GEERIDII RASUULKA SCW
Markii uu Rasuulku SCW ka soo
laabtay Xajatul-Wadaac, maalmo ka dib waxaa dhalatay bishii
Muxarram, sannadkii 11aad ee hijriga, isla bishii ku xigtay
ee Safar ayaa Rasuulka SCW waxa ku bilaamay xanuunkii uu u
geeriyoon lahaa. Rasuulka SCW geeridiisa waxaa ogeysiiyey
Allaah sidii nabiyadii ka horreeyeyba, Rasuulka SCW wuu sii
sheegay in aan Nabi dhiman ilaa la kala doorransiiyo labada
daarood (adduun iyo aakhiro). Sidoo kale waxaa jirey arrimo
badan oo muujinayey Rasuulka SCW geeridisa, waxaana ka mid
ahaa:
1. Wuxuu Rasuulku SCW
markii uu Mucaad binu Jamal Yaman u dirayey ku yiri "waxa la
arkaa in aynaan mar dambe is arag oo aad soo martid
masjidkayga iyo qabrigeyga".
2. Ramadaankii ugu
dambeeyey wuxuu Rasuulku SCW ictifaafay 20 beri, halka uu
kuwii ka horreeyey uu 10 beri ka ictikaafi jirey.
3. Isla Ramadaankaas ugu
dambeeyey wuxuu Jibriil qur'aanka la dhammeeyey Rasuulka SCW
labo mar halka uu kuwii hore hal mar la dhammayn jirey.
4. Xajatul-Wadaac wuxuu
Rasuulku SCW asxaabta maalinkii Ramyiga (tuurasha) ku yiri "iga
qaata manaasiktiinna, waxaa la arkaa in aanan sannad dambe
soo xajine", markii Caarafo la taagnaana wuxuu yiri "waxaa
la arkaa in aanan sannadkan ka dib halkaan idinkula kulmin".
5. Markii uu xajku
dhammaaday ee lagu jirey Ayaamu-Tashriiqa waxaa soo degtey
Suuratu-Nasri oo calaamad u ahayd geerida Rasuulka SCW.
6. Sidoo kale qur'aankii
ayaa la taam yeelay oo waxaa soo degay aayadihii ugu
dambeeyey.
7. Sidoo kale waxa uu
Rasuulku SCW asxaabta ku yiri "ma idin gaarsiiyey (diintii)",
oo uu waliba Saddex jeer ku cel celiyey, mar walbana ay
lahaayeen "haa" markaasuu yiri "Allaw ka markhaati kac".
Rasuulku SCW wuxuu markaas
bilaabay u tabaabushaysi iyo diyaargaroobid xagga Rabbi,
wuxuuna aad u badiyey tasbiixda iyo istiqfaarta sida uu
Allaahba ugu amray Suuratu-Nasri. Sidoo kale Rasuulku SCW
wuxuu bilaabay sagootin oo bilowgii bishii Safar, sannadkii
11aad ee hijriga, wuxuu tegey qubuurihii shuhadadii Uxud oo
uu ku soo tukaday, soona sagootiyey, ka dibna wuxuu ku soo
laabtay masaajidka oo la hadlay dadkii muslimiinta ahaa,
wuxuuna ku yiri "waan idiin dhammeyey (diintii) aniguna
markhaati ayaan dushiinna ka ahay. Ilaah baan ku dhaartaye
waaba aniga oo hadda eegaya xawdkaygii (darkaygii), waxaana
la i siiyey furayaashii khasnadihii dhulka, aniguan Ilaah
baan ku dhaartay eka cabsan maayo in aad gadaashay (Ilaahay
u) shariik yeeshaan laakiin waxaan ka cabsanayaa in aad ku
tartantaan dunida".
Sidoo kale Rasuulku SCW
habeen ayuu aaday qabuurihii Baqiic oo u soo dembi dhaaf
weydiiyey, ka dib Rasuulku SCW maalin ayuu ka qayb galay
janaaso lagu xabaalayey qabuuraha Baqiic, markii uu ka soo
laabtayna isaga oo dhex soo maraya ayaa waxaa qabtay madax
xanuun iyo qandho, maalinkaas oo ahaa isniin, 29kii Safar,
sannadkii 11aad ee hijriga, waana xanuunkii uu u geeriyooday,
wuxuuna hayey 13 ama 14 beri.
