Markii Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ka soo laabteen
duullaammadii Axsaab iyo banuu Qureyda, ciidankii ugu
horreeyey ee Rasuulku SCW diro wuxuu ahaa ilaalo uu
hoggaaminayey Maxammed binu Maslama oo ka koobnayd 30 nin,
waxayna ilaaladaasi u baxday dhinaca Najdi oo uu deggenaa
qabiil la yiraahdo banii Bakar, waxaana meeshaas Madiina
looga socon jirey 7 habeen. Waqtigaas taariikhdu waxay ahayd
10kii Muxarram, sannadkii 6aad ee hijriga.
Ciidanki markii ay meesha tageen ayey qabiilkii ka
carareen meeshii, muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen
xoolohoodii qaar ka mid ah, waxayna soo qafaasheen nin la
oran jirey Thumaama binu Uthal oo odey u ahaa reer banuu
Xaniif. Waxayna Madiina ku soo laabteen 28kii ama 29kii
Muxarram iyagoo wata Thumaama binu Uthal Al-xanafi. Waxaa
ninkaas lagu xiray tiir ka mid ah tiirarka masaajidka,
Nabiga SCW ayaa u yimid oo ku yiri "maxaa haysaa Thumaama?",
wuxuu yiri "kheyr ayaa agtayda ah Maxammed, haddiii aad i
disho nin dhiig leh ayaad didhey, haddii aad i deysana nin
wax mahadiya ayaad deysey, haddii aad maal dooneysidna i
weydiiso wixii aad doontid ayaan ku siinayaa". Rasuulku SCW
wuu ka tegey, wuxuuna ku soo laabtay mar kale oo ku yiri
sidii oo kale, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaabay.
Mar saddexaad ayuu Rasuulku SCW ku soo laabtay oo sidii oo
kale ku yiri, Thumaamana sidii oo kale ayuu ugu jawaaabay.
Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu yiri "sii daaya", waana la sii
daayey.
Markii la sii daayey ayuu intuu baxay oo geed timireed
masaajidka u dhowaa tegey ayuuu soo qubeystay, ka dibna ku
soo laabtay Rasuulka SCW oo islaamay, wuxuuna Rasuulka SCW
ku yiri "Ilaah baan ku dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa
weji aan ka necbaa wejigaaga, haddana wuxuu noqday
wejigaagu kaan ugu jeclahay wejiyaasha, Ilaah baan ku
dhaartaye ma jirin dhulka dushiisa diin aan ka necbaa
diintaada, haddana waxa ay noqotay midda aan ugu jeclahay
diimo oo dhan. Fardahaaga ayaa i soo qabtay aniga oo cimro u
socda". Markaas ayaa Rasuulku SCW u bishaareeyey wuxuuna
amray in uu cimradiisii guto. Ka dib Thumaama wuxuu aaday
Makka markii uu Qureysh u tegey ayey ku dheheen "Thumaamow
waad iilatay", markaas ayuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye
maya ma iilan ee waan islaamay Maxammed maciisa (la jirkiisa),
Ilaah baan ku dhaartaye Yamaama idinkaga imaan meyso xabbad
raashin ah ilaa Rasuulkii Alle SCW idiin idmo".
Dabadeed markii uu magaaladiisii ku laabtay ayuu ka
joojiyey Makka raashinkii, markaas ayey Qureysh dhibaatootay
oo waxa ay Rasuulka SCW u soo direen warqad ay ku leeyihiin
"riximnimada ayaa wax kugu weydiisaneynaaye Thumaama warqad
u qor oo ha noo soo daayo raashinka na loo soo rarayo".
Rasuulku SCW wuu ka yeelay oo Thumaama ayuu kala hadlay.