka xubnaha baarlamaanka uu khasab ka dhigayo in la tixgeliyo rabitaankooda ilaa laga helayo doorashooyin, waxa kale oo uu sheegay in indheergaradka Soomaaliyeed iyo beesha Caalamkaba ay jecel yihiin in la koobo ama la yareeyo tirada golaha wasiirrada, hase ahaatee waxaysan xisaabta ku darin in xubnaha baarlamaanka badankood uu mid kasta yaqaan nafsaddiisa iyo waxa uu isaga noqonayo uusanna jirin nidaam lagu kala diro baarlamaanka haddii uu xilkiisa gudan waayo, isla markaasna aysan jirin cid ku qanci karta inay danta guud ka hor-mariyaan.

Dr. C/raxmaan Yuusuf Caraaye waxa kale oo uu yiri: waxay ila tahay in ragga dowladda riday ay badankood yihiin laf gaab (Minority) oo aan lahayn waxqabad siyaasadeed baarlamaankana uu xal u yahay oo uusan xaq ahay, tusaale ahaan 31-xubnood ayaa la siiyay beeshay Shanaad ma ii sheegi kartaa 90-ka degmo ee Soomaaliya degmada uu aqlabiyada ku leedahay ee laga soo dooranayo?. Waxaa intaa dheer in xildhibaannad ay ka buuxaan kuwo ka dhashay beelo waaweyn Hawiye, Dir, Daarood, Digil iyo Mirifle balse beelaha dhexdooda ku  ah Laf-gaab (Jufo yar) oo wax ku helay magacyo jufooyin yar-yar oo aan iyaga la soo dooran doonin mustaqbalka, bal ii sheeg meesha laga soo dooranayo, Zakarie, Cumar Xaashi, Caasho Axmed C/lla, C/kariim, Kaamil, Xirsi, Eng. Munye, Shariif Xasan, C/casiis, Naaji, Afrax, Bulbul, Xaaf, Bide, Cabdi Warsame iyo kuwo la mid ah fursadaha keliya ah ee ay haystaan waa inay maanta wax noqdaan ama la helo nidaam kali talis ah oo u soo maroojiya xaqa lafweynta (Majority). Weligaa ma maqashay 8-xildhibaan oo baadi cadde ah, 5-carab ah, 8-Ciise ah, 3-Meheri ah, 5-Leelkase ah, 7-Murusade ah, 4-Surre ah, 3-Jiiddo ah, 3-Boqol hore ah.

Laf-gaabtu waxba ku soo kordhin mayso xasilloonida dalka, tusaale waxaa noogu filay dowladii Carte oo xulatay iyaga hase ahaatee nidaamka ayaa ah mid baarlamaan aan ku imaan doorasho ee ku yimid xulasho qabiil laf-gaabtana u sahashay inay xubo ku yeeshaan baarlamaanka. Waxaan  u soo jeedinayaa ra’iisul wasaaaraha inuu yeesho dulqaad uuna si aad ah u kordhiyo golaha wasiirrada xilligaan ayuu ku soo af-jaray Dr. Caraaye.

Waxgaradka Beesha gaal jecel oo soo saaray Warqad ...

Guddiga siyaasadda Beesha Gaal-jecel ayaa shalay soo saaray warqad qoraal ah oo ku aaddan xubnaha beesha Gaaljecel uga jira baarlamaanka dowladda Federaal-ka, waxayna guddigu ku wargelina-yaan inaanay mar dambe qaadan gefkii horay loogu geystay beeshaasi ee qeybsiga xubnaha golaha wasiirrada. Waxaa lagu tageeray go’aannadii ka soo baxay shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi ee ku aaddan qaabkii loo qeybiyay xukuumadda waxayna guddigu u soo jeediyeen xubnaha baarla-maanka in haddii aad ku qanci weydaan xukuumadda aad isaga soo baxdaan magaalada Nairobi, si uu ammaankiinu u nabadgalo. Guddigu waxay ugu baaqayaan beelaha ku dagaallamya gobollada dhexe inay u dhego nuglaadaan heshiiska xabbad joojinta ah ee la gaaray, waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa xubnaha ay ka mid ahaayeen: Xasan Barre Cusmaan, Ismaaciil Maxamed Xasan, Max’ud Max’ed Cali, Daa’uud Cali Nuur, Xuseen Isaaq Max’ed iyo C/lle Muumin Max’ed.

