HESHIISKII XUDEYBIYA
Heshiiskan
wuxuu dhacay bishii Dul-Qacdi sannadkii 6aad ee hijriga.
Sababtiisuna waxay ahayd markii ay najaxday dacwadii
islaamka, Rasuulkuna SCW uu kala xalliyey acdaa'dii Ilaahay
ee islaamka ku soo qamaameysey haddii ay noqon lahaayeen
yahuudii Madiina degganayd iyo cawaantii carbeed ee
baadiyaha ku nooleyd, dadkii muslimiintuna ay awood yeesheen
ayey muslimiintii u baahdeen in ay masjidka xumada leh
tagaan oo soo cumreystaan. Masaajidkaas waxaa laga hor
joogey oo loo diidayey in ay ku soo cibaadeystaan lix sano.
Rasuulku SCW wuxuu manaam ku arkay isaga iyo asxaabtiisa oo
galay masjidkii xurmada lahaa, furihii kacbadana qaaday oo
ay dhawaafayaan, ayna cimreysanayaan, qaarkoodna madaxa
xiirteen, qaarkoodna gaasadeen. Rasuulku SCW wuxuu arrintaa
u sheegay asxaabtii, markaas ayey farxeen, waxa ayna u
maaleeyeen in ay isla sannadkaas gelayaan. Wuxuu Rasuulku
SCW markaas asxaabta u sheegay in uu baxayo oo cimro aadayo,
wuxuuna kaxeystay ciidan gaaraya 1400 oo nin, Madiinana
wuxuu ugu tegey Cabdullaahi ibnu umi Maktuum ama Numayla
Laythi, xaasaskiisiina wuxuu kaxeystay Ummu Salama, waxayna
isaga iyo ciidankiisii Madiina ka bexeen maalin Isniin ah,
bishiii Dul-Qacda, sannadkii 6aad ee hijriga, ujeeddadooduna
waxa ay ahayd in ay soo cumreystaan, hubkoodana way qaateen
maxaa yeelay qureysh la iskuma aamino karin.
Rasuulku SCW markii uu marayo meesha la yiraahdo
Dul-xuleyfa, oo dadka dhinaca Madiina ka yimaaddaa xajka ku
xirtaan, ayuu hadyigiisii qoor xiray, cumrana xirtay,
qureyshna wuxuu u direy nin si uu u ogeysiiyo in uusan
dagaal u socon. Ninkii ayaa markaa soo laabtay, wuxuuna
Rasuulka SCW u soo sheegay in ay isu diyaarinayaan dagaal oo
ay doonayaan in ay xaramka u diidaan Rasuulka SCW. Wuxuu
markaa Rasuulku SCW la tashaday asxaabtiisii. Abuubakar ayaa
markaa hadlay oo yiri "Alle iyo Rasuulkiisa ayaa u aqoon
badan, waxa aan annagu u nimid in aan cumraysanno oo keli ah
ee uma aannan imaan in aan cid la dagaallanno hase yeeshee
ciddii annaga iyo xaramka na kala dhex gasha waan la
dagaallamaynaa".
Qureysh markii ay maqashay in Rasuulkii SCW soo baxay
ayey qabteen fadhi ay uga hadlayeen tallaabadii ay qaadi
lahaayeen, waxa ayna ugu dambayntii go'aansadeen in
muslimiinta loo diido xaramka, dabadeedna way is diyaariyeen,
waddadii Makka soo gelaysay ee Rasuulku SCW soo hayeyna waxa
ay dhigeen ciidan fardooley ah oo uu madax u ahaa Khaalid
binu Waliid, tiradooduna ahayd 200 oo nin. Khaalid iyo
ciidankiisii waxa ay fadhiisteen meesha layiraahdo
kuraacul-qamiim oo waddadii ku taala, dabadeedna waxa ay
arkeen ciidankii muslimiinta oo salaad duhur tukanaya oo
rukuucsan. Markaas ayuu Khaalid yiri "markii ay ku jireen (salaada)
haddii aan ku duuli lahayn waan baabi'in lahayn", markaas
ayaa loo sheegay in salaad ay taas ka jecel yihiin u soo
socoto, (taasoo ah salaada casar). Wuxuu markaa Khaalid
go'aansaday in markii ay muslimiintu galaan salaadda Casar
uu weerar ku qaado hase yeeshee Allaah SW oo wax walba la
socda ayaa soo dejiyey aayadaha ka hadlaya sida loo tukado
Salaatul-khawfka, wuxuuna yiri:
((MARKAAD (NABIYAW SCW) KU DHEX JIRTO (MUSLIMIINTA) OO
SALAADDA AAD OOGTO HAKULA ISTAAKTO (KULA TUKATO) KOOX KAMID
AH HANA QAATEEN HUBKOODA, MARKAY SUJUUDAAN (TUKADAAN) HA
AHAADAAN GADAAL (OO HA SOO BADELAAN KOOXDII CADAWGA
WAARDIYEYNAYSAY) HANA TIMAADO KOOXDII KALE EE AAN TUKAN OO
HAKULA TUKATO HANA QAATAAN DIKTOONIDOODA IYO HUBKOODA, WAXAY
JECELYIHIIN KUWA GAALOOBAY IN AAD HILMAANTAAN HUBKIINA IYO
ALAABTIINA OO AY IDIN SOO WEERARAAN HAL MAR, KORKIINANA
DAMBI MA AHAANIN HADDUU IDINKU SUGAN YAHAY DHIB ROOB DARTII
AMA AAD TIHIIN KUWA XANUUNSAN INAAD HUBKIINA DHIGATAAN,
QAATANA DIGTOONIDIINA ALLENA WAXA UU GAALADA U DARBAY CADAAB
ILHAAMEEYA (DULLEEYA)), (Suuratu-Nisaa' 102).
