DUULLAANKII TABUUK
Duullaankan wuxuu dhacay bishii Rajab, sannadkii
9aad ee hijriga, waxa ayna sababtiisu ahayd: Markii uu
Rasuulku SCW ka soo laabtay duullammadii Fatxu-Makka iyo
kuwii ka dambeeyey, ayna Khaliijul-Carab gacantiisa gashay,
islaamkuna noqday awoodda keliya ee gobolkaas ka jirta,
carabtii dhulkaas degganaydna ay islaameen, ayuu Rasuulku
SCW isu diyaariyey dowladdii Roommaanka oo waqtigaas duni
ugu xoog badnayd. Waxa aynu soo marnay in ninkii saxaabiga
ahaa ee la oran jirey Xaarith binu Camar oo uu Rasuulku SCW
warqadda ugu sii dhiibay boqorkii Basra uu dilay Shuraxbiil
binu Camar. Arrintaas oo aad u fool xumayd, waxa ay ka
caraysiisay Rasuulka SCW oo waatii uu u diray ciidankii uu
watay Seyd binu xaarith oo ka dib uu dagaal daran ku dhex
maray iyaga iyo roomaankii meeshii la oran jirey Mu'ta. Ka
dib muslimiintii waxa ay u jeesteen duullaankii Fatxu-Makka
iyo kuwii ku xigay, hase yeeshee ciidankii roomaanku waxa ay
isu diyaarinayeen duullaanka muslimiinta in kasta oo iyaga
laftooda ay arrimo kale ku furnaayeen oo qabiillo badan oo
carbeed ay ka xoroobeen, qaar kalena islaamka soo galeen.
Rasuulku SCW markii uu ku soo laabtay Madiina
waxaa si is daba joog ah loogu soo gudbinayey akhbaarta
roomaanka iyo in ay rabaan in ay muslimiinta duullaan ku soo
qaadaan. Sidaa darteed Rasuulka SCW oo lagu yaqaanay in
haddii uu maqlo cid rabta in ay muslimiinta duullaan ku soo
qaaddo uu meesheeda ugu tago, waxa uu bilaabay in uu u
tabaabushaysto duullaanka roomaanka, wuxuuna u cid diray
dhammaan qabiilladii muslimiinta ahaa ee beled iyo baadiyaba
degganaa.
Rasuulku SCW wuxuu samayn jirey markii uu
duullaan u socdo in uu jihada uu ku duulayo maahee jiho kale
muujiyo si munaafiqiinta iyo kuwa iimaankoodu daciifka yahay
aysan u bixin sirtiisa oo uusan cadowgu uga faa'iideysan,
hase yeeshee Rasuulku SCW duullaankan roomaanka shaaca ayuu
ka qaaday maxaa yeelay meesha ayaa fogeyd, cidda lagu
duulayana waxa ay ahayd dowladdii waqtigaas dunida ugu
xoogga badnayd sidaas ayuuna ogeysiiska u bixiyey si ay
muslimiintu isu diyaariyaan oo ay saad iyo saanadba ugu talo
galaan. Sidoo kale waqtiga duullaankani wuxuu ku beegmay
waqti ay abaar darani dhacday oo qorrax kulayl jirtay
dadkuna aad u dhibaataysnaayeen, markaasna qorraxdu ay aad u
kululayd.
Asxabtii Rasuulka oo dhib kasta oo ku yimaadda
uusan ka hakinayn kor ahaanshaha kalimadda Alle iyo jihaadka,
waxa ay si deg deg ah u ajiibeen dhawaaqii jihaadka, waxa
ayna si is daba joog ah ugu soo qulquleen Madiina iyaga oo
ka imaanaya dhammaan dhulkii uu islaamku xukumayey. Wuxuu
Rasuulku SCW muslimiinta aad ugu boorriyey in ay sadaqo la
baxaan oo ay ururiyaan xoolo badan oo jihaadka lagu taageero,
sidaa darteed asxaabta oo had iyo jeer kheyrka u kala
tartami jirey waxa ay bilaabeeen in ay kheyrkan u kala
dheereeyaan. Abuubakar wuxuu bixiyey maalkiisii oo dhan,
markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri "maxaad reerkaagii uga soo
tagtay?", wuxuu yiri "Alle iyo Rasuulka". Cumar binu
Khadhaab wuxuu keenay maalkiisii barkiis. Cusmaan binu
Cafaan wuxuu keenay 300 rati iyo rarkoodii, 1,000 Diinaar
iyo 200 oo wiqiyadood wuu bixiyey, wuxuu markaas Rasuulku
SCW yiri "maanta wixii ka dambeeya dhibi mayso Cusmaan wixii
uu sameeyo". Cabdiraxmaan binu Cawf wuxuu keenay 200 oo
wiqiyadood oo qalin ah, Cabbaas binu Cabdimudhalib wuxuu
keenay maal badan. Sidaa ayeyna asxaabtii wax u bixinayeen
oo kii maal badan haystay wuxuu keenay wax badan, kii maal
yaraana wuxuu keenay wixii uu heli karay.
Munaafiqiintii oo iyagu kheyrka iyo sadaqada ka
indho la'aa, wax ay bixiyaan iska daaye waxa ay durid iyo
dacaayad ugu dhaqaaqeen asxaabtii sadaqada bixinaysay oo kii
maal badan keena waxa ay lahaayeen "is tus tus ayuu u
bixinayaa", kii wax yar keenana waxa ay lahaayeen "Alle waa
ka deeqtoon yahay kan wixiisa". Allaahna isaga oo ka hadlaya
arrinka munaafiqiiinta iyo sida ay wax bixintodu ahayd wuxuu
qur'aankiisa ku yiri:
((KUWII
WEEYE (MUNAAFIQIINTU) KU CEEBAYNAYEY KUWA SADAQAYSANAYA EE
MU'MINIINTA KA MID AH IYO KUWA AAN HELAYN TABARTOODA MOYEE
WAX KALE, WAY KU JEESJEESAYAAN ALLAASE KU JEESIN (OO KA
ABAAL MARIN XUMAANTOODA), WAXAYNA LEEYIHIIN CADAAB DARAN)),
(Suuratu-Tawbah 79).
Gabdhihii muslimaatka ahaa waxa ay iyaguna
sadaqaatkii ka qaateen qayb libaax, waxa ayna
sadaqaysanayeen dhega-dhegahoodii, jijimahoodii,
farraantiyadoodii iyo wixii ay uga qayb qaadan kareen
jihaadka.
Ugu dambayntii waxa Rasuulka SCW soo gaartay in
uu Hiraqle u diyaariyey duullaanka muslimiinta ciidan
gaarayey 40,000 oo nin ayna raaci doonaan qabiilooyinkii
carbeed ee uu xukumayey sida Lakham, Judaama iyo kuwo kale.
Ciidankaas horraantiisii waxa ay soo gaartay meesha la
yiraahdo Bulqaa'.
Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo baxay bishii
Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga isaga oo wata 30,000 oo
ciidan ah, waana ciidankii ugu badnaa ee uu Rasuulku SCW
duullaan u kaxaysto. Duullaankani wuxuu ahaa kii ugu
dambeeyey ee uu Rasuulku SCW u baxo. Wuxuu Rasuulku SCW
Madiina madax uga dhigay Maxammed ibnu Maslama,
xaasaskiisiina wuxuu Rasuulku SCW uga soo tegay Cali binu
Abii-dhaalib.
Nimankii munaafiqiinta ahaa oo had iyo jeer
markii ay nabadi jirto dadkooda ku dhex qarsoon, markii
dhibku yimaadana bannaanka u soo baxa ayuu duullaankan
tabuuk bannaanka u soo saaray oo intii uu Rasuulku SCW
duullaanka isu diyaarinayey waxa ay Rasuulka SCW u soo
qaddimayeen cudurdaarro been ah oo ay rabeen in ay
duullaanka uga haraan, waxaana hadalladoodii ka mid ahaa in
qaar ka mid ihi Rasuulka SCW u yimaadeen oo ku dheheen
"haweenka reer Asfar (reer Ruum) iskama hayn karno ee ha na
fitnaynin". Allaahna isaga oo tilmaamaya hadalkoodaas wuxuu
qur'aankiisa ku yiri:
((WAXAA
KAMID AH (MUNAAFIQIINTA) KUWA DHAHAYA I FASAX OO HA I
FITNAYNIN, WAXAYSE KU DHECEEN FITNADII (OO GAALNIMO AH)
JAHANAMANA WAA MID KOOBTAY GAALADA)), (Suuratu-Tawbah 49).
Sidoo kale waxaa hadalladoodii ka mid ahaa iyaga
oo asxaabta tashwiish ku furaya in ay dhahaan "ma roomaanka
ayaa lala dagaallami karaa? Maxammed ma wuxuu mooday
carabtii oo kale?". Waxaa kale oo ay yiraahdeen iyaga oo ka
hadlaya kulaylkii iyo masaafadii dheerayd "war kulaylka ha u
bixinnina". Allaahna isaga oo hadalkoodaas tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri:
((WAXAY
KU FARXEEN KUWII HARAY FADHIGOODII AY KA HAREEN RASUULKA SCW
IYO IN AY NECEEN KU JIHAADIDA MAALKOODA IYO NAFTOODA JIDKA
ALLE, WAXAYNA DHEHEEN HA KU BIXINA KULAYLKA, WAXAAD DHADAA
NAARTA JAHANAMO AYAA KA KULAYL BADAN HADDAY WAX FAHMAYAAN)),
(Suuratu-Tawbah 81).
Munaafiqiintii markii uu Rasuulku SCW baxay way
hareen iyaga oo isugu jiray qayb cudurdaar been ah sheegatay
iyo qayb aan cudurdaarba sheegan oo iska hartay. Allaah
isaga oo ka hadlaya cudurdaarashadooda iyo raacitaankoodu in
uusan faa'iido u lahayn Muslimiinta wuxuu qur'aankiisa ku
yiri:
((KAAMA
IDAN WAYDIISTAAN KUWA ALLE IYO MAALINKA AAKHIRO RUMEEYEY IN
AY KU JIHAADAAN MAALKOODA IYO NAFTOODA, ALLENA WAA OGYAHAY
MUTTAQIINTA, WAXAASE KU IDAN WAYDIISANAYA WAXA AAN ALLE IYO
MAALINKA AAKHIRO RUMAYN OO AY QULUUBTOODU SHAKIDAY (XAQA)
IYAGA OO KU NOQNOQONAYA SHAKIGOODA, HADDAY DAMCAAN IN AY
BAXAAN WAXAY DIYAARSAN LAHAAYEEN QALAB, HASE YEESHEE ALLE
AYAA IDIIN NACAY BIXITAANKOODA MARKAASUU DIB DHIGAY, WAXAANA
LAGU YIRI LA FADHIYA KUWA HARAY (DUAMRKA CARUURTA IYO
NAAFADA)), (Suuratu-Tawbah 44-46).
Waxa ay munaafiqiintu sidoo kale dacaayado ka
faafinayeen asxaabtii jihaadka looga reebay cudurdaar
dartiis sida Cali binu Abii-dhaalib oo Rasuulku SCW
ehelkiisa uga soo tegey, waxa ayna lahaayeen "Cali wuu
cuslaysiiyey Rasuulka SCW oo wuu iska reebay", hadalkoodii
ayaa markaa Cali dhibsaday, markaas ayuu Cali hubkiisii
intuu qaatay ka daba tegay Rasuulkii SCW oo dhex sii socda,
wuxuuna ku yiri "Rasuulkii Allow, munaafiqiintii waxa ay
sheegayaan in aan ku cuslaysiiyey oo aad iska kay
fududaysay", markaas ayaa Rasuulku SCW yiri Cali "been bay
sheegeen. Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan kuu reebay in aad
mas'uul iiga noqotid ehelkaygii iyo ehelkaaga", waxaa kale
oo uu Rasuulku SCW ku yiri "miyaadan ku raalli noqonayn in
aad ii joogtid booskii uu Haaruun u joogay Muuse illaa in
uusan nabi iga dambayn maahane?". Ka dib Rasuulku SCW wuu
celiyey si uu khaliif uga sii ahaado ehelka Rasuulka SCW.
Duullaankan Tabuuk waxaa kale oo ka haray,
munaafaqiinta maahane, dad wanaagsan oo asxaabta ka mid
ahaa, waxaana raggaas ka mid ahaa Abaa Khaythama. Abuu
Khaythama markii uu Rasuulka SCW ka haray ayaa maalin kulayl
darani jiro wuxuu tegey labadiisii guri, markaas ayuu arkay
labadiisii xaas oo mid walba u gogoshay geed hoostiis, una
diyaarisay raashin, markaas ayuu yiri "Rasuulkii Allena
kulayl iyo safar ayuu ku jiraa, Abaa Khaythammana labadiisii
xaas ayaa raashin iyo har u diyaariyey. Ilaah baan ku
dhaartaye cuni maayo raashinkiinna, harkiinnana farisan
maayo illaa aan Rasuulkii Alle uga tago ee ii diyaariya
jescinkaygii", markii ay u diyaariyeenna rakuubkiisii ayuu
qaatay oo Rasuulkii SCW ayuu ka daba tegey, jidkana waxa ay
iska heleen nin kale oo asxaabta ka mid ahaa. Rasuulka SCW
iyo asxaabtiisii oo meel degay ayaa waxa ay arkeen raggaas
meesha fog ka soo socda, markaas ayey asxaabtii ku dheheen
Rasuulka SCW "Rasuulkii Allow niman baa halkaa ka soo
muuqda", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "ahow Abuu
Khaythama", markii uu soo dhowaaday ayey asxaabtii dheheen
"Rasuulkii Allow waaba isagii". Abuu Khaythama iyo
saxaabigii markii ay Rasuulka SCW u yimaadeenna wuxuu yiri
"Abuu Khaythama maxaa kugu dhacay?", markaas ayuu Abuu
Khaythama qisadii u sheegay, Rasuulkuna SCW wuu u duceeyey.
Dadkii wanaagsanaa oo sidaa kale dib u dhacay
waxaa ka mid ahaa Abii Dar Al-Qafaari, markaas ayaa isaga oo
meel fog ka soo socda oo alaabtiisii tunka ku wata asxaabtu
u sheegeen Rasuulka SCW qofka lugeynaya oo meesha fog ka soo
muuqda, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "ahow Abuu Dar",
markii uu soo dhowaaday ayey dheheen "Rasuulkii Allow waaba
Abuu Dar", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Allaha u
naxariisto Abuu Dar waxa uu soconayaa keligiis, wuxuuna
dhiman keligiis, waxaana la soo saarayaa keligiis". Sidii uu
Rasuulku SCW sheegay ayuuna arrinkii noqday oo waqtigii
Cusmaan binu Cafaan Khilaafada hayey ayaa Abuu Dar isaga oo
meel cidla ah maraya ayna lasocdaan xaaskiisii iyo wiil
khaadimkiisa ahaa waxaa qabatay geeridii, markaas ayuu ku
yiri xaaskiisii "waxa aan maqlay Rasuulkii Alle oo koox aan
ku jiro leh "waxa idinka mid ah nin meel cidla ah ku dhiman
doona oo janaasadiisa ay dad muslimiiin ahi u imaan
doonaan". Ilaah baan ku dhaartaye raggii kale waa wada
dhinteen ilaa aniga maahane, nin walbana wuxuu ku dhintay
magaalo iyo meel dad joogo, wuxuu u dardaarmay xaaskii iyo
wiilkii in ay dhaqaan oo kafnaan ka dibna ay dhigaan wadada
oo cida ugu horaysa oo soo marta ay ku dhahaan kani waa Abii
Dar saaxiibkii Rasuulkii Alle SCW ee nooogu kaalmeeya
duugitaankiisa, markii uu dhintay ayey sidii yeeleen oo
dhigeen wadada. Ciddii u horaysay ee soo marta waxa ay ahayd
koox uu Cabdullaahi binu Mascuud ku jiro oo reer Ciraaq ah
una socota Cumro, waxay kooxdii arkeen Janaasada wadada
dhextaal oo geelay wateeni sigay in uu ku jogsado, waxaa
markaa istaagay wiilkii oo yiri "kani waa Abii Dar
saaxiibkii Rasuulka SCW ee noogu kaalmeeya duugitaankiisa".
Cabdullaahi binu Mascuud ayaa ashahaatay oo isagoo ooyaya
yiri "waa run sheegay Rasuulkii Alle SCW waxaad soconaysaa
(Abaa Dar) kaligaa waxaad dhimatay kaligaa waxaana lagu soo
bixinayaa kaligaaa, ka dibna waa duugeen.
Ka dib Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay u
kicitimeen dhinaca Shaam iyaga oo u socda Tabuuk oo ku
taalla xudduuda Sucuudiga iyo Jordan. Ciidanka Rasuulku SCW
watay tiro badnaantooda darteed kuma uusan filnayn
gaadiidkii iyo sahaydii ay wateen sidaa darteed 18kii ninba
waxaa ka dhexeeyey hal rati. Intii ciidankii muslimiiintu
waddada Tabuuk sii hayeen waxa uu sii maray meel la yiraahdo
Xajar oo ahayd dhulkiii uu Ilaahay ku halaagay reer Thamuud,
markaas ayaa dadkii ka waraabsadeen ceelashii, markii ay
carraabayeen ayaa Rasuulku SCW ku yiri "ha ka cabbinina
biyaheeda, salaaddana ha ugu weyso qaadannina, waxna ha ka
cunina", wuxuu Rasuulku SCW amray in ay ka cabbaan ceelkii
ay u aroori jirtay hashii Nabi Saalix.
Cabdullaahi binu Cumar wuxuu yiri "markii uu
Rasuulku SCW soo maray Xajar waxa uu yiri "ha gelinnina
kuwii naftooda dulmiyey guryahooda (reer Thamuud) illaa
idinka oo ooyaya maahane, yuusan idinku dhicin wixii iyaga
ku dhacay". Ka dib Rasuulku SCW madaxiisa ayuu foorariyey,
socodkiina wuu dedejiyey ilaa uu meeshii dhaafay.
Ciidankii muslimiinta intii uu jidka sii hayey
waxaa qabtay harraad aad u daran illaa ay markii dambe
Rasuulka SCW u sheegteen, markaas ayuu Rasuulku SCW Ilaahay
u baryey, Allaahna wuxuu u soo diray daruur roob ah illaa ay
ka cabbeen oo ay ka dhaansadeen. Sidoo kale intii dhexda la
sii socday habeen ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabta "caawa
waxaa idiin imaanaysa dabayl daran ee yaan qof idinka mid
ihi kicin, qofkii rati watana ha adkeeyo dabarkiisa".
Dabayshii ayaa timid, markaas ayaa nin istaagay, dabayshii
ayaa qaadday ninkii oo ku tuurtay buurta Dhii'i, halkaasna
waxa aan ka garanaynaa amarka Rasuulka SCW oo la khilaafo
dhibaatada uu leeyahay. Markii Rasuulka SCW loo sheegay in
ninkaas dabayshii qaadday wuxuu yiri "miyaaanan idin dhigin
qofna yuusan kicin?". Markii uu Rasuuku SCW Madiina ku
laabtay ayaa reer Dhii'i u keeneen Rasuulka SCW ninkii.
Rasuulku SCW intii uu waddada ku sii jirey
salaadda duhur iyo casar wuu jamcinayey, sidoo kale
makhribka iyo cishahana wuu jamcinayey oo wuxuu samaynayey
Jamcu-Taqdiin iyo Jamcu-Ta'khiir labadaba. Markii uu
Rasuulku SCW u dhowaaday Tabuuk wuxuu ku yiri asxaabtii
"berri haddii Alle idmo waxa aad tegi doontaan ishii Tabuuk,
mana gaareysaan barqadii ka hor ee haddaba qofkii tagaa
yuusan biyaheeda wax ka taaban, ilaa aan imaado". Markii uu
Rasuulku SCW meeshii tegey ayuu arkay labo nin oo uga hor
maray biyihii, markaas ayuu weydiiyey oo yiri "wax ma ka
taabateen isha biyaheeda?", waxay dheheen "haa", wuxuu
Rasuulku SCW ku yiri wixii Alle doonay. Ka dib wuxuu
Rasuulku SCW ka darsaday wax yar ilaa xoogaa biyo ah uu ka
helay, wuxuu ku mayray wejigiisa iyo gacmihiisa wuuna ku
celiyey, markaas ayaa ishii biyo badan ka burqadeen oo
dadkii ka cabbeen. Ciidankii muslimiintu wuxuu markaas degay
Tabuuk oo uu ka dhigtay fariisin, dabadeedna waxa uu
Rasuulku SCW u jeediyey ciidankii khudbo aad u xeel dheer
isaga oo ku boorrinaya dagaalka lala geli doono cadowga Alle
iyo in ay muslimiiintu leeyihiin guusha Adduun iyo Aakhiro.
Roomaankii markii ay maqleen soo bixitaanka
Rasuulka SCW iyo awooddiisa ayaa Allaah ku riday rucbi iyo
argagax, wayna awoodi kari waayeen in ay dagaal ugu soo
baxaan muslimiinta oo goobta yimaadaan, sidaa darteed waxa
ay kala aadeen magaalooyinka xuduudkooda gudihiisa ku
yaallay oo waxay galeen difaac.
Ciidankii muslimiinta wuxuu Alle u siyaadiyey
Ciso iyo sharaf, meel walbana waxaa laga ogaaday guusha
muslimiinta iyo baqdintii roomaanka oo waqtigaas dunida ugu
xoogga badnaa. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxa ay Tabuuk
degganaayeen 20 beri, waxaana Rasuulka SCW u yimid intii uu
meeshaa degganaa qaar ka mid ahaa madaxdii dhulkaas xukumi
jirtey iyaga oo doonaya heshiis, iyo in ay jisyo bixiyaan.
Waxaa Rasuulka SCW u yimid nin la oran jireyYuxayna binu
Rawba oo xukumayey Ayla, wuxuuna Rasuulka SCW la saxiixday
heshiis, wuxuuna ballan qaaday jisyo, Rasuulkuna SCW warqad
ayuu u qoray taas oo ahayd sidan:
BISMILLAAHI RAXMAAN
RAXIIM
Tani waa nabadgelyo ka ahaatay Nabi Maxammed,
Rasuulkii Alle una ahaatay Yuxayna binu Rawba iyo reer Ayla
doonyahooda iyo socotadooda bad iyo berri. Waxa ay ku jiraan
nabadgelyadii Alle iyo Nabi Maxammed iyaga iyo ciddii la
jirta oo reer Shaam iyo reer Baxar ah. Qofkii iyaga ka mid
ah oo dhibaato soo cusboonaysiiya maalkoodu ka celin maayo
naftooda, ciddii maal ka qaadata oo dadka ka mid ahna waa u
xalaal. Xalaal ma aha in laga manciyo biyo ay aroorayaan iyo
waddo ay marayaan bad iyo berriba.
Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW u yimid reer
Jarbaa iyo reer adkax waxa ay iyaguna ballan qaadeen in ay
jisyo bixiyaan, Rasuulkuna SCW wuxuu u qoray warqad.
Rasuulku SCW intii uu meeshaa joogey wuxuu diray
ciidan gaaraya 420 nin oo fardooley ah, madaxna uu u ahaa
Khaalid binu Waliid. Wuxuu ciidankaas u diray ninkii la oran
jirey Ukaydar binu Cabdi-Malik oo ahaa masiixi xukumayey
Duumatul-Jundul. Rasuulku SCW wuxuu ku yiri Khaalid "waxa
aad heli doontaa ninkaas oo lo' duureed ugaarsanaya".
Khaalid wuu baxay ilaa uu u dhowaaday qalcaddii uu ninkaas
degganaa, habeenkaas oo uu jiray dayax, ahaydna waqti kuleyl
ah ayaa Ukaydar isaga oo haweentiisii la taagan, waxa ay
arkeen lo' duureed ku xoqanaysa albaabkii dhistooda, markaas
ayey haweentiisii ku tiri "weligaa arrintaan oo kale ma
aragtay?", wuxuu yiri "maya, Ilaah baan ku dhaartaye", waxa
ay tiri "tan yaa ka tagay?", wuxuu yiri "qofna", ka dib
intuu soo degay ayuu amray in faraskiisii loo kooreeyo,
markii loo yeelayna wuu soo baxay wuxuu bilaabay in uu
ceyrsado isaga oo ay la jiraan koox ehelkiisa ah oo uu ka
mid ahaa walaalkiis Xasaan. Ugaartii isaga oo ceyrsanaya
ayaa waxaa soo qabtay ciidankii Khaalid watay, walaalkiisna
way dileen. Wuxuu Ukaydar dusha ka gashanaa maro ka
samaysnayd xariir dahab lagu qurxiyey, Khaalid ayaa markaa
maradii ka qaaday oo Rasuulka SCW u sii diray. Anas bin
Maalik wuxuu yiri "waxa aan arkay maradii markii Rasuulka
SCW loo keenay iyada oo ay muslimiinti gacmohooda ku
taataabanayaan oo ay la yaabban yihiin, markaas ayaa
Rasuulku SCW yiri "ma tan baad al yaabaysaan, Allihii
nafsaddaydu gacantiisa ku jirtay ku dhaartaye fasaleetiyada
Sacad binu Mucaad ee jannada dhexdeeda ayaa ka fiican tan".
Ka dibna Khaalid ayaa u keenay Rasuulka SCW ninkii Ukaydar
ahaa, Rasuulkuna SCW ninkaa wuu iska cafiyey, wuxuuna kula
heshiiyey in uu jisyo bixiyo, ka dibna Ukaydar waxa uu u
noqday ehelkiisii.
Rasuulku SCW wuu soo gaddoomay, intii uu jidka
ku soo jirey ayaa 12 nin oo munaafaqiinta ka mdi ahaa
damceen in ay dilaan Rasuulka SCW hase yeeshee waa loo
waxyooday, waxaana Rasuulka SCW la socday Cammar binu Yaasir
oo hoggaanka hasha u hayey iyo Xudayfa binu Yamaam oo hasha
gadaal ka waday. Markii ay munaafaqiintii u soo dhowaadeen
Rasuulka SCW oo uu shanqartoodii maqlay ayuu u diray Xudayfa
si uu u kala cayriyo, markaas ayuu Xudeyfa seeftiisii la
baxay oo daabbadahoodii ka hor tegey, markaas ayey kala
carareen oo ciidankii dhex galeen. Rasuulku SCW wuxuu ka dib
magacyadoodii iyo wixii ay damacsanaayeenba u sheegay
Xudeyfa.
Rasuuulku SCW markii uu Madiina u soo dhawaaday
ayuu yiri "tani (Madiina) waa dhaaba, kani waa Uxud, waa
buur na jecel annaguna aan jecel nahay". Ka dib Rasuulku SCW
wuxuu galay magaaladii Madiina bishii Ramadaan, sannadkii
9aad ee hijriga, wuxuna Madiina ka maqnaa 50 beri. Sidii
sunnada u ahayd Rasuulka SCW markii uu safar ka soo laabto,
wuxuu ugu hor galay masaajidka oo uu ku tukaday labo
rakcadood, ka dib dadkii ayuu u fariistay. Nimankii
munaafaqiinta ahaa oo dhowr iyo siddeetan gaarayey ayaa
Rasuulka SCW u yimid iyaga oo u cudurdaaranaya oo been ku
dhaaranaya, Rasuulkuna SCW wuu u rumeeyey hadalkoodii oo
daahirkoodii ayuu xukumay, laabtoodiina Ilaah ayuu u tala
saartay, wuuna u dembi dhaaf weydiiyey hase yeeshee Alle uma
dembi dhaafin kamana raalli noqon, wuxuuna qur'aankiisa ku
yiri:
((U DAMBI
DHAAF WAYDII AMA HA U DAMBI DHAAF WAYDIIN HADDII AAD U DAMBI
DHAAF WAYDIISO TODOBAATAN JEER ALLE U DEMBI DHAAFI MAAYO,
MAXAA YEELAY WAXA AY KU KUFRIYEEN ALLE IYO RASUULKIISA SCW,
ALLENA MA HANUUNIYO DAD FAASIQIIN AH)), (Suuratu-Tawbah
80).
Intii uu Rasuulku SCW ku maqnaa duullaankii
Tabuuk waxaa dhacday in qaar munaafaqiinta ka mid ah ay
dhiseen masaajid si ay muslimiinta ugu kala geeyaan,
dhufaysna uga dhigtaan. Rasuulka SCW ayey u yimaadeen oo ku
yiraahdeen "Rasuulkii Allow waxaan dhisnay masaajid,
waxaanna jecel nahay in aad noo timaaddid oo noogu tukatid",
Rasuulkku SCW markii uu damcay in uu tago Ilaahay soo
dejiyey aayadahan:
((KUWA
WEEYE (MUNAAFAQIINTU) U YEESHAY MASAAJID DHIB IYO GAALNIMO
IYO IN AY KALA JABIYAAN MU'MINIINTA, UUNA KU DHAKADO MID
HORAY ULA DAGAALAMAY ALLE IYO RASUULKIISA, WAXAYNA KU
DHAARANAYAAN INAANAN WAX AAN WANAAG AHAYN DOONAYN, ALLASE
WAA OG YAHAY INAY BEEN SHEEGAYAAN, HA JOOGSAN DHEXDIISA
WALIGAA, MASAAJID LAGU BILAABAY MAALINKII U HORAYSAY TAQWADA
ALLE (MASAAJIDKII QUBA) AYAA U XAQ LEH IN AAD DHEX IS
TAAGTO, WAXAANA JOOGA (MASJID QUBA) RAG JECEL IN AY IS
DAAHIRIYAAN, ALLENA WAA JECEL YAHAY KUWA IS DAAHIRIYA, MA
QOF KU BILAABAY DHISTA (MASAAJIDKIISA) TAQWADA ALLE IYO
RAALI AHAAN SHIHIISA AYAA KHAYR BADAN MISE MID KU BILAABAY
DHISMIHIISA GOD KULA DUMAYA JAHANNAMO QARKIIS, ALLENA MA
HANUUNIYO QOOM DAALIMIIN AH, KANA SUULIMAAYO DHISMAHOODII AY
DHSIEEN (SABABTII) IN QULUUBTOODA UU KU JIRO SHAKI ILAA AY
KA GOOGO'DO QULUUBTOODU, ALLENA WAXA UU AHAADAY ALLE WAX
WALBA OG OO XAKIIM AH)), (Suuratu-Tawbah 107-110).
Markaas
ayuu Rasuulku SCW amray rag asxaabtiisa ah in ay baxaan oo
soo dumiyaan, soona gubaan masaajidkaas.
Halkan waxaa aynu ka qaadanaynaa in shay kasta
iyo camal walba oo wanaagsan mar haddii aan Alle dartiis
loola jeedin ee dano adduunyo loo sameeyo uusan faa'ido
yeelanayn; Allena qofka niyadiisa ayuu u qabanayaa.
Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "acmaashu waxa ay ahaatay niyada,
qof walbana wuxuu leeyahay wixii uu niyoodo. Qofkii ay
hijradiisii tahay Alle iyo Rasuulkiisa, hijradiisu waa Alle
iyo Rasuulkiisa; qofkii ay hijradiisu tahay adduunyo uu soo
helo ama haweenay uu soo guursado, hijradiisu waa waxa uu u
hijrooday".
Mu'miniintii kale oo duullaankaas ka haray oo
aan ka qayb gelin waxaa ka mid ahaa Kacab binu Maalik,
Muraaro binu Rabbiica iyo Hilaal binu Umaya oo iyagu aan u
harin shaki iyo nifaaq balse uu qaaday wahsi iyo naf
jeclaysi. Kacab binu Maalik wuxuu yiri "weligay Rasuulka SCW
kama harin duullaan uu duulayo marka laga reebo kii Tabuuk
iyo Badar oo aan isaga cidna lagu canaanan. Waxa aan
Rasuulka SCW kala qayb galay beycaddii Caqaba 2aad oo aan
islaamka isku ballansannay, Badarna kama aan jeclayn Caqaba
in kasta oo ay dadku sheeg sheegaan Badar. Hase yeeshee ma
jirin mar aan ka xoog badnaa, oo iiga fududayd duullaankii
Tabuuk ee aan ka haray. Ilaah ban ku dhaartaye markaas aka
hor ma kulmin labo neef (oo aan duullaan u diyaarsado) illaa
duullaankaas Tabuuk maahane. Rasuulkuna SCW ma duuli jirin
hase yeeshee wuxuu muujin jirey (jihada duullaanka) meel aan
ahayn duullaankan Tabuuk maahane. Rasuulkii Allena wuxuu
duulay iyada oo uu jiro kulayl daran, wuxuuna qaabbilay
safar dheer iyo caddad badan, muslimiintana wuxuu u
caddeeyey arrintaas si ay duullaanka isugu diyaariyaan,
muslimiiinta Rasuulka SCW la socdayna way badnaayeen mana
jirin diiwaan koobaya, waxaana yaraa nin doona in uu is
qariy illaa wuu maleynayey in uu qarsoomi karo haddii aan
waxyi xagga Alle ka imaan. Wuxuu duullay Rasuulkii Alle
waqti ay mirihii soo go'een. Anigu waan is diyaariyey hase
yeeshee ma aanan samayn, markii ciidankii baxay ayaan damcay
in aan ka daba tago hase yeeshee ma aanan samayn. Markii uu
Rasuulkii Alle baxay ayaan ku dhex socday dadkii (bal in aan
helo dad kale oo wanaagsan oo haray), waxaase i muru geliyey
in aanan arag illaa nin nifaaq ka buuxo iyo nin Ilaahay u
cudurdaaray maahane".
Markii uu Rasuulku SCW soo noqday ayuu Kacab
cudurdaar aan jirin urusaday si uu Rasuulka SCW ugu raalli
geliyo hase yeeshee amrki uu Rasuulka SCW u soo dhowaaday
ayuu arrinkaas iska daayey, wuxuuna go'aansaday in uu runta
ku dadaalo iyada ayaa adduun iyo aakhiroba badbaadinaysee.
Rasuulku SCW markii uu masaajidkii fariistay oo
munaafaqiintii oo dhan ay cudurdaar been ah la yimaaddeen
ayaa Kacab u soo galay Rasuulka SCW, markaas ayaa Rasuulku
SCW dhoolla caddayn uu xanaaq ku jiro oo kale dhoolla
caddeeyey, weydiiyeyna Kacab waxa ka reebay duullaanka.
Kacab wuxuu yiri "Rasuulkii Allow SCW Ilaah baan ku
dhaartaye haddii aan ag fariisan lahaa cid kale, cudurdaar
ayaan u badin lahaa oo waxaa la i siiyey codkarnimo, hase
ahaatee Ilaah baan ku dhaartaye waxa aan ogahay haddii aan
maanta kuu sheego been ah oo aad iiga raalli noqotid in
Ilaahay uu ii caroonayo. Haddiise aan kuu sheego sheeko run
ah oo aad wax iigu qaadaysid, waxa aan rajaynayaa cirib
dambeedka Alle. Ilaah baan ku dhaartayey wax cudurdaar ah m
alihi, Ilaah baan ku dhaartaye maalin aan ka xoog badnaa ma
jirin oo ay iiga fududeyd markii aan kaa haray (duullaankii
Tabuuk). Rasulku SCW wuxuu yiri "kani waa run sheegay. Kac
intii Allaah kaa xukminayo".
Rag ayaa ka daba kacay Kacab oo ku yiri "war
maxaad u cudurdaaran weyday sidii kuwii kale u cudurdaarteen
oo kale, waxaa dembigaaga kaafin lahayd dembi dhaaf
weydiinta Rasuulka SCW?", markaas ayuu Kacab ku yiri "cid
kale oo ila qabtaa arrinkan (cudurdaar la'aan) ma jirtaa?",
waxa ay dheheen "haa, waxaa kula qaba labo nin oo sidaa oo
kale yiri", markaas ayuu yiri "waa kuwama?", waxaa la yiri
waa "Muraara binu Rabbiic iyo Hilaal binu Umaya", markaas
ayuu Kacab farxay oo yiri "waxa ay ii sheegeen labo nin oo
wanaagsan oo dagaalkii Badar xaadiray, ku deyashana iigu
sugan tahay".
Rasuulku SCW wuxuu muslimiiintii ka reebay in ay
saddexdaas nin la hadlin inta uu Alle arrinkooda ka
xukuminayo. Kacab wuxuu yiri "dhulkii iyo dadkii ayaa isu
kaaya beddelay oo dhulkiiba dhulkii aan naqaannay ma aha.
Waxa aannu sidaas ahayn 50 habeen, labadii saaxiibna
guryahooda ayey iska fariisteen iyaga oo ooyaya laakiinse
anigu ragga waan u dhallinyaraa, waanna ugu adkeysi badnaa
sidaa darteed waan baxayey oo salaadda ayaan muslimiinta la
xaadirayey, suuqyadana waan marayey hase yeeshee qofna ilama
hadlay. Rasuulka SCW waan u imaanaey oo salaamayey salaadda
ka dib isaga oo booskiisa jooga, waxa aan is lahaa
"salaantii ma kaaga jawaabay oo bishimaha ma dhaqaajiyey
mise waa maya". Ka dib meel u dhow ayaan inta ku tukado
fiirmada ku xadayey, markii aan salaadda u jeestana wuu i
fiirinayey, markii aan dhiniciisa milicsadana wuu iga
jeesanayey.
Markii ay muddadii (nala gooyey) ila dheeraatay
ayaan (maalin) waxa aan tegay derbiga beertii Abii Qataada
oo in adeerkay ahaa, dadkana aan ugu jeclaa, markaas ayaan
salaamay, Ilaah baan ku dhaartaye iima celin salaantii,
markaas ayaan ku iri "Ilaah baan kugu dhaarshaye Abii
Qataadow miyaadan ogeyn in aan Ilaahay iyo Rasuulkiisa
jeclahay?', wuu iga aamusay, markaas ayaan ku celiyey oo
dhaariyey, haddana wuu aamusay, mar saddexaad ayaan ku
celiyey, markaas ayuu yiri "Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaa u
ogaal badan (in aad jeceshahay)", markaas ayey indhahaygii
shubmeen (ooyey) oo aan iskaga tegey.
Goor aan suuqii Madiina si marayo ayaan arkay
Nin reer Shaam ah oo ka mid ahaa kuwo cunto Madiina
keensaday oo leh "yaa i tusinaya Kacab binu Maalik", markaas
ayey dadkii ii soo tilmaameen illaa uu iiga yimid oo ii
dhiibay waraaq ka socota boqorkii Qasaan. Waxaan akhriyey
wixii ku qornaa oo aha "intaas ka dib waxaa i soo gaartay in
saaxiibkaa (Rasuulk SCW) uu ku gooyey, Allena kuma yeelin
daar dulli ah ee na soo haleel aan ku darajeynee", markii
aan dhammeeyey ayaan iri "tanina imtixaanka ayey ka mid
tahay", markaas ayaan gubay warqaddii.
Kacab oo sheekadiisi wata wuxuu yiri "Markii ay
dhammatay 40 habeen oo 50kii habeen ka mdi aha ayaa waxaa ii
yimid adeege uu Rasuulku SCW ii soo diray , wuxuuna igu yiri
"Rasuulkii Alle wuxuu ku amrayaa in aad xaaskaaga ka
dheeraatid", markaas ayaan iri "maxaan sameeyaa, miyaan
furaa?", wuxuu yiri "maa ee ka fogow oo ha u dhowaan",
saaxiibadayna waa loo cid diray oo sidaas oo kale ayaa loo
sheegay. Waxaan markaas xaaskaygii ku iri "u tag reerkiina
oo la joog inta Alle ka xukumayo arrinkaan", haweentii
Hilaal ayaa markaas Rasuulka SCW u tagtay oo ku tiri
"Rasuulkii Allow Hilaal binu Umaya waa odey dayacan oo aan
khaadim lahayn ee ma kahanaysaa haddii aan u adeego?",
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "maya, laakiinse yuusan kuu
dhowaan", waxay tiri "Ilaah baan ku dhaartaye kama suulin in
uu ooyayo (Hilal) laga soo bilaabo markii uu amarku ahaaday
ilaa maalinkiisan (maanta).
Dad cidahayga ka mid aha ayaa igu yiri "haddii
aad Rasuulka SCW uga idan qaadan lahayd xaaskaaga sida
haweenka Hilaalba ay uga idan qaadatay khidmayntisa",
markaas ayaan ku iri "uga idan qaadan maayo, maxaa i
ogeysiiyey waxa uu i dhihi doono Rasuulka Alle markaan uga
idan qaato aniga oo nin dhallinyaro ah". Markii aan 10
habeen sii joognay ayaa subaxdii 50aad guri guryahaygii ka
mid ah ku tukaday salaaddii fajar aniga oo siduu Alle nagu
sheegay u fadhiya oo naftaydii igu ciriirsantay, dhulkiina
igu yaraaday waxa aan maqlay cod ka dhawaaqaya (buurta) oo
codkiisii ugu sarreeyey ku leh "Kacab binu Maalikow
bishaarayso", markaas ayaan sujud la dhacay, waxaana
aqoonsaday in u faraj yimid, Rasuulkuna SCW wuxuu dadkii
ogeysiiyey towbaddayadii markii uu salaaddii subax tukaday,
markaas ayey dadkii baxeen iyaga oo noo bishaaraynaya,
saaxiibadayna waxaa aaday kuwo u bishaaraynaya, anigana
waxaa i soo aaday nin faras saaran. Nin kale oo reer Aslam
ahna wuxuu u soo orday dhinacayga oo wuxuu fuulay buur,
codkiisii ayaana ka soo dheereeyey faraskii. Markii uu ii
yimid kii aan codkiisa maqlay ayaan u siibay maradaydii oo
ku dhareeyey bishaaradiisa darteed, Ilaah baan ku dhaartaye
maalinkaasna maryo kale haysan, waxaan soo caariyeystay labo
maro oo ka dib soo aaday Rasuulka SCW. Dadkii ayaan markaas
iila kulmay koox koox iyaga oo iigu bishaaraynaya towbada
Alle ilaa an masaajidka ka galay oo arkay Rasuuulkii Alle
oo ay dadku hareerihiisa fadhiyaan, markaas ayuu Dalxa binu
Cubeydillaah istaagay oo ii tahniyadeeyey, Ilaah baan ku
dhaartaye nin kale oo muhaajiriin ka mid ah ma istaagin".
Kacab wuxuu ahaa mid aan Dalxa hilmaamin.
Kacab wuxuu yiri "markii aan Rasuulkii Alle
salaamay, isaga oo farxaddu wejigiisa ka ifayso ayuu igu
yiri "ku bishaarayso kheyr (kii ugu waynaa) maalin ku soo
marta ilaa iyo markii ay hooyadaa ku dhashay", markaas ayaan
iri "Rasuulkii Allow ma xaggaagaa mise xagga Rabbi?", wuxuu
yiri "maya ee waa xagga Allaah", Rasuulka Allaahna wuxuu
ahaa (mid) markii uu farxo wejigiisu uu iftiimi jirey ilaa
uu ka noqdo gobal dayax ah oo kale. Markii aan Rasuulka SCW
soo horfariistay ayaan ku iri "Rasuulkii Allow towbaddayda
darteed ma uga siibtaa maalkayga sadaqo Alle iyo
Rasuulkiisa?", wuxuu yiri Rasuulku SCW "hayso maalkaaga
qaarkis, sidaas ayaa kuu kheyr badane", markaas ayaan iri
"waxa aan haysanayaa sahmigaygii Khaybar". Ka dib waxa aan
iri "Rasuulkii Allow Ilaah kor ahaaye wuxuu igu badbaadiyey
runtaydii, towbaddaydana waxaa ka mid ah in aan inta aan
noolahay wax aan run ahayn sheegin. Ilaah baan ku dhaartaye
ma ogi qof muslimiinta ka mid ah oo Alle ku imtixaamay run
sheegid oo ka wanaagsan wixii uu Alle igu imtixaanay laga
soo bilaabo markii aan arrinkaas Rasuulka SCW u sheegay.
Ilaah baan ku dhaartaye uma qasdan been laga soo bilaabo
markii aan arrinkaas Rassuulka SCW ku iri ila maanta, waxa
aan rajaynayaana in Alle iga xifdiyo (beenta) inta ii dhiman
Cimrigayga.
Aayadihii uu Allaah SW ku soo dejiyeyn towbada
saddexdaas nin iyo asxaabtii kaleba waxa ay ahaayeen kuwan.
((ALLE
WAXA UU KA TAWBAD AQBALAY NABIGA, MUHAAJIRIIN IYO ANSAARTII
RAACDAY WAQTIGII CULAYSKA KA DIB MARKII AY U DHAWAATAY IN AY
IILATO KOOX KA MID AH QULUUBTOOD, DABADEEDNA UU KA TAWBAD
AQBALAY, WUXUUNA AHAADAY ALLE MID U TURA IYAGA OO U
NAXARIISTA, (SIDOO KALE WAXAA UU ALLE KA TAWBAD AQBALAY)
SADEXDII LA DIB DHIGAY ILAA UU KAGA CIRIIRYAWMAY DHULKII
ISAGOO WAASIC AH, KUNA CIRIIRYAWMAY DHULKII, UNA MALEEYEEN
(YAQIINSADEEN) INAYSAN JIRIN MEEL ALLE LAGA MAGAN GALO ISAGA
MA AHANE, KA DIBNA UU KA TAWBAD AQBALAY OO AY TAWBAD
KEENAAN, ALLENA WAXA UU AHAADAY TAWBAD AQBALE NAXARIISTA)),
(Suuratu-Tawbah 117-118).
Kacab wuxuu yiri "Ilaah baan ku dhaartaye Alle
hore iiguma nimcayn nimco nafsaddayda uga weyn runtii aan u
sheegay Rasuulka ka dib markii uu islaamka Alle igu
hanuuniyey". Allaahna kor ahaaye markii uuu waxyiga soo
dejiyey wuxuu u yiri kuwii beenaalayaasha ahaa wixii uu qof
u yiraahdo kii ugu shar badnaa, wuxuuna ku yiri
qur'aankiisa:
((U DAMBI
DHAF WAY DII AMA HA U DAMBI DHAAF WAYDIIN HADDII AAD U DAMBI
DHAAF WAYDIISO TODOBAATAN JEER ALLE U DAMBI DHAAFI MAAYO,
MAXAA YEELAY WAXA AY KU KUFRIYEEN ALLE IYO RASUULKIISA,
ALLENA MA HANUUNIYO QOOM FAASIQIIN AH)), (Suuratu-Tawbah
80).
Intaas ayuu ku dhamaaday Duullaankii Tabuuk
waxaana si wanaagsan uga warrantay Suuratu-Tawbah (Baraa' ),
wuxuuna ahaa saan soo sheegnayba duullaan uu Rasuulku SCW ka
qayb galo kii ugu dambeeyey uguna ciidan badnaa.
Isla sannadkaa 9aad ee hijriga, waxaa iyaguna
dhacay dhowr arrimood oo u baahan in wax laga tilmaamo, waxa
ayna kala ahaayeen:
1. Ka soo noqodkii Rasuulka SCW ee duullaankii
Tabuuk, waxaa dhacday qisadii Licaanka ee dhex martay
Cuwaymir iyo xaaskiisii.
2. Waxaa la rajmiyey (dhagax lagu dilay) haweentii
Qaamidiya oo ahayd mid ictiraaftay in ay faaxisho (sino) ku
dhacdo, waxaana la rajmiyey markii ay muddadii naas nuujinta
ilmaheedu u dhammaatay.
3. Waxaa geeriyooday Najaashe (boqorkii Xabashida),
wuxuuna Rasuulku SCW ku tukaday janaaso (Salaatul-Qaa'ib).
4. Waxaa la oofsaday gabadhii uu Rasuulku SCW dhalay
ee Ummu Kalthuum, Rasuulkuna SCW aad ayuu uga tiiraanyooday,
wuxuuna Cusmaan binu Cafaan oo gabadha qabay ku yiri "haddii
ay gabadh saddexaad ii joogi lahayd waan kuu guurin lahaa".
5. Waxaa dhintay madaxii munaafiqiinta ee
Cabdullaahi ibnu Ubay ibnu Salool, Rasuulkuna SCW waa u
dembi dhaaf weydiyey oo wuxuu damcay in uu ku tukado,
markaas ayaa Cumar binu Khadhaab ku dhegay oo ka joojiyey,
ka dibna waxaa soo degay aayaddan qur'aanka ah oo ayideysa
ficilkii Cumar.
((HA KU
TUKANIN AXAD KA MID AH OO DHINTAY WALIGEED, HANA DUL IS
TAAGIN QABRIGIISA, LI'ANNA WAXA AY KU KUFRIYEEN ALLE IYO
RASUULKIISA, WAXAYNA DHINTEEEN IYAGA OO FAASIQIIN AH)), (Suuratu-Tawbah
8). |