DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
Wuxuu Rasuulka SCW dhashay sannadkii Caamul-fiil, maalin
Isniin ah oo bisha Rabbiicul-awal ahayd laba iyo toban, 53
sano hijrada ka hor. Markuu dhashay waxay hooyadiis u cid
dirtay awaawgiis Cabdimudhalib oo ay ugu bishaareyneysey
dhalashada Nabiga SCW, Cabdimudhalib waa uu bishaareystey
wuxuuna tegey kacbada oo uu Alle ku baryey wuuna ku
shukriyey, Rasuulka SCW wuxuu u dooray magaca Maxammed oo
ahaa magaca aan carabtu la bixi jirin, wuxuu guday maalinkii
toddobaad. Waxaa kale oo la yiraahdaa wuxuu dhashay asaga oo
gudan.
Waxaa Rasuulka SCW nuujisey dhowr maalmood Suweyda oo
ahayd jaariyaddii Abii-lahab markaas ka horna adeerkiis
Xamsa nuujisey hase yeeshee intii badnayd waxaa Rasuulka SCW
nuujisey Xaliima binti abi-du'ayd (Xaliimatul sacdiay) oo uu
qabay Xaarith binu Cabdul-cusaa oo kunyadiisa la odhan jirey
Abi-kabshe, kunyadaas oo mararka qaarkood ay qureyshi
Rasuulka ku magacaabi jireen ayna dhihi jireen ina
Abi-kabshah. Habka ay ku nuujisey Xaliimo, waxaa jirtey
caado ay carabtu lahaayeeen oo ahayd iney dumarku ka imaan
jireen baadiyaha oo ay soo aadi jireen magaalooyinka si ay
uga qaataan carruur ay nuujiyaan oo ay ujro (xoolo ama lacag)
ku helaan, Xaliimo waxay tidhi: "Annagoo dumar badan ah ayaa
magaalada Makka soo aadnay si aan carruur uga qaadanno,
markaasaa loo bandhigay dumarkii oo dhan iney qaadaan
wiilkan agoonka ah hase yeeshee dhammaantood wey diideen
waxayna dheheen: "Maxaa ku samayneynaa inanka agoonka ah".
Dumarkii oo dhan waxay heleen carruur markaas ayey Xaliimo
ku tidhi ninkeedii: "Wiilkaan agoonka ah ayaan qaadayaa",
isagiina wuu ka yeelay. Isla markiiba dameerkeedii socon
waayey awal ayaa dameerradii kale oo dumarku wateen ka
dheereeyey ilaa ay dumarkii Xaliimo ku yidhaahdeen: "noo
tartiibi". Xaliimo naaseheediina caano ayey yeesheen,
xoolihiina waa u darareen ilaa dadkii la degganaa ay la
yaabeen barwaaqadaas oo ku yiraahdeen xoolo raacadoodii: "soo
daajiya xoolaha meesha ay xoolo raacyada Ina Abi-Du'ayd
daajiyaan.
Ka dib markay Xaliimo labo sano soo nuujisey Nabiga SCW
ayey u soo celisey hooyadiis laakiin waxay ka codsatay iney
sii hasyo, hooyadiis Aaminana way ka yeeshey, sidaa ayeyna
ku ceshatay mar labaad. Ka dib Rasuulka SCW markuu afar ama
shan sano jirey isagoo weli la jira Xaliimo ayaa maalin
isagoo wiilal la ciyaaraya ayaa waxaa u yimid Jibriil
markaasuu qabtay oo legday oo intuu qalbigiisa jeexay ka soo
bixiyey cad yar markaasuu ku yiri: "tani waa dheeftii
sheydaanku kugu lahaa", ka dib intuu dhaqay yuu meeshii ku
celiyey. Wiilashii la joogey ayaa iyagoo ordaya u yimid
reerkii oo ku yiri: "Maxammed waa la dilay", markaasey u
yimaadeen isagoo miyir doorsoon, markii uu miyirsadayna
waxaa uu u sheegay qisadii, markaasey reerkii go'aansadeen
iney hooyadiis u celiyaan, weyna u celiyeen.
Ka dib Nabiga SCW hooyadiis ayuu la noolaa illaa lix sano
ka gaarey markii uu lix sano jirey ayaa hooyadiis aaddey
Madiina si ay u soo booqato qabriga ninkeedii Cabdullaahi
iyadoo ay la socdaan soddogeed Cabdimudhalib jaariyaddeedii
Ummu-ayman iyo Nabiga SCW. Bil ayey soo joogeen Madiina ka
dibna dhammaantood wey soo laabteen hase yeeshee markii
dhexda la marayo ayey Nabiga SCW hooyadiis xanuunsatay ka
dibna wey geeriyootey, waxaana lagu xabaalay meel la
yiraahdo Abwaa oo Makka iyo Madiina u dhexaysa. Halkaas ayuu
Nabigu SCW ku noqday agoon iyo rajayba, waxaana kafaala
qaaday awowgiis Cabdimudhalib oo aad u jeclaa una dhaqaaleyn
jirey. Hase yeeshee labo sano ka dib markii uu Nabiga SCW
siddeed sano jirey ayuu awowgiisna geeriyoodey, wuxuuna
markuu dhimanayey kala dardaarmay Abii-dhaalib oo ahaa
Nabiga SCW adeerkiis. Ka dib waxaa Nabiga SCW kafaala qaadey
adeerkiis Abii-dhaalib oo uu la joogey ilaa uu ka hanaqaaday.