SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAHAD


SOCDAALKII NOLOSHA:: LABAYK-ALLAHUMMA LABAYK.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@gmail.com

:::FAALLADII ISNIINTA EE FAHAD:::

 Isniin:  Jan 2, 2006


Labayka Laa Shariika Laka Labayk.

Xajka iyo Cumrada waxay kamid yihiin waajibaadka eebahay dulsaaray Muslimiinta, lagana rabo iney sanadkii mar kamid ah gutaan. Shalay waxaa dhalatay Bishii Dil-Xijja oo kamid ah bilaha barakaysan, iyadoo isla bishaasna la guto faradka Xajka.

29.kii Bishii inaga dhamaatay ayaan ka soo dagay Garoonka Jidda, aniga oo sanadkan Xaaji ah, dabcan waa safarkii iigu horeeyey ee aan Sacuudiga imaado, sidoo kale waa Xajkii iigu horeeyey ee aan Xajiyo. Rabbi ayaa mahad ku leh ogolaashaha uu ii ogolaaday inaan sanadkan soo guto faradka Xajka.

Anigoo isku dayi-doona inaan goorta aan ka soo laabato Xajka diyaariyo qoraallo faah-faahsan, hadana, dhib malahan inaan wixii indhahayga soo jiitay, aad ila wadaagtaan, anoo si guud idinkugu warramaya.

DAD WADA SIMAN.

Garoonka Jidda kolka aad gacaha soo dhigto, waxaad dareemeysaa dad siman inaad u timid, inta soo xajisay oo dhan, dhar isu eg, (Ragga) oo midab cad leh ayey sitaan, taajir, faqiir, caalim, jaahil, madax, shacab, iyo qof kasta, waa isku wada muuqaal, waxaad dareemeysaa si kasta oo aad meekhaan sare u lahayd inaad tahay Ilaahay adoonkiis, dadkuna ay rabbi agtiisa u siman-yihiin, hadaadan cabsidiisa ladheerayn. 

DHULAAN GAAL SOO GALIN.

Markaad soo galayso xudduuda Makka, waxaad geesaha laamiga ku arkaysaa boorar waaweyn oo ay ku qoran-yihiin, (Makka looma ogola qof aan muslim ahayn) kolka aad xadkaas soo gasho, ilaa iyo inta aad ku dhex jirto, waxaad seexaneysaa adoo uusan kula hoyan Makka hal gaal ah. Malaha waa markii noloshayda iigu horeysay ee aan seexdo, ama aan dhex joogo deegaan Gaalada ka caaga, ( Ilaahaw adaa mahadleh).

ISLAAM: DIIN AWOOD LEH.

Kolka aad fadhido gudaha Xamarka, oo aad usii agdhawaato Kacbada, ee aad weydiiso kan midigta kaa xiga, yaad u dhalay? Rush, kan bidixda kaa xigana? Turki, hadaad ku sii wado, waxaad arkaysaa qaarado kala duwan, dadka kala duwan, kala af ah, kala midab ah, oo ku wada abtirsada Islaamka, una soo wada tukada jihada Kacbada.

Waxaad ku qancaysaa Muslimiinta maanta joogta, inuu hogaanka ka xun-yahay, laakiin dareen Islaam-nimo oo aad u xoog badan inuu jiro, qofka kasto oo dadkaas kamid ah, oo aad la sheekaysato, waxaad ka dareemaysaa sida uu sharaf iyo cizo ugu arko inuu maanta ag joogo Baytkii Ilaahay.

DADAALKA BOQORTOOYADA.

Waxaa la yiri: Qofkaan dadka u shukrin, ilaahay kuma shukriyo. Dareenka qofka muslimka ah ee dhulkan yimaada, waxaa soo jiidanaya sida ay R/Boqorka Sacuudiga ugu adeegeen Xaramka Ilaahay. Marka laga soo tago dhismaha quruxda badan, daryeelka Masaajidka, waxaa ku qancinaya, habsami u socodka dhamaan hawlaha Xujayda, nadaafada aan kala joogsiga lahayn, baahidaada oo dhan oo si degdeg ah laguugu xalinayo.

Waxaan arki jiray Sh. Muxumed Haadi ( Allaha u naxariistee) oo dhaha. Boqorrada Sucuudiga daryeelka ay daryeeleen Baytka ilaahay, waxaa suurowda in dunuubtooda uu ilaahay ugu dhaafo. Hadaalkaas muran la’aan waxaad aqbalaysaa kolka aad il cadaaladeed ku eegto Masjidul-Xaraam. Sidaas awgeed waxaan leenahay, magaca u adeega labada xamar waa magac qofkii mudnaa lasiiyey.

TAARIIKH AAN LUMIN.

Goorta aad akhrido quraanka kariimka ah, sidoo kale aad fiir-fiiriso taariikhda Islaamka, waxaad ka heleysaa goobo barakaysan, maqaam iyo sharaf gooni ah u leh ruuxa kasta oo muslim ah.

Halkan waa kacbadii. Geeskan waa Ruknul-Yamaanigii. Dhinacaanna waa Ruknul-Shaamiyiyenkii. Halkan waa Maqaamu Ibraahim. Halkan waa Xijr Ismaaciil. Halkan waa Xajarul-Aswadkii. Horay hadaad usocoto, adigoo uu Xajarul-Aswadka dhabarkaada yahay, waa Safaa iyo Marwa. Quraanka iyo Sunnada Nabiga S.C.W. ayey intaas meeloodba ku sheegan-yihiin, dadka Muslimiinta agtooda waa goobo tilmaan gaar ah uleh.

HAYBADDA KACBADA.

Culimada wax ka qora Icjaazul-Quraanka waxay sheegeen, shinbiruhu ineysan dulmarin Kacbada korkeeda haybad iyo xushmo ay u hayaan darteed. Arintaas waxaan si gooni ah ugu fiirsaday Salaadi Duhur ee maalin-nimadii Sabtida, ilaa 3.Saacadood ayaan eegayey, waxaan arkay shinbirihii oo iyagoo xayn ah, aad moodo iney dawaafayaan, laakiin marnaba aan dusha sare ee kacbada ku haad-haadaynin, xitaa shinbirtii kor u duusha, goorta ay u dhawdahay kacbada korkeeda, waa’ay ka leexanayaan. ( ALLAHU AKBAR).

DARDAARAN.

Ruuxii muslim ah oo awood u leh inuu soo booqdo xamarka ilaahay, wuxuu noqonayaa isagoo qaatay jiscin wanaagsan, oo xaga cabsida ilaahay ah, shaki waxaan ku jirin, inaad laabanayso adiga oo uu qalbigaagu jilcay, hanuun badan uu kusoo galay, sidaas awgeed waxaa iga dardaaran ah, ninkii awoodow, Xaramka ilaahay ku soo noq-noqo, oo qalbiga kuhay.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | fahadsom@gmail.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya | Jan 2, 2006

URL: www.SomaliTalk.com/fahad



URL: www.SomaliTalk.com/fahad

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
KHATARTA INTERNETKA
 



HTML CD