DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa
soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini
aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal
iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka
bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii
diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku
noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu
markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku
bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd
haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib
u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah
ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada
qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex
sano.
Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay
ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii
ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa
wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii
ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu
Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd
binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo
wiil yar ahaa.
Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka
leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu
xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka
daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku
tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa
Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa
saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba
dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku
ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey,
waxayna kala ahaayeen:
1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu Cubeydillah
Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu
Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu
Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo
laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu
Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii
Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis),
Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale
waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo
dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey,
dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.
Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan
kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay
diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman
qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay
maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana
ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo
weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga
ahayd.