DHISITAANKII KACBADA
Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay
malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista
midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah
oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim
iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed,
Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen
kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan
maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada
ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin
naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof
bani aadam ah laga dulmiyey.
Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen waxaa ka
go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed
waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim
labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen
ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi
lahayd maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu
magaca qaato.
Markuu
arrinku qir iyo qir daadhey ayey waxay go'aansadeen qofka
ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro.
Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey ee albaabkii ka soo glay
wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay
dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay.
Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii
keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil walba
nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii
go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii
meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.
Arrintaan
oo kale meelaha ay qureyshtu ku dhaantey dad badan oo maanta
islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay
garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa aan lagu dhisin
xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa
laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay
xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam
geliyaan sida masaajiddada iwm.
Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida marka la yidhaahdo
yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa,
roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah". Asnaamtana
waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u
sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo
Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu
dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada
Ilaah baannu ugu dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan
badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen,
laakiin maanta dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday dhibi ku
timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada
amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.
|