SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print


Awaan Cabduqaadir Xirsi Yamyam oo ka jeediyay Bandhig Masrixiyadeed loogu Magac daray:- { Murtidii Yamyam, Martigalinta Boosaaso iyo Masrixiyada Jamacada Bariga Afrika } 

Waxaa maalintii Talaadada Tariikhdu ahayd 14/12/2004 Saacadu ahayd 06:00 Maqribnimo ka bilowday Hoolka Jaamacada Bariga Afrika Masrixiyad uu soo diyaariyay Jaamacada Bariga Afrika ee Boosaso oo uu Jeedinayo Abwaanka Caanka ah ee lagu magacaabo Cabduqadir Xirsi Yamyam, waxaa ka soo qayb galay Masrixiyadaa Dadweyne aad u tiro badan oo u badan Dadka aadka u xiseeya Murtida Afka soomaaliga, waxa iyagana ka faa,iidaystay Ardayda Jaamacada Bariga Afrika Murtida iyo Ducada Allaah Bariga leh ee kasoo maaxanaysa Abwaanka.

Bilowgii ayaa halkaa waxaa ku soo dhaweeyay Abwaanka Profesarada Jaamacada Bariga Afrika oo uu ka mid yahay Prof: Cabdirisaq Shola oo u qaabilsiisan Jaamacada Bariga Afrika Xiriirka Caalamiga iyo Gudaha.

Waxaa hadal yar oo gaaban ka jeediyay Dr: Axmed oo ah Gudoomiye ku xigeenka Jaamacada Bariga Afrika Bosaso kadibna ku soo Dhaweeyay Abwaanka Microfonka.

Waxaa uu Abwaanku ka jeediyay goobta Gabayo tilmaamaya Dhibka la gaarsiiyay Dhulka iyo Dadka oo ah kuwo Ilaahay Xaaran tinimeeyay Dunida dusheeda Caradiina ay ku dhacday Dadka kadibna lagu saliday Abaaro Ilaahayna Markay u soo noqdeen la tusay in ay hay,ad wax u qaban Karin ayagoo markii Dadku dareemeen in Xoolihii ay ku noolaayeen lagala Noqday kadibna Alabari uu kasoo bilaabay isagoo jooga Hargaysa oo ah Caasumada Maamulka Somaliland kadib markuu ka maqlay Idaacadaha Abaarahaas in laga Dalbaayo Hay,adaha in ay Quudiyaan Dadkaa Abaaruhu wax yeeleeyeen Ilaahay mahadii markuu Burco soo gaarayna uu Ilaahay Roob shubay Lakiin Qadarkeeda Idmanaa oo xaga Ilaahay ka diyaarsanayd.

Abwaanka ayaa Masrixiyadaa kaga hadlay Dhibka ay ku hayaan Hay,adaha ku shaqeysta in ay Dadka Quudiyaan ama samafal u sameeyaan Dadka uu ka jeediyay gabay uu Diyaariyay Xiligii 1998 mar ay Hay,ada UN-UNDP ay u soo dirtay Warqad Casumaad ah oo looga baahan yahay in ay ku Tartamaan Gabayo, farshaxan iyo sugaan kale oo ka hadlaysa Fakhriga, Warqadaana ay u direen Abwaaniinta iyo Farshaxanleyda Soomaaliyeed meel kasta oo ay Joogaan Aduunka Lakiin halwarqad oo kaliya ayaa layiri waxa ay ka dhexaysaa Muqdisho inta Joogta markaas ayaa waxaa madaxayga ku soo dhacay UN-ku Faqrisanaa, Abwaanka ayaa sheegay Xiligaas in uu tiriyay gabay uu kaga Hadlaayo in ay hay,daha UN iyagu Dadka Faqriga u horseedaan.

Abwaankaa ayaa Habeenimadaa ka hadlay Murti badan oo ay ku jirto Baryada Illaahay Dadka oo u hamuun qaba. Murtida ka soo Maaxanaysa Abwaanka ayaa uu soo gabagabeeyay uuna u sheegay in inta uu la joogo ay ka helayaan intii Ilaahay Garto Murtidiisa.

Abwaanka ayaa u diray Baaq Nabadeed Beelaha ku dagaalamaya Gobolada Dhexe Soomaaliya in ay Gartaan Islaamka Fariintiisa iyo Walaaltinimada ayana ku soo Afjaraan Dagaalka Nabad oo ay Qaataan Garashada Ilaahay..

Waxaa abwaanka markuu Dhameeya halkaa ka hadlay Sheekh Cali Towxiid oo ka mid ah Raga Culimada Diinta ee Gobolada Puntland oo sheegay in ay Abwanka aad u soo jiidatay Murtidiisa Xambaarsan Ducada iyo Baryada Ilaahay.

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com

Faafin: Somalitalk.com Nairobi | Dec 16, 2004

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta
 iyo wararka kale ee Boosaaso...
Guji...

Warsaxaafadeed kasoo Baxay Dr. Culusow
»Baarlamaanka Soomaaliya oo deeq ka helay hey'adda Awepa
»Kulan looga doodayo xaquuqda Haweenka oo ka furmay Nairobi
Ka akhri wararka maanta: Dec 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

Abwaan Cabduqaadir Xirsi yayam

ArdaydaJ amacada BarigaAfrika

Dadweynihii kasoo Qaybgalay Maslixiyada Yamam iyo Profesarada Jaamacada Bariga Afriaka

Gabdhaha Ardayda ah ee Dhigta Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso

Prof-CabdirizaqShoola

SheekhCaliTowxiid

Wiilasha Ardayda ah ee Dhigta Jaamacada Bariga Afrika Bosaso oo Fadhiya MaslixiyadaYamyam



HTML CD