DAARTII ARQAM BINU ABII ARQAM
Daarta Arqam binu abii Arqam waxay ahayd rugtii ay
Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu ku kulmi jireen oo uu diinta ku
bari jirey kuna tarbiyeyn jirey, kuna kala war qaadan jireen
intii Makka la joogey.
In kastoo ay dacwadu jahri (qarsoodi) aheyd, haddana
xikmadda dacwadu waxay keentay in meel qarsoodi ah la isugu
tago oo ay diinta ku bartaan howlahoooda khaaska ahna ku
qabsadaan, maxaa yeelay haddii ay bannaanka ku shiri
lahaayee ama ay diinta isku bari lahaayeen dhib weyn ayaa
soo food saari lahaa, sidii dhacdayba maalin ay Rasuulka SCW
iyo asxaabtiisu tageen buuraha Makka oo ay ku tukanayeen,
waxaa markaa arkay gaaladii oo dagaal ku soo qaadday
halkaasoo dhibaatooyin la isku gaarsiiyey sida saxaabiga la
yiraahdo Sacad ibnu abii Waqaas oo muslimiinta ka mid ahaa
uu laf madaxa ugu jeexay nin mushrikiinta ka tirsanaa oo
caayey diintiisa, dhiiggaasuna wuxuu ahaa dhiiggii u
horreeyey oo Alle dartiis loo daadsho intii Rasuulka SCW la
soo diray.
Abdul A.K.