DHIBAATOOYINKII ASAXAABTA LAGU HAYEY
Kufaartii qureysh markay maqlaan qof maal ama magac
leh ama qabiil xoog leh ka dhashay ayaa islaamay waxay
sameyn jireen iney canaantaan, caayaan oo ku diraan
eheladiisa, inta badanna gacanta ulama aysan tegi jirin.
Hase yeeshee markay maqlaan waxaa islaamay qof aan qabiil
xoog leh ka dhalan ama addoon ah ama cid difaacaysa aysan
jirin aad ayeey u ciqaabi jireen dhibaatooyin xunxunna wey u
geysan jireen. Dadkii sidaa oo kale ahaa oo aadka loo
ciqabay waxaa ka mid ahaa Bilaal, Cammaar binu Yaasir iyo
aabbihiis Yaasir iyo hooyadiis Sumaya, Nahdiya iyo
gabadheedii Ummu Cumeyr, Khabaab, Muscab ibnu Cumeyr iyo
kuwo kaleba.
Bilaal wuxuu addoon u ahaa oo ciqaabi jirey Ummaya
ibnu Khalaf. Siduu u ciqaabi jireyna waxay ahayd intuu xarig
qoorta ka geliyo ayuuu ku jiidi jirey ama qorrax kuleylka
duhurkii intuu seexiyo oo dhagax weyn xabadka kasaaro ayuu
dhihi jirey "ama waad dhiman ama Maxammed baad ku kufrin".
Bilaal wuxuu ku dhihi jirey "AXAD" oo uu ula jeedo Ilaah
keliya baan rumays nahay oo aan caabudayaa, dhib kasto loo
geystana wax kale afkiisa waa soo mari waayeen. Maalinkii
dambe ayaa isagoo sidii loo cadaabayo waxaa soo maray
Abuubakar Al-siddiiq, markaasuu ku yiri ninkii ciqaabayey: "maad
Ilaahay uga baqdid ninkaan miskiinka ah", markaasuu yiri:
"wax u qabo adigaa diintiisii ka fasahaadiyee', markaasuu
Abuubakar yiri: "waxaan ku siinayaa addoon aniga ii jooga oo
aad isku diin tihiin, kanna waan xoreynayaa", sidaas ayuuna
ku xoreerey Bilaal. Markuu Abuubakar xoreeyey Bilaal waxaa
suuqa loo geliyey inuu axsaan hore ka dhexeeyey (labadooda)
hase yeeshee Allaah ayaa difaacey oo u jawaabey dadkii waxaa
ku hadlayey. Wuxuuna ku soo dejiyey aayadahan:
Wuxuu Alle SW yiri: ((Waxaa ka fogaada (naarta) kan
cabsada, waa kii bixiyey maalkiisa si uu isu dahiriyo, ruux
wax siiyey ee u u gudayana ma jirin ee wuxuu u bixiyey
Rabbiga sarreeya dartii, dib dambuuna u ralli noqon doonaa)),
(Suuratul- layl 17-21).
Sidoo kale Cammaar ibnu Yaasir iyo Aabbihiis Yaasir iyo
Hooyadiis Summaya, oo ka mid ahaa dadkii dhibaatooyinka
dardaran loo geystey, ayaa maalin iyadoo la ciqaabayo waxaa
soo maray Nabiga SCW markaasuu ku yiri: "sabra reer Yaasirow,
mowcidkiinnu waa jannee", Odeygii Yaasir iyo habartii
Sumayaba waxay u dhinteen ciqaabkaas oo weliba habarta waxaa
gacantiisa ku diley Abii-jahal oo iyadoo la ciqaabayo ayuu
waran farjiga uga dhuftay halkaas oo ay ku naf baxday kuna
noqotay qofkii u horreeyey ee ummaddaan Nabi Maxammed SCW
Alle dartiis loo dilo. Willkoodii Cammaarna intay aad u
ciqaabeen ayey ku dheheen "hadaad Maxammed caydid,
Ilaahyadayada Laata iyo Cussana ammaantid waan ku sii
deyneynaa markii uu xanuunkii ka batay ayuu sameeyey siday
ku dirqiyeen, ka dib markay sii daayeen ayuu Nabiga SCW u
tegey una sheegay waxay ku dirqiyeen, Allaah ayaa markaas
soo dejiyey aayaddaan:
Alle SW wuxu yiri: ((WAXAA ABUURTAY BEEN KUWA AAN RUMAYN
AAYAADKA ALLE, KUWAASI WAA BEENALAYAAL, KUWA ALLE KU
KUFRIYEY IIMAANKOODII KA DIB (WAA HLAAGSAMEEN), RUUX LAGU
KHASBAY QALBIGIISUNA KU XASILAN YAHAY IIMAANKA MOOYEE,
RUUXIISE XABADKIISU U WAASIC NOQDO GAALNIMADA WAXAA KORKOODA
AHAADAY CARO XAGGA ALLE KA AHATAY, WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB
WAYN)), (Suuratu-Naxli 105-106).
Sidoo kale dadkii la ciqaabi jirey waxaa ka mid ahaa
Sumayra, Nahdiya iyo gabdheedii Ummu Cumeyr oo wada ahaa
addoomo dad gacantood ku jirey, hase yeeshee waxaa wada
xoreeyey Abuubakar Al-sidiiq. Markuu Abuubakar dadkaas
xoreeyey ayaa aabbihiis abu-quxaafa oo aan weli islaamin ku
yiri: "Maandhow maad xoolahaaga ku bixisid dad xoog leh oo
ku difaaci kara hadhow intaad dad ducafa ah ku bixineysid,
hase yeeshee Abuubakar waxa uu caddeeyey in uu arrinkaas
Alle dartiis ula jeedo.
Sidaan soo sheegnay Muscab ibnu Cumeyr oo ku jirey
dadkii aadka loo ciqaabay oo ay dhashay islaan maalqabeen
ah, ahaana nin dhallinyaro ah oo qurxoon oo aad u xarrago
badan, maalinba dhar nooc ah qaata, kana tilmaannaa Makka.
Muscab markay hooyadiis maqashey inuu islaamay ayey
xabbistay oo cuntadii u diiddey aadna u cadaadisay hase
yeeshee markay intaas oo dhan wax uga qaadi weydey ayey
dayrisay, ka dibna waxaa u dambeysey inuu rafaado oo uu
jirkiisii jilif yeesho, wuxuuna ku jrey dadkii u hijrooday
Xabashida. Markuu xabashida ka soo laabteyna waxaa Rasuulku
SCW dacwo ahaan ugu direy Madiina halkaas oo uu muddo yar ka
dib dacwadii wada gaarsiiyey guryihii reer Madiina kuna
noqday macallinkii reer Madiina.
Sidoo kale Khabaab wuxuu isna ka mid ahaa dadkii ay
gaaladu dhibka ku hayeen ilaa uu maalin u tegay Rasuulka SCW
oo Kacbada hooskeeda jooga isagoo doonaya in uu Ilaahay u
baryo si dhibka looga fududeeyo wuxuuna ku yiri Rasuulkii
Allow maad Alle noo baridid, markaasaa Rasuulku SCW
fariistay oo ku yiri: waxay ahaayeen dadkii idinka horreeyey
(muminiinta ahaa) kuwo loogu shanleeyo hilibka iyo lafta
dhexdooda shanlo bira, arrinkaasna kamana kala dhambali
jirey, kamana reebi jirin diintooda, Allena wuu taamyeelin
isagoo Alle maahee aan cid kale ka baqayn, sidoo kale waxa
uu Khabaab shaqo u qabtay Caas binu Waa'it oo ka mid ahaa
kufaartii Quraysheed, markaasaa Khabaab ku yeeshay xoolo
markaasuu u tegay oo ku yiri: "isii waxaygii hase yeeshee
Caas waa diiday wuxuuna yiri, ku siin mahayo ilaa aad
Maxamed ku kufridid. Khabaabna waxa uu guu jawaabay ku
kufrin maayee ilaa aad ka dhimato oo misna lagu soo bixiyo,
Caas wuxuu yiri: "ma intaan dhintaa qiyaamaha la i soo
saarayaa,? Khabaab ayaa ugu jawaabay "haa," waxa uu yiri: "halkaasna
waxa aan helayaa maal iyo ilmo oo markaasaan kuu gudayaa.
Allena isagoo ninkaas ficilkiisa iyo waxa la midka ah
tilmamaya waxa uu Qur'aankiisa ku yiri:
((KA WARRAN KAN KU KUFRIYEY AAYAADKAYAGII OO YIRI(AAKHIRO)
LA I SIINAYAA MAAL IYO CARRUUR, MA WUXUU DAALACDAY QAYBKA,
MISE ALLAHA RAXMAANKA AH AGTIISA AYUU BALLAN KA YEESHAY,
SAAS ARRINKU MA AHANE WANNU QORIN WUXUU LEEYAHAY, WAXAANA U
FIDINAYNAA CADAABKA FIDIN, WAAN DHAXLAYNAA WAXA UU
SHEEGANAYO (EE UU KU FAANAYO) WUXUUNA NOO IMAANAYAA ISAGA OO
KALIGIIS AH)), (Suuratu-Maryam 77-80).
Dhibaatooyinkaas aan soo tilmaannay oo isugu jiray dil,
ciqqab, cadaaadis, dulmi, boob, iyo aflagaaddo ayaa dadkii
asxaabta aha lagu hayeysiiba kuwoodii taagta darraa ee cid
difaacaysa aysan jirin aad ayuuna dhibkaasi uga batay wax
walba ayaana lagula dhaqmay, hase yeeshee Alle iyo
Rasuulkiisa ayaa intaas amrayey inay dhibka ku samraan oo
taqwada iyo daacada Alle ku dadalaal dagaalna aysan samyn ee
ay gacmahooda laabaan, hase yeeshee asxaabtu waxay
jeclaayeen in ay is difaacaan oo iska celiyaan cadowga Alle,
marar badanna waxa ay u yimaadeen Rasuulka iyagoo ka
sheeganaya dhibka lagu hayo oo jecel inay is difaacaan, sida
dhacday maalin in Cabdiraxmaan bin Cawf iyo koox kale oo
asxaabta ka mid ahayd u yimaadeen Rasuulka kuna dheheen: "Nabi
Allow markaan shirkiga ku jirnay awood baan lahayn, markaan
iimaanka qaadanayna xaqiiriin baan noqonnay". Markaasaa
Nagibu SCW ku yiri: "waxaan idin amrayaa iska dhaafid hana
la dagaalinina qowmka, sidaas ayaa asxaabtii Rasuulku u
fuliyeen amaradii Alle iyo kuwii Rasuulka SCW uguna samreen
dhibkii iyo cadaadiskii ka imaanayey acdaadii Alle, Allena
mar walba waxa uu soo dejinayey aayado uu ku amrayo inay ay
samraan oo gacmahooda laabaan, Rasuulkuna arrintaas ayuuu ku
boorrinayey, Cabdullaahi bin Cumar isagoo tilmaamaya
dhibaatadii asxaabta lagu hayey waxa uu yiri: 'Islaamku waa
yaraa sidaa darteed ninka diintiisa ayaa laga fidnaynayeey,
way dili jireen ama wa cadaabi jiree".