DUULLAANKII FATXU MAKKA
Sida la ogsoon yahay Qureysh waxa ay ahayd
caqabad weyn oo dadka ka hor taagan islaamka waxayna
degganaayeen Makka oo uu ku yaallay xaramkii Alle, ahaydna
dhumucdii ay carab oo dhan ku xirnayd.
Sababta duullaankan keentay waxa ay ahayd: sidii
aan soo sheegnayba Rasuulka SCW iyo qureysh waxa ay
Xudeybiya ku kala saxiixdeen heshiis muddadisu ahayd 10 sano.
Heshiiskaa waxaa ku jirey in ciddii Rasulka SCW la heshiisa
aysan qureysh wax dhib ah u geysan karin, ciddii qureysh
heshiis la gashana uusan Rasuulku SCW wax dhib ah u geysan
karin. Markii uu heshiiskii dhammaaday ayuu qabiilkii
Khusaaca Rasuulka SCW raacay, banuu Bakarna Qureysh raacay.
Labadaas qabiil, oo uu dagaal ka dhexayn jirey, ayaa markii
la marayo bishii Shacbaan, sannadkii 8aad ee hijriga nin la
oran jirey Nawfal binu Mucaawiya soo kaxaystay ciidan
qabiilkiisii ah (banii Bakar) isaga oo doonaya in uu ka aar
goosto reer Khusaaca, wuxuuna ku soo duulay habeennimo, rag
badanna wu ka laayey, reer Khusaacana way la dagaallameen.
Qureysh ballankii ayey ka baxday oo waxa ay hub
iyo ciidanba siisey banii Bakar, reer KHusaacana sidaa ayaa
lagu jebiyey oo waxay ku carareen xaramka oo aan lagu dili
jirin ciddii gasha hase yeeshee reer banii Bakar kama harin
ee xaramkii ayey uga daba tageen. Rag reer banii Bakar ahaa
ayaa la hadlay hoggaamiyahoodii Nawfal oo ku yiri "war
xaramkii baynu galnay, Ilaahaaga Ilaahaaga", markaas ayuu si
xun u hadlay oo yiri "Ilaah ma jiro ee maanta reer banii
Bakarow aar goosta. Cimirgeyga ayaan ku dhaartaye xaramka
wax waad ku xaddaane miyeydaan aar goosanayn?". Qureyshi
way ku fiirsatay reer banii Bakar arrintaa foosha xun,
weliba waa ku taageertay. Waxaa markaa soo aaday Madiina nin
reer Khusaaca ahaa (qabiilkii xaramka ragooda lagu laayey)
oo la oran jirey Camar binu Saalim, wuxuu u yimid Rasuulka
SCW oo masaajidka asxaabtii dhex fadhiya, markaas ayuu
tiriyey gabay guuubaabo ah oo uu ku tilmaamayo in xaramkii
Alle lagu laayey iyagoo muslimiin ah qureyshna ay dagaalkii
ka qayb qaadatay.
Reer Khusaaca waxa ay xulufo la ahaan jireen
islaamka ka hor reer banuu Haashim oo ahaa jilibkii Rasuulka
SCW, markii uu islaamku yimidna iyaga oo weli gaalo ah ayey
Rasuulka SCW iyo muslimiinta caawin jireen. Markii ay
Rasuulka SCW iyo qureysh dagaallamayeen waxa ay la jireen
Rasuulka SCW, markii heshiiska la kala saxiixdayna waxa ay
raaceen Rasuulka SCW, ka dibna way islaameen oo ikyaga oo
islaam ah ayaa kacbadii lagu laayey. Qureysh oo Rasuulka SCW
ay ballan ka dhexaysayna waxa ay ka qayb qaadatay dagaalkaas
lagu hayey reer Khusaaca. Arrimahaas oo is urursaday dartood
wuxuu Rasuulku SCW qaatay go'aan, wuxuuna yiri "waa laguu
gargaaray Camar binu Saalimow". Haddana waxaa Rasuulka SCW u
yimid kox reer Khusaaca ah oo uu madax u yahay Baddiil binu
Warqaa, wuxuuna u sheegay Rasuulka SCW dhibka ku dhacay iyo
sidii ay qureysh ugu kaalmaysay reer banii Barkra, ka dib
Makka ayey u noqdeen.
Nimankii qureysh ahaa markii ay ballantii ka
baxeen oo khiyaamadaas sameeyee ayey shir qabteen oo
go'aansadeen in hoggaamiyahoodi Abuu Sufyaan ay Madiina u
diraan si uu heshiiska u soo cusbooneysiiyo. Rasuulka SCW
arrinkaas waa loo waxyooday oo wuxuu asxaabtiisa ku yiri
"waaba idinka oo Abuu Sufyaan idiin yimid si uu muddadii
heshiiskiinna u siyaadiyo".
Abuu Sufyaan wuu soo baxay oo Madiina ayuu soo
aaday, markii uu dhexda sii marayo ayaa waxaa ka hor yimid
nimankii reer Khusaaca ee Baddiil watay, Madiinana ka soo
laabtay, markaas ayuu ku yiri "xaggee ayaad ka timid
Baddilow?", markaas ayuu yiri "toggaan ayaan reer Khusaaca
soo marsiinayey", markaas ayuu Abuu Sufyaan yiri "amaad
Maxammed ka timid", markaas ayuuu yiri "may", dabadeedna waa
la is daba maray, wuxuu markaa Abuu Sufyaan yiri "haddii uu
Madiina ka yimid timirta ayaan ku garanayaa", markaas ayuu
tegey meel uu gaadiidkii Baddiil fariistay, markaasuu
saaladdii (neefka) qaatay oo burburiyey, markaas ayuu ku
arkay laf, wuxuu yiri Abuu Sufyaan "Ilaah baan ku dhaartaye
Baddiil Maxammed ayuu ka yimid", ka dbna hore ayuu iskaga
sii socday. Wuxuu u tegey Rasuulkii SCW oo la hadlay hase
yeeshee Rasuulku SCW uma jawaabin. Wuxuu markaa u tegey
Abuubakar Al-sidiiq oo ka codsaday in uu Rasuulka SCW kala
hadlo hase yeeshee Abuubakar kama yeelin, wuxuu markaa u
tegey Cumar binu Khadhaab si uu Rasuulka SCW ugala hadlo,
markaas ayuu Cumer yiri "ma aniga ayaa Rasuulka SCW kaala
hadla? Ilaah baan ku dhaartaye haddii aan ul maahane wax
kale waayo waan kugula dagaallamayaa".
