SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XADKA NFD

Cabdiqaasin Salaad Xasan Oo Shacabka Soomaaliyeed Ku Booriyay In ay Meel Uga soo wada Jeestaan Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soo Galay

Nov 22, 2011: Madaxweynihii hore ee DKMG Soomaaliya Cabdiqaasin Salaad Xasan oo iminka ku nool Dalka Masar gaar ahaan Magaalada Qaahira ayaa waraysi uu siiyay Idaacadaha maxaliga ee magaalada Muqdisho waxaa uu ka waramay dhibaatada iyo degid la'aanta ka taagan Soomaaliya.

Cabdiqaasin ayaa mas'uuliyadda dhibaatooyinka Soomaaliya iyo dagaalada joogsan waayay oo muddada Dheer ka socdey soomaaliya dusha uga tuuray Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya iyo Xarakadda Al-shabaab.

Cabdiqaasin ayaa hoosta ka xarriiqay in Ciidamo ajaaniib ah in gudaha u soo galaan Soomaaliya in ay u sabab ahaayeen Dawladda iyo Xarakada shabaab oo sheegey in dagaalo joogta ah ay ka sii wadaan Soomaaliya taasoo keentay in dalalka jaarkana ay u soo hanqal taagaan in ay gudaha u soo galaan Soomaaliya.

Cabdiqaasin ayaa sheegey in loo baahan yahay in dib u heshiisiinta laga shaqeeyo isla markaana Kooxaha isku haya siyaasadda soomaaliya in ay wada hadal isugu yimaadaan si loo bad baadiyo Ummadda Soomaaliyeed oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay Dagaalo sokeeye ay hareeyeen.

Ma aha markii u horeeyay ee uu Cabdiqaasin ka hadlo Xaaladda Soomaaliya iyo degid la'aanta ka jirta isagoo marar hore oo uu hadlay ku baaqay in la dhameeyo dagaalada sii soconaya ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Ugu danabayntii ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan in ay ka soo hor jeestaan Ciidamada shisheeye ee dalka soo galay muujiyaana in ay jecel yihiin ama ay doonayaan Nabad iyo dib u heshiin.

Si kastaba Hadalkan Cabdiqaasin ayaa imaanaya xilli gudaha Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen Ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasoo doonaya mar kale in gudaha Soomaaliya ay kula dagalamaan Xarakada Shabaab oo uu dagaal kala dhaxeeyo Dawladda federaalka KMG ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xarakada Shabaab Oo Ku Hanjabtay In ay Qabsanayaan 11 Dal Oo Afrikada Bari Ku yaala.

Gudoomiyaha Xarakada Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe Shiikh Yuusuf Kabo Ku Tukade oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Jawhar ayaa ka hadlay Dagaalada ka soconaya Gobolada Dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha oo shirkaasi jaraa'id ka hadlay ayaa sheegey in Kow iyo Toban Gobol oo Shabaabku ay Ka Taliyaan Dagaalo lagu soo qaaday taasoo uu sheegey in dagaaladaasina ay soo qaadeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Kiinya.sidaa Darteed marnaba gacamaha ka laabanayn oo ay la Dagaalami doonaan Ciidamada shisheeye oo uu sheegey in si gar daro ah ay ku soo galeen Degaanada ay maamusho Xarakadda AlShabaab

Dagaalakan lagu soo qaaday Gobolada ay ka Taliyaan Shabaabka ayuu ku sheegey in ay tahay waa siduu hadalka u dhigaye Bilowgii guusha isagoona intaa ku daray in Itoobiya aysan ahayn markii u horeeyay ee dalka soo galeen ugu danabayntiina ay ka lib keeneen.

soo gelitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ah ee haatan ay gudaha u soo galeen Gobolada Soomaaliya ayuu sheegey in Tilmaan ay u tahay xiligii Xarakada Shabaab ay guulaysan lahayd isagoona intaa ku sii daray in ay dagaal la galayaan dhamaanba Ciidamada haatan dalka soo galay iyo kuwii horebba u joogay.

