Banuu Lixyaan waxa ay ahaayeen qabiilkii khiyaameeyey
Rasuulka SCW markii uu tobankii nin ku daray, ka dibna ay ku
dileen meeshii la oran jirey Rajiic. Wuxuuna Rasuulku SCW
ugu duuli waayey markii ay arrintaasu dhacday muslimiinta oo
xaalad adag ku jirey oo ay ku furnaayeen duruufo adag sida
cadowgi Qureysh iyo reer baadiyihii Madiina agagaarkeeda
degganaa oo Madiina ku soo qamaamayey iyo yahuuddii Madiina
wax ka deggageyd, sidaa darteed Rasuulku SCW maslaxo uma
arag in uu markaas ku duulo. Laakiin markii uu duullaankii
Axsaab dhammaaday oo yahuuddii iyo in badan oo carabtii reer
baadiyaha ka mid ahaa uu iska meeleeyey, qureyshna ay
weerarradii joojisey oo difaac gashay, ayaa Rasuulku SCW
munaasib u arkay in uu ku duulo banii Lixyaan oo degganayd
Makka duleedkeeda si uu uga jiseeyo khiyaanadii ay sameeyeen
iyo muslimiintii ay laayeen.
Wuxuu markaa Rasuulku SCW baxay bishii Rabbiicul-Awal ama
Jamaadul-Awal, sannadkii 6aad ee hijriga isaga oo wata 200
oo asxaabtiisa ka mid ahayd, Madiina wuxuu uga tegey
Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum, wuxuuna muujiyey in uu
dhinaca Shaam ku duulayo si aysan munaafiqiintu u warramin
oo u bixin sirta muslimiinta. Rasuulku SCW wuxuu markaa
tegey meeshii lagu laayey asxaabtiisii oo u dhoweyd meesha
ay degganaayen reer banuu Lixyaan. Markii ay reer banuu
lixyaan maqleen ayey ka carareen degaankoodii, Rasuulkuna
SCW wuxuu meeshaa joogey 2 maalmood, dhinacyadana wuxuu u
kala direy ilaalooyin hase yeeshee waxba ma aysan soo helin.
Ka dibna Rasuulku SCW wuxuu ku soo laabtay Madiina, wuxuuna
maqnaa 14 habeen.
Waxaa is weydiin leh inta aynaan munaasibadaan ka gudbin
Rasuulka SCW qabiil kasta oo uu ku duulo way kala cararaan
isaguna dhulkooda ayuu maalmo degganaanayey, marka sidee
qabiil dhan oo degganaa u sal kacayaan?. Arrintaa
jawaabteedu waxaa weeye Rasuulku SCW markii uu ku duulo
qabiil oo ay maqlaan in aysan ka hor tegi karin, raggooda
hubka wataa way kala carari jireen. Sidaa darteed haddii ay
raggii dagaallamayey carareen ma aysan keeni siyaasadda
xakiimka ah ee Rasuulka SCW iyo ciddii raacdaba in maatada
la laayo oo la bililiqeysto ama nin dhulkiisii ka qaxay la
daba kaco sida ay maanta ku dhisan tahay siyaasadda caalamku.
Sidoo kale Rasuulka SCW iyo muslimiintu ma dili jirin ragga
aan hubka wadan oo aan dagaallamayn.