Ka dib wuxuu u tegey Cali Abii-Dhaalib oo ay la
joogaan xaaskiisii Faadumo iyo wiilkiisii Xasan, markaas
ayuu ku yiri "Caliyow adiga ayaa ragga iigu xiga, dan baan u
imid ee ha i celin sidii aan u imid aniaga oo hoogay ee
Maxammed igala hadal", markaas ayuu Cali yiri "hooggaaga ee
Abuu Sufyaan Rasuulkii Alle wuxuu go'aansaday arrin aannaan
awoodi karin in aan kala hadalno", markaas ayuu Abuu Sufyaan
Faadumo binu Maxammed SCW (Rasuulka SCW gabadhiisa)
jalleecay oo ku yiri "ma kuu ahaatay in aad wiilkaagan madax
ka dhigtid oo uu dadka kala badbaadsho, uuna noqdo sayidkii
carbeed inta wakhtiga ka hartay?", markaas ayey Faadum tiri
"Ilaah baan ku dhaartaye wiilkaygu ma gaarin arrinkaas ah in
u dad kal badbaadsho, axadna Rasuulka Alle wax kama
badbaadin karo".
Abuu Sufyaan addunkii ayaa ku ciriiryoomay,
xaalkiina waa ku murgay, markaas ayuu isaga oo quus ah ku
yiri Cali "Abii-Xasanow waxa aan arkaa arrimihii in ay igu
adkaadeen ee wax ii tilmaan", markaas ayuu Cali yiri "say
wax kuugu tari karto garan maayo, laakiin intii aad
istaagtid waxa aad tiraahdaa "dhinacayga dadka waan kala
badbaadiyey", ka dibna dhulkaagii aad", markaas ayuu Abuu
Sufyaan yiri "oo ma waxaad u malaynaysaa in taasi ay wax i
tarayso?", wuxuu yiri Cali "may, Ilaah baan ku dhaartaye u
malayn maayo laakiin wax aan iyada ahayn kuuma garanaayo",
markaas ayuu Abuu Sufyaan masaajidkii tegey oo yiri "dadow
anigu dadkii waan kala badbaadiyey", ka dibna ratigiisii
ayuu fuulay oo iska tegey.
Markii uu Abuu Sufyaan qureysh ku laabtay ayey
dheheen "maxaad waddaa?", markaas ayuu yiri "Maxammed baan u
tegey oo la hadlay, Ilaah baan ku dhaartaye iima jawaabin,
ka dib ina Abii Quxaafa (Abiibakar) ayaan u tegey kheyrse
kama helin, ka dib Cumar binu Khadhaab ayaan u tegey, waxa
aan arkay in uu ragga iigu cadowsan yahay, ka dib Cali ayaan
u tegey, waxa aan arkay in uu ragga iigu jilicsan yahay,
wuxuuna ii tilmaamay arrin aan sameeyey, Ilaah baanse ku
dhaartaye ma ogi in ay wax ii tarayso iyo in kale", markaay
ayey dheheen "muxuu kugu yri?", wuxu yiri "wuxuu i faray in
aan dhaho "dadkii waan kala badbaadiyey", waanna sameeyey,
waxa ay dheheen "Maxammed arrinkii ma yeelay?", wuxu yiri
"may", waxa ay yiraahdeen "hooggaaga ee ninka wax siintiisu
waa in ciyaar lagaa dhigto", markaas ayuu yiri "maya, Ilaah
baan ku dhaartaye wax aan taas ka ahayn iima helin".
Rasuulku SCW wuxuu Caa'isha amray in ay sahaydii
dagaalka u diyaariso, cidna weli arrintaas duullaanka ma
uusan ogeysiin. Waxa markaa Caa'isha u soo galay aabbeheed
Abuubakar wuxuuna ku yiri "gabadheydiiyey waa maxay is
diyaarintaan?", markaas ayey tiri "Ilaah baan ku dhaartaye
ma ogi", markaas ayuu Abuubakar yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye wakhtigan ma jiro duullaan reer banii Asfar ee
xaggee Rasuulka Alle rabaa?", markaas ayey tiri "Ilaah baan
ku dhaartaye ma garanayo". Saddexdii beri ee ugu horreysey
asxaabtu arrinkan ma aysan ogeyn hase yeeshee maalinkii
saddexaad ayaa waxaa yimid Camar binu Saalim Al-Khusaaci oo
40 ninwata, gabayo ayuuna tiriyey, markaas ayey asxaabtii
ogaadeen in qureysh ballantii ka baxday, ka dibna markii
Baddiil iyo Abuu Sufyaan ay Madiina isaga daba yimaadeen
ayey asxaabtu arrinkii xaqiiqsatay.
Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray in la is
diyaariyo, wuxuuna muslimiintii u sheegay in Makka lagu
duulayo, wuxuuna Rasuulku SCW jiho kale u diray ilaalo ka
kooban 8 nin oo uu madax u ahaa Abii Qataada binu Rabbiici
bilowgii bishii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga si ay
cadawga Alle ugu maleeyaan in Rasuulku SCW dhinacaa ku
duulayo. Ilaaladii markii ay meeshii loo direy gaareen ayey
ka war heleen in Rasuulkii SCW Makka ku duulay, markaas ayey
soo noqdeen oo ka daba tageen.
Intii uusan Rasuulku SCW bixin ayaa nin asxaabta
ka mid ahaa oo la oran jirey Xaadhib ibnu abii Baltaca
waraaq u qoray Qureysh taas oo uu ugu sheegayo duullaanka
Rasuulka SCW, wuxuu warqaddii u sii dhiibay haweeney gaalo
ahayd oo u socotay Makka, waxayna dhex gelisay madaxeeda.
Rasuulka SCW ayaa arrinkaa loo waxyooday, markaas ayuu ka
daba diray haweentii Cali Abii-Dhaalib iyo Miqdaad binu
Aswad oo ku yiri "baxa ilaa aad ka gaartaan beerta Khaakh oo
ay joogto haweney wadda waraaq u socota qureysh".
Cali iyo Miqdaad fardohoodii ayey qaateen, waxa
ayna ka daba tageen haweentii oo joogta meeshii uu Rasuulku
SCW u tilmaamay, markaas ayey haweentii ku dheheen "warqad
ma waddaa?", waxay tiri "ma wado?", markaas ayey baareen
reeryadeedii iyo alaabtii ay wadatay oo dhan, markii ay wax
ka waayeen ayaa Cali haweentii ku yiri "Rasuulkii Alle been
sheegi maayo, Ilaah baan ku dhaartaye waad soo bixinaysaa
warqadda ama waan ku qaawineynaa". Haweentii markii ay
aragtay in uusan Cali kaftamayn oo ay dhab ka tahay ayey
tiri "sii jeesta", marki ay jeesteen ayey furtay madaxeedii
oo warqaddii ka soo dhex saartay.
Ka dib warqaddii Rasuulka SCW ayaa loo geeyey,
markii la fureyna waxaa ku qornaa in ay ka socota Xaadhib
ibnu abii Baltaca kuna socota Qureysh, kana warramaysay
duullaanka Rasuulka SCW. Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Xaadhib
oo ku yiri "maxay arrintani tahay Xaadhib?", markaas ayuu
yiri "Rasuulkii Allow ha igu degdegin, Ilaah baan ku
dhaartaye anigu waxa aan ahay mu'min Alle iyo Rasuulkiisa
rumeeyey, mana riddoobin, mana beddelin (diinteyda) laakiin
waxa aan ahaa nin qureysh ku dhex jira oo aan ka dhalan,
waxaana ii dhex jooga xaas, ilmo iyo qaraabo, cid
ilaalinaysana ma jirto, asxaabta (muhaajiriinta) aan la
duullaan galayana waxa aya leeyihiin qaraabo u ilaalineysa
(maatadooda). Waxa aan marka jeclaystay haddii la dagaallamo
in aan agtooda (qureysh) ku yeesho gacan ilaalisa dadkayga".
Cumar binu Khadhaab ayaa markaa yiri "Rasuulkii Allow ii daa
aan unuunka u dheereeyee, maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa
ayuu khiyaamay, waana munaafaqoobay", markaas ayuu Rasuulku
SCW ku yiri Cumar "wuxuu ka qayb galay (Xaadhib) Badar ee
maxaa ku ogeysiiyey Cumarow in Allaah daalacaday Ehlu-Badar
oo ku yiri "wixii aad doontaan sameeya waan idiin dembi
dhaafaye", markaas ayaa Cumar indhihiisii ilmeeyeen oo uu
yiri "Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan", Allena
isaga oo arrinkaas kahadlaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri:
((KUWA
MU'MINIINTA AHAW HAKA DHIGANINA CADAWGAY IYO CADAWGIIN
AWLIYO (SAAXIIBO) IDINKOO U RIDAYA (U MUUJINAYA) JACAYL,
WAXAY KU KUFRIYEEN WIXII IDIIN YIMID OO XAQA AHAA, WAXAY
SAAREEN RASUULKA SCW IYO IDINKABA, ALLE OO AAD RUMEYSEEN OO
AHAA RABBIGIIN DARTII, HADDII AAD U BAXDEEN JIHAADKA JIDKA
ALLE IYO DALBIDDA RAALI AHAANSHAHAYGA, WAXAAD KU
SIRAYSANAYSAA JACAYL, ANNA WAAN OGAHAY WAXAAD QARSANAYSAAN
IYO WAXAAD MUUJISANAYSAAN, QOFKII IDINKA MID AH OO SAAS
SAMEEYANA WAXA UU KA LUMAY WADDADII SAXDA AHAYD, HADDAY IDIN
QABTAAN WAXA AY IDIIN NOQONAYAAN COL, WAXAYNA GACMAHA IYO
CARRABKABA IDIINKU FIDINAYAAN XUMAAN, WAXAYNA JECEL YIHIIN
INAAD GAALAWDAAN, IDINMA ANFACAYSO QARAABADIINA IYO
CARRUURTIINU, MAALINKA QIYAAMAHANA WAA LA IDIN KALA
SAARAYAA, ALLENA WAXAAD CAMAL FALAYSAAN WAA ARKAA)),
(Suuratul-Mumtaxina 1-3).
Rasuulka SCW waxa uu ka soo baxay Madiina 10kii
bishii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga isaga oo wata 10,
000 oo asxaabtiisa ah, wuxuuna Madiina madax uga soo dhigay
Abaa Rahmul-Qafaari. Markii uu Rasuulku SCW Makka u soo
dhowaaday oo uu marayo Juxfa agteeda ayaa waxaa u yimid
adeerkiis Cabbaas binu Cabdimudhalib, ka dibna hore ayey u
sii socdeen Rasuulka SCW iyo ciidankiisu, markii ay marayaan
meesha la yiraahdo Abwaa' ayaa waxaa u yimid ina adeerkiis
Abuu Sufyaan binu Xaarith binu Cabdimudhalib iyo ina
eedadiis Cabdullaahi binu abii Umaya, markaas ayuu Rasuulkku
SCW ka jeestay labadoodii maxaa yeelay markii Makka la
joogay ayey aad u dhibi jireen Rasuulka SCW iyo islaamka,
markaas ayey Rasuulka SCW xaaskiisii Ummu Salama ku tiri "ha
ka dhigin ina adeerkaa iyo ina eeddahaa dadka kuwa ugu ayaan
daran", Calina wuxuu la hadlay abuu Sufyaan oo ku yiri
"dhinaca Rasuulku SCW u jeedo inta ad uga timaaddid ku dheh
sidii ay Nabi Yuusuf ku dheheen walaalihiis oo kale;
"Waxay
dheheen Allaan ku dhaaranaye Alle wuu naga kaa doortay,
waxaanuna ahayn kuwa gafsan". (Suuratu-Yuusuf 91).
Maxaa yeelay Rasuulku kama raalli noqdo in laga
hadal wanaagsanaado". Abuu Sufyaan intuu Rasuulka SCW u
tegey ayuu sidii sameeyey, markaas ayuu Rasuulku SCW ugu
jawaabay sidii Nabi Yuusuf walaalihiis ugu jawaabay oo
ahayd:
"Wuxuu
yiri canaani korkiina ma ahaanin, Allena ha idiin dambi
dhaafo isagaa Naxariis badane". (Suuratu-Yuusuf 92).
Dabadeed
Abuu Sufyaan wuxuu tiriyey gabay uu Rasuulka SCW ku
ammaanayo.
Rasuulka SCW iyo asxaabtu way soommanaayeen oo
waxaa lagu jirey bishii Ramadaan. Sidaa darteed markii ay
marayaan meesha la yiraahdo Kudaydan oo Makka u jirta 86 km
oo biyo lahayd ayaa Rasuulku SCW arkay asxaabtii oo diif ka
muuqato, markaas ayuu afuray, iyagiina way afureen maxaa
yeelay waxa ay ahaayeen musaafiriin jihaad ku jira.
Rasuulku SCW wuxuu habeenkii dambeeyey
socodkiisa degey meeshii la oran jirey Marri Dahraan haddase
loo yaqaan Waadi faadima. Wuxuu ciidankii amray in cid walba
dab shidato, markaas ayaa waxaa la shiday 10,000 oo dab,
wuxuu Rasuulku SCW habeenkaa waardiyaha ciidanka u dhiibay
Cumar binu Khadhaab, Nabiga SCW adeerkiis Cabbaasna wuxuu
qaatay baqashii caddayd ee Rasuulka SCW wuxuuna baxay isaga
oo ah wardoon oo raadinaya qureysh xaalkeeda. Qureysh ma
aysan maqal soo bixitaanka Rasuulka SCW iyo ciidankiisa,
markaas ayaa waxaa habeenkaas bixitaanka wardoon ahaan u soo
baxay hoggaamiyahoodii Abuu Sufyaan ibnu Xarbi iyo Xakiim
binu Xisaam iyo Baddiil binu Warqaa. Wuxuu yiri Cabbaas binu
Cabdhimudhalib "Ilaah baan ku dhaartaye aniga oo saaran
(baqashii) ayaan maqlay Abuu Sufyaan iyo Baddiil oo hadalka
isdhaafsanaya oo Abuu Sufyaan leeyahay "dabka iyo ciidammada
caawa oo kale weligay ma arag", markaas ayaa Baddiil yiri
"waa reer Khusaaca oo dagaal isu diyaarinaya", markaas ayuu
Abuu Sufyaan yiri "Khusaaca waa ka yar tahay uma ahaan karto
dabkaan iyo mucaskarkaan". Ka dib waxaan aqoonsaday codkiisa
waxaanna ku iri "Abuu Xandala", markaas ayuu isna codkayga
gartay oo yiri "ma Abaa Fadli baa?", waxaan iri "haa", muxuu
yiri "aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee maxaad haysaa?",
markaas ayaan iri "waa kan Rasuulkii Alle, qureyshna waa
lagu waa beriisan", wuxuu yiri "war maxaa talo ah aabbahay
iyo hooyaday ha lagugu furtee?", waxa aan iri "Ilaah baan ku
dhaartaye haddii lagu arko qoorta ayaa lagaa goynayaa ee ila
soo fuul baqasha ilaa aan Rasuulka Alle kaag geeyo oo aan
kuu magan weydiiyo", markaas ayuu ila soo fuulay baqashii,
labadii nin ee la socotayna way iska laabteen. Mar kasta oo
aan dab ka mid ah dababkii muslimiinta dhaafayo waxa ay i
lahaayeen "waa kuma kani?", markii ay arkaan baqashii
Rasuulka SCW iyo aniga ayey dhahayeen "waa Rasuulkii Alle
adeerkiis iyo baqashiisii" ilaa aan ka soo gaaray dabkii
Cumar binu Khadhaab. Cumar wuxuu yiri "waa kuma?", wuuna soo
istaagay, markii uu Abuu Sufyaan oo dabbadda gadaal ka
saaran ayuu yiri "waa Abuu Sufyaan, cadowgii Alle. Ilaah baa
mahad leh oo soo gacan geliyey annaga oo aan heshiis iyo
ballan lahaydn", ka dib Rasuulka SCW ayuu Cumar isku sii
daayey aniguna baqashii baan eryay oo waan uga hor maray
Rasuulka SCW.
