Sidaan ogsoon nahay Khadiija waxay ahayd xaaskii Rasuulka
SCW ee ugu horreysey haweenkiisa, carruurtiisa oo dhanna u
dhashay Ibraahim maahane, Rasuulka SCW aad ayuu u jeclaa,
aad beyna u garab istaagtay Rasuulka SCW mar kasta oo u
murugoodana way ka baabi'in jirtey nafteedii, maalkeedii iyo
waqtigeediina waxay u hurtay diinta islaama waxayna ahayd
qofkii labaad ee ay gaaladu ku qaddarin ugana baqi jireen
Rasuulka SCW. Waxay Khadiijo dhimatay waqtigii uu
Abii-dhaalib dhintay wax yar kadib.
Khadiijo waxay lahayd fadli aad u tira badan oo aan la
soo koobi karin haddiise aan wax ka mid ah soo qaadanno.
Maalin ayaa malaku Jibriil u yimid Rasuulka SCW markaasuu ku
yiri "Rasuulkii Allow tani waa Khadiijo oo wadda weel uu ku
jiro cunto ama cabbitaan ama iidaan, hadday kuu timaaddo
gaarsii salaan xagga Alle ka timid uguna bishaaree guri
Jannada ku yaalla oo ka samaysan Lu'Lu' oo aan dhib iyo daal
lahayn".
Ugu dambayntii Khadiijo wuxu Ilaahay oofsaday sannadkii
10aad ee soo diritaankii Rasuulka SCW iyadoo jirta 65 sano,
Nabiguna wuxuu jirey 50 sano, waxayna wada joogeen 25 sano.
Sannadkaas ay iyada iyo Abii-dhaalib dhinteenna waxaa la
yiraahdaa Sannadkii Murugta, waxaana Rasuulka SCW soo
foodsaartay dhib aad u weyn maxaa yeelay waa labadii qof oo
ay gaaladu Rasuulka SCW ugaga hakan jireen.
Hase yeeshee Rasuulku SCW iyo asxaabtiisu uma jixinjixin
dhib kasta oo ku timaaddda, Allahna qur'aank ayuu intaa ku
soo dejinayey uu ku boorrinayey iney ku sabraan dhibka
ogaadaanna iney ciribta dambe iyagu iska leeyihiin. Rasuulka
SCW wuxuu sannadkaas 10aad markay Khadiijo dhimatay Sawda
bintu Samca oo ka mid ahayd muslimiintii hijradii labaad ee
dhulka Xabashida aaday ninkeediina halkaas ku dhintay.