URURINTII SAKADA
Markii uu Rasuulku SCW ka soo
laabtay duullaankii Fatxu-Makka iyo kuwii ku xigay ee Xunayn
iyo Dhaa'if wuxuu yimid Madiina. Muddo yar markii uu joogay
ayuu bishii Muxarram, sannadkii 9aad ee hijriga diray rag
asxaabtiisa ka mid ah si ay qabiilooyinkii muslimiinta uga
soo ururiyaan Sakadii, wuxuuna u kala diray sidatan:
Cuyayna binu Muxsin wuxuu u
diray reer banii Tamiiim, Yasiid binu Xuseyn wuxuu u diray
reer Aslam iyo reer Qafaar, Cubaada binu Bishir wuxuu u
diray rer Suleym iyo reer Musayna, Raafic binu Mukayth wuxuu
u diray reer Juhayna, Camar binu Caas wuxuu u diray reer
Banii Fasaara, Daxaak binu Sufyaan wuxuu u diray reer bani
Kulaaba, Basiir binu Sufyaan wuxuu u diray reer banii Kacab,
ibnu Lutbiya Al-asadi wuxuu u diray reer banii Dibyaan,
Muhaajir binu abii Umaya wuxuu u diray reer Sanca, Siyaad
binu Labiid wuxuu u diray reer Xadramawt, Cadiyi ibnu Xaatim
wuxuu u diray reer Dii'i iyo reer banii Asad, Maalik binu
Caasim wuxuu u diray reer banii Xandhala, Sibriqaan binu
Badar iyo Qays binu Caasim wuxuu u diray reer banii Sacad oo
ninba jiho ayuu u diray, Calaa ibnu Xadrami wuxuu u diray
reer banii Baxrayn, Cali ibnu Abii-dhaalib wuxuu u diray
reer Najraan si u kuwa muslimiinta ahna sakada uga soo qaado
kuwa aan ahayn jisyo uga soo qaado. Raggaan Rasuulku SCW ma
uusan wada dirin bishii Muxarram ee way kala dambeeyeen. |