Markii aan Rasuulka SCW u galay ayaa Cumarna soo
galay oo yiri "Rasuulkii Allow kani waa Abuu Sufyaan ee ii
daa aan qoorta ka gooye", markaas ayaan iri "Rasuulkii Allow
aniga ayaa magan geliyey", ka dibna Rasuulka SCW ayaan ag
fariistay oo madaxa qabtay waxaanna iri "Ilaah ayaan ku
dhaartaye in uusan la hadlayn axad kale caawa". Markii uu
Cumar badiyey arrintii ayaan ku iri "aamus Cumar Ilaah baan
ku dhaartaye haddii uu ahaan lahaa raggii reer banii Cadiyi
ibnu Kacab ma aadan tiraahdeen waxaan oo kale", wuxuu Cumar
yiri "aamus Cabbaas Ilaah baan ku dhaartaye islaamiddaada
ayaan ka jeclaa in uu islaamo Khadhab (aabihiis) wax kalena
maaha ee waxa aan ogaa in islaamiddaada uu Rasuulka Alle ka
jecel yahay tan Khadhaab". Rasuulku SCW wuxuu markaas igu
yiri "la tag Cabbaas oo rartaada la aad, markii aad waa
beriisatana ii keen", markaas ayaan la tegey, markii uu
waagii beryayna Rasuulka SCW ayaan kula soo kallahay.
Markii Rasuulku SCW arkay ayuu ku yiri "war
hooge Abuu Sufyaan ma waadan gaarin waqtigii aad ogaan
lahayd Alle mooye Ilaah kale in uusan jirin?", wuxuu yiri
"aabbahay iyo hooyaday ha lagugu furtee, yaa kaa dulqaad
badan oo kaa karaamayn badan, kaana xiriirin badan. Hoddaan
malaynayo Allaah in uu la jiro Ilaah kalena wax buu ii tari
lahaa", wuxuu yiri Rasuulku SCW "hooggaaga ee Abuu Sufyaan
ma waan la gaarin waqtigii aad ogaan lahayd in aan ahay
Rasuulkii Alle?", wuxuu yiri "aabahay iyo hooyaday ha lagugu
furtee, yaa kaa dulqaad badan oo kaa karaamayn badan, kaana
xiriirin badan. Laakiin tan (Rasuulnimada) ilaa hadda
naftaydu kuma qanacsana", markaas ayaa ku iri "war hoogaaga
ee islaam oo qir in Alle maahane uusan Ilaah kale jirin,
Maxammedna Rasuulkii Alle yahay intii aan unuunka laguu
dheerayn", markaas ayuu islaamay oo Ilaahay isu dhiibay".
Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib ku yiri Abuu
Sufyaan "orad oo dadkaagii badbaadi, kuna dheh qofkii
xaramka gala waa aammin, kii albaabkiisa xirtana waa
aammin", markaas ayaa Cabbaas ku yiri Rasuulka SCW
"Rasuulkii Allow Abuu Sufyaan waa nin magac jecel ee wax u
yeel", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "qofkii daarta Abuu
Sufyaan galana waa aammin".
Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray ciidankii in la
dhaqaaqo iyagoo ka baxaya Marri Dhahraan una socda Makka,
subaxdaas waxa ay ahayd talaado, 17kii Ramadaan, sannadkii
8aad ee hijriga, waana subaxdii Makka la furtay.
Rasuulku SCW wuxuu Cabbaas amray in uu Abuu
Sufyaan joojiyo ciidammada hortooda si uu u arko ciidamada
Alle. Cabbaasna sidii ayuu yeelay, markaas ayaa ciidammadii
soo mareen iyaga oo koox koox u socda. Abuu Sufyaan mar
kasta oo uu ciidan soo maro wuxu lahaa "waa kuwama
Cabbaasow?", markii Cabbaas u sheego oo yiraahdo "waa reer
hebel" ayuu oranayey "maxaa aniga ikyo rer habelna isu kaaya
keenay" ilaa ay markii ugu dambaysay soo mareen labadii
garab ee cagaarnaa (Muhaajiriin iyo Ansaar) oo ahaa
kumaandooskii ciidanka muslimiinta uuna dhex socday
Rasuulkii Alle. Markaas ayuu Abuu Sufyaan yaabay oo yiri
"Subxaana laah maxay yihiin kuwaanina Cabbaasow?", Cabbaas
ayaa yiri "waa Muhaajiriiin iyo Ansaar oo uu Rasuulkii Alle
dhex socdo", wuxuu yiri Abuu Sufyaan "ma jirto cid ka hor
imaan karta kuwaan oo awood u leh, Ilaah baan ku dhaartaye
Abaa Fadliyow wiilkii aad adeerka u ahayd (nabiga SCW)
boqortooyadiisii way weynaatay maanta", Cabbaas ayaa yiri
"Abuu Sufyaan arrinku waa nabinnimo", markaas ayuu yiri "waa
run".
Sacad binu Cubaada oo waday calanka Ansaarta
ayaa soo ag maray Abuu Sufyaan oo ku yiri "maanta waa maalin
dagaal, waa maalinkii la xalaaleeyey (waxyaalihii) xurmada
lahaa, waa maalintii Alle dulleeyey qureysh", markaas ayuu
Abuu Sufyaan Rasuulka SCW u tegey oo ku yiri "Rasuulki
Allow ma waadan maqal waxa Sacad yiri?", markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "oo muxuu yiri?". Abuu Sufyaan ayaa markaa
warkii Sacad u sheegay, markaas ayaa Cusmaan binu Cafaan iyo
Cabdiraxmaan binu Cawf la hadleen Rasuulka SCW oo ku dheheen
"Rasuulkii Allow aammin kama nihin (Sacad) in qureysh dhib u
geysto", markaas ayaa Rasuulku SCW waxa uu Abuu Sufyaan ku
yiri "sidaas ma aha ee maanta waa maalin Kacbada la
weyneeyey, waana maalin Ilaahay ciseeyey Qureysh".
Ka dib wuxuu Rasuulku SCW u cid diray Sacad oo
ka qaaday calankii, wuxuuna u dhiibay wilkiisii Qays binu
Sacad, waxa kale oo la dhahaa wuxuu u dhiibay Subayr, sidoo
kale waxaa la dhahaa lagamaba qaadin Sacad. Rasuulku SCW
wuxuu markaas ku yiri Abuu Sufyaan 'badbaadi dadkaaga",
markaas ayuu Abuu Sufyaan baxay oo isaga oo degdegaya
xaramkii galay, wuxuuna ku dhawaaqay cod dheer isaga oo leh
"qureysheey kani waa Maxammed oo idiinla yimid wax aydaan
awood u lahayn ee qofkii gala daarta Abuu Sufyaan waa
aammin", markaas ayey xaaskiisii Hinda bintu Cutba istaagtay
oo ku dhegtay shaaribkiisa iyada oo leh "dila axmaqa",
markaas ayuu yiri "war hooggiinnee tani yeysan naftiinna
kedinnin, wuxuu la yimid Rasuulku SCW wax aydaan awood u
lahayn qofkii gala daarta Abuu Sufyaan waa aammin", markaas
ayey dheheen "Alle ku dilye ma daartaada ayaa na deeqda?",
markaas ayuu yiri "qofkii albaabkiisa xirta waa aammin, kii
masjidka (xaramka) galana waa aammin", markaas ayey dadkii
ku kala yaaceen guryahoodii iyo xaramka hase yeeshee koox ay
madax u yihiin Cikrama ibnu Abii Jahal iyo Safwaan binu
Umaya ayaa diidey, waxa ayna dheheen "waan dagaallamaynaa",
kooxdaas nin ku jirey oo la oran jirey Xamaas binu Qays aya
isaga oo hubkiisii urursanaya waxaa arkay xaaskiisii oo ku
tiri "yaad u urursanaysaa waxan aan arko?", wuxuu yiri
"Maxammed iyo asxaabtiisa", markaas ayey tiri "Ilaah baan ku
dhaartaye Maxammed iyo asxaabtiisa cid ma hor istaagi
karto", wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan
rajaynayaa in aan qaarkood khaaddim kaaga dhigo", wuxuuna
tiriyey tix yar oo micneheedu yahay (cillad iguma sugnaa
haddii ay maanta soo qaabbilaan Makka kani waa hubkeygii iyo
aaladdaydii oo dhamays tiran).
Rasuulku SCW markii uu Makka soo gelayey aad
ayuu Allaah ugu khuduucay, madaxiisana waa raariciyey,
wuxuuna Alle ugu shukriyey nicmada uu ku karaameeyey iyo
nasriga uu siiyey. Rasuulku SCW wuxuu amray Khaalid binu
Waliid oo watay ciidanka dhinaca midig in uu Makka ka soo
galo dhinaca hoose, wuxuuna ku yiri "haddii qof reer qureysh
ah kaa hor yimaaddo xaaq oo tir tir, soona soco ilaa aad
iigu timaado Safwa". Sidoo kale wuxuu amray Subeyr oo isna
watay garabka bidix ee ciidanka in uu Makka ka soo galo
dhinaca kore oo calankiisa ka muto Xujuum, halkaasna uu
joogo ilaa uu Rasuulku SCW uuga yimaaaddo. Abuu Cubeyda oo
isna madax u ahaa saadka, wuxu amray in uu tagga soo dhex
maro.
Qayb walba oo ciidanka ka mid ahayd meeshii loo
xilsaaray ayey martay. Khaalid iyo ciidankiisii qofkii ka
hor yimaada oo gaala qureysh ka tirsan way qabanayeen ilaa
ay markii dambe uga yimaadeen ciidankii ay Cikrama ikyo
Safwan urursadeen, wuxuu markaa ka dhigay wax uu dilo, wax
uu qabto iyo wax ka cararay. Kuwii cararay waxaa ka mid ahaa
Cikrama binu Abii Jahal, Safwaan binu Umaya iyo Xamaas binu
Qays. Xamas oo ahaa ninkii hubka urursanayey oo haweentiisa
ku lahaa "khaaddim baan kuu keenayaa" wuxuu gurigiisii galay
isaga oo ordaya, wuxuuna ku yiri xaaskiisii "albaabka ii
xir", maraas ayey tiri "meeyey wixii aad sheegaysay
(khaaddimkii)?", markaas ayuu tiriyey tix yar oo uu ku
leeyahay (hadii aad joogi lahayd maalinka Khandama markii ay
carareen Safwaan iyo Cikrama (waad yaabi lahayd), waxaa
nalala soo qaabbilay seefo carbisan oo goynaya meel walba,
shanqarna aan laga maqlayn". Khaalid iyo ciidankiisii sidii
ayey Makka u soo dhex mareen ilaa ay Rasuulka SCW ugu
yimaaddeen Safwa.
Subeyr iyo ciidankiisii meeshii uu Rasuulku SCW
amray ee Xujuum ayey calankoodii ka muteen, waxa ayna
joogeen ilaa uu Rasuulku SCW uga yimid. Rasuulkuna SCW isaga
oo ay dhinaca kasta ka socdaan Muhaajiriin iyo Ansaar ayuu
galay xaramkii, markaas ayuu Xajarul-Aswadkii dhunkaday,
Beytkana dawaafay, wuxuna ul yar oo uu watay ku mudmuday
asnaamtii meesha taalley oo gaareysey 360 sanam isaga oo
akhrinaya aayaddan micnaheedu yahay:
((WAXAA
DHAHDAA XAQII AYAA YIMD BAADHILKIINA WAA TIR TIRMAY, WUXUUNA
AHAADAY BAADHILKU MID TIR TIRMA)), (Suuratul-Israa 81).
