Markii arrinkii reer banuu Qureyda dhammaaday ayaa niman
asxaabta ka mid ahaa oo reer Khasraj ahaa Rasuulka SCW u soo
jeediyeen in ay soo dilaan nin la oren jirey Salaam binu
Abil-xaqiiq, kunyadiisana la oran jirey Abuu Raafic, oo ka
mid ahaa mujrimiintii ugu waaweynaa yahuudda, degganaana
Khaybar, qayb weynna ka qaatay abaabulkii duullaankii Axsaab,
maal badanna ku bixiyey, islaamkana aad u dhibay.
Iyadoo hore loo diley mujrimkii kale ee Kacab binu Ashraf,
asxaabtii disheyna ay wada ahaayeen reer Aws ayaa markii
ninkaas dhibtiisa la arkay rag asxaabta ka mid ah oo reer
Khasraj ihi waxay Rasuulka ka dalbadeen in ay soo dilaan kan,
iyaga oo raba in ay khayrka kula tartamaan walaalohood Aws,
Rasuulkuna SCW wuu u idmay in ay soo dilaan, wuxuuna ka
reebay in ay dumar iyo carruur dilaan. Waxaa markaas baxday
shan nin oo reer Khasraj ah oo uu madax u yahay Cabdullaahi
binu Cuteyk. Markii ay tageen Khaybar oo ay u dhowaadeen
qalcaddii uu degganaa Abuu Raafic oo aad u albaabbo badnayd,
waardiye adagna laga hayey, ayey sugeen ilaa ay qorraxdu ka
dhacdo. Markii ay qorraxdii dhacday dadkii shaqaalaha ahaana
ay soo carraabayeen, ayuu Cabdullaahi binu Cuteyk raggiisii
ku yiri "meeshan sii jooga, albaabbada ayaan aadayaaye,
waxaana la arkaa in aan galo". Cabdullaahi meeshii ayuu
tegey oo u dhowaaday, ka dibna wuxuu iska dhigay nin dadka
meesha ka mid ah oo albaabkii buu galay, dabadeedna
albaabkii waa la xiray furayaashiina meel ayaa la saaray.
Cabdullaahi wuxuu yiri "furayaashii ayaan qaatay ka dibna
albaabbadii baan furey, Abuu Raaficna qowlad kore ayuu
joogey, agtiisana waa la joogey. Markii ay ka tageen (dadkii)
ayaan u koray, albaab kasta oo aan furana markii aan galo
ayaan sii xirayey ilaa aan ugu dambayntii ugu tegey qol
mugdi ah isaga oo la jiifa reerkiisa, mana ogayn qolka
dhinac uu ka jiifo, markaas ayaan iri "Abuu Raafic", wuxu
yiri "waa kuma?", markaas ayaa inta aan dhinicii codku ka
yeeray aaday seef ku dhuftay, waxbase kama tarin, markaas
ayuu qayliyey. Inta aan guriga ka baxay ayaan mar kale ku
soo laabtay oo ku iri "muxuu ahaa dhawaaqu Abuu Raafic?",
markaas ayuu yiri "war hooyadda ha hoogtee nin guriga ku
dhex jira ayaa seef igu dhuftay". Markaas ayaan ku dhaqaaqay
oo seef ku dhuftay, markii aan arkay in uusan weli dhimanna
seeftii ayaan caloosha ka geliyey ilaa ay ka baxday
dhabarkiisa, markaas ayaan ogaaday in aan diley. Ka dibna
waan soo baxay oo albaabbadii ayaan mid mid u furay ilaa aan
ka wada baxay laakiin meel ayaan ka dhacay oo dhudhunka ayaa
i jabay, markaasaan cimaamaddaydii iskaga xiray, waxaanna
fariistay albaabkii agtiisa aniga oo niyada ka leh "caawa
bixi maayo ilaa aan ka hubsado in aan diley". Markii
qayladii isku yeertay ayaan raggaygii u tegey oo ku iri "soo
baxa cadawgii Alle waan dilaye". Dabadeedna Nabiga SCW
ayaannu u tagnay oo arrintii u sheegnay, markaas ayuu i yiri
"fidi lugtaada", markii aan fidiyey wuu iga masaxay, waxayna
noqotay sidii iyada oo aan xanuunsanba.