Aayadahani waxa ay tilmaameen xaaladdii ay Rasuulka SCW
iyo asxaabtu markaas ku sugnaayeen oo ahayd in cadowgu ka
xigey dhinaca qiblada, laakiiin haddii cadowgu xigo dhinac
kale oo aan qiblada ahayn, sidii loo tukan lahaa waxaa
sheegay axaadiista Rasuulka SCW oo waxaa weeye: labo
qaybood ayey isu qaybinayaan, qayb cadowga ilaalisa iyo qayb
salaadda gasha, markii ay hal rakco imaamka la tukadaan ayey
rakcadda labaad dhammaystiranayaan oo kuwii kale soo
beddelayaan, imaamkuna rackadda labaad ayuu ku sugayaa
qolada dambe, markiii uu rakcaddaa tujiyana wuxuu ku sugayaa
Attaxiyaatka, markii ay rakcadda 2aad dhammeystaana isku mar
ayey salaadda ka baxayaan iyaga iyo imaamku. Haddiise
dagaalku socdo oo ay ciidammadu is dhex galaan, nin walba
sidii uu awooodo ayuu u tukanayaa.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu dhinaca midig uga leexday
waddadii uu hayey oo Makka gelaysay ilaa uu ka garay meesha
la yiraahdo Xudeybiya.
Khaalid markii uu arkay in ciidankii muslimiintu ka
leexdeen waddadii ayuu nin qaylo dhaamis ah u direy Makka.
Rasuulku SCW markii uu marayo meesha la yiraahdo
Thaniyatu-Miraar ayey hashiisii fariisatay, markaas ayaa
asxaabtu dheheen "hashii baa fariisatay", markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "waxaa xabbisay wixii xabisay maroodigi
(Xaabbisu-Fiil)". Ka dib wuxuu yiri Rasuulku SCW "Allihii
naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku dhaartaye haddii ay i
weydiistaan arrin ay ku weyneynayaan xurumaadka Alle waan
siinayaa", ka dib hashii way sii socotay ilaa ay tagtay
Xudeybiya oo ay degeen. Dabadeed waxaa Rasuulka SCW u yimid
nin la oran jirey Baddiil bin Warqaa, wuxuuna ku yiri "waxa
aan ka imid Kacab binu Lu'lu' (qureysh) oo kuu diyaarisay
ciidan si ay kuula dagaallamaan kaagana celiyaan (kacbada)",
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "annagu uma aannaan imaan in
aan la dagaallanno qof ee waxa aannu u nimid in aan
cimraysanno, qureyshna waxa dhibay oo hoojiyey dagaal,
haddii ay doonaan aniga iyo dadka ayey isku kaaya deyn
lahaayeen, haddii ay doonaanna waxa ay geli lahaayeen wixii
ay dadku galeen (islaamka), haddii ay diidaan wax aan dagaal
ahayn Allihii naftaydu gacantiisa ku jirtey baan ku
dhaartaye arrinkayga ayaan kula dagaallamayaa ilaa aan kala
waran jiidno (quusano)". Badiil wuxuu yiri "waan
gaarsiinayaa waxa aad tiri", markaas ayuu baxay oo qureysh
ku laabtay oo ku yiri "ninkaas baan idinkaga imid (Rasuulka
SCW), waxa aanna maqlay isaga oo leh hadal, haddii aad
doontaanna waan idiin dheegi", markaas ayaa kuwii maangabka
ahaa ee qureyshtu dheheen "ma doonayno in aad wax nooga
sheegto" hase ahaatee kuwoodii wax garadka ahaa ayaa yiri
"keen wixii aad maqashay", markii uu u sheegay hadalkii uu
Rasuulka SCW ka soo maqlay aye Rasuulka SCW u direen nin la
oran jirey Makras binu Xafsin.