Ka dib asnaamtii way hoobteen. Wuxuu Rasuulku
SCW beytka dawaafay isaga o daabbadiisii saaran, markii uu
dhammaystayna wuxuu u yeeray Cismaan binu abii Dhalxa oo
ahaa ninkii Kacbada fureheeda hayey, wuxuuna ka qaatay
furihii kacbada oo amray in loo furo, markii loo furayna wuu
galay, markaas ayuu ku arkay asnaam taalla oo ay ka mid
ahaayeen labo sanam oo qoryo hasta ayna dhihi jireen "waa
suuraddii Nabi Ibraahiim ikyo Nabi Ismaaciil, qoryahaasna
waa ku faalin jireen", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Alle
ha naclado Ciddii falkan samaysay, Ilaah baan ku dhaartaye
weligood faal wax kuma samayn (Ibraahiim iyo Ismaaciil)". Ka
dib Rasuulku SCW wuxuu xirtay albaabkii kacbada, waxaana
kula jirey Usaama binu Seyd iyo Bilaal, wuxuuna u dhowaaday
derbia albaabka xiga oo uu u jirsaday saddex dhudhun, ka
dibna wuu tudakay. Kacbaduna waxa ay markaa lahayd lix tiir,
saddex gadaal ayey ka jireen meeshii uu Rasuulku SCW ku
tukanayey labana dhinaca bidix, halna midig. Ka dib
albaabkii ayuu furay isaga oo takbiirsanaya oo Alle
weyneynaya, qureyshna xaramka ayey ka buuxeen iyaga oo saf
saf ah oo sugaya waxa lagu samayn doono. Rasuulku SCW markii
uu soo baxay wuxuu istaagay albaabka agtiisa, qureyshna wax
ay fadhiyeen hoostiisa, markaas ayuu Rasuulku SCW wuxuu
jeediyey khudbaddan:
Allaah mooye Ilaah kale ma jiro, keligiis weeye,
shariikna ma leh, wuuna ku
run sheegay ballantiisii, una gargaaray
addoonkiisii, keligiis ayaana jebiyey axsaabta.
Hooy wax kasta oo aar gudasho ahaa ama maal aha
ama dhiig, waxaa weeye labadaydan lugood
hoostooda (waa la duugay) illaa fure hayayaasha
xaramka iyo waraabiyayaasha xujeyda maahane
(iyaga booskoodii way haynayaan oo laga qaadi
maayo).
Hooy dilitaanka kama'da ihi wuxuu u eg yahay (la
mid yahay) kaska, waxayna magtiisu tahay 100 geel ah oo ay
ku jirto 40 rimman, Qureysheey Ilaah waa idinka baabi'iyey
faankii jaahiliga iyo aabbayaashii la weyneyn jirey. Dadka
oo dhammi Aadam bay ka yimaadeen, Aadamna ciid baa laga
abuuray), wuxuu markaa aqriyey aayaddan micnaheedu yahay:
((DADOW
WAXAAN IDIN KA ABUURNAY LAB IYO DHADIG WAXAANA IDINKA
YEELNAY SHACABO IYO QABIILO SI AAD ISUGU AQOONSATAAN,
WAXAANA ALLE AKTII IDINKUGU KARAAMO BADAN KAN IDINKUGU
TAQWADA BADAN)), (Suuratul-Xujuraat 13).
Ka dibna waxa uu yiri: Qureysheey
maxaad u malaynaysaan in aan idinku samayn doono? Waxa ay
qureysh dheheen "kheyr, waxa aad tahay walaal wanaagsan oo
uu dhalay walaal wanaagsan", markaas ayuu Rasuulku SCW ku
yiri "waxa aan idinku oranayaa sidii uu Yuusuf walaalihiis
ku yiri oo kale:
((CANAANI
DUSHIINA MA AHAANIN MAANTA, ALLENA HA IDIIN DAMBI DHAAFO
ISAGAA ARXAMU RAAXIMIN AHE)), (Suuratu-Yuusuf 92).
Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW ku yiri "orda iska
taga waxa aad tihiin kuwa la sii daayaye", ka dib Rasuulku
SCW masaajidkii ayuu fariistay. Waxaa markaa istaagay
Cabbaas binu Cabdimudhalib oo yiri "Rasuulkii Allow isugu
kaaya dar maamulka iyo waraabinta", markaas ayuu Rasuulku
SCW isaga oo aan u jawaabin wuxuu u yeeray Cusmaan binu
Dhalxa, markii uu u yimidna wuxuu ku yiri "waa kan
furahaagii Cusmaan, maanta waa maalin samo fal iyo oofin",
ka dib salaaddii duhur ayaa soo gashay, markaas ayuu
Rasuulku SCW amray Bilaal in uu kacbada fuulo oo addimo,
markii uu Bilaal addimayey ayaa waxaa maqlay Abuu Sufyaan
binu Xarbi, Cataab binu Seyd iyo Xaarith binu Hishaam
(odayaashii qureysh) oo kacbada ag fadhiyey, markaas ayaa
Cataab yiri "Ilaahay waa karaameeyey Useyd (aabbihiis)
haddii uusan maqlin tan, wuxuuna maqli lahaa wax caro
geliya", Xaarith ayaa markaa hadlay oo yiri "Ilaah ayaan ku
dhaartaye haddii aan ogaan lahaa inuu xaq yahay waan raaci
lahaa", markaas ayaa Abuu Sufyaanna hadlay oo yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye in aannan waxba oranayn, haddii aan hadlo
waxaa iga warramaysa ciidda". Nabiga SCW ayaa markaas ku soo
baxay wuxuuna ku yiri "waan ogaaday waxa aad tiraahdeen"
wuuna u sheegay, markaas ayey Xaarith iyo Cataab dheheen
"waxa aan qiraynaa in aad rasuulkii Alle tahay. Ilaah baan
ku dhaartaye in uusan na arag qof aan niraahno wuu kuu
warramay". Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii ina
adeertiis Ummu Haani bintu Abii-dhaalib, halkaas oo uu ku
qubesytay kuna tukaday 8 rakcadood oo salaatu-Shukri ah oo
uu Alle uga mahad celinayo nasriga iyo furashada. Rasuulka
SCW intii uu halkaa joogay waxaa u timid Ummu Haani,
waxayna Rasuulku SCW u sheegtay in labo nin oo ay magan
gelisay uu walaalkeed Cali binu Abii-Dhaalib doonayo in uu
dilo, makraas ayuu Rasuulku SCW yiri "waan magan gelinnay
cidda aad magan gelisay Umma Haani".
Rasuulku SCW wuxuu dhiiggooda banneeyey oo uu
amray in la dilo 9 qof oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu
dhibka badnaa qureysh, aadna u dhibay Nabiga SCW iyo
islaamka. waxa ay 9kaas qof kala ahaayeen:
Cabdullaahi binu abii Sarrax oo islaamka ka soo
riddoobay, Makkana u soo fakaday.
Cikrama binu Abii Jahal
Xaarith binu Nufeyl binu Wahab
Muqayas binu Sabaaba
Habaar binu Aswad
Cabdulcusa binu Khadhal iyo labo addoon oo uu
lahaa oo heesi jirey, heesahoodana ku caayi jirey Nabiga SCW
iyo Saara oo ahayd haweentii warqaddii Xaadhib laga helay.
Cabdullaahi binu Surraax waxaa keenay Cusmaan
binu Cafan isaga oo Nabiga SCW u magan gelyo weydiinaya hase
yeeshee Nabiga SCW xoogaa ayuu ka aammusay isaga oo raba in
go'aankiisii hore la fuliyo oo ninkaas qoorta loo dheereeyo,
ka dibna wuu iska cafiyey oo Cusmaan ayuu magangelyadii ka
aqbalay.
