WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN IYO ANSAAR
Asalaamu
Caleykum W.W.
Rasuulka
SCW markuu madiina yimid waxa uu ka aasaasay dawlad islaam
ah wuxuuna isku xiray dadkii muslimiinta ahaa ee madiina
deganaa iyo kuwii kasoo hijrooday madiina dibadeeda, isaga
oo isugu xiray si macnawi ah iyo si muuqataba. Waxa ay ahayd
sida macnawiga ah waxa uu ku booriyey walaaltinimada,
wanaaga, is jeclaysiga, is xaq dhawrka, is nabad gelinta iyo
mucaamilada wanaagsan oo dhan. Wuxuuna ka reebay xumaan
idilkeed. Sida muuqatana waxa ay ahayd muhaajiriin iyo
ansaar ayuu labo labo u walaaleeyey si ay isugu xirmaan
iskuna kaalmaystaan maxaa yeelay muhaajiriin waxa ay kasoo
hijroodeen dhulkoodii, maalkoodii iyo ehelkoodii. Waxayna
yimaadeen meel aysan waxba ka garanayn.
Waxayna
ahayd sida uu Rasuulka SCW u walaaleyey sidatan:
- 1.
Xamsa binu Cabdi Mudhalib iyo Sayd binu Xaarith wuu
walaaleeyey.
- 2.
Abuu Bakar Sidiiq iyo Khaarij binu Suhayrna wuu
walaaleeyeey.
- 3.
cumar binu Khadhaab iyo Citbaan binu Maalikna wuu
walaaleeyey.
- 4.
Abuu Cubayda ibnu Jaraax iyo Sacad binu Maalik wuu
walaaleeyey.
- 5.
Cabdirahman binu Cowf iyo Sacay binu Rabbiicna wuu
walaaleeyey.
- 6.
Subayr binu Cawaan iyo Salama ibnu Salaamana wuu
walaaleeyey.
- 7.
Cusmaan binu Cafaan iyo Aws binu Thaabitna wuu
walaaleeyey.
- 8.
Dhalxa binu Cubaydillaah iyo Kacab binu Maalikna wuu
walaaleeyey.
- 9.
Saciid binu Sayd ikyo Ubay binu Kacabna wuu walaaleeyey.
- 10.
Muscab binu Cumayr iyo Abii Ayuubna wuu walaaleeyey.
- 11.
Abuu Xudayfa binu Cutba iyo Cubaada binu Bishirna wuu
walaaleeyey.
- 12.
Cammaar binu Yaasir iyo Xudayfa binu Yamaamna wuu
walaaleeyey.
- 13.
Abuu daraq-Qafaari iyo Mundir binu Camarna wuu
walaaleeyey.
- 14.
Xaadhib ibnu abii Baltaca iyo Cuwayn binu Saacidana wuu
walaaleeyey.
- 15.
Salmaanu Faaris ikyo Abuu Dardaana wuu walaaleeyey.
Wuxuu yiri
ibnu Isxaaq: "intaan ayaa nalooga magacaabay walaalayntii uu
Rasuulku SCW walaaleeyey asxaabtiisa".
Sidaas ayaa
Rasuulku SCW u walaaleeyey asxaabtiisii oo isugu xiray,
iyaga oo ay ka dhaxayso walaaltinimada guud ee islaamka ayey
haddana tani khaas usii kala ahayd oo ay wax wada
wadaagayeen ilaa lawaajibiyey in ay is dhaxlaan ka dibna
Alle waa joojiyey. Nimankii ansaar ahaa ee madiina deganaa
aad ayey usoo dhoweeyeen walaalahoodii muhaajiriin ee usoo
hijrooday, wuxuu Bukhaari saxiixiisa ku wariyey in ansar
Nabiga SCW ku tiri: "noo qaybi annaga iyo walaalahayo
timirta (beeraha)", wuxuu yiri: "may", markaasay dheheen (muhaajiriin):
"naga qabta shaqada (beeraha) mirahana waanu idinla
wadaagsanaynaa", Ansaarna waa ay yeeshay.
Sidoo kale
nimankii ansaar ee lala walaaleeyey muhaajiriin aad ayey
usoo dhoweeyeen waxayn diyaar u noqdeen in ay la kala
bartaan maalkooda. Ninka layiraahdo Sacad binu Rabbiica oo
lala walaaleeyey Cabdirahmaan binu Cowf waxa uu ku yiri
Cabdirahmaan: "waxa aan ahay ninka ansaar ugu maal badan,
waxaana ka dhigayaa maalkayga labo qaybood (oo waa kala
baranaynaa), labo xaasna waan qabaa ee fiiri middii ku cajab
galisa iina magacow waan kuu furayaa markay cidada
dhamaysatana guurso", wuxuu yiri Cabdiraxmaan: "Allaha kuu
barakeeyo xaaskaaga iyo maalkaaga ee i tusi suuqa", suuqii
ayuu tusiyey, markaasuu Cabdiraxmaan inta xoogaa subag ah
qaatay oo suuqii geeyey ayuu iibiyey dabadeedna waa
guursaday.
Haddaba
waxa ay arimahaan iyo kuwo kaleba na tusinayaan sida ay
ansaar walaalohood muhaajiriin ugu qumeen, wax walbana ay
diyaarka ugu ahaayeen. Allena subxaanahu watacaalaa aayado
badan ayuuu ku ammaanay.
Sidoo kale
Rasuulku SCW waxa uu u qoray asxaabtii heshiis iyo go aamo
ay ku socdaan, wuxuuna kadhigay hal ummad, wuxuuna ahaa
heshiiskaasi sidatan:
Bismillaahi
raxmaani raxiim, tani waa waraaqdii Nabi Maxamed SCW uu u
kala qoray muminiinta iyo musliminta reer qureysheed (muhaajiriin)
iyo rer yathrib (ansaar).
1. Kuligood
waa hal ummad oo dadka kale isaga sokeeya.
2.
Muhaajiriinta reer qureysheed sidoodii weeye oo makta way
isla bixinaayaan, maxbuuskoodana way soo furanayaan si
macruuf ah iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
3. Reer
banii Cawf sidoodii weeye oo magta way isla bixinayaan siday
hore iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna)
way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad
muminiinta dhexdooda.
4. Reer
banii Xaarith sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, qolo walba (oo
iyaga kamid ahna) way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan
iyo cadaalad muminiinta dhexdooda.
5. Reer
banii Saacida sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinaayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana
way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad
muminiinta dhexdooda.
6. Reer
banii Jasham sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awalba iskula bixin jireen, koox walbana
way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad
muminiinta dhexdooda.
7. Reer
banii Najaar sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awal iskula bixin jireen, koox kastana way
furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta
dhexdooda.
8. Reer
banii Caamir binu Cawf sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way
isla bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana
way furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad
muminiinta dhexdooda.
9. Reer
banii Nabiit sidoodii ayey ahaannayaan oo makta way isla
bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way
furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta
dhexdooda.
10. Reer
banii Aws sidoodii ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan say awalba iskula bixin jireen, koox kastana way
furanaysaa maxbuuskeeda si wanaagsan iyo cadaalad muminiinta
dhexdooda.
11.
Muminiintu waa in ay si wanaagsan uga gudaan qofkii iyaga
kamid ah oo qaamaysan oo lasoo furanayo ama diyo laga gudayo.
12. Mumin
lama bah wadaagi karo mumin kale bah wadaagi ogolaanshihiisa
maahane.
13.
Muminiinta mutaqiinta ahi waxa ay isugu tagayaan ciddii
iyaga ka mid ah oo xadgudubta ama dalabta dulmi wayn ama
dambi ama colaytan ama fasaad muminiinta dhexdooda, dhammaan
gacmahoodu qofkaas dushiisay ahaanayaan haba ahaado midkood
inankiise.
14. Mumin
uma dilo karo mumin kale gaal, uga mana hiillin karo gaal.
15.
Heshiiska Alle (ee gaalada lagula jiro) waa hal mid, waxaana
wax magan galin kara muminiinta kooda ug hooseeya.
16.
Muminiinta qaarkood qaarka kale ayuu gargaare u yahay dadka
(kale) kasokow.
17. Qofkii
nasoo raaca oo yahuud ah waxa uu leeyahay gargaar iyo gacan
qabasho, isaga oo aan ladulminayn lagana hiillinayn.
18. Nabad
gelyada muminiintu waa hal mid, dagaalka jihaadka Allena (qof)
mumin ihi nabad gelyo gaar ah lama samaysan karo (gaalo) in
ay muslimiintu u dhan yihiin oo ay cadaalad tahay maahane.
19. Cid
walba (oo muslimiinta kamdi ah) oo nala duullaan gasha
qaarkood qaarka kale ayuu cirbinayaa (waa isku mid).
20.
Muminiinta qaarka kale ayuu u hiiilinayaa wixii dhigooda ah
oo jidka Alle kusoo gaara.
21.
Muminiinta Alle ka baqaysa waxay ku sugan yihiin hanuun kan
ugu wanaagsan iyo toosnaan.
22. Gaal ma
bad baadin karo qureysh nafteeda iyo maalkeeda is kamana
hortaagi karo mumin (usocda).
23. Qofkii
mumin dila oo ay ku caddaato waa la dilayaa in uu waligii
kii la dilay raali noqdo maahane.
24. Xalaal
uma aha qof mumin ah oo sugay waxa waraaqadaan ku yaala,
Alle iyo aakhirana rumeeyey in uu soo dhawaysto ama u
gargaaro dambiile.
25. Qofkii
soo dhawaysta ama u gargaara (daalim) waxaa dushiisa ahaatay
Alle nacaladiisa iyo caradiisa maalinka qiyaamaha, la gamana
yeelayo madax furasho iyo tawbad midna.
26. Wax
walba oo aad isku khilaaftaan waxaa loo celinayaa Alle iyo (Rasuulkiisa)
Maxamed SCW.
Intaas ayey
ku dhammaadeen qodobadii heshiiska ee uu Rasuulku SCW u kala
qoray asxaabta kulana balamay, waxayna qodobadaani sida aan
ka aragnaba u qaybsanyihiin qayb ku khaas ahayd muslimiintii
waqtigaas joogtay iyo qayb laga rabo qof kasta oo muslim ah
waqti kasta ha joogee, waxayna tahay qaybta qof walba oo
muslim ah laga rabo; labar 1 iyo laga bilaabo lambar 11 ilaa
26 marka laga reebo labar 22. |