Shiikha ayaa sheegey in ay qabsan doonaan oo ay ka talin doonaan Illaa Kow iyo Toban Dal oo ku yaala afrikada bari waa siduu hadalka u dhigaye taasoo uu la bar bar dhigay Kow iyo Toban Gobol oo Xarakadu ka Taliso oo dullaano lagu soo qaaday.

si kasta ha ahaatee Hadaladan ka soo yeeray Wakiilka Xarakada Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa uu imaanayaa xilli dhawaan Ciidamo ka tirsan Dadlalka Itoobiya iyo Kenya ay soo galeen qaar ka mid ah Goboladda Soomaaliya kuwaa soo dhaqdhaqaaqyo Ciidan ka wadaan halkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faarax Macallin: Ma dhici doonto in Mardambe Xamar looga taliyo Kulbiyow, ninka taas ku riyoonayana waxaa uu ku nool yahay qarni kale...

"Gelitaanka Ciidamada Itoobiya ay galeen Soomaaliya waxay dhibaato weyn u keeneysaa hawlgalka Kenya..." Faarax Macallim

faarax macallinNov 22, 2011:

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya, Faarax macallin oo ay waraysi la yeelatay idaacadda Alfurqaan ayaa sheegay in uu ka soo horjeedo soo gelitaanka ciidanka Itoobiya ay markale ku soo galeen gudaha Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yiri "Itoobiya taariikhdeedu waa mid ka duwan taayada (Kenya), waana mid soo jireena ah, marka soo gelitaanka ay hadda soo galeen (Soomaaliya) ma soo dhaweyneyno, waxaana u arkeynaa mid dhib weyn u keeneysa hawlgalkanagii oo waji kale oo loo yeeli karo."

Laakiin Faarax Macallin waxa uu sheegay in taas ay ka duwan tahay Kenya hawlgalkeeda (duullaanka) ay ka waddo gudaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu ka hadlay dastuurka DFKMG (ee lagu soo sameeyey Kenya) waxana uu yiri dastuurkaas "annagu" (kenya) uma soo samayn, waana Federaal, kaas oo uu markaas raaciyey "ma dhici doonto mar dambe in xamar laga taliyo oo nin jooga Kulbiyow....." Hoos ka dhegeyso:

Kenya iyo Ethiopia waxay gumaystayaashii reer Yurub ay gacanta u geliyeen dhul Soomaaliyeed (NFD iyo Soomaali Galbeed), taas oo ay shacab Soomaaliyeed qarnigan ku hoos nool yihiin gumaysiyadaas oo aysan xor u ahayn in ay ka tashadaan mustaqbalkooda.

Duullaanka cusub waxay Kenya ku qaaday gudaha Soomaaliya 16-kii October 2011 markaas oo ciidan koodu galeen gudaha Soomaaliya. Waxaana soo shaac baxayey khilaaf u dhexeeya Itoobiya iyo Kenya oo ku saabsan cidda maamuleysa Jubbooyinka. Waxayna ahayd October 30-keedii markii Jariidadda EastAfrican ay qortay in Kenya, Ethiopia iyo Faransiisku ay ku Muransan yihiin Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib.

Khilaaf soo kala dhex galay Madaxda Kenya

Waxaa khilaf xooggan soo kala dhex galay madaxda Kenya, gaar ahaan Ra'iisul Wasaaraha Kenya Odinga iyo wasiirka Gaashaandhigga Yuusuf Xaaji, khilaafkaas oo salka ku haya kaddib markii Odinga uu Israel weydiistey kaalmo si ay uga caawiyaan hawlgalkooda militari ee ay ku galeen Soomaaliya. Arrintaasi waxa kale oo ay sababtay in Kibaki uu degdeg safar ugu aado qaar kamid ah dalalka Islaamka. Hoos ka daawo warbixintaas.