Cikrama binu Abii Jahal wuxuu u fakaday Yaman,
ka dibna xaaskiisii ayaa Nabiga SCW u timid oo u magangelyo
weydiisay, Nabiga SCW wuu ka yeelay. Dabadeedna Cikrama wuu
soo laabtay, wuuna islaamay oo islaamnimadiisi way
wanaagsanaatay.
Ibnu Khadhal wuxuu ku dhegay tiirarka kacbada
isaga oo u maleynaya in uu ku badbaadayo, markaas ayaa nin
asxaabta ka mid ahi u soo sheegay Rasuulka SCW, Rasuulkuna
SCW wuxuu amray in la dilo, waana la dilay.
Xaarith binu Nufeyl oo isna ahaa nin aad
Rasuulka SCW Makka ugu dhibi jirey waxaa isna diley Cali
binu Abii-Dhaalib.
Hubaar binu Aswad, oo isna ahaa nin dhib badan,
markii ay gabadhii Rasuulka SCW ee Seynab haajireyseyna ahaa
ninkii ka daba tegey oo ku dhuftay dhagax kana soo riday
ilmihii ay caloosha ku wadday, markii uu arkay in Makka la
qabsaday ayuu cararay, ka dibna wuu islaamay,
islaamnimadiisiina way wanaagsanaatay.
Labadii gabdhood ee heesaha cayda ah u tirin
jirey Rasuulkana middood waa la diley, tii kalena waa la
magangeliyey, wayna islaamtay. Saariya iyadana waa la
magangeliyey wayna islaamtay.
Xaakim wuxuu weriyey in ay ka mid ahaayeen dadka
dhiiggooda la banneeyey Kacab binu Suheyr, Waxshi binu Xarbi
iyo Hindu bintu Cutba hase yeeshee saddexduba way soo
islaamaeen, islaamnimadoodiina way wanaagsanaatay.
Ninkii la oran jirey Safwaan binu Umaya isagu
kuma jirin dadkii dilka lagu xukumay hase yeeshee maaddaama
uu ahaa nin ka mid ah hoggaamiyayaashii qureysheed wuxuu u
baqay naftiisa wuuna cararay, markaas ayaa waxaa Rasuulka
SCW u magangelyo weydiiyey Cumer ibnu Wahab Al-Jumuxi,
Rasuulkuna SCW wuu ka yeelay, wuxuuna Cumeyr siiyey
cimaamaddiisii uu Makka ku soo galay si ay calaamad ugu
noqoto magangelintiisa. Cumeyr wuxuu ka daba tegey Safwaan
oo doonaya in uu xeebta Jiddah ka raaco doon u socota Yaman,
wuuna soo celiyey. Safwaan markii uu soo laabtay ayuu
Rasuulka SCW ka codsaday in uu siiyo muddo labo bilood ah si
uu islaamka uga fekero, Rasuulkuna SCW labadii uu cdsaday
labo kale ayuu ugu daray oo wuxuu yiri "afar bilood ayaad
ikhtiyaar leedahay", ka dib Safwaan wuu islaamay,
haweentiisa ayaase ka hor islaamtay, Rasuulkuna SCW
nikaaxoodii hore ayuu u daayey.
Ninkii ahaa waxshi oo xamsa dilay isna waxa uu u
cararay Daa'if isaga oo ka baqaya in la dilo, markii ay reer
Daa'if islaameena isaga oo raba in uu shaam u cararo ayaa
lagu yiri rasuulku SCW ma dilo qofkii u taga isagoo tawbad
keen ah oo soo islaamay, markaasuu Rasuulka SCW Madiina ugu
tagay oo islaamay, islaamnimadiisiina way wanaagsanaatay.
Sidoo
kale waxaa isna Daa'if u cararay ninkii ahaa abuu Caamir
Al-faasiq, markii ay reer Daa'if islaameena waxa uu u
cararay shaam, dabadeedna halkaas ayuu ku bakhtiyey.
Rasuulku SCW maalinkii uu Makka furtay maalinkii
ku xigay ayuu dadkii oo dhan u khudbeeyey, wuxuuna ku yiri
markii uu Ilaahay mahadiyey ka dib "Dadow Ilaahay wuxuu
xarrimay Makka markii uu Samaawaatka iyo dhulka abuuray, qof
iga horreeyey iyo mid iga dambeeyana looma xalaalaeyn,
anigana waxaa la ii xalaaleeyey saacad maalin ka mid ah,
haddana waxa ay ku laabatay xurmadeedii, xalaalna uma aha
qof Alle iyo aakhiro rumeeyey in uu dhiig ku daadsho ama
gooyo dhriteeda. Haddii uu qof daliishado dagaalka Rasuulka
Alle waxa aad tiraahdaan "Alle ayaa Rasuulkiisa u idmay,
adigase laguuma idmin", anigana waxaa la ii xalaaleeyey
saacad maalin ka mid ah maantana waxa ay ku laabatay
xurmadeedii sidii xurmadeedii shalay oo kale. Qofkii jooga
ha gaarsiiyo kan maqan". Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW yiri
"dhirteeda lama gooyo, ugaarteedana lama cayrsho,
baadideedana lama qaado ilaa qof yaboohinaya ma ahane,
daaqeedana lama guro", maraas ayuu Cabaas yiri "Rasuulkii
Allow Idkharka ka reeb, maxaa yeelay (waa geed) aan ku
samaysano guryahayaga, naxashkana waan ka dhigannaa",
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Idkhar ma ahane".
Reer Khusaaca ayaa sidoo kale maalinkaas waxa ay
dileen nin reer banii Leyth ah oo ay u dileen dakano hore oo
laga qabay, markaas ayaa rasuulku SCW yiri "reer Khusaacow
kor uga laaba gacmihiinna dilka, dil waa batay haddii uu
waxtarayee, waxaadna disheen nin aan magtiisa bixinayo,
qofkii la dilo halkan aan taagnahay wixii ka dambeeya
ehelkiisii labo midkood ayey dooranayaan: in ay u dilaan iyo
in ay mag qaataan. Markaas ayaa waxaa istaagay nin reer
Yaman ah oo la oran jirey Abuu Shaah oo yiri "Rasuulkii
Allow ii qor", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "u qora Abuuu
Shaah.
Markii ay dhammaatay qabashadii Makka oo ay
magaaladii isku dubba dhacday ayey Ansaartii waxa ay ka
baqeen maaddaama Ilaahay Rasuulkiisii u furay Makka in uu
Rasuulku SCW magaaladiisii uu ku dhashay dego, markaasa ayey
Rasuulka SCW oo Safwa taagan oo Ilaahay ku baryaya is
yiraahdeen "ma dhici kartaa Rasuulka in haddii uu Ilaahay u
furay magaaladiisii iyo dhulkisii uuu dego?". Markii uu
Rasuulku SCW ducadii soo dhammaystay ayuu u yimid oo ku yiri
"Maxaad tiraahdeen", markaas ayey u sheegeen, wuxuu Rasuulku
SCW ku yiri "Ilaah baan ka magan galnay (taas) noloshu waa
noloshiina, dhimashaduna waa dhimashadiina" taas oo ula
jeedo magaaladiinna (Madiina) ayaan ku noolaanayaa kuna
dhimanayaa.