Rasuulku SCW markii uu arkay ninkaas oo soo socda ayuu
yiri "ninkaani waa ballan laawe", markii uu yimidna wuxuu
Rasuulku SCW ku yiri ninkaas intii uu Baddiil ku yiri oo
kale, ka dibna ninkii wuu laabtay oo qureysh ayuu u sheegay
hadalkii, markaas ayaa nin la oran jirey Xuleys binu Calqama
yiri "bal aniga ii daaya aan u tagee", markaaas ayey dheheen
"u tag", markii uu Rasuulku SCW arkay ninkaas oo soo socda
ayuu asxaabtiisii ku yiri "ninkaani waa hebel, wuxuuna ka
mid yahay ragga hadyiga weyneeya ee u soo saara hadyiga",
markuu ninkii arkay hadyigii iyo raggaan xaramka u socda ee
aan wax dagaal ah u jeedin ayuu yiri "ma habbona in kuwaan
loo diido Beytka", wuxuna ku laabtay qureysh oo ku yiri "waxa
aan soo arkay hadyi la soo qoor xiray, mana arko in loo
diido", hase ahaatee queysh way ka hor yimaaddeen
fikraddiisii. Waxaana markaa hadlay nin la oran jirey Curwa
binu Mascuud oo yiri "kani (Rasuulka SCW) wuxuu idiin soo
bandhigay khiddo wanaagsan ee aqbala, anigana ii daaya aan u
tagee". Markaas ayey "u tag", markii uu yimid ayuu Rasuulka
SCW la fariistay oo la hadlay, Rasuulkuna SCW wuxuu u
sheegay hadalkii uu kuwii hore u sheegay, markaas ayuu Curwa
yiri "bal ka warran Maxammedow haddii aad tolkaa dabar
goysid, ma maqashay Nin carab ka mid ah oo tolkiis
baabi'iyey adiga hortaa, haddii ayse tan kale dhacdo (lagaa
guuleysto) waxaan arkaa wejiyaal loo abuuray (asxaabta) in
ay kaa cararaan oo kaa tagaan". Markaas ayaa Abuubakar
Sidiiq u jawaabay oo ku yiri "ku dheg buuryada Laata, ma
annaga ayaa ka cararayna (Rasuulka SCW)?", wuxuu yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye haddii uusan jiri lahayn abaal aad ii
gashay waan kuu jawaabi lahaa". Ka dib Curwa wuxuu sii watay
hadalkiisii uu Rasuulka SCW la hadlayey, mar kasta oo uu
Rasuulka lahadlayana wuxuu qabanayey Rasuulka SCW garkiisa,
Rasuulka SCW dudhiisana waxaa taagnaa Muqiira binu Shucba oo
uu Curwa adeer u ahaa oo duub xiran, seefna gacanta ku
haysta, wuxuuna Muqiira samaynayey mar kasta oo Curwa laaco
garka Rasuulka SCW seefta ayuu gacanta uga dhufanayey
wuxuuna ka lahaa "ka daa gacanta garka Rasuulka SCW", markii
dame ayuu Curwa inta madaxa kor u qaaday yiri "waa kuma kani?",
waxaa la yiri "waa Muqiira binu Shucba", markaas ayuu Curwa
yiri "nacaskiiyow miyaanan ahayn kii diyadaadii weli gudayey",
taas oo ula jeedo niman uu Muqiira diley intii uusan
islaamin ka hor oo uu magtoodii gudey. Ka dib Curwa wuxuu ku
laabtay qureysh wuxuuna ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye
waxa aan wafdi ahaan ugu tegey Qaysar iyo Kisraa iyo
Najaashi. Ilaah baan ku dhaartaye ma arag boqor ay dadkiisu
u weyneynayaan sida ay asxaabta Maxammed u weyneynayaan
Maxammed. Ilaah baan ku dhaartaye ma uusan tufeyn candhuuf
ilaa nin ayaa gacanta u dhiganayey oo wejiga iyo jirka
marsanayey, haddii uu amrana way u kala tartamayeen
amarkiisa, haddii uu weyseystana waxa ay ku siganayen in ay
isku dagaallamaan weysadiisa, haddii uu hadlana hoos ayey
codkooda u dhigayeen, fiirmadana kuma dhammaynayn weyneyn ay
weyneynayaan darteed. Haddaba waxa uu idiin soo bandhigay
ninkaasi (Rasuulka SCW) yeela".
Odeyaashiina way u riyaaqeen, laakiin qaar ka mid ah
dhallinyaradii queysheed ayaa markii ay arkeen in odeyaashii
heshiis doonayaan waxa ay sameeyeen arrin ay ku doonayaan in
ay heshiiska ku joojiyaan oo dagaal ku ridaan. Arrintaasina
waxa ay ahayd in ay habeenkaas baxaan oo tagaan meesha uu
ciidanka muslimiintu degganaa oo ay dagaal huriyaan. Waxaana
habeenkii soo baxay 30 nin oo doonayey in ay arrinkaas
fuliyaan hase yeeshee Maxammed binu Maslama oo ahaa madaxa
ciidanka ilaalada muslimiinta ayaa nimankii dhammaantood
gacanta ku dhigay oo Rasuulka SCW u keenay. Rasuulku SCW wuu
iska sii daayey nimankii maxaa yeelay dagaal uma uusan
imaan, wuxuuna doonayey cumro. Allaahna SW isaga oo
tilmaamaya sida uu u kala badbaadiyey dagaalka labada qolo
waqtigaas wuxuu yiri:
((ALLE WAA KII GACMAHOODA IDINKA REEBAY KUWIINANA
KAREEBAY MAKKA GUDAHEEDA KA DIB MARKUU IDIN MAKANSIIYEY
KORKOODA (AAD QABATEEN), ALLENA WAXA AAD CAMAL FALAYSAAN WAA
ARKAA)), (Suuratul-Fatxi 24).
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu go'aansaday in uu nin u diro
qureysh si uu u xoojiyo go'aankiisii oo qureysh u tusiyo
ujeeddada uu safarkaan ka lahaa, wuxuu markaas Rasuulku SCW
u yeeray Cumar binu Khadhaab si uu Makka ugu diro. Markaas
ayaa Cumar yiri "Rasuulkii Allow Makka iima joogo qof reer
banii Kacab ah (xigtada Cumar) oo ii ficiloonaya haddii la i
dhibo ee dir Cusmaan binu Cafaan isaga ayaa xigtadiisu
joogtaaye, wixii aad doontana gaarsiinaya". Wuxuu markaa
Rasuulku SCW qureysh u direy Cusmaan binu Cafaan wuxuunana
ku yiri "u sheeg in aannaan dagaal u socon oo aan cumro u
nimid, islaamkana ugu yeer". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW
Cusmaan amray in uu u tago ragga iyo dumarka muslimiinta ah
ee Makka jooga oo uu ugu bishaareeyo fatxi una sheego in
Alle uu Makka diintiisa ku daahirin doono oo uusan qofna
iimaankiisa ku dhex qarsan doonin.
Cusmaan wuu soo baxay wuxuuna soo maray ciidankii qureysh
oo jooga meel la yiraahdo Baldax, markaas ayey dheheen "xaggee
ayaad u socotaa?", wuxuu yiri "Rasuulki Alle ayaa ii soo
direy arrinkaas", waxa ay dheheen waa wanaagsanyahay
hadalkaagu ee fuli dantaada. Waxaa raacay nin la oran jirey
Abbaan binu Saciid binu Caas si uu u ilaaliyo ilaa uu Makka
ugu tago odeyaashii qureysheed oo uu farriinta ka gaarsiiyo.
Ka dib markii Cusmaan u tegey odeyaashii qureysheed oo
arrintii lala soo direy uu u gudbiyey ayey waxa ay u soo
bandhigeen in uu kacbada dhawaafo hase yeeshee Cusmaan wuu
diidey oo wuxuu yiri "dhawaafi maayi ilaa uu Rasuulkii Alle
ka dhawaafo". Ka dib Cusmaan way celiyeen sababta ay u
celiyeena waxaa la arkaa in ay arrimahaa kala niqaashayeen,
Ilaah baase ku cilmi leh.
Markii maqnaanshihii Cusmaan dheeraaday ayaa muslimiintii
waxaa gaaray in Cusmaan la diley, markaas ayuu Rasuulku SCW
asxaabtii ku yiri "tegi mayno ilaa aan nimanka foodda is
darno", wuxuuna asxaabtiisii ka wada qaaday Beyco, taas oo
ahayd in aysan cararin oo ay dagaallamaan weliba qaar ka mid
ihi waxa ay kula mubaayacoodeen dhimasho.
Rasuulku SCW markii uu asxaabtii oo dhan ka qaaday
beycadii ayuu gacanta is qabtay oo yiri "tanina (beycadani)
waa Cusmaan". Markii beycadii dhammaatay ayuu Cusmaan yimid
oo isna Rasuulka SCW la mubaayacooday. Waxaa la yiraahdaa
ciidankii Rasuulka SCW la socday waxaa beycadaas ka maqnaa
nin munaafaq ahaa oo dhuuntay, ninkaas waxaa la oran jirey
Jadu binu Qays. Beycadaas waxaa lagu qaadayey geed hoostiis,
waxaana loo yaqaannaa Beycatu-Ridwaan maxaa yeelay Allaah
wuu ka wada raalli noqday dadkii beycadaas galay, wuxuuna
arrintaas isaga oo tilmaamaya qur'aankiisa ku yiri:
((ALLE WAA KA RAALI NOQDAY MU'MINIINTA MARKAY KUGULA
MUBAAYACOONAYEEN GEEDKA HOOSTIISA, WUXUUNA OGAADAY WAXA
QULUUBTOODA KU SUGAN MARKAASUU KU SOO DAJIYEY XASILOONI,
WUXUUNA KU ABAAL MARIYEY FATXI DHAW (KHAYBAR)),
(Suuratul-Fatxi 18).
Rasuulku SCW waa uu u bishaareeyey dadkii baycadaas ka
qayb galay oo wuxuu yiri "idinkaa ugu khayr badan waxa
dhulka dushiisa ahaaday", sidoo kale waxa uu yiri "dadka
geedkaan hoostiisa igula mubaayacooday qof kamid ihi naar
gali uu mahayo haddii Alle idmo".
Cumar binu Khadhaab ayaa markii uu khilaafada islaamka
hayey arkay geedki Beycatu-Ridwaan ka dhacday oo la
barakaysanayo oo dadka juhalada ihi markii ay agmarayaan ay
ka fadilayaan geedaha kale oo hoos fariisanayaan, markaas
ayuu amray in la gooyo.