Kibaki oo Taageero u raadsadey dalalka Carabta

Madaxweynaha Kenya ayaa Axaddii Nov 20 u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta si uu kaalmo ugu raadsado arrimaha Soomaaliya. (Sawirka Eastandard)


Kibaki oo UAE kula kulmay Sheikh Khalif Bin Zayed Al Nahyan, Nov 21, 2011.
Somalia: Kibaki seeks support from Arab world

Somalia Would Accept AU-Backed Ethiopian Force

Warsaxaafadeed: Dowladda FKMG ee Soomaaliya oo ku dhawaaqday Guddiga Wadajirka ah ee Roadmap ka

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 22, 2011

Nov 18, 2011: Cabdulaahi Cabdi Yirid oo Shirkii London ku Tilmaamey Shirkii Hagardaamada Soomaaliya.

Nav 18, 2011: Safiirka Kenya ee Qaramada Midoobey oo Sheegey in Dhalinyaro u Dhalatey Mareykan oo Tiradoodu u dhaxeyso 700- 1000 ay ka Barbar Dagaalamayaan Xarakada Al-Shabaab

Nov 17, 2011: Maxamed Cumar Xabeeb ( Maxamed Dheere) Oo Soo Dhaweeyay Soo Gelitaanka Ciidamada Kenya ee Soomaaliya

Nov 17, 2011: Isbahaysiga Nabada Soomaaliyed (SPA) oo ku baaqay in Kenya iyo Al-Shabaaba loo aqoonsdado gumeysi cadow ku ah Qaranimada dalka

Nov 16, 2011: Sheikh Shariif oo gaarey Nairobi iyo Shacabka Kenya oo loo sheegay in Sheikh Shariif taageersan yahay hawlgalkooda Militari ee ay ka wadaan gudaha Soomaaliya

Nov 14, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay Gaartey Boqolkiiba 50% Ujeedadoodii ugu weynayd ee Hawlgalka Militari, taas oo ah in ay Samayso Aagga loo yaqaan buffer zone

Nov 14, 2011: Prof Xuseen Warasame “Dowlada Kenya waa ku Fashilantey Duulaankii Soomaaliya , Taakulo yar oo ay ka Heshana Israa’iil waxay ku Diri doontaa Muslimiinta”

Nov 13, 2011: Kenya oo Sheikh Shariif  degdeg ugu yeertay Nairobi si uu u caddeeyo in uu Taageersan yahay Hawlgalkooda Militari ee ay ku galeen Soomaaliya

Nov 11, 2011: Axmed Madoobe oo 10 Kiilo oo Aargoosato ah ku casumay Weriye reer Kenya oo waraysi ka qaaday

Nov 10, 2011: Maxaa ka soo baxay kulan Dhex marey Madaxweynaha Kenya Kibaki iyo Xubno ka socdey Soomaalida Waqooyi Bari.

Nov 7, 2011: Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee DFKMG Maxamed Cabdi Kaliil "Faarax Macalin wuxuu Huwan yahay Shaar ONLF ee Wax Azaaniya la yiraahdo ma jirto"

Nov 6, 2011: Ma Dhihi Karaa Dhamaan Dowladaha IGAD waxay Faregelin ku Sameeyeen Soomaaliya ?

Nov 5: 2011: Kalluumaysato reer Kenya ah oo Militariga Kenya ku laayeen doontii ay ku kalluumaysanayeen

Nov 5: 2011: Qaadka Quba - Ololaha Dhaqaale Kobcinta Soomaalida

Nov 4, 2011: Kenya oo Duqaynaysa Dameeraha ku sugan Soomaaliya

Nov 3, 2011: Sheikh Shariif oo Sheegay in uu yahay kan ugu Wanaagsan ee hoggaamin kara Soomaaliya kaddib 2012

Nov 2, 2011: Shariif Xasan iyo C/weli Gaas oo u dhoofay Xajka xilli Sheikh Shariif uu safar ugu maqan yahay Kampala