Ka dib Rasuulka SCW markii
uu xanuunkii ku soo batay wuxuu uga idan qaatay haweenkiisii
in uu guriga Caa'isha joog, halkaas oo uu joogay intii uu
xanuunsanaa. Ka dib maalin Arbaca ah (dhimashadiisa shan
beri ka hor) ayaa waxaa Rasuulka SCW qabtay xanuun aad u
daran oo uu la miyir doorsoomay, markaas ayuu yiri "igu
shuba toddoba wadaamood (oo biyo ah) si aan dadka ugu baxo
oo ula ballamo", markii ay ku shubeen oo uu miyirsaday ayuu
masaajidkii galay oo membarkiisii ku fariistay, wuxuuna u
khudbeeyey dadkii oo wuxuu yiri "Allaha naclado Yahuud iyo
Nasaara waxa ay qubuurtii nabiyadooda ka dhigteen masaajid",
waxaa kale oo uu yiri "ha ka dhigannina qabrigeyga sanam la
caabudo". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW dadkii u bandhigay in ay
ka aar gudato ciddii uu wax u geystay, ka dibna salaadii
duhur ayuu tujiyey, wuxuuna ku laabtay meeshii isaga oo ku
celinaya oraahdiisii hore, markaas ayaa nin muslimiinta ka
mid ahaa yiri "saddex Dirham baan kugu lahaa", wuxuu yiri
Rasuulku SCW "Fadliyow sii". Ka dib maalinkii xigey oo
Khamista ahaa (dhimashadiisa 4 beri ka hor) ayuu asxaabtii
ku yiri "kaalaya aan idiin qoro warqad aydaan gadaasheed
lumin", markaas ayuu Cumar yiri "Rasuulka SCW xanuunkii ayaa
ka qalib noqday, agtiinnana waxaa ahaaday qur'aankii oo
waxaa idinku filan kitaabka Alle", dadki ayaa markaa is
khilaafay oo dooday iyada oo qaar ayidayaan (ka hor
imaanayaan) hadalkii Cumar qaarna leeyihiin "u keena
Rasuulku SCW warqad ha idiin qoree". Markii xoogaa la buuqay
ayuu Rasuulku SCW yiri "iga baxa". Sidoo kale waxuu Rasuulku
SCW asxaabta u dardaarmay in Yahuud, Nasaara iyo Mushrikiin
laga saaro Khaliijul-Carab.
Rasuulku SCW wuxuu isla
maalinkaas tujiyey asxaabta salaaddii maqrib, wuxuuna ku
akhriyey Suuratu-Mursalaat, salaaddii ku xigtay ee cishahana
wuxuu damcay in uu tujiyo laakiin wuu awoodi kari waayey,
wuxuu markaa amaray Abuubakar in uu dadka tujiyo, ilaa uu
Rasuulku SCW ka dhintayna Abuubakar ayaa dadka tujinayey.
Maalinkii Sabtida ama
Axadda ayaa Rasuulka SCW xanuunkii xoogaa ka fududaaday,
markaas ayaa isaga oo labo nin garbaha hayaan salaaddii
duhur u soo baxay Abuubakar oo dadka tujinaya. Abuubakar
ayaa markii uu arkay dib u baxay hase yeeshee wuxuu Rasuulku
SCW u ishaaray in uu joogo, wuxuuna nimankii ku yiri "i
fariisiya dhinaciisa", markaas ayey fariisiyeen dhinaca
bidix ee Abuubakar. Abuubakar waxa uu markaa ku dayanayey
Rasuulka SCW wuxuuna dadka maqashinayey takbiirtiisa.
Ka dib wuxuu Rasuulku SCW
sadaqeeyey 7 Diinaar oo uu haystay, hubkiisiina wuxuu u
hibeeyey muslimiinta, canbuur bireedkiisiina nin yahuud ah
ayaa rahan ugu haystay 30 saac oo qamadi ah. Maalintii
isniinta (maalintii uu geeriyoodey) ayuu
Rasuulku SCW gurigii uu
joogey ee Caa'isha daaha ka feyday oo fiiriyey safafkii
muslimiinta, markaas ayuu u bogay oo ku qoslay, Abuubakar
ayaa markaas u maleeyey in Rasuulku SCW salaadda imaanayo
hase yeeshee wuxuu Rasuulku SCW u ishaaray in uu iska joogo,
wuuna iska laabtay. Markii barqadii la gaaray ayuu Rasuulku
SCW gabadhiisii Faadumo u yeeray, wuxuuna ku sireystay arrin
markaas ayey oyday, markaas ayuu arrin kale ku sireystay
markaas ayey qososhay. Waa dambe markii Faadumo la weydiiyey
arrinkaas waxa ay tiri "wuxuu markii hore ii sheegay in uu
xanuunka haya u dhimanayo, markaas ayaan ooyey, markii
kalena wuxuu ii sheegay in aan ahay qofka ugu horreeyey oo
ehelkiisa ah oo raaci doona, markaas ayaan qoslay". Sidoo
kale maalinkaas waxa ay Faadumo aragtay Rasuulka SCW oo
xanuun aad u darani hayo, markaas ayey tiri "aabbe waa
dhibaateysan yahay", markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri "maanta
wixii ka dambeeya aabbahaa ma dhibaatoon doono". Ka dib
Rasuulku SCW isaga oo Caa'isha ku tiirsan ayaa waxaa u soo
galay Cabdiraxmaan binu Abuubakar oo caday wata, markaas
ayey Caa'isha aragtay Rasuulka SCW oo cadayga fiirinaya,
waxa ayna fahamtay in uu jecel yahay, markaas ayey tiri "ma
kaaga qaadaa", isna madaxa ayuu ugu ishaaray haa, markaas
ayey uga qaadday oo u calaalisay, markii uu cadaygii
dhammaystayna, gacantiisa ama fartiisa ayuu kor u taagay
isaga oo indhaha saanqaafka ku fiirinaya, bishimahana
dhaqdhaqaajinaya oo leh "Fi Raafiiqil-Aclaa", saddex goor
ayuuna sidaas yiri, markaas ayey Caa'isha garatay in uusan
adduunka dooran.
