ILAALADII DAATU-SULAASIL
Dagaalkii Mu'ta markii laga
soo laabtay ayaa waxaa la maqlay in reer Qudaaca oo Shaam
degganaa u tabaabushaysanayo sidii uu Madiina ugu soo duuli
lahaa, markaas ayuu Rasuulku SCW wuxuu bishii Jamadul-Aakhir,
sannadkii 8aad ee hijriga u direy ciidan 300 oo nin ah, uuna
madax uga dhigay Camar binu Caas.
Camar iyo ciidankiisii
markii ay reerkaas u dhowaadeen ayey ka war heleen in ay
ciidan aad u tiro badan hastaan, markaas ayey Rasuulku SCW u
soo direen Raafic binu Mukeyth si uu Rasuulku SCW ugu soo
diro ciidan siyaado ah. Rasuulku SCW wuxuu ku soo daray
ciidan 200 oo nin ahaa, oo ay ku jireen Abuubakar iyo Cumar,
wuxuuna madax uga soo dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax.
Ciidankani markii uu ku biiray ciidankii hore ayaa waxa
labadii ciidan hogaamiye u noqday, salaaddan tujinayey Cumar
binu Caas.
Ciidankii markii ay gaareen
dhulkii cadowga ayey jihadii ka luntay oo waxay gaareen
meeshii ugu shisheysay dhulka cadowga halkaas oo ay kula
kulmeen ciidan, ka dib dagaal ayey ku qaadeen hase yeeshee
cadowgii waa baqday oo kala cararay. Camar wuxuu Rasuulka
SCW u soo diray Cawf binu Maalik si uu ugu sheego in ay
nabad qabaan oo ay guuleysteen, muddo ka dibna Madiina ayey
ku soo laabteen. |