Nov 1, 2011: Heshiiskii Kampala Accord oo Ogolaanaya in Xukuumadda laga keeni karo Mooshin ka dhan ah haddii ay ku xad gudubto Axdiga FKMG

Oct 31, 2011: C/weli Gaas iyo Odinga oo ku heshiiyey 11 qodob oo ku saabsan Ciidamada Kenya ee Galay Soomaaliya

Oct 30, 2011: Kenya, Ethiopia iyo Faransiiska oo ku Muransan Cidda Loo Dhiibayo Xakunka Kismaayo haddii la Qabsado Kaddib

Oct 30, 2011: Diyaarado Dagaal oo Duqeeyey Xero Qaxooti oo ku taal Magaalada Jilib

Oct 30, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Gaarey Nairobi, xilli Sheikh Shariif weli ku adkaysanayo ka soo horjeedka Ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya

Oct 29, 2011: Mooshin ka Dhan ah Ra'iisul Wasaaraha DFKMG C/wali Gaas iyo Kenya oo loo Gudbiyey Golaha Baarlamaanka.

Oct 28, 2011: Kenya oo Sheegatay in ay Qabsadeen Magaalada Buurgaabo iyo Sheikh Shariif oo aan ka hadlin Sheegashada Kenya

Oct 27, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo ku celiyey Hadal ka soo horjeeda kii Madaxweynaha DFKM ku diidanaa Ciidamada Kenya

Oct 26, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Markii ugu horeysey qiray, soona dhaweeyey in Ciidamo Kenya galeen Soomaaliya, Arrintaas oo khilaafsan hadalkii Sheikh Shariif ku diidanaa Ciidamada soo galay Soomaaliya

Oct 25, 2011: Warbixin Dheer oo ku Saabsan Waxa Waqtigaan Keeney in Mugdi soo kala Dhexgalo Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Sida loo arko Hadalkii Shiikh Sharif

Oct 24, 2011: Kenya oo Sheegtay in ay DFKMG ka haysatey Qoraal u Ogolaanayey in Ciidamada Kenya galaan Gudaha Soomaaliya...

Oct 24, 2011: Madaxweynaha DFKMG oo ka soo horjeestey Faragelinta Kenya ee Gudaha Soomaaliya

Oct 24, 2011: Diyaarado Duqeeyey Kismaayo iyo Buur Gaabo iyo Maraakiib Dagaalka Faransiiska oo duqaysay magaalada Muday....

Oct 23, 2011: Sida loo arkey Soo Gelitaankii Ciidamada Meleteriga Kenya Qaybo ka mid ah Dhulka Soomaaliya

Oct 22, 2011: Ra'iisul Wasaaraha DFKMG oo Sheegay in uusan ka warqabin Ciidan Kenya oo soo galay gudaha Soomaaliya

October 21, 2011: Ra'iisul Wasaaraha Kenya oo Sheegay in Ciidamada Kenya Qabsadeen Raas Kambooni

Oct 20, 2011: Kenya oo Adeegsaneysa Erayadii Zenawi Adeegsadey markii Ciidamadiisu Weerareen Soomaaliya - Weerarka oo xilligaas ku wajahnaa kooxdii Sheikh Shariif Axmed....

Oct 19, 2011: Xisbiyada Mucaaradka Wadanka Kenya oo Dowladda Kenya uga Digey Faragelinta Milatari ay ku sameeyeen Soomaaliya

Oct 19, 2011: Dawladda Kenya Shacabkeeda u Xaqiijisay in Ciidankeedu 120 km Gudaha u Dhaafeen NFD, Kuna Muujisay Video...

Oct 18, 2011: Wasiirada Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga ee Kenya oo Muqdisho kulamo kula qaatey Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda FKMG

Oct 18, 2011: Ciidamada Kenya oo Maalintii Saddexaad ku jira Gudaha Soomaaliya iyo DFKMG oo Beenisey arrintaas

Video / Video

 


Qoraalladii Wareeggii hore ee Difaaca Badda Soomaaliya

BAARID | SEARCH


 Un Report Somalia

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: