SAMSAM:::
00 |
01 |
02 |
03 |
04 |
05 |
06 |
07 |
08 |
09 |
10 |
11 |
12 |
13 |
14 |
15 |
16 |
17 |
18 |
19 |
20 |
21 |
22 |
23 |
24 |
25 |
26 |
27 |
28 |
29 |
30 |
31 |
32 |
33 |
34 |
35 |
36 |
37 |
38 |
39 |
40 |
41 |
42 |
43 |
44 |
45 |
46 |
47 |
48 |
49 |
50 |
51 |
52 |
53 |
54 |
55 |
56 |
57 |
58 |
59 |
60 |
61 |
62 |
63 |
64 |
65 |
66 |
67 |
68 |
69 |
70 |
71 |
72 |
73 |
74 |
75 |
76 |
77 |
78 |
79 |
80 |
81 |
82 |
83 |
84 |
85 |
86 |
87 |
88 |
89 |
90 |
91 |
92 |
93 |
94 |
95 |
96 |
97 |
98 |
99 |
100 |
101 |
102 |
103 |
104 |
105 |
106 |
107 |
108 |
109 |
110 |
111 |
112 |
113 |
114 |
115 |
116 |
117 |
118 |
119 |
120 |
- Warsaxaafadeed uu Qabtay Mushraxa Jagada
Madaxweynenimda DGPL Ing. Abshir Muuse
- Wakiilka
Puntland arimaha Carabta oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay aasaaskii
Jaamacada Sharqu Niil
Warsaxaafadeed uu Qabtay Mushraxa Jagada
Madaxweynenimda DGPL Ing. Abshir Muuse
Waxaa isku soo dubaridey
c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
Dec 16, 2004

Ing. Abshir Muuse |
Musharaxa Jagada Madaxweynimada DGPL Ing. Abshir Muuse ayaa maanta ku Qabtay Caasumada DGPL
ee Garoowe Warsaxaafadeed uu
kaga hadlaayo Barnaamijkiisa Musharaxnimo.
Ing: Abshir Muuse ayaa waxa uu ka
mid yahay Siyaasiyiinta Ruugcadaaga ah ee Beelaha ku dhaqan Gobolada
Puntland asagoo hore ugu Qabtay Warsaxaafadeedkaas oo kale Magaalooyinka
Qardho iyo Boosaaso.
Waxaa Jagada madaxweyne nimada DGPL u sharaxan ilaa hadda Rag gaaraya 5 Musharax oo doonaya in ay Qabtaan Hogaanka Maamulka DGPL
Musharaxa. Ing: Abshir Muuse ayaa ah kan kali ee ka hadlay Wax qabadkiisa
Gobolada Puntland ayagoo aan Musharaxiinta kale aysan wali Qaban Shir
Jaraa,id oo ay ku doonayaan inay ku soo ban dhigaan Barnaamijkooda
Musharaxnimo.

Ing. Abshir Muuse oo jeedinaya Warsaxaafadeedka |
Ing: Abshir Muuse oo ah Nin inta badan ku
noolaa Dalkiisa Hooyo ayaa hadana Xoolo Geel u badan ay kaga Dhamaadeen
Abaarihii ka dhacay Guud ahaan Soomaaliya.
Ing: Abshir ayaa
Warsaxaafadeedkiisa kaga hadlay Ilaa Burburkii Kadib Gobolada Puntland wixii
u Qabsoomay iyo Waxaan u qabsoomin, isagoo ka hadlaaya Burburkii
soo gaaray Dhaqaalaha Puntland ayaa ku Tilmaamay in uu ahaa Mid ay geesteen
Maamulkii Gacanta ku hayay Xiligii 1998 ilaa hada oo ay doonayaan in ay isku
soo sharaxaan, waxaa kaloo uu ka hadlay Ing: Abshir Xiligii iska hor imaadka
keenay Dagaalka Gobolada Puntland inay jirtay isfahan daro ku kala Dhex
jirtay Dadka ku bahoobay Maamulka Puntland taasna aan isku daynay sidii aan u
heli laheyn in la badbaadiyo Dadka ku dhimanaya Dagaaladaa Ilaahay intuu
qadarayna waa ku dhinteen, waxa kaloo uu ka hadlay wax qabadkiisa
Gobolada Puntland Isagoo halqabsi ka dhigtay Ilaahow noogu Dhiib Midka
noogu khayrka badan.
Lakiin waxaa aad loo Quud daraynayaa
Xubnaha Baarlamaanka ee badali doona Xubnihii Baarlamaankii hore DGPL oo uu
Mustaqbalaka Maamulka DGPL uu iyaga soo Dooran doonaan.
Waxaa isku soo dubaridey
c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
Faafin: Somalitalk.com | Boosaaso| Dec 16,
2004
Wakiilka
Puntland arimaha Carabta oo ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay aasaaskii
Jaamacada Sharqu Niil
Diyaariye Abdikarim Husein Hassan
Suudaan/Undurmaan
iicobos@hotmail.com
Munaasabad balaaran oo lagu xusayay
aasaaskii jaamacada Sharqu Niil ayaa waxaa lagu qabtay 13/12/04 xarunta
jaamacada Sharqu Niil, munaasabadaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin ay
ka mid ahaayeen madaxwaynihii hore ee dalka suudaan C/raxmaan Suwaaru Dahab
wakiilka wasaarada tacliinta sare, gudoomiyayaasha Jaamacadaha Suudaan,
hurmuudyada kuliyadaha jaamacadaha, masuuliyiin kale iyo qaybaha bulshada oo
kale ayaa waxaa lagu casumay wakiilka DG/Puntland ee arimaha Carabta Maxamed
Cabdi Cali (Malow) oo baryahan ku Joogay Booqasho dalka suudaan.
Wakiilka oo halkaa khudbo ka jeediyay
asagoo ku hadlaya magaca umada somaliyed ayaa waxaa uu ka mahad celiyay sida
qiimaha leh ee loo soo abaabulay xafladaas iyo sida xushmada leh ee loogu
casumay xafladaas,wakiilku waxaa uu ka hadlay aasaaskii jaamacada Sharqu
Niil oo uu aasaaskeeda lahaa Marxuum Prof Daahir Maxamed Cali allaha u
naxariisto oo ku geeriyooday magaalada khartuum mudo afar bilood ka hor ah
iyo mudadii ay shaqaynaysay hurumarka balaaran ee ay samaysay,

wakiilku
wuxuu carabka ku dhuftay in mudadaa ay shaqaynaysay jaamacada aysan ka mid
noqon ardada dhigata ardada soomalida, sida jaamacadaha suudaan intooda
badan ay u qaataan ama u soo saaraan arday somaliyeed oo badan, wuxuu rajo
wanaagsan ka muujiyay tan iyo intii uu dalka joogay sidii ay u soo
dhaweeyeen codsiyadiisii iyo balanqaadka ay u muujiyeen in jaamacadaas sanad
walba ay deeq waxbarasho siinayso arday soomaaliyeed oo cayiman, ayadoo
maamulka jaamada uu qaatay sanadkaan ardadii ugu horaysay oo Somali ah oo
gaaraysa shan arday, wakiilku waxaa uu khudbadiisa ku daray in suudaan ay
tahay dalkii labaad ee somaliya dadka somliyeedna aysan ajnabi ka ahayn,
asgoo mahad balaaran uga celiyay sidii ay uga gargaareen umada somaliyeed
burburkii ka dib dhinaca waxbarashada sare, ayadoo waxbarashada ay tahay
mida kaliya ee xal u keeni karta umada somaaliyeed si ay dalkoodii dib ugu
dhisaan. gabagabadii waxaa uu yiri suudaan waxaa abaalkooda gudi doona
ardada somaliyeed ee gaaraysa kumaankumka ee wax ka bartay jaamacadaha dalka
suudaan, marka ay dalkooda ay ku noqdaan, waxaana imaan doonta hadii Rabi
Idmo xili ay qaban doonaan masuuliyada dalka intiisa badan.

Hadalkaa ka dib wakiilku waxaa uu
gudoonsiiyay madaxwaynihii hore ee dalka suudaan Mudane C/raxmaan Suwaaru
Dahab hadana ah gudoomiyaha gudiga sare ee jaamacada isla markaana ah madaxa
hayada Munadamatu Dacwa Al Islaamiya hadiyad taariikhi ah oo ay ugu soo tala
galeen Maamulka Machada Culuunta Caafimaadka Bosaaso inay u gudbiyaan
Jaamacada Sharqu Niil.
Wakiilka DG/Puntland waxaa uu maalmahan ku
sugnaa dalka suudaan, waxaana uu hogaaminayay arday reer Puntland ah oo
gaaraysa ilaa 35 arday oo deeq waxbarasho ka helay jaamacado kala duwan oo
ku yaal dalka suudaan, kuwaas oo u badnaa ardaydii ka soo qalin jabisay
Machadka Culuunta Caafimaadka ee Bosaaso, ayadoo bishii afraad ee sanadkaan
ay hada ka hor yimaadeen wakiilka iyo Hurmuudka Machadka Culuunta
Caafimaadka Prof C/risaq Xusen Xasan.
Diyaariye Abdikarim Husein Hassan
Suudaan/Undurmaan
iicobos@hotmail.com
Doorashooyinka
Puntland iyo Musharaxiinta
iyo wararka kale ee Boosaaso...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|