Dadkii reer Makka markii uu xaqii u caddaaday oo
ay arkeen islaamka maahane in waddo kale oo guul lagu gaari
karo jirin aye isa soo uruursadeen iyaga oo Rasuulka SCW la
mubaayacoonaya, Rasuulkuna SCW wuxuu fariistay Safwa oo ay
dadku ugu tagayeen, Cumarna hoostiisa ayuu taagnaa oo dadka
ayuu u soo gudbinayey. Rasuulku SCW wuxuu Makka joogey 19
beri oo uu dadka hanuunka ugu yeerayey, islaamkana barayey,
wuxuuna amray in la burburiyo asnaamtii xaramka taalley
dhammaantood, magaalada Makka gudaheedana wuxuu u direy nin
naadinaya oo leh "qofki Alle iyo maalinka aakhiro rumeeyey
yuusan gurigiisa sanam uga tegin ilaa uu burburiyo ma
ahane.
Intii uu Makka joogey wuxuu Rasuulku SCW ciidamo
u kala diray asnaamtii waaweynaa ee la caabudi jirey, siiba
kuwii uu qur'aanku sheegay ee Laata, Cusa iyo Manaat oo ugu
caansanaa Khaliijul-Carab. Cusa oo ahaa sanamkii ugu weynaa
ee qureysh oo dhan caabudi jirtey wuxuu rasuulku SCW u diray
Khaalid binu Waliid oo wata 30 nin oo fardooley ah, wuxuuna
amray in uu soo dumiyo, waxaana maamulka Cusa hayey reer
banii Sheybaan. Khaalid intuu tegey oo soo dumiyey ayuu soo
laabtay, markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "wax ma soo
aragtay?", wuxuu yiri "may", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri
"ma aadan soo duminin ee laabo oo soo dumi", markaas ayuu
laabtay oo si fiican u sumiyey, markii uu si fiican u
dumiyey ayaa waxaa ka soo baxay naag qaawan oo madow,
madaxeeduna firirsan yahay oo qaylinaysa, markaas ayuu
dilay, ka dibna soo laabtay oo Rasuulka SCW u sheegay,
makraas ayaa Rasuulku SCW yiri "taasi waa Cusa oo ka
quusatay in dhulkiinna dib dambe loogu caabudo".
Sidoo kal esanamkii Hudan la oran jirey oo
yaalley meeshii la oran jirey Barhaad oo saddex mayl u
jirtey Makka wuxuu Rasuulku SCW u diray ciidan uu
hoggaaminayo Camar binu Caas. Camar markii uu meeshii tegey
ayaa ninkii maamulka meesha hayey yiri "maxaad dooneysey?",
markaas ayuu Cumar yiri "Rasuulkii Alle ayaa i soo amray in
aan dumiyo", ninkii ayaa yiri "ma awoodi kartid", Camar
wuxuu yiri "sabab?", wuxuu yiri "waa laguu diidayaa",
markaas ayaa Camar ku yiri "weli ma baadil baad ku tagan
tahay?, hooggaagee ma wax bay maqlaan ama arkaan", ka dib
Camar intuu sanamkii jejebiyey ayuu ciidankiisiina amray in
ay burburiyaan gurigii uu yaallay bal in wax ka soo baxaan
hase yeeshee waxba kama soo bixin, markaas ayaa Camar ninkii
ku yiri "maxaad aragtay?", ninkii wuxuu yiri "waan islaamay"
markii uu xaqii u caddaaday.
Sidoo kale sanamkii la oran jirey Manaat oo ay
caabudi jireen Aws, Khasraj, Qasaan iyo dad kaleba wuxuu
Rasuulku SCW u diray 20 nin oo fardooley ah oo uu madax u
yahay Sacad binu Seyd Al-ashhari. Sascad markii uu meeshii
tegey aya khaaddimkii meeshu ku yiri "maxaad dooneysey?",
markaas ayuu yiri "Manaat baan duminayaa", wuxuu yiri "adiga
ayey ku jirtaa". Markii uu Sacad ku dhaqaaqay sanamkii ayaa
waxaa ka soo baxday naaq qaawan oo madow oo hoog u
yeeranaysa, xabadkana iska garaacaysa, markaas ayaa
khaaddimkii la hadlay oo yiri "Manaateey waa kuwo kugu
caasiyey", Sacad ayaa markaas dilay, meeshiina burburiyey.
Khaalid binu Waliid markii uu ka soo laabtay
sanambkii Cusa oo uu soo burburiyey, ayuu Rasuulku SCW u
direy reer banuu Judeyma si uu islaamka ugu yeero, markaas
ayu baxay Khaalid isaga oo wata 350 Muhaajiriin iyo Ansaar
ah, markii uu u tegeyna wuxuu ugu yeeray islaamkii hase
yeeshee ma aysan dhihin waa islaamnay ee waxa ah dheheen "waa
iilannay", markaas ayuu Khaalid la dagaallamay oo laayey
soona qafaashay, nin walba oo ciidankisii ka mid ahaana
wuxuu u dhiibay maxbuus. Markii uu meel dhexe soo marayo
ayuu ciidankii amray in nin walba uu dilo maxbuuskiisa hase
yeeshee Cabdullaahi binu Cumar Khadhaab iyo rag kale oo
ciidanka ka md ah ayaa diiday in ay laayaan maxaabistooda.
Markii Rasuulku SCW loo yimid ayaa loo sheegay arrinkii,
markaas ayuu Rasuulku SCW gacmoaha kor u taagay oo yiri "Allahayow
adiga ayaan kaaga beri noqonayaa waxa uu sameeyey Khaalid",
ka dibna Rasuulku SCW nimankii la laayey magtoodii ayuu
bixiyey. Waxaa jirtey duullaankaas lagu maqnaa in Khaalid
iyo Cabdiraxmaan binu Cawf uu xoogaa muran ihi dhex maray,
markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri Khaalid "aamus Khaalid ii
dhaaf asxaabtayda, Ilaah baan ku dhaartaye haddii uu qof
baxo oo uu wax ku bixiyo jidka Alle ma gaareysid nin
asxaabtayda ka mid ah kallahaaddiisa iyo carraabadiisa".
Furashadan Makka oo ahayd nasri aad u weyn wuxuu
Ilaahay ku xoojiyey diintiisa, Rasuulkiisa SCW iyo
askartiisa. Nasrigan oo uu Ilaahay ku dahiray Beytkiisa,
kuna hoojiyey gaaladii, wuxuu ahaa mid ay muslimiintu wax
badan sugayeen. Furashadani waxa ay aad wax uga beddeshay
xaaladii Khaliijul-Carab oo hoggaankii waxaa u qabtay
islaamka, carabna waxay soo galeen islaamka oo wax ay
ogaayeen in xaramka cidda u hartaa ay xaq ku taagan tahay,
waxayna weli xusuusnaayeen wixii ku dhacay Abraha, waxayna
bilaabeen in ay koox koox iyo qabiil u soo galaan islaamka. |