DILITAANKII KACAB BINU ASHRAF
Kacab binu Ashraf wuxuu ka mid
ahaa dadkii yahuudda ugu dhibka badnaa uguna cadaawadda
badnaa islaamka iyo muslimiintaba, wuuna muujistay
dhibaatadiisa. Wuxuu ka mid ahaa qabiilka la yiraahdo Dhii
oo ka tirsanaa reer banuu Nuhbaan, hooyadiisna waxay ahayd
reer banuu Nadiir, wuxuuna ku dhex koray yahuud oo wuu
yahuudoobay. Nin maalqabeen ah ayuu ahaa, quruxdana carab oo
dhan ayuu caan ka ahaa. Wuxuu degganaa dhinaca koonfur bari
ee Madiina oo ka dambaysay meeshii ay yahuuddii reer banuu
Nadiir degganaayeen.
Ninkaas oo ahaa nin aad u
shar badan markii uu maqlay guushii muslimiinta ee Badar iyo
dilitaankii odeyaashii qureysheed ayuu wuxuu yiri, "taasi ma
xaq baa?", kuwaasi waxa ay ahaayeen carab kuwii ugu shaaraf
badnaa iyo dadka boqorradoodii, Ilaah baan ku dhaartaye
haddii uu Maxammed kuwaas laayey dhulka gudihiisa (Dhimasho)
ayaa ka kheyr badan, wuxuuna ammaanay cadowgoodii.
Rakuubkiisii (awkiisii) ayuu markaas fuulay ilaa uu ka tegay
Makka iyo qureysh. Wuxuu ku degay Mudhalib binu abii Waddaac
Al-sahami. Ka dib wuxuu guda galay isaga oo ooyaya in uu
gabay ku ammaano raggii mushrikiinta looga laayey Badar,
wuxuuna ku booriyey dadka in Nabiga SCW lala dagaallamo oo
lala colleytamo.
Abuu Sufyaan iyo raggii
mushrikiinta ahaa waxa ay ku yiraahdeen "ma diintayada ayaa
Alle xagiisa loogu jacayl badan yahay mise diinta Maxammed?,
labadayada qolose yaa hanuunsan oo Alle u dhaw?", wuxuu yiri
"idinka ayaa ka hanuunsan", Allaah SW isagoo arrintaa ka
hadlaya wuxuu yiri:
((MA ARAGTAY KUWA KITAABKA
QAYBTA LAGA SIYEY OO RUMAYNAYA SIXIR IYO SHAYDAAN, KUNA
DHAHAYA KUWA GAALOOBAY "KUWAAN (GAALADA AH) AYAA WADDO UGA
HANUUN BADAN KUWA MU'MINIINTA AH, KUWAASI (YAHUUDDA) WAA
KUWUU ALLE NACLADAY, CIDDII ALLE NACLADANA U HELI MAYSID GAR
GAARE)). (Suuratu-Nisaa' 51-52).
Kacab intaas ka dib Madiina
ayuu ku soo laabtay, wuxuuna tiriyey gabayo uu ku
af-lagaadaynayo gabdhihii muslimaatka ahaa isla markaasna uu
islaamaka ku dhibayo. Rasuulku SCW, markuu arkay ninkaas iyo
sharta uu wada iyo heerka uu gaaray oo ah inuu gabdhihii
muslimaatka ahaa af-lagaadeynayo, islaamkana caayayo, ayuu
wuxuu asxaabtiisa ku yiri "yaan Kacab binu Ashraf u diraa,
Ilaah iyo Rasuulkiisa ayuu dhibaye?". Waxaa markaas istaagay
Maxammed binu Maslama oo yiri "aniga, Rasuulkii Ilaahayow ma
jeceshahay in aan dilo?", Rasuulku SCW wuxuu yiri "haa".
Maxammed binu Maslama ayaa Nabiga SCW ku yiri ii idan
haddaba in aan waxaan rabo kaa sheego", Rasuulkuna SCW wuxuu
yiri "dheh wixii aad doontid".