Qureysh waxa ay si degdeg ah u soo dirtay nin la oran
jirey Sahal binu Camar si uu heshiis ula soo saxiixdo
Rasuulka SCW, waxa ayna ku soo dheheen "sannadkan ha naga
laabto maxaa yeelay CaRabbi ku sheekaysan mayso in uu xoog
ku galay xaramkii". Rasuulku SCW markii uu arkay Sahal binu
Camar oo soo socda ayu asxaabtii ku yiri "arrinkiinnii Alle
waa idiin dududeeyey mar haddii ay ninkaan soo direen
heshiis bay doonayaan". Sahal markii uu yimid in badan ayey
Rasuulka SCW iyo isagu wada hadlayeen, ugu dambayntiina
waxaa la isku waafaqay heshiis. Qodobbada heshiisku waxa ay
ahaayeen sidan:
1. In Rasuulka SCW iyo ciidankiisu sannadkan laabtaan oo
aysan Makka iyo xaramka gelin, sannadka soo socda haddii la
gaarana ay yimaadaan oo ay saddex beri xaramka joogaan,
hubna aysan la soo gelin ilaa hubka socotada maahane,
seefuhuna ay galka ku jiraan, wax dib ahna aysan samayn.
2. Dagaal in la joojiyo 10 sano, oo amni la isa siiyo
3. In ciddii doonta heshiis Rasuulka SCW la geli karto,
ciddii doontaana qureysh la geli karto heshiis. Qabiilkii
labada dhinac midkood raacana in loo aqoonsado in uu
qoladaas ka mid yahay, colaaddii lagu qaado qabiilkii dhinac
raacana ay la mid tahay colaad lagu qaaday dhinicii kale.
4. Ninkii qureysh ka soo baxsada oo soo islaama in loo
celiyo qureysh, ninkii islaamka ka riddooba oo qureysh u
baxsadana aan la soo celin.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Cali binu Abii-dhaalib
si uu u qoro heshiiska. Cali heshiiskii ayuu qorayey,
Rasuulkuna SCW wuu u yeerinayey, wuxuuna yiri Rasuulku SCW
"qor Bislmillaahi Raxmaani Raxiim", markaas ayaa Suheyr yiri
"Ilaah baan ku dhaarannaye ma garannayno Raxmaan wuxuu yahay
ee qor Bismikallaahumma", markaas ayuu Rasuulku SCW amray
Cali in uu sidaas u qoro, ka dibna wuxuu u yeeriyey "Tani
waa arrimihii uu kula heshiiyey Rasuulkii Alle ee Maxammed",
markaas ayuu Suheyr yiri "haddii aan og nahay in aad
Rasuulkii Alle tahay xaramka kuuma diidneen kulamana
dagaallanneen ee qor Maxammed binu Cabdullaahi", markaas
ayaa Rasuulku SCW yiri "waxa aan ahay Rasuulkii Alle haddaad
doontaan i beeniyee ", ka dibna Cali ayuu amray in uu ereyga
Rasuulullaah tiro oo qoro Maxammed binu Cabdullaahi hase
yeeshee Cali waa diidey in uu Rasuulullaah tiro. Rasuulka
SCW ayaa markaas yiri "i tusi", markii la tusiyeyna isaga
ayaa tirey. Sidaas ayaa warqaddii loogu qoray qodobbadii
heshiiska.
Waxaa intii warqadda la qorayey Makka ka yimid wiil uu
dhalay Suheylka Rasuulka SCW heshiiska la saxiixayey oo la
oran jirey Abuu Jandal binu Suheyl oo ka mid ahaa
muslimiintii dadkoodu Makka ku cadaadinayeen. Abuu Jandal
wuxuu jiidanayey xarkihii uu ku xirxirnaa. Suheyl ayaa
markaas yiri "tani ayaa ugu horreysa waxa aan kugula
heshiiyey in aad i celiso", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri
"weli ma aynaan dhammayn warqaddii", markaas ayuu Suheyl
yiri "Ilaah baan ku dhaartaye in aanan marka waxba kugula
heshiineyn weligeed", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "aniga
ii daa marka", wuxu yiri "kuu deyn maayo". Ka dib Suheyl
Abuu Jandal ayuu kexeystay isaga oo ku jiidaya xarkihii uu
ku xirnaa. Abuu Jandalow sabir oo ajar gurubso, Alle wuxuu
yeelayaa faraj adiga iyo dadka kale ee mestadcafiinta ah,
annaguna waxa aan nimanka la galnay heshiis oo waxaan siiney
iyaguna na siiyeen ballantii Alle, mana jebineyno". Cumar
binu Khadhaab ayaa markaa garab socday Abuu Jandal isaga ooo
ku leh "iska sabir Abuu Jandalow iyaguna waa mushrikiin oo
qofkood dhiiggiisu waa dhiig Ey", wuxuuna Cumar u raariciyey
seeftiisii, wuxuuna yiri "waxa aan rabay in uu seefta igala
baxo oo aabbihiis ku dhufto hase yeeshee ninku aabbihiis wuu
u turay".
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu asxaabtii amray in ay
hadyigooda gowracaan hase yeeshee qofna ma ajiibin maxaa
yeelay waxa ay ka careysnaayeen heshiiskan gaalada lala
galay. Markii uu saddex jeer ku celiyey oo qofna ajiibi
waayey ayuu istaagay oo u galay xaaskiisii Ummu Salama
arrintiina u sheegay, markaas ayey tiri "Rasuulkii Allow bax
oo qofna ha la hadlin ilaa aad neefkaaga gowracdo, timo
jarahaagana u yeerato oo uu kuu xiiro". Markaas ayuu
Rasuulkii SCW baxay oo isaga oo aan qofna la hadlin
neefkiisii gowracday, timo xiirana u yeertay. Asxaabtii
markii ay arkeen ficilka Rasuulka SCW ayey kaceen oo
hadyigoodii gowraceen, timihiina qaarba qaarka kale u
xiiray, waxayna maalinkaas hadyi ahaan u gawraceen Todobo
geel ah iyo Todoba lo ah, Rasuulkuna SCW waxa uu gawracay
riti uu lahaa Abii Jahal oo dagaalkii Badar lagu furtay.
Waxaa Rasuulka SCW ka dib u yimid dumar mu'minaat ah oo
ka soo cararay Makka, markaas ayey dadkii xigtadooda ahaa ka
daba yimaadeen, hase yeeshee Rasuulku SCW wuu u diidey maxaa
yeelay heshiisku rag keliya ayuu ahaa oo dumarka in la
celiyo kuma jirin. Allaahna isaga oo arrintaa xoojinaya
wuxuu soo dejiyey aayaddan:
((KUWA MU'MINIITA AHOW HADAY IDIIN YIMAADAAN GABDHO
MU'MINAAT AH OO SOO HIJRODAY IMTIXAAMA (IN AY DHAB KA TAHAY
IYO IN KALE) ALLENA WAA OG YAHAY IIMAANKOODA, HADII AAD
OGAATAAN IN AY MU'MINAAT YIHIIN HA U CELININA (GAALADA)
MEHERKOODII (AY HAWEENKAN KA BIXIYEEN) DAMBINA KORKIINA MA
AHAANIN IN AAD GUURSATAAN (HAWEENKAAS) HADII AAD MEHERKOODA
SIISAAN, HANA HAYSANINA KUWA GAALADA AH NIKAAX ISKUMA KIIN
QABTEE, WAYDIISTA (GAALADA) WAXAAD (MEHER) U BIXISEEN IYANA
HA IDIN WAYDIISTAAN WAXAY (MEHER) U BIXIYEEN, WAANA KAAS
XUKUNKII ALLE KU XUKUMAY DHEXDIINA, ALLENA WAXA UU AHADAY
(ALLE) CALIIM AH (WAX WALBA OG) OO XAKIIM AH (FAL SUUBAN)),
(Suuratul-Mumtaxina 10).
Rasuulku SCW wuxuu markaa guda galay in uu imtixaanayo
(dumarka), tii ka soo baxdana in uu shuruudihii kula
mubaayacoonayo, mana gacan qaadayn ee afka ayuu kula
mubaayacoonayey. Sida ay Caa'isha sheegtay Rasuulka SCW
gacantiisu ma taaban naag ajnabi ka ah gacanteed. Markii ay
aayadahaasi soo degeen ka dib oo muslimiintii iyo gaaladii
la kala xarrimay ayey asxaabtii wada fureen haweenkii
gaalada ahaa ee ay qabeen. Cumar binu Khadhaab wuxuu furay
labo haween ah oo gaalo ahaa oo Makka joogey, ka dibna waxaa
kala guursaday Mucaawiye binu Abii Sufyaan iyo Safwaan binu
Umaya oo gaalo ahaa waqtigaas.
Ciidankii muslimiintu aad ayuu uga xumaaday heshiiskii
qureysh, waxayna u arkeen in dhinacooda lagu dulmiyey,
waxayna ku soo laabteen murug iyo caga jiid maxaa yeelay
waxa ay u haysteen oo riyadii Rasuulka SCW u fasirteen in
isla sannadkaas la gelayo Makka. Sidoo kale waxa ay u
arkayeen in qureyshi ay Rasuulka SCW ku dirqisay wixii ay
rabtey oo iyadoo uu Rasuulku SCW xaq ku taagan yahay,
Allaahna ballan qaaday in uu diintiisa kor yeelo la
ilhaameystay diintoodii. Raggii arrimahaa aadka uga xumaa
waxaa ka mid ahaa Cumar binu Khadhaab, Nabiga SCW ayuuna u
yimid isaga oo leh "Rasuulkii Allow miyaanaan xaq ku
taagnayn iyaguna Baadhil ku taagnayn?" Rasuulku SCW "haa"
ayuu yiri, wuxuu Cumar yiri "sow dadkeennii la laayey janno
kuma jiraan, kuwoodii la laayeyna naar kuma jiraan?",
Rasuulku SCW "haah" ayuu yiri, Cumar wuxuu yiri "haddaba
maxaynu diinteenna dulliga u siineynaa?, aan laabanno ilaa
Ilaahay na kala xukmiyo". Markaas ayaa Rasuulu SCW ku yiri
Cumar f'ina Khadhaabow anigu Rasuulkii Alle ayaan ahay mana
caasinayo, isaga ayaana ii gargaaraya ina dayici maayo
weligey", Cumar wuxuu yiri "miyaadan noo sheegin in aan
Beytka tegi doonno oo dhawaafi doonno?", Rasuulku SCW wuxuu
yiri "haah waan kuu sheegay, waxa aan kuu sheegay in aan
tegi doonno", Cumar wuxuu yiri "may" isaga oo u heysta in ay
sannadkaas ahayd, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri Cumar
"waad tegi doontaa waadna dhawaafi doontaa".
Ka dib wuxuu Cumar u tegey Abuubakar oo intii oo kale ku
yiri, Abuubakarna sidii Rasuulku SCW ugu jawaabay oo kale
ayuu ugu jawaabay, weliba wuxu u raacsiiyey "heyso
adeecitaankiisa ilaa aad ka dhimatid, Ilaah baan ku
dhaartaye xaq ayuu ku taaqan yahay". Ka dib intii jidka lagu
sii jirey waxaa soo degtay Suuratu-Fatxi, markaas ayuu
Rasuulku SCW u yeeray Cumar oo ku dul akhriyey, markaas ayuu
Cumar yiri "Rasuulkii Allow ma kan ayaa fatxi ah?", markaas
ayaa Rasuulku SCW yiri "haa", ka dib Cumar wuu iska degey,
wuxuuna ka qoomameeyey hadal ku celintii Rasuulka SCW,
wuxuuna sameeyey camal wanaagsan oo badan oo isugu jirey
sadaqo, soon iyo salaad cabsi uu ka cabsanayo ficilkii
maalintaa ka dhacay darteed.
Hashiiska Xudeybiya, in kasta oo muuqaalkiisa guud la
moodo in waxyaabo lid ku ah muslimiinta ay ku jireen,
asxaabtuna aysan jeclaysan waxyaabaha qaarkood, haddana waxa
ay xaqiiqdu ahayd in u uahaa nasri weyn oo muslimiinta u soo
hoyday iyo Faxi sida uu Allaahba sheegay. Waxaana arrimaha
uu nasriga ku ahaa ka mid ah:
1. Qureysh oo aqoonsatay awoodda iyo jiritaanka
muslimiinta ee ay awal dafiri jirtey, isla markaana joojisey
inku taxalujintii ay isku taxallujin jirtey sidii ay
islaamka u dabar goyn lahayd ama dadkii kale ee
Jasiiratul-carab degganaa ugu diri lahayd.
2. Qureysh oo faraha ka qaadday ciddii islaamka gelaysa
oo nafteeda isku koobtay taas oo ahayd fashil iyo jab ku
dhacay qureysh maxaa yeelay waxa ay awal sheegan jirtey in
ay carab ku hoggaamiso diin, xaramkii Allena deggan tahay,
diinteeduna tahay midda keliya ee saxda ah, islaamkuna yahay
bidco aan la aqoon.
3. Qureysh waxa ay ahayd caqabo ummado badan ka hor
taagnayd in ay islaamka qaataan markiise ay faraha ka
qaadday oo ay la heshiisay aad ayaa islaamka loo soo galay,
waxaana loo arkay in ay diintaani xaq tahay oo faafeyso, wax
walbana ka sare mari doonto.
4. Qureysh waxa ay oggolaatay in la fidiyo dacwadii
islaamka oo ay 13 sano Makka ku hor taagnayd, taas oo ahayd
hadafkii ugu weynaa ee ay muslimiintu raadinayeen weligood.
In dacwada islaamka dadku xor u noqdaan. Xornimadaas waxa ay
dacwadii islaamka u keentay guul weyn taas oo laga garan
karo ciidanki msulimiinta ee 3,000 ahaan jirey oo labo sano
ka dib markii Rasuulku SCW Makka furanayey 10,000 noqday.
5. Qabiillo iyo dad badan oo awal islaamka u soo geli
waayey qureysh sababteed ayaa fursad u helay in ay islaamka
soo galaan.
6. Qureysh waxa ay u oggolaatay muslimiinta xaramkii ay
6da sano ka hor taagnayd, taas oo ku tusineysa awood darrida
iyo dacfiga ku dhacay, maxaa yeelay way awoodi weyday in ay
muslimiiinta u sii diiddo xaramka sannadkaas maahane oo isna
ay ku andacooday in dadku ay ku sheekeysanayaan Maxammed
ayaa xoog xaramka ku galay.
7. Qodobkii ugu darnaa heshiiska ee msulimiintu dhibka u
arkayeen oo ahaa ninkii islaamka ka riddooba in aan la soo
celin, kii qureysh ka soo islaamana la celiyo waxa ay ahayd
xikmadda ku jirtaa qof islaamaka arkay oo iimaanka
macaankiisa dhadhamiyey, kana mid noqday asxaabtii Rasuulka
SCW, in uu riddoobo oo galnimo doorto way adkayd, Qofkii se
taas sameeye kheyr ma leh, faa'iidana kuma jirto in
mujtamaca nadiifka ah ee muslimka lagu soo celiyo oo in uu
ka dhex baxo ayaa ka kheyr badan in uu ku dhex jiro.
Rasuulkuna SCW isaga oo arrinkaas tilmaamaya wuxuu yiri
"qofkii naga aada (qureysh) Alle ha fogeeyo".
Dhinaca kale qofkii reer Makka ka soo islaama oo loo
celiyo lama dileyn, haddii ay u badatana qaraabadiisa ayaa
ciqaabeysey, waxa ayna ahayd arrin imtixaan ah oo Allaah ku
kala saarayey, qofkii islaamku dhab ka ahaa wax kasta oo la
mariyo waxba kama dhibeyn, qofkiise uusan dhab ka ahayn ama
ujeeddo kale u socday markii loo caga jugleeyo ayuu horay u
boodayaa oo gaaloobayaa.
Midda kale dhulka Allaah waa waasic oo Madiina iyo
Rasuulka SCW maahane meeshii uu doono ayuu aadi karaa sida
dhulka xabashida oo ay muslimiin kale jireen muddaba,
xornimana lagu siiyey diintooda. Rasuulkuna SCW isagoo oo
tilmaamaya arrinkaas wuxuu yiri "qofkii nooga yimaada (soo
islaama) Alle wuxuu u yeeli doonaa faraj". Allaahna wuu u
yeelay faraj oo markii Rasuulku SCW ku soo laabtay Madiina
oo uu muddo yar joogey ayaa waxaa Madiina yimid oo Makka ka
soo cararay in ka mid muslimiintii Makka lagu ciqaabi jirey
magiciisana la oran jirey Abuu Bashiir.
Markaas ayey qureysh ka soo daba dirtay Abuu Bashiir labo
nin, markii ay labadii nin Madiina yimaadeen ayey Rasuulka
SCW ku dheheen "noo dhiib ninkaan waa tii ballan naga
dhexaysaye", markaas ayuu Rasuulku SCW u dhiibay, markii ay
la sii marayaan meesha la yiraahdo Dil-xuleyf ayey degeen oo
la soo baxeen timir ay wateen si ay u cunaan, markaas ayaa
Abuu Bashiir labadiii nin midkood ku yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye hebelow waxa aan seeftaan u arkaa in ay wanaagsan
tahay", markaas ayuu soo saaray oo yiri "haa Ilaah baan ku
dhaartaye way wanaagsan tahay, waana jarribay oo jarribay".
Abuu Bashiir wuxuu yiri "i tusi bal aan eegee", markii uu u
dhiibay ayuu ku dhuftay o qoorta u dheereeyey, kii kale ayaa
markaa cararay ilaa uu Madiina ka gaaray oo u galay Rasuulka
SCW iyo asxaabtii oo masaajidka jooga. Rasuulku SCW markii
uu arkay ninkaas baqaha ah oo fiigsan wuxuu yiri "war kani
wuxuu soo arkay wax ka aragagixiyey". Ninkii markii uu
Rasuulka SCW u soo galay ayuu ku yiri "saaxiibkayna wuu
diley aniguan wan ka soo baxsaday".
Ninkii Abuu Bashiir ahaa muddo ka dib ayuu yimid isaga oo
seeftiisii wata, wuxuuna Rasuulka SCW ku yiri "Nabigii Allow
Ilaah ayaan ku dhaartaye waad oofisay ballantaadii, waadna
ii celisay, ka dibna Alle ayaa iga soo koriyey", markaas
ayuu Rasuulku SCW yiri "hooyadii ha hoogtee waa kii dagaal
hurin lahaa haddii uu cid heli lahaa". Abuu Bashiir markii
uu hadalkaas Rasuulka SCW maqlay ayuu fahmay in usan
Rasuulku SCW warkiisii yeelin oo uu ballantii ilaalinayo,
haddii ay mar kale yimaaddaana (qureysh) uu u dhiibayo,
markaas ayuu iska tegey ilaa uu ka gaaray badda ageeda.
Waxaa isna Makka ka soo baxsaday Abuu Jandal binu Suheyl,
Madiinana ma tegin ee wuxuu u tegey Abaa Bashiir. Ka dibna
waddadaa ayaa furantay oo ninkii Makka ka soo islaamaba
wuxuu u tegi jirey Abuu Bashiir ilaa ay koox ka noqdeen,
waxayna fariisteen jidkii ay qureysh Shaam u sii mari jirtey
markaas ayey wixii safar ah oo qureysh leedahay oo Makka u
socda ama ka yimaada qaban jireen oo raggana layn jireen,
xoolahoodana dhici jireen ilaa ay reer Makka ciriiri galeen
oo waddadii mari kari waayeen, markaas ayey Rasuulka SCW
farriin u soo direen ay leeyihiin "nimankaas nooga yeero
ciddii ku soo aaddana waa aamin".
Markaas ayuu Rasuulku SCW u cid diray Abuu Bashiir iyo
raggiisii oo Madiina yimaadeen, halkaas ayuuuna ku burburay
qodobkii ahaa ninkii reer Makka ka soo islaama ha la soo
celiyo oo Alle ayaa farajkaas u furay, qofkii dambe oo soo
islaamana si toosa ayuu Rasuulka SCW iyo Madiina ugu tegi
jirey, waxaana ka mid ahaa dadkii bilowgii sannadkii 7aad ee
hijriga sida tooska ah Madiina u yimid oo soo islaamay Camar
binu Caas, Khaalid binu Waliid iyo Cusmaan binu Dhalxa.
Saddexdaas nin oo ka mid ahaa halyeeyadii qureysh markii ay
yimaadeen wuxuu Rasuulku SCW yiri "Makka waxa ay idiin soo
tuurtay beerkeeda gaballadiisii". |