SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
Daabaco Boggan | Print


Shir Saxaafadeed uu Gen. Cadde Muuse ka soo saarey Magaalada Gaalkacyo.

Galkacyo (somalitalk)                                                   

khudbadii Jeneral Cadde muuse xirsi  oo ah musharaxa madaxwaynanimada  dawllad gobaleedka puntland :-shir saxaafadeed 17/12/2004, galkacyo


Jeneral Cadde muuse xirsi

Isimada, cuqaasha, dawwaynaha, maamulada gobalka mudug iyo dagmooyinkiisa anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca wafdiga ila socda waxaan mahad balaaran idiin kacelinayaa sidii diiranayd oo walaaltinimada ahayd oo naloo ku soo dhaweeyay  Gobalka mudug.

Salaan kadib,marka hore waa ilaah mahadiis inaan maanta joogo gobalka mudug oo nabad ah barwaaqo ah gobalkaan oo ka mid ah meelihi dhibka wayn kasoo gaartay colaadihii ina soo maray, abaartii foosha xumayd iyo aafooyinkii roobabka .

Maarka labaad anigu maahi  nin idinku cusub ee mudooyinkaan danbe waynu wada joognay,hawlo badan ayaynu soo wada qabanay oo sugida nabadgalyadu ugu horayso.

Imaantinkaygii puntland waxaa lahaa labo ujeedo oo kala ah:-

1.Nabadaynta iyo badbaadinta puntland(sida ka muuqata magaca jabhadii aan lasoo galay)
2.Dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta qarannimadii iyo dowladii soomaaliyeed.

Labadaas ujeedo dad badan oo reer Puntland ah ayaa qabay inaan la fulin karayn oo aanay hir galayn, hase yeeshee annaguna waan dadaalnay, rabina waa nagu garab galay waana lagu guulaystay.

Hadaan labadaas u jeedo ku guulaysanay oo bilowga iyo guddoodka aan lahayn aniga iyo madaxwaynaha dowlada federaalka ee soomaaliyeed mudane Cabdulaahi Yusuf Axmed, ayadoo dad badan gacan nagu siiyeen kuna mahadsanyihiin.

Hadaba dad reer PL ee gudo iyo dibadba waxay igula taliyeen igana codsadeen inaan la shaqeeyo puntland la-iigana baahan yahay, taasina waxay keentay inaan isu sharaxo jagada madaxwaynaha dawlad gobaleedka puntaland .

Anigu xilkaas kursi jacayl uma rabo oo horay ayaad ii arki lahaydeen,xoolo jacayl uma rabo oo mahad ilaahay waan isku filnahay, balse waxaan doonayaa inaan dadka reer puntland  si xil kasnimo ah ugu adeego danahooda .

Barnaamijkayga siyaasadeed wuxuu ka kooban yahay lix qodob.

1. Dib u habaynta iyo dib u sixida maamulka puntland si loo helo maamul wax ku ool ah oo nidaam iyo kala danbayn ku dhisan oo wasaarad iyo hay'ad kasta leedahay barnaamij shaqo,fulinta barnaamijkaasna lagula xisaabtamo oo lagu daba galo.

2. Dib u habaynta iyo dib u sixida  ciidanka amniga puntland (police,Daraawiish iyo asluub),si loo helo ciidan tiro ahaan iyo tayo ahaan ku filan sugida amniga dalka iyo ilaalinta shuruucda dalka ciidankaas oo xuquuqdiisa loo heli karo

3. Xalinta iyo wax ka qabadka colaada ka oogan deegaanada puntland ee sool iyo sanaag, anigoo mudnaanta koowaad siinaya in si nabadeed arinta lagu xaliyo lana kala badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah,isla markaasna Somaliland dib ugala baxaan deegaanka puntland ciidamadooda.

4. In la hagaajiyo qorshaha dhaqaalaha puntland iyaado xil wayn la iska saarayo hormarinta wax soo saarka lagana faaidaysanayo khayraadka dhulka,xoolaha, badda iyo macdanta lana raadiyo maalgalin dibadeed iyo suuq.

5. in xil wayn la iska saaro horumarinta adeega bulshada, sida Caaafimaadka, waxbarashada, biyaha, tamarta , dawooyinka, garoomada diyaaradaha, dakadaha  deegaanka iyo nolasha reer guuraaga,hawlahaas oo lixdii sano ee puntland dhisnayd aan wax badan laga qaban.

6. In si wayn wax loola qabsado dawlada federaalka ee soomaaliya ee dhalatay Oct-2004 ayadoo laga faa'idaysanayo barnaamijyadeeda dib u heshiisiinta,hub ka dhigida,dhaqan celinta maleeshooyinka,dib u dhiska dalka iyo hormarinta arimaha bulshada, isla markaasna saldhig loo noqdo dawlada federalka ah maadaama ay ka dhalatay dadaalkii dheeraa oo ay dadka reer puntland u galeen. 

Walaalayaal siyaasada aan ku shaqaynayo  waxaa saldhig u ah inaan puntland cadaalad deeqsiiyo,shuruucda iyo xeerarka u degsanna ku maamulo, kitaabka ilaahayna gacanta ku qabsado, ilaalinta iyo dhawrida qawaaniinta qof kasta lagu dhaqo aniguna aan ugu horeeyo.

Anigu ogalaan mayo qof qof dulmiya,tuulo tuulo dulmida, dagmo dagmo dulmida, iyo gobal gobal dulmiya toona .

Illaahay waxaan ka baryayaa inuu xilkaas ila garab galo idinkana waxaan idinka codsanayaa inaas igu taageertaan. 

Inaataa kadib ayaa janaraalku wuxuu u anba baxay isaga iyo waftigii uu hogaaminayay xarunta maamul gobaleedka puntland ee Garawe. 

 Sahrosiglan@hotmail.com
Galkacyo (somalitalk)  

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2004

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta
 iyo wararka kale ee Boosaaso...
Guji... Dec 13

LINK: http://www.somalitalk.com/samsam/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq
ING. ABSHIR MUUSE
Ing. Abshir Muuse
Musharaxa Madaxweyne DGPL...
Guji...
C/RAXMAN FAROOLE

C/raxman Maxamed Maxamud "Faroole" musharax madaxweyene DGPL. | PDF | .DOC |

CALI MAGAN
Cali Magan Nuur Waxa uu dhashay sannadkii 1914, waxana uu hadda ka shaqeeyaa shaqadii uu bilaabay sannadkii 1948...Guji..
SAMSAM

Samsam Axmed Ducaale
YAMYAM

Awaan Yamyam oo Barnaamij Dhaqameed Kusoo Bandhigay Jaamacada Bariga Afrika
TADAAMUN

Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh... Guji...
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji



HTML CD