Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore islaamka iyo
muslimiinta aadka u dhibi jirey, Sannadkii lixaad ee soo
diriddii Rasuulka SCW ayuu maalin soo kacay isagoo raba inuu
Rasuulka SCW dilo, goor uu dhexda marayo ayaa nin ka hor
yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u socotaa?", wuxuu yiri "waxaan
rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala
geeyey", markaasuu ku yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii
aad disho inaad reer binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid,
haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii
Siciid way islaameene maad iyaga wax ka qabatid!".
Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo
xanaaqsan, markuu gurigii irriddiisii soo marayo ayuu maqlay
qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey walaashiis,
ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u akhrinayey. Albaabka ayuu
tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen
inuu Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina
waraaqihii qur'aanku ku yiilley xaseysey (qarisay).
Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri
"keen wixii aad akhrineyseen", markey u diideenna Siciid
ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday ninkeedii
ilaa uu iyadii dakharro gaarsiiyey. Markii la dagaallamay oo
nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen "waxaad
doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna
islaamnay". Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo
dhibkuu reerka u geystey siiba walaashiis, ayaa naxariis
qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus waxaad
akhrineyseen", waxay dheheen "waxaad tahay nijaas ee soo
qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo meyrtay
markuu soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku
taallay suuratu Dhah ayey u dhiibeen. Cumar markuu suuraddii
akhireyey ayuu yiri "hadalkaan waa hadal cajiib ah".
Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar
iyo siduu u soo dabcay ayuu soo baxay oo ku yiri "Cumarow
waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka SCW
kolkuu lahaa "Ilaahow laba Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo
Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku xooji".
Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa
hanuun ku soo riday ayuu yiri "xaggee joogaa Nabigii?",
markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo. Cumar isagoon weli
hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay
gurigii Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen. Asxaabtii
markay arkeen Cumar, ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa
Xamsa oo muddo yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri
"soo daaya, hadduu wanaag u socdana waan arkaynaa, hadduu
xumaan u socdana seeeftiisaan ku dileynaa'. Cumar gurigii
ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.
Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay wuxuu
muslimiintii siyaadiyey Cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana
way is beddeshay. Cumar isla markiiba wuxuu qaadey
tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey ninka dadka
ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal
yahay, markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay,
albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina "maxaad
iigu timid Cumar", waxaan ku iri "waxaan kuugu imid inaan ku
ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo Rasuulka SCW ,
waxaan haysan jirneyna aan beeniyey", Abii-jahal intuu naxay
ayuu yiri "waxaad la timid baa xumaaday" gurigii buuna ku
cararay. Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan is weydiiyey
ninka ugu warqaadka badan reer Makka oo dadka oo dhan
hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn
ibnu Camar al-juhani", markaasaan u tegay oo ku iri "waan
islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu
Khadhaab waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh
"ma iilane waan islaamay".
Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu
Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii allow sow xaq kuma taagnin,
waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo tukannaa",
Rasuulkuna SCW waa ka yeelay, markaasaa waxaa soo baxay
asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro safna Xamsa.
Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen
waxyaalaha uu Cumar sameeyey, waxay markaa ku tashadeen
ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay
Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il.
Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi
waxayna bilaabeen in waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen
ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka weriyey
Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu yiri "kama aannaan suulin
cissi intuu Cumar islaamay".