SIFADII RASUULKA SCW
Rasuulku SCW waxa u ahaa dadka
kan ugu waji qurxoon, wajigiisuna waa balaarnaa, waana
wareegsanaa, waxaana lawaydiiyey saxaabiga Baraa ibnu Caasim
oo lagu yiri "wejiga Rasuulku SCW ma wuxuu ahaa seef oo
kale", wuxuu yiri "maya ee waxa uu ahaa dayaxa oo kale".
Afkiisu waasic ayuu ahaa, indhihiisu waa madoobaayeen, waxaa
loo malayn jiray in uu indha kuulan yahay, isaga oo aan
indha kuulan, waxaa loo malayn jiray in uu indha kuulan,
dilaacooduna waa dheeraayeen, tintiisu ma adkayn, jileec
daadsana ma aysan ahayn, ee waxa ay ahayd tin isku jirta oo
jilicsan, wayna badnaan jirtay oo waxa gaari jirtay dhagaha,
mararka qaarkoodna waxay gaari jirtay garbaha, wayna
madoobayd oo cirro wax yar buu ka lahaa, waxa uuna Anas binu
Maalik oo tilmamayey sheegay in waqtigii cimrigiisa ugu
dambeeyey cirradii ku taalay madixiisa iyo garkiisa aysan
dhamayn 20 tin.
Rasuulka SCW midabkiisu
waxa uu ahaa caddaan guduud ku jiro, ma dheerayn mana
gaabnayn ee waxa uu ahaa dhex dhexaad, miisaankiisu waxa uu
ahaa dhex dhexaad oo mabuurnayn, caatana ma ahayn,
xabadkiisu waa balaarnaa, garbihiisuna waa kala baxsanaayeen,
garabka bidix korkiisana waxaa ku yaalay khaatuma Nubuwihii
oo ka samaysnaa tin meesha ku ururtay, sidoo kale gacmaha
iyo lugaha wuu u waa waynaa, markuu soconayo wuu dheerayn
jiray ilaa ay asxaabtu ka cabireen in markay la socdaan ay
dhib ku ahayd gaaritaankiisa, markuu meel eegayana wuu wada
jeensan jiray, markuu qoslayana wuu dhoolo caddeyn jiray,
mararka qaarkoodna si fiican ayuu u qosli jiray ilaa ay
miciyihiisu ka muuqdaan, hase yeeshee kuma qosli jirin qosol
dheer oo gah gah ah. Rasuulka SCW aamuskiisu wuu badnaan
jirey, markuu hadlayana waxa uu ku hadli jirey hadal kooban
oo xikmo ah oo Alle ka raali yahay, siduu Alleba ku
caddeeyey qur'anka.
Rasuulka SCW dabeecaddiisu
aad ayey u wanaagsanayd dhinac walba, Alle ayaana meelo
badan oo qur'aanka ka mid ah ku tilmaamay, waxaana ka mid ah
aayaadka uu Rabbi ku tilmaamay tan.
((WAXAAD KU SUGAN TAHAY
AKHLAAQ WAYN)), (Suurat Al-Qalam 4).
Sidoo kale Caa'isha markii
la waydiiyey waxa ay tiri: "dabeecadiisu waxa ay ahayd
qur'aanka".
Rasuulka SCW dabeecaddiisii
iyo akhlaaqdiisii wanaagsanayd waxaa noogu filan siiradiisa,
aad ayuuna ugu wanaagsanaa dhinac walba hadday noqoto
tawaaduciisii, xishoodkiisii, runtiisii, ammaanadiisii,
suhdigiisii, ikhlaaskiisii, naxariistiisii, fahamkiisii,
caqligiisii, geesinimadiisii, qiiradiisii u jilicsanaantii
dadka muslimiiinta ah iyo ku ad adkaantiisii caniidiinta
xaqa ka hor yimid.
Wuxuu ahaa Rasuulku SCW nin
Alle doortay bani aadamka oo dhan, oo uu ka dahiray nusqaan
kulligeed.
XUSUUSIN: "Dhamaan inta casharka ku xiran ama jecel
in ay bartaan Siirada Xabiibkeena Maxammed SCW, ha
isku dayaan in ay bartaan oo ku daydaan wuxuu Isuga
samayn jirey. Yeyna inta iska aqrin faraha ka qaadin
ee ku dayda isaga qofkii kaloo aad uga sheekayn
kartidna u sheeg." OsmanBillad.
Walaalkiin aad ku
walaalowdeed Islaamka |
|