GUURKII KHADIIJA
Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday
Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof
maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii
qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor
waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay.
Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu
tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay
maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa,
dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan
caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed
Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay
inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu
ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil
u joogey oo la yiraahdo Maysara.
Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam
halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey
isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa.
Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey
taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay
ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.
Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu
Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka
aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay
Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka
SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna
u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana
Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.
Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay,
waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga
reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna
Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren
jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey
Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey:
Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase
yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la
kulmeen weyna wada islaameen.
Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa
guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala
guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis
ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay
caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay
soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay
labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa
gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska
daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k
dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii
Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.
Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen
Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana
carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab,
waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa
ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw
carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi
iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in
uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay,
waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay.
Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee
hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo
tilmaanayba.