Maalinta Carruuta oo laga xusay Soomaaliya

Dalada dhowrista xuquuqda carruurta soomaaliyeed ee ka howl gasha G/Baanaadir ayaa xustay maalintii 24/12/2002 oo ah maamlintii xasuuqu ka dhacay isgooska Cali Kamiin ee magaalada muqdisho ee ku beegneed sanadguuradii 2-aad ka soo wareegtay, waxayna barnaamujyo isugu jira socod ay ka soo bilaabeen carruurta darbi jiifka ah daarta taree-Biyaano ilaa Lambar afar iyo ruwaayad loogu magac daray Dhanbaalka Carruurta ey ku soo bandhigeen Hobolada Waabari ayna gacan weyn ka geesanayso Hay’ada UNICEF taasoo lagu aqoon-saday in Maalinta Carruurta soomaaliyeed ay noqoto 24 Diseembar ayaa lagu qabtay Hotel Happy, ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay Maxamed Nuur Yalaxow oo ka socday Hay’ada UNICEF waxa uuna marka hore mahad weyn u soo jeediyay bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir sida ay uga hortageen falkaas foosha xun, daraasada ay sameysay Hay’ada UNICEF waxay ku ogaatay in dhibaatooyin fara badan loo geysto Carruurta siiba Gabdhaha Dastuuradii dalka soo maray oo dhan waxay ahaayeen kuwo hunaaya Xaquuqda Carruurta.

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay wakiilada Ururada hubeysan sida USC-SNA, USC-SSA iyo sidoo kale Hay’ado kale oo ka shaqeeya arrimaha bul-shada Soomaaliyeed.

Waxaa isku soo dubaridey:
amiinkhasaaro yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004


Nolosha Soomaalida Denmark
Copenhagen: Qaadka (jaadka) oo fara kulul ku haya Soomaalida ku dhaqan Denmark, kana dhigay... Guji... Dec 24

Wararka Radio Xorriyo ee Maanta
Ogaden: 30 ka mid ah ciidamada Itoobiya oo 7 kamid ahi saraakiil yihiin oo isu dhiibay Wadanka Kenya.. Guji Dec 24

Caaqil "Cali Waraabe" oo Geeriyoodey
Hargeysa: Bahda SomaliTalk waxay u tacsiyaynayaan Eng. Faysal Cali Waraabe oo aabihiis geeriyoodey..
Guji.. Dec 24

Dhahar oo Sharci Kasoo Saartay Xaalufinta
Dhahar:  
Baabuurkii sida Dhuxul ama Caws waxaa la ganaaxayaa 6,000,000/= oo shillin Soomaali ah.. Guji Dec 24

Xabbad Joojin Beelaha  Yintaar iyo Hubeyr
Atlanta: Baaq ay soo saareen odayaasha iyo waxgaradka  Digil & Mirifle ee ku nool gobolka Georgia ayaa
Guji Dec 24

Ammaanka Kismaayo oo Faraha kasii Baxaya
Kismaayo: Waxaa baaq dedged ah Kismaayo kasoo saaray dalada ku bahowdey Jubbo oo.. Guji Dec 23

Baarlamaanka  oo ogolaaday in Prof Geeddi
Nairobi: Xildhibaanada Baarlamaanka DKM ayaa codkooda ku ansixiyey Prof. Cali Maxamed Geeddi.. Guji.. Dec 23

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaq
GEN. CADDE MUUSE
Gen. Cadde Muuse Musharax Madax-weyne DGPL Guji
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharax Madax-weyne DGPL
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madax-weyene DGPL | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Abwaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD