Dheelmintii Rasuulka SCW waa la isku khilaafaa waqtigii
ay ahayd ama sannadkii ay dhacday. Waxayna culimada qaarkood
weriyaan inay hal sano ka hor hijrada ahayd, qaarna waxay
weriyaan in ay hal sano iyo laba bilood ka horreysey hijrada,
qaar kalena waxay weriyaan waqtiyo kale oo kala duwan. Hase
yeeshee Allaah ayaa garanaya waqtiga saxa ah, mana ku soo
aroorin qur'an iyo axaadiis saxiix ah oo ka hadlaya waqtigay
ahayd.
Sidoo kale waxaa la isku khilaafaa inta jeer oo Nabiga
SCW la dheelmiyey, laakiin sida saxiixa ah oo culimadu u
badan tahay, adilladana laga fahmayo waxa weeye in hal mar
la dheelmiyey. Sidoo kale waxaa iyadana khilaaf ku jiraa
habkii loo dheelmiyey iyo waxyaabihii uu Rasuulku SCW
habeenkaa soo arkay, kutubaha qaarkood markay arrimahaas ka
hadlayaan waxay soo arooriyaan arrimo badan oo sixadooda aan
la hubin loona baahnayn in la iska dhex dabbaasho.
Rasuulka SCW waxaa la dheelmiyey jasadkiisa iyo ruuxdiisa
sida saxiixa ah. Waqti habeennimo ah ayaana la dheelmiyey,
waxayna saxiixaynku wariyeen in Rasuulka SCW markii la
dheeelminayey malaku Jibriil uu guriga saanqaafkiisa ka soo
galay oo jeexay xabadka Rasuulka SCW soona bixiyey
galbigiisa kuna dhaqay biyo samsam ah oo ka buuxiyey xikmad
iyo iimaan. Waxaana laga dheelmiyey masjidka Xaramka ah ilaa
Beytul-Maqdis. Rasuulku SCW wuxuu sarnaa Buraaqo, waxaana la
socday Jibriil. Wuxuu Nabiga SCW ku degey Baytul-Maqdis oo
uu halkaa ku tujiyey anbiyadii, buraaqadiina waxaa lagu
xiray masaajidka albaabkiisa. Ka dib wuxuu ka baxay
Baytul-Maqdis isaga iyo Jibriil isla habeenkiiba, waxayna
tageen oo koreen samadaan dhow. Ka dib Jibriil ayaa dalbay
in laga furo (Albaabka samada) waana laga furay.
Nabiga SCW wuxuu samada 1aad ku arkay Nabi Aadam, wuuna
salaamay, isna wuu ka qaaday oo wuu soo dhoweeyey.
Wuxuuna Allaah Rasuulka SCW tusay dadkii wanaagsanaa
arwaaxdoodii oo dhinaca midig ka taalla Nabi Aadan, iyo
kuwii xumaa oo dhinaca bidix ka yaalla. Ka dib wuxuu tegey
samada labaad oo uu ku arkay Nabi Yaxye iyo Nabi Ciise.
Markaasuu la kulmay oo salaamay, iyaguna waa ka ajiibeen
salaantii wayna soo dhoweeyeen. Samada saddexaad ayuu
markaas u gudbay wuxuuna ku arkay Nabi Yuusuf, wuu salaamay
isna waa ka ajiibey, waana soo dhoweeyey. Ka dib wuxuu koray
samada 4aad, wuxuuna ku arkay Nabi Idriis, wuu salaamay,
isna waa ka aqbalay, wuuna soo dhoweeyey.
Ka dib samada 5aad ayuu koray oo uu ku arkay Nabi Haaruun,
wuu salaamay, isna waa ka qaaday waana soo dhoweeyey. Samada
6aad ayuu dabadeed koray halkaas oo uu ku arkay Nabi Muuse,
wuuna salaamay, isna waa ka ajiibay waana soo dhoweeyey.
Markuu Rasuulku SCW ka tegey Nabi Muuse ayaa ooyey.
Markaasaa lagu yiri "maxaa kaa oohiyey", wuxuu yiri "waxaa
iga oohiyey wiil gadaashay la soo diray oo ummaddiisa
jannada gelaysaa ay ka badan tahay ummaddayda jannada
gelaysa". Ka dib wuxuu Rasuulka SCW koray samada 7aad oo uu
kula kulmay Nabi Ibrahim, wuu salaamay, isna waa ka qaaday
waana soo dhoweeyey.
Nebiga SCW ka dib waxaa loo kor yeelay Sidratul-Muntaha
dabadeedna waxa lo sii kor yeelay Baytul-Macmuur. Intaa ka
dib Allaah ayuu u sii koray oo la hadlay. Waxaa asxaabtii
Rasuulka SCW isku khilaafeen in Nabiga SCW arkay habeenkaas
Rabbigiis iyo in kale. Waxayse asxaabta badankoodu ku tageen,
nusuusta iyo adilladuna tusinayaan in uusan Nabigu SCW
Rabbigiis arag ee uu nuur arkay, sidaa xadiiska ay
saxiixaynku wariyeen markii la waydiiyey Rasuulka oo lagu
yiri: "Rabbigaa ma aragtay? Wuxuu yiri nuur baan arkay.