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu
geeriyoodey maalinkii Isniinta, 12kii Rabbiicul-Awal,
sannadkii 11aad ee hijriga, waqti harsimadii ah, wuxuuna
Rasuulku SCW jirey 63 sano.
Asxaabtii Rasuulka waxa ay
arrintaasi ku noqotay lama filaan ilaa Cumar binu Khadhaab
istaagay oo yiri "niman munaafaqiinta ka mid ah waxa ay
leeyihiin "Rasuulkii Alle waa dhintay" lugaha iyo gacmaha
ayaan ka jarayaa haddii aan hadalkaas ka maqlo, Rasuulkii
Alle Rabbigiis buu aaday sidii Muse binu Cimraanba Rabbigiis
u aaday oo 40 beri u maqnaa, ka dibna u soo laabtay",
markaas ayaa Abuubakar masaajidkii soo galay, isaga oo aan
cidna lahadlin ayuu u gudbay gurigii oo Rasuulkii SCW intuu
maradii ka qaaday wejiga ka dhunkaday yirina "Ilaahay kugu
kulmin maayo labo dhimasho, tii Ilaahay kuu qoray waad
hormarsatay", dabadeedna wuxuu ku soo laabtay masaajidkii,
wuxuuna ku yiri Cumar "fariiso", wuxuuna la hadlay dadkii oo
ku yiri "qofkii Maxammed SCW caabudi jirey, Maxammed SCW waa
dhintay, qofkii Allaah caabudi jireyse Allaah waa nool yahay
oo ma dhiman", wuxuuna akhriyey aayaddaan:
((NABI) MAXAMED SCW RASUUL
MOOYEE WAX KALE MA AHAN, HORTIINA WAXAA TAGAY (DHINTAY)
RASUULO, (HADABA) HADII UU DHINTO AMA LA DILO MA WAXAAD U
LAABANAYSAAN CIRIBKIINII (GAALNIMADIINII) QOFKII U LAABTA
CIRIBTIISII (GAALOOBA) WAXBA KA DHIB MAAYO ALLE, WUXUUNA (ALLE)
ABAAL MARIN DOONAA KUWA SHUKRIYA (OO ALLE KA BAQA)), (Suuratu
Aali-Cimraan 144).
Ka dibna iyada oo aan
Rasuulkii SCW weli la aasin maalinkaas ayaa laga hadlay
khilaafadii iyo qofkii loo dooran lahaa si aysan muslimiintu
hoggaan la'aan u noqon, in kasta oo xoogaa laga dooday,
waxaa ugu dambayntii khilaafadii loo doortay Abuubakar,
Rasuulkana SCW waxaa la dhaqay maalinkii Talaadada ee ka
dambaysay maalinkii uu dhintay, isaga oo aan dharkiisii laga
faydin, waxaana dhaqitaankiisa u qumay adeerkiis Cabaas iyo
labo wiil oo uu dhalay oo kala ahaa Fadli iyo Qatham oo gad
gadinayey, Cali binu Abii-Dhaalib oo dhaqayey, Usaama binu
Sayd iyo Shaqraam oo Rasuulka SCW mawlihiisa ahaa oo iyaguna
biyaha ku shushubayey, Aws binu Khawli oo xabadka ku
tiiriyey, waxaana Rasuulka SCW lagu kafnay sadex maro oo cad
cad oo aysan ku jirin qamiis iyo cimaamad, ka dib waxaa laga
wada hadlay meeshii lagu aasi lahaa Rasuulka SCW, oo leh "Nabi
lama oofsado illaa waxaa lagu xabaalaa meeshiii uu ku
dhintay, Dalxa ayaa markaa kor u qaaday gogoshii uu Rasuulku
SCW ku jiifay, waxaana hoosteeda laga qoday qabrigii, ka
dibna dadkii ayaa u soo galay toban toban iyaga oo ku
tukanaya, oo waxaa ku tukaday ragii, waxaa ku xigaysaday
dumarkii, ka dibna caruurtii, ilaa maalinkii Talaadada oo
dhan saa ku dhamaatay, dabadeed waxaa la aasay habeenkii
arbacada saqdii dhexe. |