Waxaa israacraacay duullaamadii iyo ilaalooyinkii uu
Rasuulku SCW u kala dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen
sidatan:
1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii Rabbiicul-Awal ama
Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah
oo ka koobnayd 40 nin oo uu hoggaaminayey Cukaasha binu
Muxsin, waxayna aadeen meesha la yiraahdo Qamri oo reer
banii Asad degganaayeen. Cukaasha iyo raggiisii markii ay
gaareen meeshii loo direy ayey qabiilkii kala carareen,
muslimiintiina waxa ay soo kaxeysteen 200 oo halaad oo
dadkaasi lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina.
2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal ama
Rabbiicul-Aakhir, , sannadkii 6aad ee hijriga, wuxuu
Rasuulku SCW u direy meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay
degganaayeen reer banii Thaclaba koox ilaalo ah oo ka
koobnayd 10 nin uuna madax u ahaa Maxammed binu Maslama.
Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi way bexeen, markii ay
meeshii gaareen ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid qabiilkii
ay u socdeen oo 100 nin gaaraya ayaa iyaga ayey wada dileen
kooxdii muslimiinta ahayd ilaa Maxammed binu Maslama oo
dhaawac ahaan uga fakaday maahane.
3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka SCW ee uu
hoggaaminayey Maxammed binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla
meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u diray ciidan kale
oo gaaraya 40 nin, uuna madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu
Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 6aad ee hijriga. Abuu Cubeyda iyo ciidankiisii
markii ay gaareen meeshii goor subax ah ayaa reer banii
Thaclaba ka baqday meeshii. Waxay markaa muslimiintu soo
kaxeysteen xoolo ay lahaayeen, ninna way soo qafaasheen,
wuuna islaamay ninkaasi.
4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir, sannadkii
6aad ee hijriga wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu
hoggaaminayo Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la
yiraahdo Jumuum oo ay deggenaayeen reer banuu Suleym oo ahaa
nimankii Bi'ru Macuuna ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka
SCW aha. Seyd iyo ciidankiisii markii ay meeshii gaareen
ayey waxay qabteen haweeney oo kaxaysteen si ay u tusto
meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay tageen
meeshii ayey dadna ka soo qafaasheen xoolona ka soo
kaxeysteen.
5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla sannadkii 6aad ee
hijriga wuxuu Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170 nin oo
uu madax uga dhigay Seyd binu Xaarith, wuxuuna ciidankaas u
direy meel la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii way
bexeen, waxayna meeshii ka soo qafaasheen safar qureysheed
oo uu waday Abul-Caas, oo ahaa ninkii qabay gabadhii
Rasuulka SCW ee Seynab. Markii safarkii iyo Abul-Caas la
keenay Madiina ayaa markii salaadda subax la tukanayey
Seynab ay gadaal ka hadashay oo tiri "dadow aniga ayaa magan
geliyey Abul-Caas", markaas ayaa Rasuulku SCW asxaabtiisa ku
yiri "waad maqasheen waxa ay tiri, marka waxaan idiinka
codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan in aad u
celisaad", markaas ayey asxaabti u wada celiyeen maalkiisii,
waana la iska sii daayey isaga iyo maalkiisiiba.
Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka, wuxuuna xoolihii u
celiyey dadki lahaa, ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu u
soo hijrooday. Markii uu Madiina yimidna Rasuulku SCW wuxuu
ku celiyey Seynab, nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo
nikaax kale ma samayn. Waxa ayna kala maqnaayeen saddex sano
iyo bar, mana ka furmin intii uu Abul-Caas gaalnimada ku
jirey oo waxay ahayd intii aan muslimiinta iyo gaalada la
kala xarriimin. Laakiin intii muslimiinta iyo gaalada la
kala xarrimay wixii ka dambeeyey haddii labo qof oo is qaba
midkood islaamo, midna gaalnimadii ku haro way kala
furmaayaan, waana kala xaaraan in ay is qabaan labo qof oo
midi muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa
waxa keliya oo laga soo reebay in ragga muslimiinta ahi
guursadaan dumarka Ehlu-kitaabka ah (yahuud iyo nasaara) ee
dhowrsan, in kastoo ay ka kheyr badan tahay in ninka
muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha
muslimadda ah iyada xaaraam ayey ka tahay in ay guursato nin
gaal ah loomana oggola, nikaaxooduna ma ansaxayo.
6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy bishii
Jamaadul-Aakhir, isla sannadkii 6aad ee hijriga ilaalo uu
hoggaaminayo Seyd binu Xaarith oo ka koobnayd 15 nin,
wuxuuna u direy meel la oran jirey Dharifi, oo ay
daganaayeen reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii
Thaclaba waxa ay u maleeyeen in Rasuulku SCW ku soo baxay
markaas ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa ay ku soo
laabteen Madiina, waxa ayna maqnaayeen afar habeen.
7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii Rajab isla
sannadkii 6aad ee hijriga direy ilaalo ka koobnayd 12 nin oo
uu madax u ahaa Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy meesha la
yiraahdo Waadil-Quraa si ay u soo ogaadaan dhaqdhaqaaqa
cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen ayaa waxaa
weerar ku soo qaaday dadkii meeshaa degganaa, waxa ayna
dileen sagaal nin, saddex uu Seyd ku jirana way ka baxsadeen.
8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 300
oo nin oo uu u direy in ay ka hortagaan safar qureysheed,
wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay Abuu Cubeyda ibnu Jaraax,
waxaana ciidankani intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u daran,
waxa ayna qasheen saddex neef oo geel ah oo ka mid ahaa
gaadiidkii ay wateen, Abuu Cubeyda oo ahaa amiirkii ciidanka
ayaa markaa ka joojiyey arrintaan ah in ay qashaan
gaadiidkooda. Dabadeed baddii ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri)
iska weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed, ka dibna waxa ay
ku soo laabteen Madiina iyaga oo hilibkiisii wax ka mid ah
wata. Markii ay Rasuulka SCW u sheegeen wuxuu ku yiri "waa
risqi Ilaahay idiin soo saaray ee wax ma ka haysaan
hilibkiisii", markaas ayey u keeneen.
Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa in Rasuulku SCW uu
marar badan dirayey cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar
yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu Alle garanayo, waxaa
hadana ugu muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan:
1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi karin, una
baahnaa dhaqaale badan iyo tabaabushe, maxaa yeelay qof
walba waa garan karaa dhaqaalaha uu u baahan yahay ciidan
gaaraya 2,000, oo maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina
qalanaya 20 geel ah.
2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u badnaayeen ilaalooyin
cadadkoodu intuu doono uu noqon karo, ilaalana waa la
yaqaannaa maata oo waxaa weeyey ciidan loo direy arrin, oo
aan ahayn dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in
ilaalooyinka qaarkood ay ahaayeen ciidan xoog badan oo
duullaan qaaday.
3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas ducaad dadka ugu yeeraya
diinta Alle, waxayna muhiimaddooda ahayd in ay dadka
gaarsiiyaan dacwada islaamka, iyaga oo adeegsanaya habkii
wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii
loo diido in ay xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula dagaalamo
diinta Alle, waxa ay raggii ducaada ahaa oo jilicsanaa isku
badali jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo hoojiya cadawga
Alle.