HESHIISKII IBNU UBAY IYO QURAYSH
Nimankii
qureysh ahaa waxay aad uga xumaadeen muslimiinta iyo dhulka
ay heleen iyo iney ka hoos bexeen cadaadiskoodii, sidaa
darteed waxay mar walba ku dadaalayeen sidii ay muslimiinta
dhib ugu geysan lahaayeen. Waxayna sameeyeen handadaado
badan oo ay muslimiinta ku leeyihiin "ha moodina haddaad
naga fakateen oo aam Madiina tagteen inaad ku nabad
gelaysaan".
Sidaa
darteed waxay warqad u soo direen Cabdullaahi ibnu Ubay oo
ay ku leeyihiin "waan ognahay inaad soo dhooweyseen Maxammed
iyo dadkii la socday oo aad u ballan qaaddeen inaad u
hiilineysaan, haddaba ama iska saara dadkaas ama duullaan
ayaan idinku soo qaadaynaa oo iyaga iyo idinkaba waan idin
dabar goynaynaa'. Cabdullaahi ibnu Ubay, oo aan weli
muujisan islaamka, ayaa jawaab degdeg ah ku celiyey qureysh
wuxuuna u sheegay in uu Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa la
dagaallamayo, qureyshna la jiro.
Rasuulka SCW markuu arrintaa maqlay, khudbad ayuu u jeediyey
muslimiintii, wuxuuna ku yiri "dhagarta iyo khiyaamada ay
qureysh idinku waddo waxaa ka daran tan aad idinka
dhexdiinna isku waddaan (Aws iyo Khasraj)".
Markaas ayaa muslimiintii ansaar ka hortageen arrintii
Cabdullaahi ibnu Ubay, halkaas ayaana arrintiisii ku
fashilantay, maxaa yeelay wuxuu rabay inuu qabiil ahaan u
kiciyo Aws iy Khasraj oo Rasuulka SCW iyo muhaajiriinta ka
horgeeyo. Sidoo kale qureysh waxay soo saareen go'aan ay
xaramka uga joojinayaan dadkii reer Madiina.
Xaalka oo sidaas ah ayaa waxaa baxay Sacad binu Mucaad oo
muslimiita ka tirsanaa, ahaana odeygii Aws, wuxuuna aaday
Makka si uu u soo cumreysto. Markuu tegey Makka ayuu wuxuu
ku degay Umaya ibnu Khalaf oo ay jaahiligii saaxiibo ahaan
jireen, oo markuu Umaya Madiina tago wuxuu ku dagi jirey
Sacad, sido kale markuu sacad Makka tago wuxuu ku dagi jirey
Umaya.
Wuxuu Sacad Umaya ku yiri "waxaad ii eegtaa waqti ay kacbadu
firaaqo tahay si aan u dawaafo". Markii ay kacbadii firaaqo
noqotay ayey is raaceen oo kacbadii tageen. Goor ay
dawaafayaan ayaa waxaa arkay Abii Jahal, markaasuu yiri "Umayow
waa kuma ninkan kula socda", Umaya wuxuu yiri "waa Sacad
binu Macaad". Markaas ayuu Abii Jahal ku yiri Sacad "Ilaah
baan ku dhaartaye hadduusan Abuu Safwaan (Umaya) kula socon
lahayn inaadan nabad ku laabateen maxaa yeelay intaad
dadkayagii iishey (bidcoobey) u yeerateen oo dejiseen miyaad
haddana dooneysaan inaad kacbada dhawaaftaan".
Sacad ayaa marka hadlay oo ku yiri 'haddaad kacbada ii
diiddo wax ka daran ayaan anna kuu diidayaa oo ah
safarkiinna Shaam oo dhaqaalihiinnu ku xiran yahay ayaan
waddada ka goyn doonaa", Umaya ayaa markaas Sacad ku yiri "Sacadow
codka kor ha ugu dhigin abal xakam waa sayidka dadka toggan
jooga'e" markaasaa Sacad ku yiri "na dhaaf Umaya Ilaah ayaan
ku dhaartaye waxaan maqlay Rasuulkii Alle oo sheegaya in ay
ku dili doonaan (muslimiinta), Umaya waxa uu yiri: "ma makay
(igu dili doonaan)?" Sacad ayaa yiri: "ma ogi", Umaya
hadalkaas si daran ayuu uga argagaxay, markuu reerkiisii u
laabtayna waxa uu xaaskiisii ku yiri: "ma waadan ogayn waxa
u Sacad igu yiri? waxay tiri muxuu kugu yiri? waxa uu yiri
Maxamed ayaa u sheegay in ay i dili doonaan, markaasaan ku
iri Makka miyaa, wuxuu yiri ma ogi. Ka dib Umaya wuxuu yiri:
"Ilaahbaan ku dhaartaye inaanan Makka meelna uga baxayn,
hase yeeshee dagaalkii badar ayaa Abii Jahal soo khasbay
isagoo ka-hanaya, waxay haweentisii ku tiri: 'ma hilmaantay
wixii walaalkaagii reer yathrib kugu yiri, wuxuu yiri meel
dhow ayaan uga soo harayaa, dabadeedna ciidankii ayuu raacay
intii dhex la sii socdayna gaadiidkiisu diyaar ayuu u ahaa
ilaa uu badar tagay oo uu dagaalkii ka qaby galay laguna
dilay. |