Maxammed binu Maslama waxaa
markaa raacay dhowr nin oo kala ahaa: Cubaada binu bishir,
Xaarith binu Aws, Abuu Cabsa binu Xabir iyo Abuu Naa'ila (sulkaan
binu salaam) oo ay Kacab binu Ashraf naas wada nuugeen.
Maxammed binu Maslama ayaa markaa Kacab u tegey oo ku yiri "ninkani
(Nabi SCW) wuxuu na weydiiyey sadaqo", Kacab ayaa yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye waan filayey". Maxammed binu Maslama wuxuu
yiri "hadda waan raacnay, mana ka harayno ilaa aan aragno
meesha ay arrintiisu ku dambayso, waxaan marka kaa dooneynaa
in aad na amaahisid jawaan ama labo jawaan (oo raashin ah)",
Kacab baa yiri "rahan (carbuun) ayaan idinka rabaa",
Maxammed ayaa yiri "maxaad doonaysaa?", Kacab ayaa ku
warceliyey "dumarkiina rahan iiga dhiga". Maxammed ayaa
markaa Kacab su'aaley "sidee baan dumarkayaga kuugu rahannaa
adigoo carab ugu qurux badan?", wuxuu Kacab yiri "haddaba
wiilashiina ii rahma", Maxammed ayaa yiri "ma wiilashayada
ayaannu kuu rahannaa si hadhow loo caayo oo loo yiraahdo "waa
kii jawaanka ama labada jawaan loo rahnay" taasi ceeb bay
nagu tahay, laalkiin waxaan kuu rahmaynaa oo kuu dhiibeynaa
hubkayaga". Abuu Naa'ilna sidoo kale ayuu sameeyey.
Kacab ayaa markaa kor u
hadlay isagoo raba in arrinkaa la maqlo, waxaa markaa lagu
yiri "war hooggaagee ina Ashrafow dan baan kuu sheeganay ee
noo qari", Kacabna, arrinkaa waa aqbalay, Abuu Naa'ila ayaa
markaa hadlay oo yiri "ninkaani (Rasuulka SCW ) dhib buu
noogu yimid oo carab haddaanu nahay caado ayaannu lahayn,
hal dhufeys baannu ku wada jirney. Waddooyinkii buu naga
gooyey ilaa ay ciyaalkayagii ka caqdaan oo naftayadii ka
dhibaatooto oo annaga iyo ciyaalkayagii dhibaato aan ku
sugnaano". Ka dib wuxuu yiri abuu Naa'il "asxaab aan isku
fikrad nahay ayaa ila socotay, waxaan doonayaa in aan kuu
keeno oo aad wax ka iibisid, wanaajisana".
Ninkii la oran jirey Kacab
binu Ashraf wuu yeelay arrimahaas oo dhan. Waxaa la ballamay
habeeennimadii bisha Rabbiicul Awal ahayd 14, sanadkii 3aad
ee hijriga. Kooxdii hawshan fulineysey waxa ay isla
habeenkiiba u tageen Rasuulku SCW wuuna la soo dardaarmay,
wuxuuna ku yiri "ku socda magaca Allaah, Allahayow u kaalmee".
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii oo salaad
ayuu galay. Kooxdii waxay tageen aaggii uu degganaa Kacab
waxaana u dhawaqay Abaa Naa'ila. Kacab wuu istaagay si uu u
baxo, haweentiisii oo uu mar dhow soo guursaday, ayaa ku
tiri "xaggee saacaddan u baxaysaa? dhawaaqa aan maqlay waa
mid dhiig ka da'ayee". Wuxuu yiri Kacab "waa walaalkay
Maxammed binu Maslama iyo midkaan naska wada nuugnay, Abuu
Naa'ila, ninka ragga ahna haddii loogu yeero arrin waa
yeelaa". Markaa ayuu soo baxay isagoo barafuun isku soo
shubay oo madaxiisu soo carfayo. Abuu Naa'ila wuxuu
saaxiibbadiis ku yiri "markuu yimaado madaxa ayaan
qabanayaaye, markii aad aragtaan in aan si fiican u qabtay
sefaha ku booba". Kacab markuu yimid oo mudoo lala
sheekeysanayey, ayuu Abuu Naa'ila ku yiri "ka warran ina
Ashrafow haddii aannu aadno derbiga duqdii hebla ahayd si
aan isaga sheekaysanno habeenka inta nooga hartay", isna
wuxuu yiri "haddii aad doontaan waxba kama qabo".
Markii la baxay oo dhex la
sii marayo ayuu Abuu Naa'ila yiri "caawa oo kale ma arag cid
ka catar udgoon Kacab", markuu hadalkaa maqlay ayuu faan
galay oo yiri "dumarka carbeed catarkoodii baa agtayda ah",
Abuu Naa'ila wuxuu yiri "ma ii oggolanaysaa in aan ursado
madaxaaga?" Kacab wuxuu yiri "haa", markaas ayuu Abuu
Naa'ila gacanta madaxa ka geliyey oo ursaday,
saaxiibbadiisna ursiiyey. Xoogaa ayaa la socday. Abuu
Naa'ila ayaa markaa yiri "ma ku celiyaa?", "haa" ayuu Kacab
yiri, sidii oo kale ayuu yeelay. Ka dib markii xoogaa la sii
socday oo Kacab is kala dhigtay ayuu Abuu Naa'ila yiri sidii
oo kale, markuu Kacab u oggolaadayna, madaxa intuu gacanta
ka geliyey ayuu si fiican uga faro buuxsaday, oo yiri "waan
hayaa cadowgii Ilaahay", markaas ayey seefaha ku boobeen
hase yeeshee seefihiii waxba waa ka tari waayeen (wey dili
waayeen), markaas ayaa Maxammed binu Maslama mindi ka
geliyey caloosha ilaa uu ka diley.
Cadawgii Ilaahay ee Kacab,
isagoo qaylo aad u daran ku qaylinaya, taas oo ka
argagixisay wixii gaararkiisa joogey, ayaa naftii ka baxday
oo laga takhalusay.
Ka dib kooxdii way soo
laabteen iyagoo seefohoodii qaar ka mid ahi ay dhaawac
gaarsiiyeen Xaarith binu Aws, wayna ka soo tageen iyagoo u
hasta in ay dhan yihiin hase yeeshee markii ay dhex marayeen
ayey ogaadeen in uu Xaarith ka maqan yahay. Meeshii ayey
markaa fariisteen oo mudo ku sugeen, markii uu u yimidna way
soo xambaareen.
Markii ay Rasuulka SCW u
soo dhow yihiin ayey takbiirsadeen, Rasuulkuna SCW markii uu
maqlay takbiirtooda ayuu fahmay in ay soo dileen cadowgii
Ilaahay, markaas ayuu isna takbiirsaday. Markii ay u
yimaaddeenna wuxuu yiri "wejiyaal baa liibaanay", markaa
ayey dheheen "wejigaaguna wuu liibaanay Rasuulkii Allow", ka
dibna madaxii Kacab oo ay soo gooyeen ayey Rasuulka SCW
hortiisa ku soo tuureen, Rasuulku SCW Allaah ayuu mahadiyey
dilitaanka ninkaas la dilay, Xaarithna meeshii nabarka ayuu
uga tufay, waan u buskootay.
Yahuuddu markii ay ogaatay
waxa ku dhacay Kacab ibnu Ashraf iyo sida khatarta ah oo
looga takhallusay, ayaa Ilaahay quluubtooda ku riday baqdin
iyo argagax, waxayna ogaadeen in Nabi Maxammed SCW uu awood
u isticmaalayo abaalkoodana marinayo ciddii wanaag iyo nabad
diidda. Sidaa darteed yahuudi wa ku cibro qaadatay arrinkaan
iyo kiii ka horreeyey ee reer banii Qaynuqaac ku dhacay,
waxayna joojisay kibbirkii iyo faankii, magaalada Madiinana
waxay ku soo laabatay xasiloonideedii, Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisiina waa ka kala fududaatay dhibaatadii gudaha ka
haysatay ka dib markuu labadaan ficil ku dhaqaaqay. |