Rasuulka SCW markuu Ilaahay u tegey waxaa isaga iyo
ummaddiisa lagu soo farad yeelay 50 salaadood, hase yeeshee
markuu la soo laabtay ayuu la kulmay Nabi Muuse. Markaas
ayaa Nabi Muuse ku yiri "maxaa lagu soo amray?" wuxuu
Rasuulku SCW yiri "50 salaadood". Wuxuu yri Nabi Muuse "ummaddaadu
ma karto intaas ee Rabbigaa ku laabo oo weydiiso in laga
fududeeyo ummaddaada". Rasuulka SCW sidii ayuu yeelay oo
Rabbigiis ayuu la hadlay, waxaana laga soo dhimay 10
salaadood. Hase yeeshee markuu Muuse ku soo laabtay ayuu
Muuse mar labaad sidii oo kale celiyey, Nabiguna SCW waa
laabtay. Sidaa ayuuna Rasuulka SCW waa laabtay. Sidaas ayuu
Rasuulka SCW ugu dhexeeyey Muuse iyo Rabbigiis ilaa 5
salaadood laga soo reebay. Markaasuu mar kale Muuse celiyey,
hase yeeshee Rasuulka SCW wuxuu yiri "waan ka xishoonayaa
Rabbigay, intan ayaanna ku raalli ahay oo ugu hoggaansamayaa".
Rasuulku SCW isla habeenkiiba wuxuu ku soo laabtay Makka,
subixii markuu waagu baryeyna wuxuu u tegey qureysh oo u
sheegay in la dheelmiyey. Laakiin qureysh waxay arrintaas ka
qaadeen carar, waxayna weydiiyeen Nabiga SCW inuu u tilmaamo
Baytul-Maqdis oo ay aqoon u lahaayeen. Allaah ayaa markaas
Rasuulkiisa u muujiyey Baytul-Maqdis, Rasuulkuna waa uga
warramay oo si fiican ayuu ugu tilmaamay, iyaguna wax
tilmaamahaa ka mid ah kuma diidin, noloshiisana Rasuulka SCW
ma tegin Beytul-Maqdis markaan mooyee. Waxaa kale oo Nabiga
SCW uu qureysh uga warramay safarkoodii oo uu dhexda ku soo
arkay iyo weliba waqtiga uu ku soo beegan yahay Makka iyo
ratigii u soo horreeyey. Intaas oo dhan waxay noqdeen siduu
Nabigu SCW u sheegey, hase yeeshee qureysh uma siyaadin wax
aan ka ahayn kufri iyo gaalnimo, waxaa kale oo shakiyey
markay qisadaan maqleen kuwa muslimiinta ka mid ahaa wayna
riddoobeen, waxaana lala laayey Abii-Jahal.
Hase yeeshee dadkii iimaanku dhabta ka ahaa oo
yaqiinsanaa in Allaah subxaanahu watacaalaa uu wax walba
awoodo, Maxamedna SCW uu yahay Rasuulkiisii, aysanna dhici
karin in uu Allaah ku been abuurto waxa ay arintaani u
siyaadisay imaan iyo taqwo sida Abuu-Bakar siddiiq oo markii
ay gaaaladu warkii ula yimaadeen ku yiri: "waa run", waxay
dheheen: "ma waxaad u rumaynaysaa in uu xalay tagay Baytul
Maugdis kana soo laabtay waagii oo aan baryin" wuxuu yiri: "waxaan
u rumeeyaa wax taa ka fog oo ah khabarka samada uga yimaada
subax iyo galaba", sidaas ayaa marka Abuu-Bakar kula baxay
siddiiq.
Rasuulka SCW wuxuu habeenkaas la dheelmiyey soo arkay
arrimo waa weyn oo Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah siduu
Alleba ku sheegay aaayaddaan.
((XAQIIQDII WUXUU ARKAY AAYAADKII RABBIGIIS EE WAAWAYNAA)),
(Suuratu-Najmi 18).
Arrimuhuu Rasuulka SCW arkay habeenkaas waxa ka mid ahaa
malaku Jibriil oo uu ku arkay suuraddii Alle ku abuuray
isagoo leh lix boqol oo garab, sidoo kale wuxuu arkay oo
tilmaamay webiga Kawthar ee Jannada ku yaal, sidoo kale
wuxuu tilmaamay Siiratul Muntahaa iyo caleenteeda, Beytul
Macmuur oo ku yaal samada toddobaad iyo habkay malaa'iktu u
takto oo ugu tukato. Allena isagoo arrimahaas wax ka
tilmaamaya waxa uu yiri:
((XAQIIQDII WUXUU (NABIGA) ARKAY JIBRIIL MAR KALE, (OO UU
KU ARKAY ) SIDRATUL-MUNTAHAA AGTEEDA, AGTEEDANA WAXAA AH
JANNATUL-MA'WAA, WAQTI UU DABOOLAY SIDRADA WIXII DABOOLAY, (NABIGA)
ARAGIISUNA MATAGIN MANA XAD GDUBIN)), (Suuratu-Najmi 13-17).
Sidoo kale Rasuulka SCW wuxuu soo arkay habeenkaas la
dheelmiyey dad la cadaabayo sida kuwa dadka xanta, iyagoo
leh ciddiyo bir ka samaysan oo wejiga iyo xabadka iska
diiranaya.